caano
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caano
(Caana-ha)
1. Wax cad oo shubma oo ka yimaada naasaleyda dheddig naasohooda oo dhashoodu nuugto oo ku noolaato.
2. Wixii kaloo u eg, sida dhirta qaarkeed dhacaanka cad oo ka yimaada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caano
m.l.w 1. Hoore cad, nafaqo leh, la dhammo oo naasleyda dheddig ee irmaan ibaheeda ka yimaadda. 2. Dhacaan cad, layiig ah oo dhirta qaarkeed ka yimaadda marka la turqo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caano
m. n., (mass n.): milk
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caano
-caanaha: (n) milk (milk)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Caano
Latte
Milk
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caano
-ha: (magac, lab, keli) dareeraha cad ee naasleyda oo dhan naasaha ka yimaadda marka ay dhalaan, si ilmuhu u nuugo. Hooyo caano i sii, horta reerku ha dego.
caano-ha: (magac, lab, keli) wax kasta oo dareere ah oo midabka caanaha leh, sida dheecaanka cad ee ka yimaadda dhirta qaarkeed. Dh: cananno.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caano
de: milk
lx: caano
pd: (/ha)
ps: n6-m-mass
xe: cow's milk
xv: caano lo'aad
key: caano
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
caano
حَلِيبٍ، لَبَنٌ
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caanow
(fal) caano noqo; caddaan noqo.
caanow-ga: (magac, dhedig, keli) caano noqosho ama midab caddaan ah yeelasho.
caanow -ga: (magac, lab, keli) cudur maqasha yaryar kaga dhaca xunaha lafaha oo aanay kici karin. Waxartu caanow ayey la jiiftaa.
caanow -ga: (magac, lab, kel) xanuun maqaarka ama jidhka ku dhaca oo cadcaddaan u yeela. Dh: baras.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caanyo
-da: (tilmaame) naag aan wanaagga iyo xumaanta kala aqoon oo doqon ah.
caanyo -da: (magac, dhedig, keli) farsamaxumi aan wax si fiica loo qaban.
caanyo -da: (magac, dhedig, keli) eeg caanyeys.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
canano
-da: (magac, dhedig, keli) maro yar oo idaha naasaha lagaga maro si maqasha looga gudhiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aano
(Aana-da)
Xumaan hore oo lays gaarsiiyey oo in laga aarguto uurka lagu hayo; godob; utun; asaaye; aarsi; dakano.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aano
m.dh Dhibaato hore oo ciddii loo geystay aanay illaawin; godob; utun; dakano.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aano
m.dh Dhibaato hore oo ciddii loo geystay aanay illaawin; godob; utun; dakano.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aano
f. n. resentment, blame, revenge
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aano
-aanada: (n) resentment (ri zent ment)-, anger (an ger)-, grievance aroused by something unjust, mean, or unworthy ~ godob, dakano
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aano
-da: (magac, dhedig, keli) dil ama gef hore la isku gaadhsiiyey oo lagu kala aargoosato. Aano duug ma leh, oodi hagar ma leh. Dh: dakano, utun, godob, hiijo, biili.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aano
cf: godob, hiijo, utun
de: resentment, blame, revenge
lx: aano
pd: (/da)
ps: n6-f
key: aano
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caan
(Caan-ka)
Aad loo yaqaan; magaciisu meelo badan gaarey; laysla yaqaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caan
m.l.kh C. ah: wax dad badani yaqaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caan
m.l.kh C. ah: wax dad badani yaqaan.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Caan
Universal
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caan
m. n. (adj.): fame; popularity; popular, well-liked
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caan
-ah: (adj) famous (fey-mas); popular (pop-ye-lar); well or widely known. Ex: atoore caan ah; a popular actor
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caan
(tilmaame) aad loo yaqaan magaciisa; qof magaciisu meelo badan gaadhay. Caan weeye Cilmi Boodhari.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caan
de: fame; popularity; [atr.] popular, well-liked
lx: caan
pd: (-ka Pl: caanan (ka))
ps: n4-m
key: caan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baano
f.g/mg3 (-ntay, -natay) 1. (f.g) Qof buka ama dhaawac ah baan siin. 2. (f.mg) Qof bukaan ama dhaawac ka bogsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baano
f.g/mg3 (-ntay, -natay) 1. (f.g) Qof buka ama dhaawac ah baan siin. 2. (f.mg) Qof bukaan ama dhaawac ka bogsasho. m.f.dh, baanasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baano
v. care for, nurse; feed someone on a special diet
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baano
-baantay / baanatay: (v) recuperate (ri kuupereeyt); feed someone to return to health or strength ~ baani
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baano
(fal) sii cunto nafaqo leh sida hilib iyo wixii la mid ah; tadaawi oo qof bukaan ah nafaqee. Dh: buullee, xannaanee, baxnaani.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baano
de: care for, nurse; feed s.o. on a special diet
lx: baano
pd: (baantay / baanatay)
ps: v3b=
key: baano
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caado
(Caada-da)
1. Waxyaalo la falay oo lagu noqnoqday oo loo bartay oo dabadeed wax lagu dhaqmo oo aan la goyn karin noqday; dhaqan; xeer (aan qornayn).
