caac
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caac
f.mg1 (-cay, -cday) Nafley, roob badan dhaxan leh ku qarqarid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caac
v. suffer from the effects of being caught in a heavy rain
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caac
-ay / day: (v) to shiver or shake with a cold often caused by heavy rain; tremble (tirem-bel)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caac
(fal) roob ku dhibtood; roob ku rafaad.
caac: (ereycodeed) lagu tusmeeyo codka isku xidhan ee sida ka awrta la rarayo, raha iyo wixii la mid ah. Maxaad caacda la haysaa? Dh: cabaad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caac
de: suffer from the effects of being caught in a heavy rain
lx: caac
pd: (caacay)
ps: v1=
key: caac
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caaci
f.g2 (-iyay, -isay) Ugaar dabin loo dhigay dhankiisa u eryid iyadoo qaylo iyo sawaxan la samaynayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caaci
(fal) ugaadh baaci oo xiiji, caydhso oo daali. Gorayadu callaal loo dhigay caw ku noqotaa e, ninkii caaciyoo buufiyaan cago ku gaadhayne. Dh: eryo, baaci.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caacid
(Caacid-da)
Sida la noqdo kolka roob badan oo laga jirsan waayey, cid qabto oo lagu rafaado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Darbin
(Darbin-ta)
Badarka bisil oo iidaaman oo aan aayar la qaadqaadan ee hadba shan farood iyo caacal buuxa la qaato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caacid
m.f.dh eeg caac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caacin
m.f.dh eeg caaci.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lamaddegaan
lamaddegaan¹: m.l (-nno, m.dh) Dhul ballaaran oo aan dhir iyo biyo midna lahayn, dad iyo duunyana ku dhaqmi karin.
lamaddegaan²: m.l (-nno, m.dh) (juqraafi) Dhul aan deegaani ka bixin oo roobka iyo qoyaanka kaleba ku yaryihiin oo aan qoyaanku si fiican u kaalmayn deegaanta lamaddegaan aan haba yaraatee deegaani ka bixin, ma aha caadi. Waxaa laga yaabaa in lamaddegaanku yahay mid uu caws aad u liitaa ka baxo ama dhir aad u liidataa. Waxaa jira lamaddegaanno dhawr nooc ah sida: lamaddegaan dhadhaabeed, lamaddegaan dhagaxeed, iyo lamaddegaan bacaadeed. Lamaddegaannada waxaa loo qaybiyaa labo nooc: lamaddegaannada kulaalayda iyo kuwa loolalka dhexe. Kawa kulaaleyda waxaa ugu caacsan tan Sahaara iyo tan Areebiya. Kuwe loolka dhexena waxaa ugu caansan midda Goobi iyo midda Turkistan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

caacato
-da: (magac, dhedig, keli) dhul ama meel adag oo aanay biyuhu hoos ugu degine korka ay ka dhaafaan; caacato ayaan qotay. Dh: didib.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caacid
-da: (magac, dhedig, keli) sida ay noqoto cid uu ku da'ay, oo ku rafaaday, roob badan oo laga jirsan waayey. Caacid ayuu u dhintay neefku. Dh: dardhad, caacis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caacis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg caacid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baac
(Baac-a)
1. Dhererka u dhexeeya labada gacmood marka la kala fidiyo.
2. Dherer wax lagu cabbiro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baac
m.l (-cyo, m.dh) 1. Cabbir dhererka u dhaxeeya labada gacmood marka la kala fidiyo. 2. Gacan la fidiyo iyo xabadka inta u dhexaysa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baac
m.l (-cyo, m.dh) 1. Cabbir dhererka u dhaxeeya labada gacmood marka la kala fidiyo. 2. Gacan la fidiyo iyo xabadka inta u dhexaysa.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Baac
Fathom
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baac
m. n. fathom (measure length with outstretched arms)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baac
-a: (n) a unit of length measurement equal to stretched out arms
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baac
-a: (magac, lab, keli) cabbirka dhererka labada gacmood oo midig iyo bidix u kala baxsan. Ceelkani waa saddex baac iyo badh.
baac -a: (magac, lab, keli) inta u dhaxaysa qoorta ama xabadka iyo gacan keli ah oo la furay.
baac -a: (magac, lab, keli) luqunta geela. Hareeriga ka baxay foocyadey baaca gelisaaye. Dh: luqun, qoor.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baac
de: fathom (measure length with outstretched arms)
lx: baac
pd: (-a)
ps: n2a-m
key: baac
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caad
1. (Caad-da) Dhagax, isagoo shiilmay oo qolqola haya dhulka gudihiisa ka soo baxay, oo isagoo is-haysta dhulka korkiisa ku ballaartay oo ku qaboobey; sallax dhagax ah oo jaadkaas ah oo biyaha celiya.
