caaro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caaro
(Caara-da)
1. Cayayaan siddeed lugood leh: waxay samaysataa debin shabag ah (saabcaaro, xuubcaaro) oo bahallada yaryari ugu dhacaan.
2. Cuncun oogada laga dareemo oo barar iyo xajiin leh; cadanyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caaro
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Cayayaan siddeed lugood leh, samaysta dabin shabaq ah oo bahallada yaryari ugu dhacaan. 2. Cuncun oogada laga dareemo oo barar leh; cadanyo; xajiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caaro
f. n. spider; skin rash, allergy, allergic reaction
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caaro
-caarada: (n) [Pl. caarooyin-ka] spider (ispaay-dhar)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caaro
-da: (magac, dhedig, keli) cayayaan yaryar oo inta badan madax yar iyo qarqar danbe oo buuran iyo lugo dhaadheer leh; waxa uu samaystaa xuub ama shabag uu bahalaha yaryar ku qabsado.
caaro -da: (magac, dhedig, keli) afka dhuuban ee waranka, irbadda iyo wixii la mid ah oo wax muda. Caarada hore ee waranka ayaa i mudday.
caaro -da: (magac, dhedig, keli) cuncun oogada laga dareemo oo barar iyo xajiin leh. Dh: cadanyo, caarood.
caaro -da: (magac, dhedig, keli) sararta malabka ee xuubka ku jirta.
caaro -da: (magac, dhedig, keli) shay labadiisa cidhif midkood. Dh: cidhif
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caaro
de: spider; [fig.] skin rash, allergy, allergic reaction
lx: caaro
pd: (/da)
ps: n6-f
key: caaro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caaroo
f.mg3 (-ooday, -ootay) la-mid: caarow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caaroo
(fal) cadanyoo oo cuncun yeelo; xajiimood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caarow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Caaro dareemid (dad ama xoolo). la-mid: caaroo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caarow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Caaro dareemid (dad ama xoolo). m.f.dh, caaroobid. la-mid: caaroo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caarow
(fal) cadanyoo oo xajiin iyo cuncun dareen.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caaryo
(Caarya-da)
Wax cad oo dhogor la moodo oo sida likaha uga soo kor fufa alaabada, kd., siiba wixii ku sugan meelaha qoyan ama dheelku ku dhaco.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caaryo
m.dh Uskag caddaan xigeen ah oo weel, dhar iyo wixi lamida yeeshaan marka ay muddo meel ku huursanaadaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caaryo
m.dh Uskag caddaan xigeen ah oo weel, dhar iyo wixi lamida yeeshaan marka ay muddo meel ku huursanaadaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caaryo
f. n., [collective] mold, mildew, algae; mud, dirt
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caaryo
-caaryada: (n) fungus (fangas); smut (ismaat); mold (mooldh); mildew (mil-duu)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caaryo
-da: (magac, dhedig, keli) qaajeer cad oo uu uskaggu jidhka ku reebo kolka uu qofku dhidido ama qoyaan taabto.
caaryo -da: (magac, dhedig, keli) wax dhogor la moodo oo cad oo wixii meel ku raaga saarma, siiba wixii qoyan ee huura ama dheelku ku dhaco. Cuntadii bakhaarka ku raagtay caaryo ayaa fuushay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caaryo
de: mold, mildew, algae; mud, dirt
lx: caaryo
pd: (/da)
ps: n0-f-col
key: caaryo
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Casaro
name-flate afternoon; afternoon prayer; lit: she who is born at late afternoon during the afternoon prayer time. Syn: Casayr
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Casaro
magac loo baxsho gabdh dhalatay xilliga casarka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cawaro
-da: (magac, dhedig, keli) indho kala jeeda oo la moodo in meel qudha ayna eegayn. Dh: ashqaro, weershe.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caar
(Caar-ka)
1. Midab baraqshirix leh.
2. Xubinta awrtu ka kaadido.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caar
caar: m.l 1. Midab baraashirix ah oo lo'da ariga iyo farduhu yeeshaan. 2. Cudur haragga dadka ku dhaca oo baro cadcad u yeela; qawad.
cąar: m.l (-rar, m.l) Xubinta taranka ee ratiga.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caar
caar: m.l 1. Midab baraashirix ah oo lo'da ariga iyo farduhu yeeshaan. 2. Cudur haragga dadka ku dhaca oo baro cadcad u yeela; qawad.
