caaqibay
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caaqibay
(fal) cid kale, caaqibo u gal; wax u tar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caaqibayn
(Caaqibayn-ta)
Caaqibo u gelid; waxtarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caaqibayn
m.f.dh eeg caaqibee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caaqibayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, wax u tarid, caaqibo u gelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caaqibays
-ka: (magac, lab,, keli) eeg caaqibayn.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Caaqib
name-m usefulness, goodness; fate, destiny. Syn: Caaqibo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caaqibo
(Caaqiba-da)
1. Wanaag; waxtar.
2. Cirib; ciribdanbeed, aayatiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caaqibo
m.dh 1. Cirib dambeedka qof leeyahey, aayatiin. 2. Waxtar iyo wanaag.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caaqibo
f. n., [abstract] usefulness, goodness; fate, destiny
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Caaqibo
name-fusefulness, goodness; fate, destiny. Syn: Caaqib
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caaqibo
-caaqibada: (n) 1. something having a beneficial use (yuus). 2. hope (howp) Ex: caaqibo ma laha; she or he has no hope. 3. fate (feyt); destiny, kismet, lot, portion
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caaqibo
-da: (magac, dhedig, keli) waxtar iyo aayatiin deeraad ah. Dh: samafal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caaqibo
de: usefulness, goodness; fate, destiny
lx: caaqibo
pd: (/da)
ps: n6-f-abs
key: caaqibo
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Caaqila
name-f wife, spouse; the best of the pick
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caadiyay
(fal) joogtee; wax aad fasho, samayntiisa joogtee oo ha ka tegin. Caadiyay si aad u dhamayso hawsha. Dh: joogtee, caadiyee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caaqibee
f.g2 (-beeyay, -baysay) Wax caaqibo u yeelid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caaqibee
v. assist, help (out)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caaqibee
(fal) caaqibo u gal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caaqibee
de: assist, help (out)
lx: caaqibee
pd: (caaqibeeyey)
ps: v2b=
syn: itataabee
key: caaqibee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caaqilad
m.dh (-dyo, m.dh) Naag caqli badan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caadiyayn
-ta: (magac, dhedig, keli) joogtaynta wax aad samayn jirtay. Caadiyayn ayuu ku dhameeyay hawsha. Dh: joogtayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caadiyays
-ka: (magac, lab, dhedig) eeg caadiyayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caaqibaxumi
m.dh la-mid: caaqibaxumo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caaqibaxumi
-da: (magac, dhedig, keli) aayatiin la'aan; caaqibaxumo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caaqibaxumo
m.dh Xaalad aan aayatiinkeedu wanaagsanayn. la-mid: caaqibaxumi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caaqibaxumo
m.dh Xaalad aan aayatiinkeedu wanaagsanayn. la-mid: caaqibaxumi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caaqibaxumo
f. n., [compound] bad ending, negative outcome
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caaqibaxumo
-da: (magac, dhedig, keli) mustaq- balxumo; cidhibxumo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caaqibaxumo
a: caaqiboxumi
de: bad ending, negative outcome
lx: caaqibaxumo
pd: (/da)
ps: n-f-cmp
key: caaqibaxumo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aabay
(fal) arrin ama talo curi; arrin hindis oo taabbage-lintiisa qorshee. Talaan aabay lahaa, tusmaan gaadhsii lahaa, tilmaan abid baan lahaa. Dh: astay, aabee, qorshay, dheego.
aabay: (fal) wax u aabbayeel; tixgeli oo aabbee. Aabay waalidkaaga ajar baa ku jiree. Dh: aabee, aabbayeel.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aaqibo
-da: (magac, dhedig, keli) wanaagga iyo waxtarka ee la iskaga aayayo. Qof kasta waxa lagu qaddariyaa aaqibada uu dadka ka danbeeya uga tego. Dh: aaqiibo, caaqiibo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caabaq
caabaq¹: m.l la-mid: caabuq¹.
caabaq²: f.g1 (-qay, -qday) la-mid: caabuq³.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caabaq
m. n. infection, swelling
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caabaq
(fal) barar oo hoosta ka bug.
