buuxow
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BUUXOW
(Buhou) C Neurocanthus polyacanthus (Lindau) C.B.Cl. Acanthaceae.
C Neurocanthus preacanus Bidgood & Brummitt. Acanthaceae.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
BUUXOOW
Neuracanthus polyacanthus 01
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Buuxo
name-f fullness, the state of being full. Syn: Buux
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buuxo
magac loo baxsho gabadha reerka oo badhaadha ah dhalata, ama kolkii ay dhalatay aad u buurnayd.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Buubow
nickname; name-m runner, chaser; rejecter
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Buubow
magac loo baxsho wiil la filayo inuu noqdo mid orad badan oo wax caydhsada.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bukurow
(tilmaame) qof sidii bukurta u kuusan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buullow
-ga: (magac, lab, keli) dhul biyoqabad leh oo carrocad ah oo beerista aad ugu wanaagsan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buurnow
inch. v. become fat
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
buurnow
a: buurnoow
de: become fat
lx: buurnow
pd: (buurnaaday)
ps: v3a=inch
key: buurnow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buux
(Buux-a)
(weel, kd.) intuu qaadi karey lagu wada shubay ahaansho; jilays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buux
buux¹: m.l 1. B. ah: wax jilaysan. 2. la-mid: buuxid.
buux²: f.mg1 (-xay, -xday) Wax muggiisa ama qaadkiisu ku jiraan noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
buux
buux¹: m.l 1. B. ah: wax jilaysan. 2. la-mid: buuxid.
buux²: f.mg1 (-xay, -xday) Wax muggiisa ama qaadkiisu ku jiraan noqosho. m.f.dh, buuxid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buux
inch. v. be ~ become full
buux m. n.-st (adj.): fullness, state of being full; full
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Buux
name-m fullness, the state of being full. Syn: Buuxo
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
buux
-a: (adj) full (fuul) Ex: baaldi buuxa; full pail
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Buux
magac loo baxsho wiil dhashay isaga oo xadkii caadiga ahaa ka buuran ama dhalashadiisii reerka badhaadhe u horseedday.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buux
buux-a: (magac, lab, keli) weel iyo waxii la mid ah intuu qaadi karayey lagu wada shubay, aan meeli ka bannaanayn. Buuxa bakayriga inyar baa ka hadhsan.
buux-a: (magac, lab, keli) biyaha baddu kolkay heerka ugu sarreeya joogaan.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
buux
امتلاء
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
budow
budow¹: m.l Ka hariwaayidda laga hariwaayo xaajo la bartay oo la qaayibay. la-mid: budoobid.
budow²: f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Ka hariwaayid wax la bartay oo la qaayibay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
budow
budow¹: m.l Ka hariwaayidda laga hariwaayo xaajo la bartay oo la qaayibay.
budow²: f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Ka hariwaayid wax la bartay oo la qaayibay. m.f.dh, budoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buuko
-da: (magac, dhedig, keli) wax isku cufan. Buukada tamayuluq baa leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buulo
(Buula-da)
Magaalo aad u yar oo badanaa ka kooban buulal; tuulo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buulo
m.dh Degaan buulal badan ka dhisanyihiin; tuulo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
buulo
m.dh Degaan buulal badan ka dhisanyihiin; tuulo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buulo
f. n. village
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
buulo
-buulada: (n) small village; hamlet (haam lit) ~ duddo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buulo
-da: (magac, dhedig, keli) magaalo yar badanaa ka kooban buulal. Buulo bannaankeeda lama dego. Dh: dabaayid, kaam, tuulo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
buulo
a: tuulo
de: village
lx: buulo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: buulo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buuro
buuro: f.g3 (-rtay, -ratay) Nafley mid kale si aan ogaan ahayn ugu dhicid; legdid.