2. (Caad-ka) Daruur cad oo xalleefsan oo aad u sarraysa; daruurta da'satey waxa ka hara oo wax cirka laftiisa ku dhegsan la moodo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caad
caad¹: m.l (-dad, m.l) 1. Xayaabo daruur ah oo meel sare ka muuqata.
caad²: m.l (daawo) Xuub cad oo isha qaybteeda madow fuula oo aragga yareeya.
caad³: m.dh 1. Meel dhagax ballaaran oo siman leh oo ciid ku hareereysantahay oo biyaha celisa. 2. C.daas joog/c.daas mar: wax buux ah (weel); qof fiican.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caad
caad¹: m.l (-dad, m.l) 1. Xayaabo daruur ah oo meel sare ka muuqata.
caad²: m.l (daaw.) Xuub cad oo isha qaybteeda madow fuula oo aragga yareeya.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caad
m. n., [collective] cloud, clouds; mist, fog
caad [feminine] n. lava, volcanic rock
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
CAAD
(A'd) S, May, N Annona squimosa L. Annonaceae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caad
-ka: (n) [Pl. caadad-ka] 1. cloud (klawdh); fog (foog) ~ ciiryaamo. 2. something that darkens the eyesight; blur (baleer)-, poor vision
caad: -ka: (n) the penis of a male animal organism other than a human being, especially male camel or bull (buul) ~ caar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caad
-da: (magac, dhedig, keli) dhijaan ama jidhaan; meel biyo joogsadaan. Caada ayaan ka soo dhaansaday.
caad -da: (magac, dhedig, keli) neef xoolaad, qof ama ugaadh dhabarkiisa ama dushiisa. Farowgii intaanu labo tallaabo qaadin baa libaaxii caadda kaga degey. Dh: kor, dul, guud. Li: bog.
caad -da: (magac, dhedig, keli) dhul carradiisu milix leedahay oo aan beeraha ku wanaagsanayn, cagaar na aan soo saarin.
caad -da: (magac, dhedig, keli) meel carro adag leh oo biyaha roobku joogsadaan.
caad -ka: (magac, lab, keli) salab gacmaha la gashado oo uu ninku ku muujiyo ragannimadiisa iyo dagaalyahannimadiisa.
caad -ka: (magac, lab, keli) daruur cad oo xaleefsan oo aad u sarraysa. Caad ayaa cirka ka muuqda.
caad -ka: (magac, lab, keli) dhagax shiilmay oo qulqulaya oo dhulka ubucdiisa ka soo baxa oo isaga oo is'haysta dhulka dushiisa ku ballaadha oo ku qabooba. Samirreh, caad ayaa dilay. Dh: basaq.
caad -ka: (magac, lab, keli) indhaha xuub dusha ka fuula oo wax laga arki waayo. Awoowo indhaha ayuu caad ku yeeshay. Dh: xuub.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caag
caag¹: m.l (-gag, m.l) 1. Adke loodsame ah, si fudud u gubta oo waxyaabo badan laga sameeyo. 2. (-gag, m.l) Wax kasta oo balaastiig ka sameysan. 3. Meel yara godanoo biyo qabatin leh.
caag²: m.l (kiimika) Walax loo yeeli karo qaab marka la adeegsado kul ama cadaadis. Caagagga badankooda waxa laga sameeyaa “xabko” macmal ah oo la tarmiyey.
caag³: f.mg1 (-gay, -gtay) Ka c.: gasiin iyo wixi lamida dhaqan awgiis uga go'id.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caag
caag¹: m.l (-gag, m.l) 1. Adke loodsame ah, si fudud u gubta oo waxyaabo badan laga sameeyo. 2. (-gag, m.l) Wax kasta oo balaastiig ka sameysan. 3. Meel yara godanoo biyo qabatin leh.
caag²: m.l (kiim.) Walax loo yeeli karo qaab marka la adeegsado kul ama cadaadis. Caagagga badankooda waxa laga sameeyaa 'xabko' macmal ah oo la tarmiyey.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caag
m. n. hard plastic; object made of hard plastic
caag m. n. area lacking in vegetation; depression, valley where a pool of water may occur
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caag
-ga: (n) [Pl. caagag-ga] 1. rubber (rabar) 2. plastic (plaastik) ~ bac
ka caag -ay / tay: (v) prevent oneself from eating some food or doing something; refrain (ri-fareyn); forbear (foor-beer); abstain (ab-steyn)
ka caaggan: (adj) refraining, abstaining, forbearing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caag
(fal) «ka ~> dhaqan iyo wax la mid ah iska xaaraantinimay; ka fogow.
