caarodhuub
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caarodhuub
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg caaradhuub.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caaradhuub
-ta: (magacwadareed) xabbadda qoryaha laga rido ee wax lagu dilo. Dh: rasaas.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caarad-dhuub
m.l (-byo, m.dh) 1. Wax kasta oo af fiiqan leh. 2. Nooc warmaha ka mid ah oo af fiiqan leh. 3. Nooc ka mid rasaasta oo af fiiqan leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caarad-dhuub
m. n., [compound] item with a long pointed tip (spear, needle); upper part, top, summit
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
CAANO-DHUUQ
(Ano-dug) N Orthosiphon somalensis Vatke. Labiatae.
S, C Cenchrus ciliaris L. Gramineae.
S Chloris virgata SW. Gramineae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daardhuuq
(Daardhuuq-a)
Dheef ama wax kale oo waxtara oo yar oo aan la wada ogeyn oo qof gaar ahaan u qabo ama ugu qarsoon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daardhuuq
m.l (-qyo, m.dh) Dheef ama waxtar kale oo yar oon la ogeyn oo qof haysta.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daardhuuq
m. n., [compound] portion (of food, etc.) secretly kept back for oneself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daardhuuq
-da: (magac, dhedig, keli) dheef aan waxtar badan lahayn oo qof si gaar ah u qabo. Dh: shuuqsi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daardhuuq
de: portion (of food, etc.) secretly kept back for oneself
lx: daardhuuq
pd: (-a)
ps: n2a-m-cmp
key: daardhuuq
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DHAAY-DHUUB
(Dai-dup) S,C Erythrochlamys spectabilis Guerke. Labiatae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afdhuub
m.l (-bab/-byo, m.l) Labada tiir ee aqal irriddiisa ku mudan midkood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garduub
m.l.u Mayrada halka ay ka baxdo buruq macaan oo ku jirta oo la cuno.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadhuub
-ka: (magac, lab, keli) gorof geedaha badhkood laga qoro oo caanaha lagu listo; weel caanaha lagu maalo. Dh: bire, gorof, gaawe, doobi, bidhe, haruub.
hadhuub -ka: (magac, keli) haan iyo wixii la mid ah, weelka afkooda lagu aabudho ama lagu daboolo.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
laadhuu
-da: (n) dice (dhaays)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laadhuu
-ga: (magac, lab, keli) ciyaar lagu dheelo laf yar oo siddeed gees ah oo dhinacyadeeda siman ay mid walba tiro dhibco ahi ku taal. Dh: laandhuu.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caanoqub
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg caanaqub. caanotire -ha: (magac, lab, keli) eeg caanamadhame.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
candhuuf
candhuuf¹: m.dh Hoore layig ah, aan midab lahayn, qanjirrada afka nafleyda ka yimaada oo liqidda cuntada fududeeysa. la-mid: candhuufo.
candhuuf²: m.dh (c. nafl.) Dareere biyo oo kale ah ay qanjidho candhuufeedku ku dhiiqiiyaan afka. Soo saarida candhuufta waxa nashaadiya cuntada afka ku jirta iyo urta ama ku fekerka cuntada.
candhuuf³: f.mg1 (-fay, -ftay) Ku c.: cid candhuuf ku tufid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
candhuuf
candhuuf¹: m.dh Hoore layig ah, aan midab lahayn, qanjirrada afka nafleyda ka yimaada oo liqidda cuntada fududeeysa. la-mid: candhuufo.
candhuuf²: m.dh (c. nafl.) Dareere biyo oo kale ah ay qanjidho candhuufeedku ku dhiiqiiyaan afka. Soo saarida candhuufta waxa nashaadiya cuntada afka ku jirta iyo urta ama ku fekerka cuntada. m.f.dh, candhuufid.
candhuuf³: f.mg1 (-fay, -ftay) Ku c.: cid candhuuf ku tufid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
candhuuf
f. n., (mass n.): saliva
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
candhuuf
-ta: (n) saliva (salaay-va); spit (ispiit)-, spittle (ispe-tal) ~ calyo, candhuufo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
candhuuf
-ta: (magac, dhedig, keli) dhareer iyo qoyaan muhiim ah oo si dabiici ah qanjidhada afku u sameeyaan; biyabiyood layiig ah oo qanjidhada calyada ka yimaada. Dh: candhuufo, qandhuuf.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
candhuuf
a: candhuufo
de: saliva, spittle
lx: candhuuf
pd: (-ta)
ps: n1-f-mass
key: candhuuf
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
candhuuf
بصاق، بُراق
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Caynduub
Dugaagad ku jirta madaxa baanadaha qaarkood ee gudaha ku leh girgirro maroorsan oo libiqa ku dul wareega.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Faraduub
Coercizione
Coercition
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faraduub
-ka: (magac, lab, keli) faraha oo inta meel la isugu keeno, loo diyaarsho in ay wax ku dhacaan ama iska caabbiyaan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caadoguur
-ka: (n) menopause (men-a-poos) ~ dhalmo-deys
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caanashub
-ka: (magac, lab, keli) kolka qof madaxnimo loo caleemo saarayo oo caano dusha lagaga shubo iyada oo la naawilayo in uu noqdo mid barwaaqo horseeda. Dh: caleemasaar. Li: casilaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caaradqab
-ka: (magac, lab, keli) caws sidii uu u baxay aan la daaqin. Dh: afqab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carroguur
m.l (jooloji) Rifanka ama lumista carrada sare, inta badanna waxa sababa falka dabaysha iyo roobka. la-mid: carragguur.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
carroguur
m.l (jool.) Rifanka ama lumista carrada sare, inta badanna waxa sababa falka dabaysha iyo roobka. la-mid: carragguur.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Carroguur
Erosion
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carroguur
-ka: (magac, lab, keli) carratiranka ku dhacda oogada dhulka.
