caashaqnaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caashaqnaan
m.f.dh caashaqan. la-mid: cashaqnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caashaqnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax caashaqan ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caashaqsanaan
m.f.dh eeg caashaqsan. la-mid: caashaqsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caashaqsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) qof caashaqsan ahaan; qof jacayl qoto dheero helay noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caashaqan
f.mg4 (-qnaa, -qnayd) Ku c.: markab, baabuur, xolo iyo wixi lamida meel lagu caashaqay ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caashaqan
(tilmaame) doon ama markab deked ku xiran ahaan; la caashaqay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caashaqsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Qof, wax caashaq hayo ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caashaqsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Qof, wax caashaq hayo ahaansho. m.f.dh, caashaqsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caashaqsan
der. [adjective] be in love with, be attracted to
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caashaqsan
(tilmaame) qof caashaq hayo.
caashaqsan: (tilmaame) doonni ama markab, dekedda lagu soo xidhay ahaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caashaqsan
de: be in love with, be attracted to
lx: caashaqsan
pd: (caashaqsanaa)
ps: adj-der
key: caashaqsan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaashaanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) ahaanta wax gaashaaman.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caashaqnaansho
m.l/dh la-mid: caashaqnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faradhaqnaan
m.dh la-mid: faraxalnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaashaamnaan
m.f.dh eeg gaashaaman.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cashqaan
m. n. person in love
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cashqaan
de: person in love
lx: cashqaan
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: cashqaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caayanaan
m.f.dh eeg caayan. la-mid: caayanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cabsanaan
m.f.dh eeg cabsan. la-mid: cabsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) ahaanta wax sakhraansan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fasaqnaan
m.dh la-mid: fasakhnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gashanaan
m.f.dh eeg gashan. la-mid: gashanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gashanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) dhar iyo wixii la mid ah, ku labbisnaan oo xidhnaan. gashanaansho-ha: (magac, lab, keli) dhar iyo wixii la mid ah, ku labbisnaansho oo xidhnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aasaasnaan
m.dh la-mid: asaasnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caagganaan
(Caagganaan-ta)
Ku (wax ka) caaggan ahaan; wax ka reebbanaan; geyid la'aan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caagganaan
m.f.dh eeg caaggan. la-mid: caagganaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caagganaan
f. n., [abstract] abstention from a certain kind of food
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caagganaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax ka reebbanaan; wax ka caaggan ahaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caagganaan
de: abstention from a certain kind of food
lx: caagganaan
pd: (-ta)
ps: n2-f-abs
key: caagganaan
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
caagganaan
إمساك، امْتِنَاعٌ عَن بَعْضِ الْمَآكِلِ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caarranaan
(Caarranaan-ta)
Wax caarran ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caarranaan
m.f.dh eeg carran. la-mid: caarranaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caarranaan
f. n., [abstract] strength, vigor
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caarranaan
-ta: (magac, dhedig, keli) firfircoonaan iyo himmo hor leh u hayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caarranaan
de: strength, vigor
lx: caarranaan
pd: (-ta)
ps: n2-f-abs
key: caarranaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
callaqnaan
m.f.dh eeg callaqan². la-mid: callaqnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
callaqnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax callaqan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fashalnaan
m.f.dh eeg fashalan². la-mid: fashalnaansho, fashilnaan, fashilnaan-sho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fashalnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg fashalmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caashaqnimo
-da: (magac, dhedig, keli) caashaq ahaan; jacaylnimo. Wuxu isla garan la'yahay waa caashaqnimo. Dh: aashaqnimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaashanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mid subag marsaday ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madashanaan
m.dh la-mid: madalsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madashanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg madalsamaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
canshuurnaan
m.f.dh eeg canshuuran. la-mid: canshuurnaansho, cashuurnaan, cashuurnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
canshuurnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax canshuuran ahaan; cashuurnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciishaysnaan
m.f.dh eeg ciishaysan. la-mid: ciishaysnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciishaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) qof xumaan loo geystay oo ciillan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fashaqsanaan
m.f.dh eeg fashaqsan. la-mid: fashaqsanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaashaanqaad
(Gaashaanqaad-ka)
Qof gaarey da'dii uu gaashaanka qaadi lahaa oo duullaammada ka qayb geli lahaa; gaashaanxajis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaashaanqaad
m.l (-dyo, m.dh) Qof qaangaaray oo dagaal ka qaybgali karo. la-mid: gaashaanxajis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gaashaanqaad
m. n., [compound] young man of age to bear arms; military service
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gaashaanqaad
-ka: (n) a man who has reached full natural growth; mature (ma.tyuur) man; adult
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaashaanqaad
-ka: (magac, lab, keli) qof gaadhay da'dii uu ku dagaalgeli kari lahaa. Gaashaanqaad ma habaabo. Dh: hanaqaad, baaluq, muddakar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gaashaanqaad
