caafimaadid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caafimaadid
(Caafimaadid-da)
Caafimaad helid; cudur ka bogsasho; ladnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caafimaadid
m.f.dh eeg caafimaad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caafimaadid
-da: (magac, dhedig, keli) caafimaad helid; xanuun iyo cudur ka fayoobaansho. Caafimaadid ayuu u dhowaa markaan ka imid. Dh: bogsasho, bogsood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caafimaadi
f.g2 (-iyay, -isay) Nafley caafimaad siin (Ilaah).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caafimaadi
v. cure, heal, make someone well
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caafimaadi
(fal) caafimaad iyo bogsiimo ugu deeq.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caafimaadi
de: cure, heal, make s.o. well
lx: caafimaadi
pd: (caafimaadiyey)
ps: v2a=tr
key: caafimaadi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caafimaadin
(Caafimaadin-ta)
Fayoobi iyo caafimaad siin; bogsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caafimaadin
m.f.dh eeg caafimaadi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caafimaadin
-ta: (magac, dhedig, keli) caafimaad ugu deeqid ama siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caafimaad
(Caafimaad-ka)
Cudur iyo jirro la'aan; fayoobi; ladnaan; fayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caafimaad
caafimaad¹: m.l Cudur iyo jirro la'aan.
caafimaad²: f.mg1 (-day, -dday) Cudur, jirro iyo wixi lamida ka bogsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caafimaad
caafimaad¹: m.l Cudur iyo jirro la'aan.
caafimaad²: f.mg1 (-day, -dday) Cudur, jirro iyo wixi lamida ka bogsasho. m.f.dh, caafimaadid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caafimaad
m. n., [abstract] health, wellness
caafimaad [inchoative] v. regain one's health, get better, recuperate
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caafimaad
-ka: (n) health (helth)-, well-being; hygiene (hay-jiin) Ex: Wasaaradda Caafimaadka; Ministry of Health
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caafimaad
-ka: (magac, lab, keli) fayoobida jidhka iyo maskaxda ba. Caafimaadku waa laf dhabarta nolosha. Dh: fayoobaan, fiyoobow. Li: bugtaan, cudur.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
caafimaad
صحة
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caafimaad_1
a: caafiyad
de: health, wellness
hm: 1
lx: caafimaad
pd: (-ka)
ps: n2-m-abs
syn: ladnaan
xv: Arabic
key: caafimaad_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caafimaad_2
de: regain one's health, get better, recuperate
hm: 2
lx: caafimaad
pd: (caafimaaday)
ps: v1=inch
key: caafimaad_2
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caafimaadka
qofka m. n. personal hygiene
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caafimaadka
(adj) medical (medikal); Ex: kulliyadda caafimaadka; medical institute or medical university
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Doorsasho
(Doorsasha-da)
1. Wax wax kale dhaafsasho.
2. Bogsasho; caafimaadid; fayoobi helid; ladnaansho; raysasho.
3. (lacag) sarrifasho.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
get over
/get owvar/ (v) 1. ka-caafimaadid, ka-kicid. e.g. She got over her illness quickly. (v) 2. gaarsiin, u-gudbin, fahansiin (v) 3. dhammayn, iska-dhammayn.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
mend
/mendhi/ (v) 1. kabid; tolid 2. soo caafimaadid (soo roonaansho).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bogsiimo
-ha: (magac, lab, keli) caafimaadid; bogsasho. Nabarkii wiilka lagu dhiftay haddeed waa bogsiimo. Dh: caafimaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daawoobid
-da: (magac, dhedig, keli) dawo ku bogsasho oo ku caafimaadid. Kolkii nafaqada la siiyay ayaa daawoobid ugu horraysay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raysad
-ka: (magac, lab, keli) wax hore ka badhaadhi. Li: darsad.
raysad -ka: (magac, lab, keli) si hore si ka fiican noqosho. Dh: doorsasho, caafimaadid, roonaansho.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
convalescence
convalescence, n.f. - Ladnaan; Cudur ka caafimaadid.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
rétablissement
rétablissement, n.m. - caafimaadidda cudur ka ciida
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caafimaadqabid
m.f.dh eeg caafimaadqab². la-mid: caafimaadqab¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caafimaadqabid
-da: (magac, dhedig, keli) cudur iyo jirro ka bogsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caafimaadqab
caafimaadqab¹: m.l Xaalad caafimaad leh oo nafley ku sugnaato. la-mid: caafimaadqabid.