caabaq -a: (magac, lab, keli) awr awrta iyo dadkaba cuna oo qabasho ba'an oo dhiggiisa halis geliya. Dh: halis, marabbi, caabuq
caabaq-a: (magac, lab, keli) eeg caabaqid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caabaq
bw: caabuq
de: infection, swelling
lx: caabaq
nt: caabaq [v1=inch]
pd: (-a)
ps: n2a-m
key: caabaq
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caaday
(fal) cir, caad yeelo.
caaday: (fal) caad u yeel.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caanay
(fal) cunto, shaah iyo wixii la mid ah, caano ku dar. Carruurta garawga u caanay. Dh: caanee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caaqil
(Caaqil-ka)
1. Caqli badan leh; waxgarad.
2. Waayeel, duq, madax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caaqil
m.l (-liin/-llo, m.dh) 1. Nin caqli badan. 2. (-llo/cuqaal m.dh) Nin bulsho meel ku wada nool u dooratay inuu madax u noqdo; nabaddoon.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caaqil
m.l (-liin/-llo, m.dh) 1. Nin caqli badan. 2. (-llo/cuqaal m.dh) Nin bulsho meel ku wada nool u dooratay inuu madax u noqdo; nabaddoon. m.dh.w, cuqaal.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caaqil
m. n. intelligent person, wise man, smart one
caaqil: m. n. chief, headman, elder
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Caaqil
name-m intelligent, wise, smart
name-m sensible; wise
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caaqil
-ka: (n) wise or intelligent person; having a sound judgment and rationality. Ex: taliye caaqil ah; a wise leader
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Caaqil
magac loo bixiyo wiil la rajaynayo in uu noqdo mid garaad badan oo taliya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caaqil
-ka: (magac, lab, keli) qofka waxgaradka ah ee caqlibadni lagu tuhunsanyahay. Axmed waa nin caaqil ah.
caaqil -ka: (magac, lab, keli) duq dhaqan ahaan laga danbeeyo oo reer hoggaamiye u ah. Dh: isin, aaqil, wabar, nabaddoon, islaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caaray
-da: (magac, dhedig, keli) magaca loo yaqaan goodirka kiisa dhedig ee yerista ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caatay
(fal) daali oo rafaadi. Dh: caatee.
caatay: (fal) mid aan hilib badan lahayn ka dhig. Dh: weydee. Li: naaxi.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caaway
(adv) tonight (to-nayt) ~ caawa
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caayib
(Caayib-ka)
Weligi daal hayo oo aan hawsha si wanaagsan u qaban.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caayib
m.l (-byo, m.dh) Qof caajis ah oo shaqada ka wahsada.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caayib
m.l (-byo, m.dh) Qof caajis ah oo shaqada ka wahsada.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caayib
m. n. lazy person
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caayib
(tilmaame) qof mar walba daallan oo hawsha loo diro aan si fiican uga soo bixin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caayib
de: lazy person
lx: caayib
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: caayib
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabbay
(fal) hub iyo wixii la mid ah, rasaasta dhuunta gee oo riddo u diyaari.
cabbay: (fal) wax mug leh, buuxi oo wax ku gur.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaabay
(fal) caanaha qaab ka dhig. Qaabay caanaha martaa joogtee.
qaabay: (fal) hannaan iyo hab lagu garto u yeel. Hawshu horta sida ay kuugu muuqato u qaabay annana waan kula saxaynaa. Dh: nidaami, habee, suuree, qaabee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waabay
(Waabay-da)
Waabaayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waabay
waabay¹: m.l Geedka xididkiisa laga sameeyo waabaayada.
waabay²: m.dh la-mid: waabaayo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waabay
m. n. large tree species, growing in the mountains, from which poison is obtained
waabay [feminine] n. poison
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waabay
-da: (magac, dhedig, keli) eeg waabaayo.
waabay-ga: (magac, lab, keli) geed buuraha ka baxa oo xididkiisa laga sameeyo sunta fallaadhaha la mariyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baanbay
-da: (magacwadareed) kooxda muusigga gaardiska ciidanka u qaabilsan. Baanbayda boolisku astaantiisa ayay tumayaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caadbax
(Caadbax-a)
Bannaan u soo bax; muuqasho; wax qarsi la'aan; xog-warran; gows-haysad la'aan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caadbax
caadbax¹: m.l la-mid: caadbixid.