cąar: m.l (-rar, m.l) Xubinta taranka ee ratiga.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caar
m. n. camel's penis
caar m. n., [abstract] spotted color pattern on livestock (gray ~ black); speckled
caar v. overflow (of river ~ sea)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caar
-ka: (n) the penis of a male animal organism other than a human being, especially male camel or bull (buul) ~ caad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caar
-ka: (magac, lab, keli) eeg caadh.
caar -ka: (magac, lab, keli) midab madow iyo caddaan iskugu jira oo lo'da iyo riyuhu leeyihiin.
caar-ka: (magac, lab, keli) dhedigga intooda aanu qofku geyin oo ay caydoodu qabato.
caar -ka: (magac, lab, keli), cudur haraga dadka ku dhaca oo baro cadcad u yeela. Dh: qadaw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caro
(Cara-da)
Si la noqdo oo lala kululaado, cay ama aflaggaaddo ama waxyeello ama xumato kale oo lays taartay darteed; xanaaq; dhirif; umal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caro
caro¹: m.dh Dareen qofka ku dhasha oo shucuurtiisa kiciya marka xumaan ama qadaf lagu sameeyo.
caro²: f.mg3 (-rtay, -ratay) Caro gelid; xanaaqid; camashood.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caro
caro¹: m.dh Dareen qofka ku dhasha oo shucuurtiisa kiciya marka xumaan ama qadaf lagu sameeyo.
caro²: f.mg3 (-rtay, -ratay) Caro gelid; xanaaqid; camashood. m.f.dh, carasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caro
f. n., [collective] anger, malice, irritation
caro v. destroy things in frustration
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caro
carada: (n) anger (ang-ger)-, rage (reeyj); fury (fiyuuri)-, wrath (raath); indignation (in-dhig-neey-shin) ~ xanaaq, cadho
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Caro
Rabbia
Anger
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
caro
agg. - gacaliye; qaali.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caro
(fal) (ku ~) ciil dartii, wax u baabi'i; ku cartan; ku cadho burbur.
caro -da: (magac, dhedig, keli) eeg cadho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baaro
baaro¹: m.dh Wasakh midab cad leh oo ka dhalata marka aan la nadiifin xubnaha taraanka dadka aan la gudin.
baaro²: f.g3 (-rtay, -ratay) Wax qarsoon, raadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bąaro
f.mg3 (-rtay, -ratay) 1. Xoolo naftu ka baxayso rafasho. 2. Ku b.: wax burburin ama baabbi'in. Tusaale: “Beertii dibi qooqan baa ku baartay”.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baaro
bąaro: f.mg3 (-rtay, -ratay) 1. Xoolo naftu ka baxayso rafasho. 2. Ku b.: wax burburin ama baabbi'in. Tusaale: Beertii dibi qooqan baa ku baartay. m.f.dh, bąarasho.
baaro¹: m.dh Wasakh midab cad leh oo ka dhalata marka aan la nadiifin xubnaha taraanka dadka aan la gudin.
baaro²: f.g3 (-rtay, -ratay) Wax qarsoon, raadin. m.f.dh, baarasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baaro
v. inspect, search, examine for oneself
baaro v. be restless (due to pain ~ anger), writhe, twist about
baaro [feminine] n. smegma, white substance by sexual organs
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BAARO
(Baro) N Teclea nobilis Del. Rutaceae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baaro
-baarada: (n) smegma (ismegma) ~ dooro
baaro -baartay/baaratay: (v) seek (siik); search for yourself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaro
(fal) iskaa u doondoono; iskaa u daydayo wax aad rabto inaad hesho. Baaro oo wixii ku cajibiya ka qaado dukaanka. Dh: baadho.
baaro: (fal) 'geel' jiif ku galgalo; ku rafo oo faadhumayso. Hashii rimmanayd gelgelintay baaranaysaa. Dh: galgalo, isrogrog.
baaro -da: (magac, dhedig, keli) cadka yar ee wiilasha buuryadooda laga jaro marka la gudayo. Baarada wiilka well lagama jarin oo lama xalaalayn. Dh: ballanji, hanjaf.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caado
(Caada-da)
1. Waxyaalo la falay oo lagu noqnoqday oo loo bartay oo dabadeed wax lagu dhaqmo oo aan la goyn karin noqday; dhaqan; xeer (aan qornayn).