carroguur-ka: (magac, lab, keli) tirtiranka carrasanta ay dhirtu ku baxdo,
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciirdhuuq
-a: (magac, lab, keli) ninka qorqodaha ah ee illaa dhiisha sodohdu caanaha ku lulayso ka daarta.
ciirdhuuq-a: (magac, lab, keli) ubax yar oo dhuuban oo madaxa cuf ku leh oo tigaadda badhkeed ka baxa oo inta ay caruurtu ciirta dhex galiso ku dhuuqdo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabadhuub
-ka: (magac, lab, keli) qof aan dhaqanka iyo diinta midna qaddarin. Dh: kabacad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faradduub
m.l Khasab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baarashuud
m.l (-dyo, m.dh) Dallad weyn, maro ka samaysan oo diyaaradaha looga soo boodo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baarashuud
m.l (-dyo, m.dh) Dallad weyn, maro ka samaysan oo diyaaradaha looga soo boodo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baarashuud
m. n. parachute
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baarashuud
-ka: (n) parachute (paarashuut) dallaayad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baarashuud
-ka: (magac, lab, keli) dallad, maro ama wax la mid ah ka samaysan oo cirka diyaaradaha lagaga soo boodo. Dh: baalashuud.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baarashuud
de: parachute
lx: baarashuud
pd: (-ka)
ps: n2-m
syn: dallad {Eng}
key: baarashuud
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caanonnuug
m.l/dh (-yo, m.dh) Ubad xoolaad oo weli nuuga hooyadii. la-mid: caanannuug.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caanonnuug
m.l/dh (-yo, m.dh) Ubad xoolaad oo weli nuuga hooyadii. la-mid: caanannuug.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Carro guur
Soil erosion
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
CIIR-DHUUQ
(Ir-dug) S, C Cenchrus biflorus Roxb. Gramineae.
C, S Cenchrus ciliaris L. Gramineae.
N Cenchrus pennisetiformis Steud. Gramineae.
N Pennisetum massaicum Stapf. Gramineae.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BARAAR-DHUUQ
(Barar-dug) S Cassia fallacina Chiov. Caesalpinaceae.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BAARO-QURUN
(Bara-gurun) N Vepris glomerata (F.Hoffm.) Engl. Rutaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caadoxanuun
m.l Caadada dumarka oo la timaadda dhib iyo xanuun.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
CAANO-DHIGE
(Ana-diche) N Lantana petitiana Rich. Verbenaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caaradhaban
-ka: (magac, dhedig, keli) eeg carcar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caddadhuuni
m.dh Shimbir yar garbaha ka madow, baalashana midab dahabi ah ku leh; dahabo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caloolduubo
f.mg3 (-btay, -batay) Ka c.: wax ka rajo dhigid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caloolduubo
f.mg3 (-btay, -batay) Ka c.: wax ka rajo dhigid. m.f.dh, calooldubasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caloolduubo
v., [compound] quit, give up, forget about, reject
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caloolduubo
(fal) «ka ~» ka quuso, ka samir.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caloolduubo
de: quit, give up, forget about, reject
lx: caloolduubo
pd: (caloolduubtay)
ps: v3b=cmp
key: caloolduubo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
camandhuuji
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: camajuuji.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kansardhuux
-a: (magac, lab, keli) cudur ay sababaan unugyada dhiigga ee cad cad markay aad u bataan. Cudurkani dhiig yari ayuu keena beeryaraduna way ballaadhataan. Noocyada kala duwan ee unugyada dhiigga cadcadi markay bataan, waxay jidhka ku ridaan noocyo kala duwan oo kansarka dhuuxa ah. Cudurkani wuxuu keeni karaa dhimasho.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
WAXARO-GUUL
(Waharo-gul) N Cussonia holstii Engl. Araliaceae.