caag -ga: (magac, lab, keli) geed meelaha kulul ka baxa, sida dhulbadhaha, oo laga liso dheecaan gadhoodha oo cinjirka laga sameeyo.
caag -ga: (magac, lab, keli) walax adag oo loodsami kara oo laga sameeyo dheecaanka geedka caagga ama hadhaaga saliidda caydhiin. Dh: cinjir.
caag-ga: (magac, lab, keli) meel godan oo ay biyuhu fadhiistaan.
caag-ga: (magac, lab, keli) wax lagu dhici waayay oo laga cabsaday deedna laga joogsaday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caal
1. (Caal-ka) Cudur xoolaha ku dhaca oo oogadu bararto, oo cunnaxumada ka yimaada; cashi.
2. (Caa-sha) Harag dheer oo balaqsan oo lo'da dhuunteeda hoos uga laallaada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caal
caal¹: m.l Cudur lo'da, idaha ka barariya caloosha oo uu keeno gooryaan caloosha kaga dhashay.
caal²: m.dh (-lyo, m.l) Harag dheer, balaqsan oo lo'da luqunteeda dhinaca hoose ka laallaada.
caal³: f.mg1 (-aalay, -aashay) Lo' ama ido cudur caloosha ka barariya ku dhicid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caal
caal¹: m.l Cudur lo'da, idaha ka barariya caloosha oo uu keeno gooryaan caloosha kaga dhashay.
caal²: m.dh (-lyo, m.l) Harag dheer, balaqsan oo lo'da luqunteeda dhinaca hoose ka laallaada.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caal
m. n., [collective] disease of cattle
caal [feminine] n. dewlap of cow
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caal
-ka: (magac, lab, keli) cudur xoolaha ku dhaca oo barariya cunaha oo cunna'xumi ka yimaad. Caal baa adhigii ku dhacay. Dh: cashi
caal -ka: (magac, lab, keli) tamar iyo awood wax lagu baajiyo ama lagu maareeyo. Arrintan uma caal helayno.
caal -sha: (magac, dhedig, keli) saanta balaqsan ee luqunta lo'da ka laallaada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caam
m.l.kh C. ah: wax guud ahaaneed oo dad badan u dhexeeyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caam
m.l.kh C. ah: wax guud ahaaneed oo dad badan u dhexeeyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caam
(tilmaame) si guud; si aan gaar ahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caan
(Caan-ka)
Aad loo yaqaan; magaciisu meelo badan gaarey; laysla yaqaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caan
m.l.kh C. ah: wax dad badani yaqaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caan
m.l.kh C. ah: wax dad badani yaqaan.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Caan
Universal
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caan
m. n. (adj.): fame; popularity; popular, well-liked
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caan
-ah: (adj) famous (fey-mas); popular (pop-ye-lar); well or widely known. Ex: atoore caan ah; a popular actor
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caan
(tilmaame) aad loo yaqaan magaciisa; qof magaciisu meelo badan gaadhay. Caan weeye Cilmi Boodhari.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caan
de: fame; popularity; [atr.] popular, well-liked
lx: caan
pd: (-ka Pl: caanan (ka))
ps: n4-m
key: caan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caaq
(Caaq-a)
1. Aan caqli badnayn; nacas; doqon; dabbaal.
2. Waalid-caasi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caaq
m.l.kh (-qyo, m.dh) C. ah qof aad u garaad yar.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caaq
m.l.kh (-qyo, m.dh) C. ah qof aad u garaad yar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caaq
m. n. fool; stupid, foolish, ignorant person; one who lacks respect for parents
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caaq
-a: (n) wimp (wimp); fool (fuul); stupid, slow, dumb or dull person ~ doqon, axmaq
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caaq
(fal) mid waalid'inkaar ah noqo.
caaq -a: (magac, lab, keli) qof waalid'inkaar ah.
caaq: (tilmaame) qof aan waalidkiisa raali gelin. Dh: waalidcaasi, waalid'inkaar. Li: baarri.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caaq
bw: Arabic
cf: caasi, nacas
de: fool; stupid, foolish, ignorant person; one who lacks respect for parents
lx: caaq
pd: (-a Pl: caaqaq (ka))
ps: n4-m, n2-m
key: caaq
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caar
(Caar-ka)
1. Midab baraqshirix leh.
2. Xubinta awrtu ka kaadido.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caar
caar: m.l 1. Midab baraashirix ah oo lo'da ariga iyo farduhu yeeshaan. 2. Cudur haragga dadka ku dhaca oo baro cadcad u yeela; qawad.
