ereyga

caanamadhame

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

caanamadhame

DHAN

(tilmaame) qof xoolaha si xun u dhaqa ama u tag xun. Caanamadhame cuud uma tarmo.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

caanoqub

DHAABAN

-ta: (magac, dhedig, keli) eeg caanaqub. caanotire -ha: (magac, lab, keli) eeg caanamadhame.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

xoolamoog

DHAABAN

-ga: (magac, lab, keli) qof aan xoolojir ku fiicnayn oo aan ilaalintooda lagu hallayn karin. Xoolamoog xoolo looma dirto. Dh: caanamadhame, xoolaseeg.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

xoolaseeg

DHAABAN

-ga: (magac, lab, keli) qof aan xoolo jir ku fiicnayn oo aan ilaalintooda lagu hallayn karin. Dh: caanamadhame, xoolamoog.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

caanamadaadshe

DHAFANDHAAF

-ha: (magac, lab, keli) rati hayin ah oo wixii lagu raro aan la buubin oo dhib lahayn. Dh: hayin, xaaswalwaal. Li: layli.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

caanamaal

DHAFANDHAAF
1

(fal) xoolaha caanaha ka lis.

2

caanamaal -ka: (magac, lab, keli) maalinta, labada jeer ee xoolaha la maalo midkood. Labo caanamaal ayaan soconnay.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

caanafadhi

DHAFANDHAAF

m. n., (mass n.): yogurt

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

caanafadhi

DHAFANDHAAF

-ga: (magac, lab, keli) caano la fadhiisiyey oo la gadhoodhiyey. Maanta caanafadhi baan dhamay. Dh: gadhoodh. Li: dhay.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

caanafadhi

DHAFANDHAAF
1

de: yogurt

2

lx: caanafadhi

3

pd: (-ga)

4

ps: n2-m-mass

5

key: caanafadhi

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

caanalahar

DHAFANDHAAF

m.dh Neef xoolaad oo ay adagtahay in caanaha laga dhammeeyo.

waa la naqliyay ✓

Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]

CAANAMACAY

DHAFANDHAAF

Commiphora bruceae 10

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

caanamacays

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) geed weyn oo ka baxa meel walba midabkiisuna madow yahay oo lagu culo weelcaanoodka. Caanamacays dhiisha ma ku cushay? Dh: caanamaceeye.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

caanawadaag

DHAFANDHAAF

-ga: (magac, lab, keli) in qof ka badan, caano ku wada dhamid. Dh: hoobsi.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

shanmadhaxe

DHAFANDHAAF

-ha: (magac, lab, keli) geed haramaha ka mid ah oo ubax huruuda leh. Shanmadhaxe ayuu geelu cunaa. Dh: shanmadhaxle.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

caanamaceeye

DHAFANDHAAF

-ha: (magac, lab, keli) eeg caanamacays.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Caanammaceeye

DHAFANDHAAF
1

(Caanammaceeya-ha)

2

Geed meygaagga u eg.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

caanammaceeye

DHAFANDHAAF

m.l Geed maygaagga u eg oo lagu culo haamaha iyo dhiilaha iyo wixi lamida. la-mid: caanammacays.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

caanammaceeye

DHAFANDHAAF

m. n., [collective] plant species

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

caanammaceeye

DHAFANDHAAF
1

de: plant sp.

2

lx: caanammaceeye

3

pd: (/ha)