2. Xayl, dhibaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caado
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Fal bulsho joogteysato kuna dhaqanto. 2. Fal qof si joogta ah ugu dhaqmo. 3. Dhiig ka yimaada haweenka bishiiba hal mar; dhibaad; xiso; xayl.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caado
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Fal bulsho joogteysato kuna dhaqanto. 2. Fal qof si joogta ah ugu dhaqmo. 3. Dhiig ka yimaada haweenka bishiiba hal mar; dhibaad; xiso; xayl.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caado
f. n. custom, tradition, way, character, habit
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caado
-caadada: (n) [Pl. caadooyin-ka] 1. tradition (tra-di-shin) custom (kas-tam)-, folklore (fok-loor), culture (kal-jar) ~ dhaqan, hiddo. 2. behavior (be-heeyv-yar)-, character (kar-ak-ter); habit (habit) ~ dabeecad, baxaalli
caado -da: (n) menstruation (menis-tureey-shin); period (piir-i-ood); menses (men-siis) ~ xaylka dumarka; dhiigga haweenka
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caado
-da: (magac, dhedig, keli) wax muddo dheer lagu soo dhaqnaa oo tixgelin iyo qaddarin mudan. Caado la gooyaa cadho Allay leedahay.
caado -da: (magac, dhedig, keli) dhiig dumarka ka yimaada xubinta taranka, bishii ba mar. Waxa uu ka socdaa muddo toddobaad lagu qiyaaso oo ay cibaadooyinka badhkood ka reebban yihiin. Dh: ciso, xayd, dhibaad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caado
de: custom, tradition, way, character, habit
lx: caado
pd: (/da)
ps: n6-f
xe: I don't like her way of doing things.
xv: Caadadeeda ma jecli.
key: caado
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
caado
عادَة، حَيْض
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caamo
(Caama-da)
Inta aan cilmiga lahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caamo
m.dh.u 1. Dad aan wax qori karin waxna akhrin karin. 2. Qof muslin ah oo diinta Islaanka aqoon badan u lahayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caamo
m.dh.u 1. Dad aan wax qori karin waxna akhrin karin. 2. Qof Muslin ah oo diinta Islaanka aqoon badan u lahayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caamo
f. n., [collective] illiterate; people uneducated in the Islamic law
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caamo
-caamada: (n) people who are non-professional especially in Islamic law; laymen (ley-miin); amateurs (ami-juris)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caamo
-da: (magacwadareed) dadka aan aqoonta lahayn; inta aan qoraalka iyo akhriska aqoon. Aqoon xumada waxaa kuugu wacan caamadaad tahaye. Dh: jaahil, badow. Li: culimo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caamo
de: illiterate; people uneducated in the Islamic law
lx: caamo
pd: (/da)
ps: n0-f-col
key: caamo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caano
(Caana-ha)
1. Wax cad oo shubma oo ka yimaada naasaleyda dheddig naasohooda oo dhashoodu nuugto oo ku noolaato.
2. Wixii kaloo u eg, sida dhirta qaarkeed dhacaanka cad oo ka yimaada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caano
m.l.w 1. Hoore cad, nafaqo leh, la dhammo oo naasleyda dheddig ee irmaan ibaheeda ka yimaadda. 2. Dhacaan cad, layiig ah oo dhirta qaarkeed ka yimaadda marka la turqo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caano
m.l.w 1. Hoore cad, nafaqo leh, la dhammo oo naasleyda dheddig ee irmaan ibaheeda ka yimaadda. 2. Dhacaan cad, layiig ah oo dhirta qaarkeed ka yimaadda marka la turqo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caano
m. n., (mass n.): milk
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caano
-caanaha: (n) milk (milk)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Caano
Latte
Milk
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caano
-ha: (magac, lab, keli) dareeraha cad ee naasleyda oo dhan naasaha ka yimaadda marka ay dhalaan, si ilmuhu u nuugo. Hooyo caano i sii, horta reerku ha dego.
caano-ha: (magac, lab, keli) wax kasta oo dareere ah oo midabka caanaha leh, sida dheecaanka cad ee ka yimaadda dhirta qaarkeed. Dh: cananno.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caano
de: milk
lx: caano
pd: (/ha)
ps: n6-m-mass
xe: cow's milk
xv: caano lo'aad
key: caano
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
caano
حَلِيبٍ، لَبَنٌ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caari
(Caari-da)
(bad; kd.) dib u noqosho; xagga xeebta ka durkid; (ama caarid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caari
caari¹: m.dh Marka biyaha badda dib berriga uga noqdaan. la-mid: caarid.
caari²: f.mg1/2 (-ryay, -riday/risay; -ryi) Biyaha badda, berriga dib uga noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caari
f.mg1/2 (-ryay, -riday/risay; -ryi) Biyaha badda, berriga dib uga noqosho. m.f.dh, caaryid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caari
f. n. low tide, ebb tide
caari v. ebb; recede (of water)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caari
-day / yey: (v) waters ebbing at low tide; ebb (eb); recede (ri-siidh); retrograde (ret-ra-grayd)
caari: -ga: (n) low water; low tide; ebb tide
soo caariyey / soo caarisay: (v) driven ashore by the tide
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caari
(fal) «doon», xagga xeebta u durug.