bųuro: f.mg3 (-rtay, -ratay) Nafley cayilid; weynaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
buuro
bųuro: f.mg3 (-rtay, -ratay) Nafley cayilid; weynaansho. m.f.dh, bųurasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buuro
v. grow fatter; get stronger; swell up, increase in volume
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
buuro
-buurtay / buuratay: (v) become fatter or swollen buuryaqab ah: (adj) not circumcised; uncircumcised (an ser kam- saayzidh)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
buuro
de: grow fatter; get stronger; swell up, increase in volume
lx: buuro
pd: (buurtay)
ps: v3b=intr
syn: naax, cayil
key: buuro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buuxa
(weel, kd.) intuu qaadi karey sida; muggi aan wax ka maqnayn; afka haya; afka jooga; jilaysan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buuxa
(tilmaame) meel dhiman aan lahayn oo aan wax kale qaadi karin. Weel buuxa weel madhan laguma dhufto. Dh: budh, afka, ilkaha. Li: nag, madhan, faaruq, baabbah, eber.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buuxi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax muggiisa ku shubid. 2. Kaalin maran gelid. 3. Foomka b.: shuruudaha warqad looga baahnaa meelaheeda bannaan ku qorid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
buuxi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax muggiisa ku shubid. 2. Kaalin maran gelid. 3. Foomka b.: shuruudaha warqad looga baahnaa meelaheeda bannaan ku qorid. m.f.dh, buuxin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buuxi
v. fill (up ~ out); wind (watch); charge (a battery)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
buuxi
-yey / say: (v) 1. fill (fiil) Ex: galaaska caano ka buuxi; fill the glass with milk. 2. fill in. Ex: meelaha banaan buuxi; fill in the blank spaces
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buuxi
(fal) weel ama dhisme meel gudo ah oo godan ama daloosha meel dhiman u diid, budh ka sii, daf ka sii, afka ka mari, ilkaha ka dhig. Wiilka bidhaha u buuxi. Li: madhi, faaruqi.
buuxi: (fal) ballan xidhnayd fuli oo kaga dhabee shuruudo iyo go'aanno aad dad la gaadhay. Ballanqaadkiisii wuu buuxiyey.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
buuxi
de: fill (up ~ out); wind (watch); charge (a battery)
lx: buuxi
pd: (buuxiyey)
ps: v2a=
xe: Fill out this form!
xv: Warqaddan buuxi!
key: buuxi
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
buxom
/baksam/ (adj) naagta jirka ah (oo buuran)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guuxo
m.dh Cune; doobbo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ubxow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) la-mid: ubaxow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ubxow
(fal) ubax noqo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uurow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Uur qaadid ama yeelasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
uurow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Uur qaadid ama yeelasho. m.f.dh, uuroobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uurow
(fal) eeg uuraw.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
uurow
de: become pregnant
initial: u
lx: uurow
pd: (uuroobay / uurowday)
ps: v1=
key: uurow
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xuuxo
-da: (magac, dhedig, keli) xabeeb.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Bullow
name-m light skinned. Cf: Bullaale, Bullo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bullow
-ga: (magac, lab, keli) eeg bullaale.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Bunnow
nickname; name-m coffee. Lit: black
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BUNOOW
(Bunow) S Aristolochia. brateolata Lam. Aristolochiaceae.
S Cephalocroton cordofanus Hochst. Euphorbiaceae.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
burrow
/baarow/ (v) 1. qodid (god qodid) (n) 2. godka xayawaanku qoto.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
burrow
/burow/ (n) 1. god, haluul. (v) 2. god qothow, haluuluthow.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
burrow
n., (hole made in the ground by rabbits) god, -ki.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
buux_1
de: be ~ become full
hm: 1
lx: buux
pd: (buuxay / buuxday)
ps: v1=inch
key: buux_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
buux_2
a: buuxid
de: fullness, state of being full; [atr.] full
hm: 2
lx: buux
pd: (-a ~ -da)
ps: n-m/f-st
key: buux_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buuxid
(Buuxid-da)
Wax buuxa ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buuxid
m.f.dh eeg buux². la-mid: buux¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buuxid
-da: (magac, dhedig, keli) buuxsanaansho ahaan; wax budh ah ahaan. Weel afka jooga buuxid kale uma hadhin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buuxin
(Buuxin-ta)
Wax buuxa ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buuxin
m.f.dh eeg buuxi. la-mid: buuxis (2).