4

ps: n7-m-col

5

key: caanammaceeye

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

caanawadaagid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) caano la wadaagayo, isudhiibdhiib ku dhamid, Dh: hoobsad.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

laangadhe

DHAFANDHAAF

-ha: (magac, lab, keli) qof labada lugood, mid ka dhutiya ama la'. Kuwii luga qabayba kala luudnee, maxaa ku lulaaya laangadhe. Dh: laangare.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

saanmadaw

DHAFANDHAAF

-ga: (magac, lab, keli) wax leh saanmadow.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

caadadhaaf

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) wax sidii ay caadadu ahayd dhinac ka marsan. Caadadhaaf ayaa yimi sanadahan dambe. Dh: caadaguur.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

caadaqaate

DHAFANDHAAF

m.l (-tayaal, m.l/dh) 1. Qof samaanyaha qaata. 2. Qof hunguri xun.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

caadaqaate

DHAFANDHAAF

m.l (-tayaal, m.l/dh) 1. Qof samaanyaha qaata. 2. Qof hunguri xun.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

caadaqaate

DHAFANDHAAF

m. n. member of low caste (one of the inferior Somali clans)

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

caadaqaate

DHAFANDHAAF

-caadaqaataha: (n) freeloader (frii-lowder) parasite (paar-a-sayt); sponger (span-jar)

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

caadaqaate

DHAFANDHAAF
1

-ha: (magac, lab, keli) qof saqajaan ah oo aan waxba ka xishoon. Dh: saqajaan.

2

caadaqaate -ha: (magac, lab, keli) waxay ahayd qayb bulshada Soomaalida ka tirsan oo qaadata samaanyaha kolka reer wiil u dhasho ama aroos la dhiso. Waxa la aaminsanaa, haddii aan wax la iska siin in ay ileeyaan farxaddaa oo ay cawryaan. Wiilkaaga caadaqaataa arkaye wax ka sii.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

caadaqaate

DHAFANDHAAF
1

de: member of low caste (one of the inferior Somali clans)

2

lx: caadaqaate

3

pd: (/ha)

4

ps: n7-m

5

key: caadaqaate

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

caanammaal

DHAFANDHAAF

m.l Labada waqti ee xoolaha la maalo (fiid iyo subax middood).

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

caanammaal

DHAFANDHAAF

m.l Labada waqti ee xoolaha la maalo (fiid iyo subax middood).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

caanammaal

DHAFANDHAAF

m. n. time for milking animals; daytime

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

caanammaal

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) maalinta labadeeda gellin oo xoolaha la maalo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

caanammaal

DHAFANDHAAF
1

de: time for milking animals; [fig.] daytime

2

lx: caanammaal

3

pd: (-ka)

4

ps: n-m-time

5

key: caanammaal

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

calaamaday

DHAFANDHAAF

(fal) summadee; tusmee; calaamadee.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

calaamadee

DHAFANDHAAF

f.g2 (-deeyay, -deysay) la-mid: calaamadi.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

calaamadee

DHAFANDHAAF

-yey / calaamadaysay: (v) mark (maark) ~ sumadee, calaamee, calaamadi. —Syn: brand, label, tag or ticket

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

calaamadee

DHAFANDHAAF

(fal) eeg calaamaday.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

canaadnimo

DHAFANDHAAF

m.dh la-mid: cinaadnimo.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

daalaadhac

DHAFANDHAAF
1

(fal) culays ku saaran la ciirciir; la dheeldheelli hawl kaa taagroon.

2

daalaadhac -a: (magac, lab, keli) howl aad ku daashay oo aad la legdantay. Daaladhac buu kula jiraa howsha guriga. Dh: dalanbaabi, kacaakuf.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

faramadhan

DHAFANDHAAF
1

(tilmaame) mid aan ul iyo wax kale ba gacanta ku haysan.

2

faramadhan: (tilmaame) aan waxba hayn oo sabool ah. Nin faramadhan ayaa guursaday gabadha.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

salamadhle

DHAFANDHAAF

-ha: (magac, lab, keli) eeg salalmadhle.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

caanaboodhe

DHAFANDHAAF

-ha: (magac, lab, keli) caano dhay ahaa oo uu subaggii ku jiro ama laga bixiyey, oo inta biyaha laga saaro la engejiyo, dabadeed na lat budeeyo oo sidaas lagu kaydiyo. Dh: caanaboore.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

caanamaalid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) xoolo iyo wax la mid ah caana ka lisasho. Dadku way kala caanamaalid ogyihiin. Dh: caanalisid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]