cf: shaqada ciidanka
de: young man of age to bear arms; [ext.] military service
lx: gaashaanqaad
pd: (-ka)
ps: n2a-m-cmp
key: gaashaanqaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaansaarnaan
m.f.dh eeg jaansaaran. la-mid: jaansaarnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaansaarnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) kab la jaansaaray oo la karkaray ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rabshaysnaan
m.f.dh eeg rabshaysan. la-mid: rabshaysnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rabshaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax xiisad iyo fidno ku jira ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saarsaarnaan
m.f.dh eeg saarsaaran. la-mid: saarsaarnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saarsaarnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax saarsaaran ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
candhasaabnaan
m.f.dh eeg candhasaaban. la-mid: candhasaabnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naashnaashnaan
m.dh la-mid: nashnaashnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaashsaarnaan
m.f.dh eeg shaashsaaran. la-mid: shaashsaarnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aawanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) xaalad joogta oo xilligaa ifafaalaheega la dareemayo ahaan. In dhowaydba gabaygii ma tirin aawanaan jiraye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aslanaan
m.f.dh eeg aslan². la-mid: aslanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aslanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) weel asal lagu suubbiyay ahaan; mid aslan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baahnaan
m.f.dh eeg baahan. la-mid: baahnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baahnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) qabitaanka baahida ama haqab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caashaqo
f.g3 (-qday, -qatay) Ku c.: markab, baabuur, xoolo iyo wixi lamida meel ku abbaarasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caashaqo
v. anchor, secure, fasten something securely to something else
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caashaqo
-da: (magac, dhedig, keli) 'doon ama markab' deked kusoo xiro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caashaqo
de: anchor, secure, fasten s.t. securely to s.t. else
lx: caashaqo
pd: (caashaqday)
ps: v3b=tr
key: caashaqo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carshaan
m.dh.w eeg cariish.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
carshaan
f. n., pl. permanent mud huts
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
carshaan
-ta: (n) [Pl. of cariish-ka] huts (hatis); sheds (shedhis); dwellings made of tree branches
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carshaan
-ta: (magac, dhedig, wadar) guryo qoryo iyo dhoobo ka samaysan; cariish.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
carshaan
bw: Arabic
de: permanent mud huts
lx: carshaan
pd: (-ta Sg: cariish)
ps: n8-f-pl
key: carshaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cawanaan
m.f.dh eeg cawan. la-mid: cawanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daahnaan
(Daahnaan-ta)
Daah lahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daahnaan
dąahnaan: m.f.dh eeg dąahan. la-mid: dąahnaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daahnaan
f. n., [abstract] state of being curtained ~ screened; not knowing, being in the dark
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daahnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) ahaansha wax aan muuqan ahaan. Daahnaan arrin kuma hagaago. Dh: qarsoonaan, dahsoonaan.
daahnaan -ta: (magac, dhedig, keli) wax daah ku xiranyahay ahaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daahnaan
de: state of being curtained ~ screened; [fig.] not knowing, being in the dark
lx: daahnaan
pd: (-ta)
ps: n-f-abs
key: daahnaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaqnaan
m.f.dh eeg dhaqan³. la-mid: dhaqnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaqnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mid dhaqaale qaba ahaan. Dh: dhaqnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaashaan
(Gaashaan-ka)
Qalab lagu dagaallamo oo wareegsan: wuxuu ka samaysan yahay bir ama harag adag ama wax kale, oo inta gacanta lagu qabsado, riddada iyo nabarrada tuuryada ah laysaga dhigo oo lagaga gabbado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaashaan
m.l (-nno/-ammo, m.dh) Qalab bir ama harag adag ah, oo looga gabbado riddada warmaha, fallaaraha iyo wixi lamida.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gaashaan
m.l (-nno/-ammo, m.dh) Qalab bir ama harag adag ah, oo looga gabbado riddada warmaha, fallaaraha iyo wixi lamida.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gaashaan
v. shield, defend
gaashaan m. n. shield; full-back (football)
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Gaashaan
nickname; name-m shield, defense. Cf: Harti
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gaashaan
-ka: (n) shield (shiildh), armor (aar mar), also armour, bulwark (buulweerk)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Gaashaan
magaca wiil lagu metalay gaashaan oo ah wax hubka la iska dhigo. Waxa loola jeedaa in uu noqdo geesi aan dhiniciisa cadaw ka soo dhacin. Waxa kale oo ay hooyadu u bixisaa wiil ay kaga gaashaamatay in reerkeega la dhaxalwareejiyo ka dib kolkii uu saygeegii geeriyooday wiilal hore na aanay lahayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaashaan
-ka: (magac, lab, keli) qalab wareegsan oo warmaha, leebabka iyo dhagaxda la iskaga dhigo oo bir ama saan adag ka samaysan oo dhexda ku leh meel gacanta la geliyo oo la qabsado.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Gaashaan
Qalabka muraayadaha aragtida gudbiya leh ee lagaga gaashaanto iftiinka indhadaraandarka ah ee wax alxamidda ka dhasha.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laaqnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax la isku daray ahaan. Dh: walaaqnaan, qasnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saaqnaan
m.f.dh eeg saaqan². la-mid: saaqnaansho, saaqsanaan, saaqsanaan-sho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saaqnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax saaqan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aaddanaan
(Aaddanaan-ta)
Ku abbaarnaan; toosnaan; ekaan; beegnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aaddanaan
m.f.dh eeg aaddan³. la-mid: aaddanaansho.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Aaddanaan
Correspondence