caari: (fal) «bad», xagga xeebta ka durug.
caari -ga: (magac, lab, keli) ka durkidda ay baddu xeebta ka durugto oo ay berriga ka fogaato, Caariga baddu, shan iyo tobanna waa habeen, shan iyo tonbanna waa dharaar. Dh: caaryid.
caari -ga: (magac, lab, keli) xaaxiga badda oo doonida dhanka xeebta u soo riixa; doonida oo uu xaaxigu berriga u soo qaado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caato
(Caata-da)
1. Aan hilib iyo baruur lahayn; weyd; xayeesi.
2. Daal, noog.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caato
m.dh 1. Caataysnaanshada. 2. C. ah: nafley hilibka iyo baruurta jirkiisu yaryartahay. 3. Hilib aan dux lahayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caato
m.dh 1. Caataysnaanshada. 2. C. ah: nafley hilibka iyo baruurta jirkiisu yaryartahay. 3. Hilib aan dux lahayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caato
f. n. thin person, slim man, skinny one
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Caato
nickname-m thin, slim, skinny
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caato
-ah: (adj) lean or slender in form; skinny (skint); thin (thin); slim (islim) ~ xayaysi, caataysan. Ex: wiil caato ah; a thin boy
caato -caatada: (n) thinness; leanness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caato
-da: (magac, dhedig, keli) daalka iyo rafaadka qofku ka qaado socodka iyo shaqada badan.
caato: (tilmaame) aan hilib iyo baruur lahayn. Dh: weyd. Li: shilis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caato
cf: macaluul
de: thin person, slim man, skinny one
lx: caato
pd: (/da)
ps: n6-f
key: caato
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
caato
نحيل
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
capro
s.m. - orgi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Carro
(Carra-da)
Ciidda dhulka; dal; cammuud.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carro
m.dh 1. la-mid: ciid (1). 2. la-mid: carri. Dhul; dal; waddan. 3. Ciid cusbo leh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
carro
m.dh 1. la-mid: ciid (1). 2. la-mid: carri. Dhul; dal; waddan. 3. Ciid cusbo leh.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Carro
Soil
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
carro
f. n., (mass n.): dirt, soil, earth
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Carro
nickname; name-f Sandy; challenger, darer, warner
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
carro
-da: (n) 1. sand (saandh) soil (sooyel); dirt (dheert) ~ ciid. 2. country (kaan-tari) ~ dhul
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Carro
Sabbia
Sand
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
carro
s.m. - gaari; taangi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carro
-da: (magac, dhedig, keli) lakabka yar ee ugu sarreya oogada dhulka ee xididdada dhirtu na ka baxaan kana helaan quudka ay u baan yihiin.
carro -da: (magac, dhedig, keli) ciidda dhulka Ilaahy ku goglay. Dh: cammuud.
carro -da: (magac, dhedig, keli) dhul ballaadhan oo dal, gobol, qaarad iyo wixii mla mid ah. Dh: carri.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
carro
de: dirt, soil, earth
lx: carro
pd: (/da)
ps: n6-f-mass
key: carro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cawro
(Cawra-da)
Oogada dadka inta la qarsho; foolxumo; ceeb.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cawro
cawro: m.dh Oogada dadka inta la qarsho; foolxuumo; ceeb.
cąwro: m.dh 1. Inkaar. 2. Il, cawri. 3. Xin, kuuni, xasdi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cawro
cawro: m.dh Oogada dadka inta la qarsho; foolxuumo; ceeb.
cąwro: m.dh 1. Inkaar. 2. Il, cawri. 3. Xin, kuuni, xasdi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cawro
f. n. parts of body that are hidden, private parts; ugliness; dishonor, shame
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cawro
-cawrada: (n) 1. the external organs of sex; private parts. Ex: cawradaada qarso; cover your private parts. 2. defect (dii-fakt)-, deficiency (di-fishansi)
cawro u yeel: (v) inflict damage; disfigure (dis-figer)-, blemish (baleemish)-, mar (maar) ~ cilladee, cillee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cawro
-da: (magac, dhedig, keli) meelaha ka mid ka ah jidhka ee ay tahay in la asturo, rag iyo dumarba.
cawro -da: (magac, dhedig, keli) masiibo; ibtilo.