c,c
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
C,c
/sii/harafky seddahaad oo farty Ingriinsky.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cillaan
1. (Cillaan-ka) a) Midabka dahabka iyo liinta bisil. b) Geed la harsado oo aan qodxo lahayn oo ubax udgoon. c) Caleemaha cillaanka oo la tumo oo wax lagu daro oo dabadeed dumarku isku qurxiyo inta ciddiyaha, sacabbada, kd. marsadaan; xinni.
2. (Cillaan-ta) Bahal yar oo qurux badan, oo mulaca u eg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Darab
1. (Darab-ka) a) Wax la fali doono, intaan la bilaabin, oo wax laysugu sii duwo oo waxa loo baahan doono loo soo dhoweeyo; diyaar. b) Istijo. c) Cabbir dhulka iyo beeraha lagu cabbiro, d) (weel, kd.) qurxin.
2. (Darab-ta) Daribta hilibka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dheer
1. a) (qof, geed, buur, kd.) kor iyo xagga cirka u fog; dhererkii loo badnaa wax u weheshaan; aan gaabnayn, b) (waddo, kd.) xagga dhinacyada aad ugu jiidan oo ugu fog. c) (ceel, god, kd.) hoos iyo xagga dhulka u fog; aan gaabnayn.
2. Meesha la joogo, meel wax badan u jirta ku sugan ama jooga; aan dhoweyn; durugsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gibil
1. (Gibil-ka) a) Oogada nafleyda dubkeeda; jirka dadka. b) Wixii ballaaran oo wax isku gudba oo qarsha; hir. c) Culays oogadu iska dareento; habbiso.
2. (Gibi-sha) Marka awrka rarka la wada saaro, sarta lagu dedo; lammo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
arjantam
m.l (-mmo, m.dh) (kiimika) Bir ka tirsan curiyeyaasha kalaguurka ah oo u jiri kartaa asal ahaan iyo weliba salfaydh (AgS) iyo kolorayd (AgCl) ahaanba. Summaddeedu waa: Ag. Bar dhalaalkeeduna (b.dh.) 960 C. Bar karkeeduna (b.k.) 2180 C. Cufnaan beeggeeduna waa 10.5, tiroborotoon 47, cuf atammeed 107.87.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baraf-dhagax
m.l (-xyo, m.dh) (c.cimi.) Kubbado yaryar oo baraf adag ah, dhexroorkooduna uu gaarayo 5 mm. iyo in ka badan, kuwaas oo ka dhaca daruuraha kumuulonimbaska, badanaa waxaa la socda duufaan wadata roob culus oo onkod iyo hillaac leh. Dhagax barafyadu waxay leeyihiin qaabab kala duwan oo xajmigoodu uu gaarayo in door ah; dhagax barafyada keli kelida ah waxaa lagu yaqaannaa in miisaankoodu uu gaaro hal kg iyo ka badan. Samaysankooda waxaa u sabab ah hawo qoyan oo si dhaqso leh kor ugu kacda; dhibcaha biyaha ah way barafoobayaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caalhel
f.mg1 (-elay, -eshay) 1. U c.: arrin xal u helid. 2. Ka c.: cid arrin yeelsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caasiyow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Ku c.: caasi noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cabso
f.mg3 (-saday, -satay) Ka c.: cabsi dareemid. la-mid: cabsoo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadaadis
cadaadis¹: m.l 1. Hawo c. saarid. 2. Xoogga ku dhaca halbeeg bed ah. 3. la-mid: cadadin.
cadaadis²: m.l (fiisikis) Xoogga lignaan u saaran halkii halbeeg ee bed ah ama waa saamiga xoogga iyo bedka. Waxa lagu cabbiiraa Baaskal ama N/m2 (H.C).
cadaadis³: m.l (siyaasad) Waa dawlad awoodsheegasho ku dhisan, caddaalad darro iyo hoggaamin xumo ku darsatay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadgooso
f.mg3 (-stay, -satay) Ka c.: cid godob ka gashay ka aarsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calaacal
calaacal¹: m.l 1. la-mid: calaancal 1. Hadal beerlaxawsi leh oo lagu muujinayo dhibaato dhacday oo taakulayn u baahan. 2. la-mid: calaacalid.
calaacal²: m.dh (-lo, m.l) Gacanta dadka inteeda hoose ee cad; baabbaco; sacab.
calaacal³: f.mg1 (-alay, -ashay) Ka c.: cid dhibaato ku dhacday, erayo beerlaxawsi leh cid kale u jeedin. la-mid: calaancal².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caloolxumow
f.mg3 (-maaday, -maatay) Ka c.: caloolxumo dareemid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
camashoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) U c.: caro dareemid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
candhuuf
candhuuf¹: m.dh Hoore layig ah, aan midab lahayn, qanjirrada afka nafleyda ka yimaada oo liqidda cuntada fududeeysa. la-mid: candhuufo.
candhuuf²: m.dh (c. nafl.) Dareere biyo oo kale ah ay qanjidho candhuufeedku ku dhiiqiiyaan afka. Soo saarida candhuufta waxa nashaadiya cuntada afka ku jirta iyo urta ama ku fekerka cuntada.
candhuuf³: f.mg1 (-fay, -ftay) Ku c.: cid candhuuf ku tufid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caqliceli
f.mg2 (-iyay, -isay) U c.: cid waxay samayn lahayd ka waanin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caraysii
f.mg2 (-iiyay, -iisay) 1. Is c.: is daalin. 2. Ka c.: cid caro ku abuurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caroo
f.mg3 (-ooday, -ootay) U c.: caro dareemid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carruuree
f.mg2 (-reeyay, -raysay) 1. Cid in ay sida carruurta u dhaqanta ku kallifid. 2. Is c.: carruur iska dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cayn
cayn¹: m.l (-yman, m.l) 1. Xarig isaga gudbo labada dhinac, oo rarka ku adkeeya gaadiidka nafleyda ah. 2. Magac carbeed xarafka 'c'.
cayn²: m.dh 1. Nooc; jaad. 2. Si, hab, qaab. 3. Keyn, dhul jiq ah oo dhir badan. la-mid: caynad.
cayn³: m.dh (naxwe) Dir naxweed ku shaqa leh in ay kala saarto labka iyo dheddigga ee magacyada, magacuyaallada iyo qaabka falalka (tus.: inantu way seexatay). Ereyada weertan cayn dheddigeed ayey wada muujiyeen: magaca, magacuyaalka iyo falkuba.