caajis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caajis
(Caajis-ka)
Hawl nacayb; wahsi; daal; (ama cajis).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caajis
caajis¹: m.l (-siin/-syo, m.dh) 1. Firfircooni la'aan; wahsi; daal. 2. C. ah: qof hawl nacayb, wahsi badan. la-mid: cajis¹.
caajis²: f.mg1 (-say, -stay) Hawl qaban waayid; ka wahsasho; daal iyo cagajiid wax ku qabasho bilaabid; soo tabaryarayn. la-mid: cajis².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caajis
caajis¹: m.l (-siin/-syo, m.dh) 1. Firfircooni la'aan; wahsi; daal. 2. C. ah: qof hawl nacayb, wahsi badan. la-mid: cajis.
caajis²: f.mg1 (-say, -stay) Hawl qaban waayid; ka wahsasho; daal iyo cagajiid wax ku qabasho bilaabid; soo tabaryarayn. m.f.dh, caajisid. la-mid: cajis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caajis
m. n., [abstract] laziness, indolence; lazy person
caajis [inchoative] v. be lazy ~ indolent
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caajis
-ah: (adj) lazy (leysi); passive (paasiv) Ex: caajis baan ahay, suxuunta ma dhiqikaro; I am too lazy to wash the dishes -Syn: faineant, idle, indolent, slothful
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caajis
(fal) wahso oo hawl qaban kari waa.
caajis -ka: (magac, lab, keli) daal ama wahsi.
caajis: (tilmaame) qof wahsi badan oo shaqadu ay dhibto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caajisi
f.g2 (-iyay, -isay) Qof cajis ka dhigid. la-mid: cajisi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caajisi
v. debilitate ~ weaken, tire someone out
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caajisi
(fal) wahsi ku rid, in uu caajiso sabab u noqo, qof caajisan ka dhig. Caajisi ninka oo ha u sheekayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caajisi
de: debilitate ~ weaken, tire s.o. out
lx: caajisi
pd: (caajisiyey)
ps: v2a=tr
key: caajisi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caaji
f.g2 (-iyay, -isay) Qof in uu wax ka caago gayeysiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caaji
(fal) wax deeqa sii; ka haqabtir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cajis
(Cajis-ka)
Caajis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cajis
cajis¹: m.l la-mid: caajis¹.
cajis²: f.mg1 (-say, -stay) la-mid: caajis².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cajis
m. n. laziness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cajis
-ka: (magac, lab, keli) eeg caajis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cajis
de: laziness
lx: cajis
pd: (-ka)
ps: n2a-m
see: caajis
key: cajis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baajis
m.l la-mid: baajin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baajis
-ka: (magac, lab, keli) eeg baajin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caacis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg caacid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caafis
m.l la-mid: caafin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caajin
(Caajin-ta)
1. Baahi ama rabitin ama jacayl wax loo qabey, wax deeqa siin; dhergin.
2. Celin, joojin, hakin, qabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caajin
m.f.dh eeg caaji.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caajin
-ta: (magac, dhedig, keli) Baahi ama rabitaan jacayl wax loo qabey, wax lagaga kaaftoomo siin. Dh: dhergin, haqabtirid.
caajin -ta: (magac, dhedig, keli) celin; joojin; hakin; qabasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caaris
-ga: (magac, lab, keli) (la ~) bago iyo baxsad. Taliska nugulee, naf la caariga ah. Dh: baxsad, baqe, carar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caawis
m.l la-mid: caawiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daajis
m.l la-mid: daajin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daajis
-ta: (magac, dhedig, keli) xoolaha oo dhul baad leh loo soofiyo. Daajista xooluhu way ku naxaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raajis
m.l la-mid: raajin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raajis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg raajin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taajis
m.l la-mid: taajin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taajis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg taajin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caajisnimo
(Caajisnima-da)
Caajis ahaansho; wahsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baraaq
m.l (-qyo, m.dh) Fadhi caajisnimo ku jirto oo in muddo ah si macnala'aan ah meel loo fadhiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barraahso
f.mg3 (-saday, -satay) In muddo ah si caajisnimo ku jirto oo macno la'aan ah meel u fadhiisasho. la-mid: barraaqso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boor-kamakacdo
m.dh (-ooyin, m.l) Haween isku darsatay caajisnimo iyo baalinnimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caajisnaan
m.f.dh eeg caajisan. la-mid: caajisnaansho, cajisnaan, cajisnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caajisnaansho
m.l/dh la-mid: caajisnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caajisnimo
m.dh Caajis ahaansho. la-mid: cajisnimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caayib
m.l (-byo, m.dh) Qof caajis ah oo shaqada ka wahsada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cajisad
m.dh la-mid: caajisad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cajisan
f.mg4 (-snaa, -snayd) la-mid: caajisan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cajisi
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: caajisi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cajisid
m.dh la-mid: caajisid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cajisin
m.dh la-mid: caajisin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cajisnaan
m.dh la-mid: caajisnaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caajis_1
bw: Arabic
de: laziness, indolence; lazy person
hm: 1
lx: caajis
pd: (-ka Pl: caajisiin (ta))
ps: n0-m-abs; n2a-m, n8-m
key: caajis_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caajis_2
de: be lazy ~ indolent
hm: 2
lx: caajis
pd: (caajisay)
ps: v1=inch
key: caajis_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caajisad
m.dh (-do, m.l) Haweenay wahsi iyo hawl nacayb badan. la-mid: cajisad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caajisad