2. Xayl, dhibaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caado
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Fal bulsho joogteysato kuna dhaqanto. 2. Fal qof si joogta ah ugu dhaqmo. 3. Dhiig ka yimaada haweenka bishiiba hal mar; dhibaad; xiso; xayl.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caado
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Fal bulsho joogteysato kuna dhaqanto. 2. Fal qof si joogta ah ugu dhaqmo. 3. Dhiig ka yimaada haweenka bishiiba hal mar; dhibaad; xiso; xayl.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caado
f. n. custom, tradition, way, character, habit
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caado
-caadada: (n) [Pl. caadooyin-ka] 1. tradition (tra-di-shin) custom (kas-tam)-, folklore (fok-loor), culture (kal-jar) ~ dhaqan, hiddo. 2. behavior (be-heeyv-yar)-, character (kar-ak-ter); habit (habit) ~ dabeecad, baxaalli
caado -da: (n) menstruation (menis-tureey-shin); period (piir-i-ood); menses (men-siis) ~ xaylka dumarka; dhiigga haweenka
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caado
-da: (magac, dhedig, keli) wax muddo dheer lagu soo dhaqnaa oo tixgelin iyo qaddarin mudan. Caado la gooyaa cadho Allay leedahay.
caado -da: (magac, dhedig, keli) dhiig dumarka ka yimaada xubinta taranka, bishii ba mar. Waxa uu ka socdaa muddo toddobaad lagu qiyaaso oo ay cibaadooyinka badhkood ka reebban yihiin. Dh: ciso, xayd, dhibaad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caado
de: custom, tradition, way, character, habit
lx: caado
pd: (/da)
ps: n6-f
xe: I don't like her way of doing things.
xv: Caadadeeda ma jecli.
key: caado
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
caado
عادَة، حَيْض
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caamo
(Caama-da)
Inta aan cilmiga lahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caamo
m.dh.u 1. Dad aan wax qori karin waxna akhrin karin. 2. Qof muslin ah oo diinta Islaanka aqoon badan u lahayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caamo
m.dh.u 1. Dad aan wax qori karin waxna akhrin karin. 2. Qof Muslin ah oo diinta Islaanka aqoon badan u lahayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caamo
f. n., [collective] illiterate; people uneducated in the Islamic law
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caamo
-caamada: (n) people who are non-professional especially in Islamic law; laymen (ley-miin); amateurs (ami-juris)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caamo
-da: (magacwadareed) dadka aan aqoonta lahayn; inta aan qoraalka iyo akhriska aqoon. Aqoon xumada waxaa kuugu wacan caamadaad tahaye. Dh: jaahil, badow. Li: culimo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caamo
de: illiterate; people uneducated in the Islamic law
lx: caamo
pd: (/da)
ps: n0-f-col
key: caamo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caaro
(Caara-da)
1. Cayayaan siddeed lugood leh: waxay samaysataa debin shabag ah (saabcaaro, xuubcaaro) oo bahallada yaryari ugu dhacaan.