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
buuxin
bumping
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Buuxin
Filling
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buuxin
vl. n. filling, act of filling
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buuxin
-ta: (magac, dhedig, keli) fulinta ballan aad gashay. Ballan buuxin nu samaynay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
buuxin
de: filling, act of filling
lx: buuxin
pd: (-ta)
ps: vn0-f
key: buuxin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buuxis
m.l 1. Afsaar. 2. la-mid: buuxin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
buuxis
m.l 1. Afsaar. 2. la-mid: buuxin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buuxsi
-ga: (magac, lab, keli) weel iyo wax la mid ah, meel dhiman u diidid. Buuxsi buu rabaa in loo badho ma oggola.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buuxso
f.g3 (-saday, -satay) 1. Wax muggiisa wax dhan ku shubasho ama ku qaadasho. 2. Foomka b.: warqad meelaheeda bannaan shuruudo looga baahnaa ku qorasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
buuxso
f.g3 (-saday, -satay) 1. Wax muggiisa wax dhan ku shubasho ama ku qaadasho. 2. Foomka b.: warqad meelaheeda bannaan shuruudo looga baahnaa ku qorasho. m.f.dh, buuxsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buuxso
v. make something full; fill for oneself
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
buuxso
-buuxsaday / buuxsatay: (v) make full, complete for oneself. -ka il buuxso: (v) watch attentively; observe (ob zeerv)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buuxso
(fal) weel afka ka dhigo oo meel dhiman u diid. Buuxso buraashadda.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
buuxso
de: make s.t. full; fill for oneself
lx: buuxso
pd: (buuxsaday)
ps: v3a=tr
key: buuxso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Duugow
(Duugow-ga)
1. Duugoobid; duugid.
2. Xabaalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duugow
duugow¹: m.l la-mid: dugoobid.
duugow²: f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Duug noqosho (wax).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
duugow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Duug noqosho (wax). m.f.dh, duugoobid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
duugow
vl. n. depreciation, getting worn out, aging; burial
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duugow
(fal) baali noqo; wax gaboobay noqo.
duugow -ga: (magac, lab, keli) mar walaxi baali noqoto oo uu muddo badan jiro. Dh: baaliyoow.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
duugow
de: depreciation, getting worn out, aging; burial Originally: state of no longer having its original value
lx: duugow
pd: (-ga)
ps: vn2a-m
key: duugow
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Guudow
nickname-m one with expansive mane; full head of hair, free-flowing hairstyle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Guudow
magac ama naanays loo baxsho wiil timo dheere oo guudka sare loo feedho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guurow
guurow¹: m.l Qayb ka mid ah maansada oo gabayga la miisaan ah.
guurow²: f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Guurow tirin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
guurow
m.l Qayb ka mid ah maansada oo gabayga la miisaan ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
guurow
m. n. poem, poetic composition
guurow v. compose ~ recite a poem
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
guurow
-ga: (n) poem especially performed at the south of Somalia
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guurow
-ga: (magac lab keli) god cododka maansada ka mid ah oo si gaar ah loogu luuqeeyo gobollada koonfureed. Guurowga maad baran iyo gabayga xeeshiisa.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Kuusow
nickname; name-m rounded, globular, lumpy; stocky, short
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Kuusow
magac loo baxsho wiil gaaban oo cufan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muusow
-ga: (magac, lab, keli) heemid wax qoyani aayar u heemo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Suurow
(Suurow-ga)
1. Suuraggal.
2. Cayaar la tumo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suurow
suurow¹: m. Awood. la-mid: suurtow¹.
suurow²: f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Wax dhici kara noqosho. la-mid: suurtow².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
suurow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Wax dhici kara noqosho. m.f.dh, suuroobid. la-mid: suurtow.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
suurow
m. n. possibility
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suurow
(fal) wax suurtaggal ah, noqo.
suurow -ga: ( magac, lab, keli) ciyaar la tumo. Suurow baa la ciyaarayay xalay oo dhan.
suurow -ga: (magac, lab, keli) wax dhici kara noqo, caqli geli kara ahaw. Suurowga arrinta ha lagu dadaalo. Dh: suuraggal.