CAANO-DHIGE

DHAFANDHAAF

(Ana-diche) N Lantana petitiana Rich. Verbenaceae.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

calaamadayn

DHAFANDHAAF

m.dh la-mid: calaamadin.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

calaamadayn

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) summad u yeelid. Dh: astayn; calaamadays.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

calaamadays

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) eeg calaamadayn.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

calaamadsad

DHAFANDHAAF

m.l la-mid: calaamadsasho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

calaamadsan

DHAFANDHAAF

f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: calaamadaysan.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

saanmadoobe

DHAFANDHAAF

-ha: (magacwadareed) aadamaha inta madaw. Dh: Afrikaan. Li: saancadde.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

caanammacays

DHAFANDHAAF

m.l la-mid: caanammaceeye.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

calaamadeeye

DHAFANDHAAF

-ha: (n) marker (maarkar); highlighter — qalab wax lugu calaamadiyo

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

calaamadeeye

DHAFANDHAAF

-ha: (magac, lab, keli) qof xoolaha ama alaabada sumad ama astaan gaar ah u yeela.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Caanaxaraarshe

DHAFANDHAAF
1

(Caanaxaraarsha-ha)

2

Nagaar xoolaha qaarkood daaqaan, oo dhadhanka caanaha, xaraar ka dhiga.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

caanaxaraarshe

DHAFANDHAAF

m.l Nagaar xoolaha daaqa caanahooda kharaar noqdaan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

caanaxaraarshe

DHAFANDHAAF

m. n. plant species which sours the milk of livestock that graze on it

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

caanaxaraarshe

DHAFANDHAAF

-ha: (magac, lab, keli) nagaadh ay xoolaha qaarkood daaqaan oo caanahooda khadhaadh ka dhiga. Dh: caanakhadhaadhshe.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

caanaxaraarshe

DHAFANDHAAF
1

de: plant sp. which sours the milk of livestock that graze on it

2

lx: caanaxaraarshe

3

pd: (/ha)

4

ps: n6-m

5

key: caanaxaraarshe

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]

caawimaad hore

DHAFANDHAAF

front support

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]

calaamad hoose

DHAFANDHAAF

to undermark

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

caanafootamid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) caano dhamistooda ku tartamid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

calaamadsasho

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg calaamadso. la-mid: calaamadsad, calaamadsi, calaamadaysad, calaamaday.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

daalalomadhan

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) labada dambee daalallo oo ku beegan godadka 21-22 lehna saadaal taban. Daalallo madhan gabadha dhalataayi way guur beeshaa.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

fallaadhgaame

DHAFANDHAAF

-ha: (magac, lab, keli) kaah birlab danabeed ay si joogto ah u bixiyaan walxo kaahfala marka ay walaxdu ku jirto kalaguur bu'eed.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

farsamadhaari

DHAFANDHAAF

m.l.kh F. ah: qof farsamo aad u yaqaan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

farsamadhaari

DHAFANDHAAF

m.l.kh F. ah: qof farsamo aad u yaqaan.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

farsamadhaari

DHAFANDHAAF

-ga: (magac, lab, keli) qofka aadka u yaqaan farsamada ee farshaxanka ah.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Kayn badhaale

DHAFANDHAAF

Equatorial forest

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

kayn-badhaale

DHAFANDHAAF

m.l (-layaal, m.l/dh) (juqraafi) Kaymaha cagaar-ma-dhigeyaasha ah ee ka baxa dhulalka badhaalaha, halkaas oo roobku uu culusyahay, Xilli oomane ahna usan jirin; meelaha qaarkood kaymahaani waxay ku sii fidsanyihiin dhulalka mansuunta dhabta ah.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

lambarbadhane

DHAFANDHAAF

-ha: (magac, lab, keli) tirada koromosoomyada unugjinsiyeedka.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]

calaamadda sare

DHAFANDHAAF

to overmark

waa la naqliyay ✓