2. Cuncun oogada laga dareemo oo barar iyo xajiin leh; cadanyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caaro
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Cayayaan siddeed lugood leh, samaysta dabin shabaq ah oo bahallada yaryari ugu dhacaan. 2. Cuncun oogada laga dareemo oo barar leh; cadanyo; xajiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caaro
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Cayayaan siddeed lugood leh, samaysta dabin shabaq ah oo bahallada yaryari ugu dhacaan. 2. Cuncun oogada laga dareemo oo barar leh; cadanyo; xajiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caaro
f. n. spider; skin rash, allergy, allergic reaction
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caaro
-caarada: (n) [Pl. caarooyin-ka] spider (ispaay-dhar)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caaro
-da: (magac, dhedig, keli) cayayaan yaryar oo inta badan madax yar iyo qarqar danbe oo buuran iyo lugo dhaadheer leh; waxa uu samaystaa xuub ama shabag uu bahalaha yaryar ku qabsado.
caaro -da: (magac, dhedig, keli) afka dhuuban ee waranka, irbadda iyo wixii la mid ah oo wax muda. Caarada hore ee waranka ayaa i mudday.
caaro -da: (magac, dhedig, keli) cuncun oogada laga dareemo oo barar iyo xajiin leh. Dh: cadanyo, caarood.
caaro -da: (magac, dhedig, keli) sararta malabka ee xuubka ku jirta.
caaro -da: (magac, dhedig, keli) shay labadiisa cidhif midkood. Dh: cidhif
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caaro
de: spider; [fig.] skin rash, allergy, allergic reaction
lx: caaro
pd: (/da)
ps: n6-f
key: caaro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caato
(Caata-da)
1. Aan hilib iyo baruur lahayn; weyd; xayeesi.
2. Daal, noog.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caato
m.dh 1. Caataysnaanshada. 2. C. ah: nafley hilibka iyo baruurta jirkiisu yaryartahay. 3. Hilib aan dux lahayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caato
m.dh 1. Caataysnaanshada. 2. C. ah: nafley hilibka iyo baruurta jirkiisu yaryartahay. 3. Hilib aan dux lahayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caato
f. n. thin person, slim man, skinny one
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Caato
nickname-m thin, slim, skinny
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caato
-ah: (adj) lean or slender in form; skinny (skint); thin (thin); slim (islim) ~ xayaysi, caataysan. Ex: wiil caato ah; a thin boy
caato -caatada: (n) thinness; leanness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caato
-da: (magac, dhedig, keli) daalka iyo rafaadka qofku ka qaado socodka iyo shaqada badan.
caato: (tilmaame) aan hilib iyo baruur lahayn. Dh: weyd. Li: shilis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caato
cf: macaluul
de: thin person, slim man, skinny one
lx: caato
pd: (/da)
ps: n6-f
key: caato
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
caato
نحيل
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaano
-da: (magac, dhedig, keli) neef ama haweenay aan naas nuujin uurkana aan ku sidin oo in ay rinto ama uuraysato diyaar u ah. Gaano dumar bay ii dhiseen,oo garaw la caanayn baa i helay, oo sidii gaaddaan u dhadhay, oo sidii gumartaan u uraye, geelasheennii ma aragteen! Dh: galoof, gaani.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taano
m.dh Lacag sarif ah oo shan senti u dhiganta.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
taano
f. n. five cents, 'nickel'
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
taano
-taanada: (n) Somali coin worth five cents; nickel (ni-kal)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taano
-da: (magac, dhedig, keli) inta lacagta ugu yar. Dh: senti, qaddaadiic.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
taano
cf: lacag, shilin
de: five cents, 'nickel'
initial: t
lx: taano
pd: (/da)
ps: n6-f
key: taano
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waano
(Waana-da)
Hadallo waaweyn oo talo ah, oo waxa san laysku faro waxa xunna laysaga reebo; wacdi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waano
m.dh.u Hadallo talo ah oo cid loo jeediyo iyadoo wax lagu faraayo ama wax looga reebaayo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
waano
m.dh.u Hadallo talo ah oo cid loo jeediyo iyadoo wax lagu faraayo ama wax looga reebaayo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waano
f. n. advice, counsel; directions
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
waano
-waanada: (n) advice (adh-veeyz)-, counsel (kaawn-sal), guidance (gaay-densi); piece of advice; suggestion (saj-jesh-shari), opinion (o-piin-yan) ~ talo, nasteexo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waano
-da: (magac, dhedig, keli) talo iyo naseexo wanaag la iskugu tilmaamo oo cid u baahan lagu yidhaa; hadallo waxsheeg ama talo ah oo sida ugu habboon wax laysugu sheego; caqli celin xigmad iyo waayo aragnimo wadata oo cid lagu yidhaa. Dhegihii Alle waaniyaa waano qaata. Dh: naseexo, talo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waano
cf: wacdi
de: advice, counsel; [col] directions
initial: w
lx: waano
pd: (/da)
ps: n6-f
key: waano
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
waano
عِبْرَة، مَوْعِظَةً
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaano
m.dh la-mid: xaani.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xaano
m.dh la-mid: xaani.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abaydin
(Abaydin-ta)