caadbax²: f.mg1 (-xay, -xday; -bixi) 1. Soo c.: bannaan u soo bixid; muuqasho. 2. Soo c.: qof daacad ah ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caadbax
f.mg1 (-xay, -xday; -bixi) 1. Soo c.: bannaan u soo bixid; muuqasho. 2. Soo c.: qof daacad ah ahaansho. m.f.dh, caadbixid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caadbax
v., [compound] come out into the open, speak one's mind, come out of concealment
caadbax vl. n., [compound] emergence, appearance, coming out into the open; being forthright (not being obscure)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caadbax
(fal) banaan u soo bax; qarsi la'aan wax u samee. Dh: xogwarran.
caadbax -a: (magac, lab, keli) wax qarsi la'aan ama gows'haysad la'aan. Hadalkiisu caadbax ayuu ahaa. Dh: xogwarran.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Caadila
name-fjust, one who acts justly
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Caafiya
name-f curer, healer
name-m health; one who heals
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caalbax
-a: (magac, lab, keli) marka xanuunka caalka xooluhu ka bogsadaan. Dh: cashibax.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Caaliya
name-f exalted, sublime, high, excellent
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caambax
f.mg1 (-xay, -xday; -bixi) Ku c.: qof wax caan ku noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caambax
f.mg1 (-xay, -xday; -bixi) Ku c.: qof wax caan ku noqosho. m.f.dh, caambixid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caambax
(fal) qof la wada yaaan noqo; magacaagu ha dheeraado.
caambax -a: (magac, lab, keli) qof la wada yaqaan noqosho; magac yeelasho. Dh: caanbax.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caanbax
(fal) qof la wada yaqaan oo caan ah noqo; magac yeelo. Dh: shaacbax.
caanbax-a: (magac, lab, keli) noqoshada mid magac leh oo la wada yaqaan; caan noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caaqido
m.dh la-mid: caqiido.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caaqilo
(Caaqila-da)
Nabsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caaqilo
m.dh Ciqaabta Rabbi ee ku dhaca cid cid kale ama wax kale ku gabbood fasha; nabsi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caaqilo
f. n. recompense, divine retribution
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caaqilo
-da: (magac, dhedig, keli) gef ama dembi qof laga galo. Waaberi, waalidkii ayuu dayacay oo caaqilo ka galay. Dh: cuqubo, nabsi, aaqilo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caaqilo
de: recompense, divine retribution Something bad that happens to someone as punishment for the wrong he or she has done
lx: caaqilo
pd: (/da)
ps: n6-f
syn: nabsi
key: caaqilo
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Caasila
name-fobedient, faithful, loyal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Caasila
magac loo baxsho gabadh Eebbe looga rajaynayo in ay noqoto mid cibaado badan ama aan lahayn ceeb dadku ugu cadhoodo ama ku dhalliilo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caqabad
-da: (magac, dhedig, keli) arrin timaaddo ah oo muraad qof leeyahay is hortaagta; meel ama wax aan si fudud looga gudbi karin. Dh: carqalad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Carabay
(fal) Carab ka dhig.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Kaatiba
name-f writer
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Qaaliba
name-f victor; victorious, overcoming, conquering, dominant, successful
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Qaayiba
name-f she who follows new fashions; stylish
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Qaayiba
magac loo bixiyo gabadh la rajaynayo inay waxtar wanaagsan iyo dumarnimo toosan oo la qaayibo ay yeelato.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Raaqiya
name-f superior
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caafiyad
(Caafiyad-da)
Fayoobi; (ama caafimaad).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caafiyad
m.dh Xaalad cudur la'aan ee ay nafley ku sugnaato; fayoobi. la-mid: caafiyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caafiyad
f. n., [abstract] health
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caafiyad
-da: (magac, dhedig, keli) fayoobi iyo caafimaad. Caafiyad ayuu ku noolaa in badan. Dh: caafimaad, fayoobi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caafiyad
a: caafimaad
bw: Arabic
de: health
lx: caafiyad
pd: (-da)
ps: n1-f-abs
key: caafiyad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caajisad
m.dh (-do, m.l) Haweenay wahsi iyo hawl nacayb badan. la-mid: cajisad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caajisad
-da: (magac, dhedig, keli) qof dumar ah oo wahsi badan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caajisan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Qof caajis ah noqosho. la-mid: cajisan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caajisan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Qof caajis ah noqosho. m.f.dh, caajisnaan. la-mid: cajisan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caajisan
der. [adjective] lazy, feeling lazy