caalgabid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caalgabid
(Caalgabid-da)
Maaro iyo itaal waayid: quusasho; axgabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caalgabid
m.f.dh eeg caalgab.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caalgabid
-da: (magac, dhedig, keli) maaro iyo itaal loo waayo talo iyo arrin la hayay. Dh: quusasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caalqabid
-da: (magac, dhedig, keli) cudurka caalka qabid. Dh: caalow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
itaalgabid
-da: (magac, dhedig, keli) tamardarri; xaangabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caalgab
f.mg1 (-bay, -btay) Ka c.: Karti iyo awood wax lagu qabto waayid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caalgab
f.mg1 (-bay, -btay) Ka c.: Karti iyo awood wax lagu qabto waayid. m.f.dh, caalgabid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caalgab
v., [compound] give up, abandon
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caalgab
(fal) arrin aad ku jirtay, maaro iyo xal u waa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caalgab
de: give up, abandon
lx: caalgab
pd: (caalgabay)
ps: v1=cmp
key: caalgab
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawlgabid
m.f.dh eeg hawlgab². la-mid: hawlgebid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawlgabid
-da: (magac, dhedig, keli) qof hawlgab ah noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laalaabid
-da: (magac, dhedig, keli) wax kala baxsanaa duuduubasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaangabid
-da: (magac, dhedig, keli) talo iyo falcelis muruq iyo orod u baahan ka hadhid. Odaygu xaangabid uma dhawa. Dh: itaaldarro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caalsaarid
m.f.dh eeg caalsaar².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caalwaayid
(Caalwaayid-da)
Caalwaa noqosho; maaro waayid; tabargabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caalwaayid
m.f.dh eeg caalwaa². la-mid: caalwaa¹
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caalwaayid
-da: (magac, dhedig, keli) «u> hawl, dhib iyo wax la mid ah, u taagwaayid; u tabar-waayid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Calaloobid
(Calaloobid-da)
Calal noqosho; duugoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calaloobid
m.f.dh eeg calalow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calaloobid
-da: (magac, dhedig, keli) calal noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
camalfalid
m.f.dh eeg camalfal². la-mid: camafal¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
camalfalid
-da: (magac, dhedig, keli) ku dhaqmid oo samaynteeda hirgelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Laablaabid
(Laablaabid-da)
Dhawr jeer isku laabid; duudduubid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laablaabid
m.f.dh eeg laablaab². la-mid: laallaabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laablaabid
-da: (magac, dhedig, keli) mar wax ka badan isku duuduubid; dhawr jeer isku celcelin. Dh: laablaabis, laalaabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laallaabid
m.dh la-mid: laablaabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tabargabid
m.f.dh eeg tabargab². la-mid: tabar-gab¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tabargabid
-da: (magac, dhedig, keli) tabargab ku dhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
talaxgabid
m.f.dh eeg talaxgab². la-mid: talaxgab¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
talaxgabid
-da: (magac, dhedig, keli) itaalyari iyo liidasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caabid
(Caabid-ka)
Qof cibaado badan; taqi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caabid
caabid¹: m.l (-diin/-dyo, m.dh) C. ah: qof muslin ah oo diinta sida ay tahay ugu dhaqma. la-mid: caabud¹.
caabid²: f.g1 (-day, -dday) Ilaah u tukasho ama ka cabsasho. la-mid: caabud².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caabid
f.g1 (-day, -dday) Ilaah u tukasho ama ka cabsasho. m.f.dh, caabidid. la-mid: caabud.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caabid
m. n. worshipper, believer, devotee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caabid
-ka: (magac, lab, keli) qof cibaado badan. Dh: caabud, taqi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caabid
bw: Arabic
cf: caalin
de: worshipper, believer, devotee
lx: caabid
pd: (-ka Pl: caabidiin (ta))
ps: n2-m, n8-m
key: caabid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caagad
-da: (magac, dhedig, keli) weel wax lagu shubto ama lagu rito oo cinjir ka samaysan. Caagad ayaan biyo ku soo shubtay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caagid
(Caagid-da)
(wax) iska goyn, ka go'id; ka fogaan; geyid la'aan; naftiisa u diidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caagid
m.f.dh eeg caag³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caagid
-da: (magac, dhedig, keli) «kala kala tegid ay gaabsasho ku jirto. Colaad raagtey meel lagu cartamay beelo kala caagey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caalid
m.f.dh eeg caal³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caalid
-da: (magac, dhedig, keli) wax caal ku dhacay oo buka ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Axgabid
(Axgabid-da)
Dacgabid; caal-qaadasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
axgabid
m.f.dh eeg axgab². la-mid: axgab¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
axgabid
-da: (magac, dhedig, keli) caalqaadad; dacgabid; itaalgabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caalami
(Caalami-ga)
Caalankoo dhan ka dhexeeya ama laga wada yaqaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caalami
m.l.kh 1. C. ah: wax caalamka oo dhan ka dhexeeya ama wada yaqaan. 2. C. ah: shay tayadiisu aad u wanaagsantahay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caalami
m.l.kh 1. C. ah: wax caalamka oo dhan ka dhexeeya ama wada yaqaan. 2. C. ah: shay tayadiisu aad u wanaagsantahay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caalami
m. n. universal thing, international person; wonderful
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Caalami
nickname-m international (Arb)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caalami
-ah: (adj) international (in-tar-naashinal); universal (yuu-na-versal); cosmic (kooz-mik) Ex: akhbaar caalami ah; international news
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caalami
(tilmaame) wax dunida daafyaheeda oo dhan gaadhsiisan oo laga yaqaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caalami
de: universal thing, international person; [fig.] wonderful
lx: caalami
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: caalami
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cajabid
m.f.dh eeg cajab².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cajabid
-da: (magac, dhedig, keli) (la ~) la yaabid: la cajebid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caabaqid
m.dh la-mid: caabuqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caabaqid
-da: (magac, dhedig, keli) barar oo hoosta ka bukid. Caabuqid badan ayuu yeeshay nabarku. Dh: millil, caabuqid. Li: bogsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cadaabid
(Cadaabid-da)
Cadaab ku ridid; kadeedid; saxariirin; naarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadaabid
m.f.dh eeg cadaab².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadaabid
-da: (magac, dhedig, keli) kadeedid oo saxariirin; dhib gaadhsiin.