1. Carruur, caanaha ay hooyada ka nuugaan, ka gooyn.
2. Caano aan kuwa hooyo ahayn (oo xoolaad) carruur siin oo ku korin.
3. Carruurta lafteeda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Anqarin
(Anqarin-ta)
1. (ilmo dhashay) caano iyo biyo midkood siin.
2. Ababinta hore; (ama canqarin).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baacug
(Baacug-ga)
1. Dhasha xoolaha calooshooda aan weli caano maahee wax kale gelin (= aan uus yeelan).
2. Caano la adkeeyey oo dhanaanno kala gaar ah lagu daray oo la cuno; farmaajo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baaqimo
(Baaqima-da)
Neef xoolo ah oo aan madi ahayn; aan caano badan lahayn; badho; hooto; gabno; (ama baaqin).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Badho
(Badha-da)
1. Neef baaqimo ah: caano yar
2. Dhex. kalabbar, bartan, bartame; wadaage.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baqbeeno
(Baqbeena-da)
Subag iyo caano isku shiilmay oo weli isku murugsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Barax
(Barax-a)
Caano iyo biyo laysku daray; xariir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Barxad
1. (Barxad-da) Kob bannaan.
2. (Barxad-ka) Biyo iyo caano isku darsad; barxasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Barxan
Biyo iyo caano laysku daray ah; (caano) biyo lagu daray; la barxay; la dheehay; la tarraxay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Barxid
(Barxid-da)
(caano) biyo ku darid; dheehid; tarrixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bisad
(Bisad-da)
Nafley yar oo dhogor jilicsan oo hebed ah oo dadka la dhaqanta: waxay ku nooshahay jiir, shinbiro, hilib kale, caano; dinnad; dummad; mukulaal, yaanyuuro; basho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buqbuqo
(Buqbuqa-da)
Caano ciir ah iyo kuwo dhay ah oo laysku daray; buqbuqood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buro-caanood
(Buro-caanood-da)
Burada nafleyda jirkeeda ka soo baxda, jaadkeeda fiican.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caanacaso
(Caanacasa-da)
(xoolo) caano subag yar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caanaddiid
(Caanaddiid-ka)
Qof caano ku keliyeysteen oo indhihiisa ka bateen, ama ay wadnaha ka qabteen, kahashada iyo diidmada uu dhamiddooda diido.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caanateel
(Caanateel-ta)
Xoolo si gaar ah loo dhaqo, in caanohooda iyo waxa caanaha laga sameeyo la iibsho; maamulka xoolaha jaadkaas ah, iyo meesha lagu hayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caanatey
(Caanatey-da)
Naasaley (ama caanooley).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caaneeyo
(Caaneeya-da)
Burcadka kolka la shiilo, miidda maahee waxa kale oo ka soo hara oo caano-ka-warqabka ah; (ama caaney).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cabbid
(Cabbid-da)
(biyo, kd.) inta afka lagu qaado oo hunguriga la sii marsiiyo, caloosha geyn; dhamid (caano); fuudid (fuud; wixii kulul).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cabo
(Caba-da)
1. (Weel) Dhadhan la kahdo, sida kan biyuhu yeeshaan kolka weel caanood lagu soo dhaansho.
2. Weelka jaadkaas ah.