cąar: m.l (-rar, m.l) Xubinta taranka ee ratiga.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caar
caar: m.l 1. Midab baraashirix ah oo lo'da ariga iyo farduhu yeeshaan. 2. Cudur haragga dadka ku dhaca oo baro cadcad u yeela; qawad.
cąar: m.l (-rar, m.l) Xubinta taranka ee ratiga.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caar
m. n. camel's penis
caar m. n., [abstract] spotted color pattern on livestock (gray ~ black); speckled
caar v. overflow (of river ~ sea)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caar
-ka: (n) the penis of a male animal organism other than a human being, especially male camel or bull (buul) ~ caad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caar
-ka: (magac, lab, keli) eeg caadh.
caar -ka: (magac, lab, keli) midab madow iyo caddaan iskugu jira oo lo'da iyo riyuhu leeyihiin.
caar-ka: (magac, lab, keli) dhedigga intooda aanu qofku geyin oo ay caydoodu qabato.
caar -ka: (magac, lab, keli), cudur haraga dadka ku dhaca oo baro cadcad u yeela. Dh: qadaw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caaw
caaw¹: m.l la-mid: caw¹.
caaw²: m.dh la-mid: caw².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caay
caay¹: m.dh la-mid: cay² (1).
caay²: f.g1 (caayay, cayday; caayi) la-mid: cay³.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caay
v. abuse, insult
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caay
-caayey/ caayday: (v) offend (o-fend); insult (in-salt)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caay
de: abuse, insult Alt sp: cay
lx: caay
pd: (caayey / caaydey)
ps: v1=
key: caay
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
caay
سب، شتم
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daac
daac¹: m.dh Qabatoon; macaluul; diihaal.
daac²: f.g/mg1 (-cay, -cday) 1. (f.g) Neef caloosha ka timaadda oo dhawaaq leh, afka ka sii deyn. 2. (f.mg) Nafley caatoobid. la-mid: daaco².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daac
daac¹: m.dh Qabatoon; macaluul; diihaal.
daac²: f.g/mg1 (-cay, -cday) 1. (f.g) Neef caloosha ka timaadda oo dhawaaq leh, afka ka sii deyn. 2. (f.mg) Nafley caatoobid. m.f.dh, daacid. la-mid: daaco.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daac
v. belch, burp
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
daac
-ay / day: (v) belch (beelji); burp (beerp); expel gas from the mouth
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daac
(fal) qallooco oo hoos u diis, hoos u dhuuc, hoos u godo. Waxa aan la kufay xagashaai daacday miiskaankaan qaadday awgii.
daac: (fal) dhereg awgii la daac, wax naqas leh oo aad cabtay hawo goosgoos ah afka keen, afka neef xoog badan ka keen. Dibbiro darteed buu doqonku la daacayaa.
daac: (fal) webi, tog, laag iyo wixii la mid ah, meel kale ku dar ama ku faaf meel doox ah ama dhul siman oo hoose. Docda bari dareeriga baddiyo, Seylac darifkeeda, dusha koonfureed iyo ilaa, webiga daaciisa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daac
de: belch, burp
lx: daac
pd: (daacay)
ps: v1=intr
key: daac
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faac
-a: (magac, lab, keli) qarada iyo xajmiga jidhka walax leeyahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Laac
(Laac-a)
Muuqaalka guud oo geedaha cagaaran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laac
laac¹: m.l Muuqaalka guud ee geedaha cagaaran.
laac²: f.g/mg1 (-cay, -cday) 1. (f.g) Gacan fidsan wax ku tiigsasho. 2. (f.mg) Ka l.: cunto, cabbitaan iyo wixi lamida degdeg u dhammaysasho. 3. (f.mg) Naq baxay muuqasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
laac
laac¹: m.l Muuqaalka guud ee geedaha cagaaran.
laac²: f.g/mg1 (-cay, -cday) 1. (f.g) Gacan fidsan wax ku tiigsasho. 2. (f.mg) Ka l.: cunto, cabbitaan iyo wixi lamida deg-deg u dhammaysasho. 3. (f.mg) Naq baxay muuqasho. m.f.dh, laacid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laac
v. reach out (for); hold out one's hand
laac vl. n. act of reaching out for something
laac v. become green, burgeon
laac m. n., [collective] greenery
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
LAAC
(La') S Dichanthium foveolatum (Del.) Roberty. Gramineae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
laac
-ay / day: (v) reach out for; make a long arm; reach (riij)
laac -a: (n) green vegetation; greenery (giriineri) ~ naq, doog
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laac
(fal) caano wada dhan oo dhammee. Dhiilka caanaha ka laac. Dh: heemi, laaso, dhammee.