caafimaadqab²: f.mg1 (-bay, -btay) Xaalad cafimaad ku sugnaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caafimaadqab
f.mg1 (-bay, -btay) Xaalad cafimaad ku sugnaan. m.f.dh, caafimaadqabid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caafimaadqab
v. be healthy ~ well
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caafimaadqab
-ka: (magac, lab, keli) fayoobi iyo cudur la'aan. Aniga wiilku caafimaadqab buu iigu yimi. Li: caafimaaddarro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caafimaadqab
de: be healthy ~ well
lx: caafimaadqab
pd: (caafimaadqabay)
ps: v1=
key: caafimaadqab
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caafimaadsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax caafimaad leh ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caafimaadsan
der. [adjective] healthy, in good health, fine, well
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caafimaadsan
(tilmaame) caafimaad qaba; aan jirranayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caafimaadsan
de: healthy, in good health, fine, well
lx: caafimaadsan
pd: (caafimaadsanaa)
ps: adj-der
key: caafimaadsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caawimaad
m.dh la-mid: caawino.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caawimaad
m.dh la-mid: caawino.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caawimaad
-da: (n) assistance (a-sis- tansi); aid (eeydh); help ~ saacidaad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caawimaad
-da: (magac, dhedig, keli) gargaar cid u baahan loo fidiyo. Hay'aduhu caawimaad ayay dadka tabaalaysan u fidiyaan. Dh: gargaar, taakulo, caawinaad, taageero.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caanamaalid
-da: (magac, dhedig, keli) xoolo iyo wax la mid ah caana ka lisasho. Dadku way kala caanamaalid ogyihiin. Dh: caanalisid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caawimaadsi
-ga: (magac, dhedig, keli) kaalmo weydiisasho; taageeraysi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caafimaad leh
adj., [expression] healthy
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caafimaad_leh
de: healthy
lx: caafimaad leh
ps: adj-expr
key: caafimaad_leh
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caanammaalid
-da: (magac, dhedig, keli) xoolaha oo caano laga listo; maalitaanka caanaleyda.
caanammaalid -da: (magac, dhedig, keli) nabad iyo barwaaqo ku jirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caafimaaddarro
m.dh Xaaladda nafley jirran ku sugan tahay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caafimaaddarro
m.dh Xaaladda nafley jirran ku sugan tahay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caafimaaddarro
f. n., [abstract] illness, poor health, general sickness
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caafimaaddarro
-caafimaaddarrada: (n) unhealthiness (un-helthines); unwholesomeness; sickness, poor health -cudur, jirro
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caafimaaddarro
-da: (magac, dhedig, keli) fayoobid la'aanta jidhka iyo maskaxda; cudur qabid. Dh: caafimaadqab.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caafimaaddarro
de: illness, poor health, general sickness
lx: caafimaaddarro
pd: (/da)
ps: n0-f-abs
key: caafimaaddarro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caabidid
m.f.dh eeg caabid². la-mid: caabudid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caafiyad
(Caafiyad-da)
Fayoobi; (ama caafimaad).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caafiyad
m.dh Xaalad cudur la'aan ee ay nafley ku sugnaato; fayoobi. la-mid: caafiyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caafiyad
f. n., [abstract] health
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caafiyad
-da: (magac, dhedig, keli) fayoobi iyo caafimaad. Caafiyad ayuu ku noolaa in badan. Dh: caafimaad, fayoobi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caafiyad
a: caafimaad
bw: Arabic
de: health
lx: caafiyad
pd: (-da)
ps: n1-f-abs
key: caafiyad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caasimad
(Caasimad-da)
Magaalo-madax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caasimad
m.dh (-do, m.l) Magaalammadax.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caasimad
m.dh (-do, m.l) Magaalammadaxda dal leeyahay. Tusaale: Muqdisho waa caasimadda Soomaaliya; magaalammadax.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caasimad
f. n. capital city; big town, metropolis
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caasimad
