c
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
C
(cayn, ca'*)
Xarafka saddexaad oo Alifka Soomaalida; waa shibbane.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
c
m.dh (ca') Xarafka saddexaad ee alifka Soomaaliga, waana shibbane.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
c
(ca') m.dh Xarafka saddexaad ee alifka Soomaaliga, waana shibbane.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
C
/sii/ xarafka alifbeetada ingiriisiga.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
c
/o/sii-ow/ laga helo (care of, oo la soo gaabiyey).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
c
(n) the third [3rd] letter of the Somali alphabet, according to the style adopted by this dictionary, it is a consonant, pronounced as A': Ex: Cali; Ali
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
c
(ca'): xarafka saddexaad ee xuruufta Af Soomaaliga, ahna shibbane u qorma: C, c, C, c.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
c
third letter of the English alphabet.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
A
a: (a')
Xarafka koowaad oo Alifka Soomaalida. Waa shaqal.
-a: (naxwe) qodob raaca ereyada lab oo kelida ah oo 6 shibbane ku dhammaada (c, h, kh, q, x iyo hamsa, sida: magac-a, daah-a, jookh-a, maraq-a, madax-a iyo go'-a).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aabi
(Aabi-ga)
Arrin aan jid ahayn oo cid lagula kaco; gardarro; maag; daandaansi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aammin
1. (qof) Aan dhagar iyo laqdabo aqoon; daacad; lillaahi.
2. (meel, kd.) nabad ah; aan cabsi lahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aammusin
(Aammusin-ta)
Hadal u diidid ama ku celin, hadal ka joojin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aas
(Aas-ka)
1. Xabaasha (dadka dhinta) iyo waxa ku saabsan; duug.
2. Iftiinka midabyada leh oo qorraxdhaca; cirguduud; cilcillow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aayatiin
(Aayatiin-ka)
Waxtar aan durba dhalane, waa danbe, oo iyadana loo baahan yahay, la filana hayo oo loogu talaggalo; waxtar raaga; cirib-danbeed; meecaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aayo
1. (Aaya-da) (waa shedan tahay) Carruurta hooyadood maahee, oorida kale, oo aabbahood qabo.
2. (Aaya-ha) Waxtar waa danbe wax laga dheefo; ciribdanbeed; aayatiin; meecaad; liil danbe; (ama aaye).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abaabulid
(Abaabulid-da)
Arrin isku duwid; hagaajin; qabanqaabin; dumid (col).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abab
(Abab-ka)
1. Daaqbarad (xoolo).
2. Dhallaanka yaryar waxbarashadooda hore sida cunno cunidda; sansaanka, habka, ku-dayashada, (ama abaab).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abaydin
(Abaydin-ta)
1. Carruur, caanaha ay hooyada ka nuugaan, ka gooyn.
2. Caano aan kuwa hooyo ahayn (oo xoolaad) carruur siin oo ku korin.
3. Carruurta lafteeda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abbaanduule
(Abbaanduula-ha)
Col ama ciidan duullaan ah, kan u madax ah; colwade; maqaddin (ama ammaanduule).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abeer
(Abeer-ka)
Neef ishkin ah (geel, lo') oo dheddig oo goortuu ku curan lahaa aan ku curan; qaalin aan weli dhalin; galgaal (lo'); tebis (ari) (ama ameer).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abeesow
(Abeesow-ga)
Cudur oogada dadka ku dhaca oo haraggu u ekaado haragga abeesada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abhin
(Abhin-ta)
Qof laga baqa hayo, ama wax laga celina hayo, hadal saameeya oo uu ka baqo, (sida: Allaahaa hadduu Alla yahay), kula hadlid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aboor
(Aboor-ka)
Cayayaan beelo beelo u dega oo dundumooyinka sameeya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abuur
1. (Abuur-ka) a) Wax aan hor u jirin uumis; alkun. b) Geed ubxa haya, docda uu lafta ama iniinta ku lee yahay, oo kolkii la beero korta oo geed hor leh oo cusub noqota; laf ama iniin ama cad kasta oo geed hor leh noqon karta; firi. c) Hawsha la qabto kolka beerta abuurka lagu rida hayo.
2. (Abuur-ta) Sida loo uumay (farsamo, hab, qaab); baxaalli.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abuurcas
(Abuurcas-ka, Abuurcas-ta)
Meseggada jaad ka mid ah oo midabkeedu cas yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abuurid
(Abuurid-da)
Wax aan hor u jirin uumid; curin; alkumid; jirsiin; dhalin; ahaysiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abuuris
(Abuuris-ta)
Uumis; alkun; dhalis; curis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abwaan
(Abwaan-ka)
1. (qof) laamo badan oo cilmi aqoon weyn ku leh ama u leh siiba dhaqanka iyo ilbaxa tolka; waaya-arag; waxyaqaan; buuni.
2. (*) Buug ama buugag laamaha aqoontoo dhammi ku urursan yihiin.