-da: (magac, dhedig, keli) qof dumar ah oo wahsi badan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caajisan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Qof caajis ah noqosho. la-mid: cajisan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caajisan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Qof caajis ah noqosho. m.f.dh, caajisnaan. la-mid: cajisan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caajisan
der. [adjective] lazy, feeling lazy
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caajisan
(adj) tired, lazy
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caajisan
(tilmaame) caajis hayo; wahsanaya.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caajisan
de: lazy, feeling lazy Alt sp: cajisan
lx: caajisan
pd: (caajisnaa)
ps: adj-der
key: caajisan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caajisid
(Caajisid-da)
Hawl qaban waayid; ka wahsasho; daal iyo cagajiid wax ku qabasho bilaabid; soo tabar yarayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caajisid
m.f.dh eeg caajis². la-mid: cajisid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caajisid
-da: (magac, dhedig, keli) hawl qaban kari waayid; wahsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caajisin
m.f.dh eeg caajisi. la-mid: cajisin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caajisin
-ta: (magac, dhedig, keli) wahsi ku dhalin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadaajis
-ka: (magac, lab, keli) hoos u riixid; hoos u cadaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cagaajis
m.l la-mid: cagaajin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cagaajis
-ka: (magac, lab, keli) eeg cagaajin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caabbis
m.l la-mid: caabbiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caabbis
-ka: (magac, lab, keli) eeg caabbin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Calalis
(Calalis-ka)
Cunnada inteeda la calaliyo (hilib, badar, kd.).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calalis
m.l 1. Cuntada inteeda la calashado. 2. la-mid: calalin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
calalis
m. n. solid food
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calalis
-ka: (magac, lab, keli) eeg calalin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
calalis
cf: caysh, cunno, dheef
de: solid food
lx: calalis
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: calalis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cananis
-ka: (magac, lab, keli) eeg cananaas.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
matajis
m.l la-mid: mantajin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
matajis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg matajin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aa'is
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg aa'id.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aadis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg aadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aaris
m.dh la-mid: aarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aaris
-ta: (magac, dhedig, keli) «u ~» cid dhib iyo aano loo geystay, uga soo goyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aawis
m.l la-mid: aawin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aayis
m.dh la-mid: aayid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aayis
-ta: (magac, dhedig, keli) wanaag hore, dib ugu manaafacaadis. Dh: aayid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baaji
f.g2 (-iyay, -isay) Wax la sameyn lahaa dib u dhigid ama iska deyn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baaji
f.g2 (-iyay, -isay) Wax la sameyn lahaa dib u dhigid ama iska deyn. m.f.dh, baajin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baaji
v. postpone
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baaji
yey say: (v) 1. postpone (poost poon); put off; defer (di feer) ~ daahi, raaji. 2. suspend (ses peendi) Ex: shirka baaji! suspend the meeting!
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaji
(fal) wax dhici lahaa, maaro u hel; dib u dhig. Martida waa la casuumaye, safarka ha laga baajiyo. Dh: nagee, jooji.
baaji: (fal) jebi ballan xidhnaa. Ballantiyo axdiga baajiyay beenta igu waasho.
baaji -da: (magac, dhedig, keli) kala jeedista labada gees ee lo'da qaarkeed. Saca baajida leh hardida kuma fiicna.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baaji
de: postpone
lx: baaji
pd: (baajiyey)
ps: v2a=
syn: raaji
key: baaji
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bajis
(Bajis-ka)
Jid cusub oo dhowaan-dhalad ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bajis
m.l 1. Jid cusub oo dhowaan dhalad ah. 2. la-mid: bajin².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bajis
m. n. (adj.): recent construction; newly built (road), recently opened (well)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bajis
-ka: (magac, lab, keli) eeg bajin.
bajis: -ka: (magac, lab, keli) waddo cusub; jid dhowaan samaysmay. Bajiska meeshaa ka baxa geela mariya.
bajis -ka: (magac, lab, keli) qof itaal iyo laxaad weyn; ruux dhammaystiran. Bajis iyo bowdo weyn baa, barta lagu dhaqaa.
bajis -ka: (magac, lab, keli) meeraha labaad ee cadceedda ku wareega una dhexeeya dhulka iyo xiddigta Sahra. Bajis saaka waaberigii bay bildhaanteedii muuqatay. Dh: xiddigta waaberi, waxaraxidhxidh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bajis
de: recent construction; [atr.] newly built (road), recently opened (well)
lx: bajis
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: bajis
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Caabi
Resistance
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caaci
f.g2 (-iyay, -isay) Ugaar dabin loo dhigay dhankiisa u eryid iyadoo qaylo iyo sawaxan la samaynayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caaci
(fal) ugaadh baaci oo xiiji, caydhso oo daali. Gorayadu callaal loo dhigay caw ku noqotaa e, ninkii caaciyoo buufiyaan cago ku gaadhayne. Dh: eryo, baaci.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caadi
(Caadi-ga)
1. Aan ka duwaneyn sida ama waxa la arki jirey ama caado loo lahaa.
2. Waxyaalaha loo bartay ama joogtada ah, kamid ah.
3. Aan qiime weyn lahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caadi
m.l.kh C. ah: Wax sidii lagu yiqiin ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caadi
m.l.kh C. ah: Wax sidii lagu yiqiin ah.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Caadi
Normal
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caadi
m. n. normal, ordinary, simple, regular [atr.] ; something not having much value