-da: (n) [Pl. caasimada-ha] capital city ~ magaalo madax, caasumad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caasimad
-da: (magac, dhedig, keli) magaalomadaxda dal leeyaahay. Caasimadda Soomaaliya waa Muqdisho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caasimad
bw: Arabic
cf: Moqdishu ~ Xamar, Baydhabo, Beledweyne, Bosaaso, Burco, Ceerigaabo, Dhuusomareeb, Gaalkacyo, Garoowe, Hargeysa, Jowhar, Kismaayo, Laas-Caano, Marka, Xuddur
de: capital city; big town, metropolis
lx: caasimad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: caasimad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caawimid
m.dh la-mid: caawinid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caawimid
-da: (magac, dhedig, keli) kaalmayn iyo gargaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cabaadid
(Cabaadid-da)
Cabaad soo saarid; qaylin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cabaadid
m.f.dh eeg cabaad². la-mid: caabad¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabaadid
-da: (magac, dhedig, keli) cabaad soo saarid; qaylin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
canaadid
m.dh la-mid: cinaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cawimaad
m.dh la-mid: caawino.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caymadid
-da: (magac, dhedig, keli) orod naxdin ama cabsiyi ku jirto, ordid. Dh: baxsasho, firxasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cidaadid
-da: (magac, dhedig, keli) weel la culay, madawgii ku hadhay iyo huubihii culayga, ka masaxid oo wixii uu ku reebay ka sifayn. Dh: catirid.
cidaadid -da: (magac, dhedig, keli) meel yar oo daloosha, walax kale ku cadaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cinaadid
(Cinaadid-da)
Cinaad ku kicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cinaadid
m.f.dh eeg cinaad². la-mid: canaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cinaadid
-da: (magac, dhedig, keli) amardiiddo samayn; madax'adaygid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rafaadid
(Rafaadid-da)
Dhib iyo rafaad arkid, la kulmid, mudasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rafaadid
m.f.dh eeg rafaad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rafaadid
-da: (magac, dhedig, keli) dhib iyo rafaad ku jirid. Rafaadid baa rajo keenta.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wafaadid
-da: (magac, dhedig, keli) dhimasho oo adduunka ka tegid. Nin jihaad ku jira wafaadid iyo nololi waa iskugu mid. Dh: allaysad; dhimasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caadmarid
-da: (magac, dhedig, keli) meel halka caadiga ah ka saraysa gaadhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caawinaad
m.dh la-mid: caawino.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caawinaad
f. n. help, aid, assistance
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caawinaad
de: help, aid, assistance
lx: caawinaad
pd: (-da)
ps: n2-f
key: caawinaad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daafmarid
-da: (magac, dhedig, keli) marka aad meel ama wax kale, dhinac ka martid, barbar ka martid, gees u dhaaftid. Daafmarid baan ku dhaafay aqalkii. Dh: agmarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dammaadid
(Dammaadid-da)
Wax dammaadsan noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dammaadid
m.f.dh eeg dammaad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dammaadid
-da: (magac, dhedig, keli) wareerid iyo dayoobid; wax dammaadsan noqod. dammaadsan: (tilmaame) mid wareersan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jarmaadid
(Jarmaadid-da)
Arooryo hore socosho; kallihid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jarmaadid
m.f.dh eeg jarmaad. la-mid: jarmaadis², jermaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jarmaadid
-da: (magac, dhedig, keli) milay aroor hore ah, socdaalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laalaadid
-da: (magac, dhedig, keli) meel sare ka lulasho. Dh: lulasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalfaadid
m.f.dh eeg qalfaad². la-mid: qalfaad¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalfaadid
-da: (magac, dhedig, keli) looxaan waaweyn oo geedaha jirriddooda laga jaray wax ku dhisid sida doonyaha oo kale.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qammaadid
m.f.dh eeg qammaad². la-mid: qammaad¹ (4).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qammaadid
-da: (magac, dhedig, keli) (ka ~) ka fogaan; ka dheeraan; ka weecsanaan.