cadaabid -da: (magac, dhedig, keli) 'awood Ilaahay' cadaab ku ridid; naarta geyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calaalid
m.dh la-mid: callaalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
callaqid
m.f.dh eeg callaq². la-mid: callaq¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
callaqid
-da: (magac, dhedig, keli) arrin socotay xannibid ama joojin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Carjabid
(Carjabid-da)
Carjab noqosho; cusayb ka bi'id; duugoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carjabid
m.f.dh eeg carjab². la-mid: carjab¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carjabid
-da: (magac, dhedig, keli) duug noqosho; cusayb ka bi'id; duugoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cataabid
(Cataabid-da)
Hadal cataw ah ku hadlid; calaacalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cataabid
m.f.dh eeg catow². la-mid: catow¹ (2).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cataabid
vl. n. reproaching; rebuke
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cataabid
-da: (n) complaining (kom-pleeyning) ~ cabasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cataabid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg calaacalid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cataabid
de: reproaching; rebuke
lx: cataabid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: cataabid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daalacid
-da: (magac, dhedig, keli) soo muuqasho, soo bixid. Soo daalacidda arrintan muddaa la sugayay. Dh: daalicid, daahirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daalibid
m.f.dh eeg daalib².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dacgabid
(Dacgabid-da)
Itaalgabid; axgabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dacgabid
m.f.dh eeg dacgab². la-mid: dacgab¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dacgabid
vl. n., [compound] inattention, carelessness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dacgabid
-da: (magac, dhedig, keli) awoodda oo yaraata ilaa wax la qaban kari waayo. Dh: itaalgabid, axgabid, hawlgabid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dacgabid
de: inattention, carelessness
lx: dacgabid
pd: (-da)
ps: vn1-f-cmp
key: dacgabid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dalaabid
(Dalaabid-da)
Dalqalaad iska aadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalaabid
m.dh 1. la-mid: dalow 1. Dal qalaad iska aadid. 2. eeg dalaaw².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dalaabid
m.dh 1. la-mid: dalow¹. Dal qalaad iska aadid. 2. eeg dalaaw.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalaabid
-da: (magac, dhedig, keli) dal shisheeye aadid oo xuduudda ama badaha ka tallaabid. Dh: tallaabid, dhoofid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faalalid
(Faalalid-da)
(geedo, kd.) dhulka korkiisa, sida qaraha, ugu ballaarasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faalalid
m.f.dh eeg faalal². la-mid: faalal¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faalalid
-da: (magac, dhedig, keli) dhinacyada u kala bixid; hareeraha ka ballaadhsamid. Geedkan faalalidda u diid. Dh: fidin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaalibid
(Gaalibid-da)
Orod gaalib ah ordid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaalibid
m.f.dh eeg gaalib².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaalibid
-da: (magac, dhedig, keli) orodka gaalibka ordid. Li: hardafidda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaggabid
(Gaggabid-da)
Nabar laysku dhuftay ama wax kaloo lays gaarsiiyey, la wareerid, la dhicdhicid, la liicliicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaggabid
m.f.dh eeg gaggab². la-mid: gaggab¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaggabid
-da: (magac, dhedig, keli) miyirka beelid. Dh: gaggab, wareerid.
gaggabid-da: (magac, dhedig, keli) nabar la isku dhuftay ama wax kaloo la is gaadhsiiyey, la wareerid oo la dhicdhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Halgamid
(Halgamid-da)
Hawl ama wax kale qabashadood u tartamid, u dagaallamid; loollamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halgamid
m.f.dh eeg halgan³.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
halgamid
vl. n. struggle
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
halgamid
-da: (n) the act of struggling or campaigning (kaampeeyning) ~ halgan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halgamid
-da: (magac, dhedig, keli) hawl ama wax kale qabashadooda u dagaallamid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
halgamid
de: struggle
lx: halgamid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: halgamid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hargabid
(Hargabid-da)
Hargab ku dhicid.