laac: (fal) wax ku ag yaal ama kaa yara durugsan gacanta ku fidi si ad u soo qaaddo. Laanta laac oo liinta ka soo gooso. Dh: tiigso.
laac: (fal) wax dushaada yaalla ama kaa sarreeya sida geed oo kale, gacanta ama afka la haabo.
laac: (fal) dhir, doog iyo wixii la mid ah, bildhaan quruxsan muuji.
laac -a: (magac, lab, keli) muuqaalka guud ee doogada ah ee dhirtu bixiso marka roob helo xilli barwaaqo ah. Laac wanaagsan ayaa keyntaasi leedahay. Dh: suugaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaac
(Qaac-a)
Wax daruur la moodo oo waxa gubanaya ka soo baxa; qiiq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaac
qaac¹: m.l Uumi daruur la moodo oo wax gubanaayo ka soo baxa oo hawada ku baaho. la-mid: qiic¹, qiiq¹ (2), qiiqaab¹.
qaac²: f.mg1 (-cay, -cday) Wax gubanaayo qaac bixin. la-mid: qiic², qiiq², qiiqaab².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qaac
qaac¹: m.l Uumi daruur la moodo oo wax gubanaayo ka soo baxa oo hawada ku baaho. la-mid: qiic, qiiq, qiiqaab.
qaac²: f.mg1 (-cay, -cday) Wax gubanaayo qaac bixin. m.f.dh, qaacid. la-mid: qiic, qiiq, qiiqaab.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaac
m. n., (mass n.): smoke
qaac v. smoke, emit ~ give off smoke
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaac
-a: (n) smoke (ismook); steam (istiirn); vapor (vaay 'per) ~ uumi, qiiq
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaac
-a: (magac, lab, keli) giig daruur u eg oo waxa gubanaya ka baxa. Dh: qiiq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raac
f.g/mg1 (-cay, -cday) 1. (f.g) Cid socod ku wehelin. 2. (f.g) Waddoqaadid. 3. (f.g) Diyaarad, baabuur iyo wixi lamida oo socda fuulid. 4. (f.g) Bahal iyo dayac xoolo ka ilaalin. 5. (f.g) Cid cayrsasho. 6. (f.mg) Ku r.: cid ra'yi iyo wixi lamida la oggolaan. 7. (f.mg) La r.: xoolo iyo wixi lamida garaacid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
raac
f.g/mg1 (-cay, -cday) 1. (f.g) Cid socod ku wehelin. 2. (f.g) Waddoqaadid. 3. (f.g) Diyaarad, baabuur iyo wixi lamida oo socda fuulid. 4. (f.g) Bahal iyo dayac xoolo ka ilaalin. 5. (f.g) Cid cayrsasho. 6. (f.mg) Ku r.: cid ra'yi iyo wixi lamida la oggolaan. 7. (f.mg) La r.: xoolo iyo wixi lamida garaacid. m.f.dh, raacid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
raac
v. follow; accompany, go along with; agree with; take, go by means of
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
raac
-ay / day: (v) 1. go with; walk with; go together; accompany (a-kam-pani); escort (es-koort). Ex: Cali, Axmed buu raacay; AH went with Ahmed. 2. go along to another place; take (teeyk) a form of transportation. Ex: wuxuu raacay baskii saaka haxay; he took the bus that left this morning
la isku raacay: (expression) all agreed (agriiyidh); mutual understanding
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raac
(fal) la soco oo ha ka hadhin. Aabbahaa suuga u raac. Li: hadh.
raac: (fal) soofi oo daranyada ka dhaw. Geela raac oo soo hadhimo dono. Dh: daaqgee, foofi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
raac
de: follow; accompany, go along with; agree with; take, go by means of
lx: raac
pd: (raacay / raacday)
ps: v1=
xe: Which bus should I take (there)?
xv: Baskee baan u raacaa?
key: raac
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saac
(Saac-a)
1. Maalinta qorraxda oo afar-iyo-labaatan meelood loo qaybshey meesheed; saacad.
2. Uraad; urshi.
3. Saacad wanaagsan oo aan naxsi ahayn; burji fiican; faal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saac
m.l 1. Maalinta oo afar iyo labaatan meelood loo qaybiyey meesheed; saacad. 2. Uraad; urshi.