buuxitaan
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buuxitaan
vl. n. overflowing, state of being too full
buuxitaan v. overflow (of a river)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
buuxitaan
-ka: (n) the act of filling
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buuxitaan
-ka: (magac, lab, keli) weel buuxa ahaan. Buuxitaan ku soo qaaday baaldiga.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buubitaan
-ka: (magac, lab, keli) cabsi la cararitaan arwka raran, tuuritaanka rarka. Buubitaanka qaalinka ka ilaali. Dh: diditaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buuqitaan
-ka: (magac, lab, keli) buuqis iyo bulaamitaan. Buuqitaanka jooji waxba kaama maqnee. buuqniin -ka: (magac, lab, keli) buuqitaanka badan. Qayladiyo buugitaanka nala dhaafa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buuritaan
-ka: (magac, lab, keli) buuridda wax. Buuritaan u sooh dawliska.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buusitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg buusid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suuxitaan
-ka: (magac, lab, keli) dhicid, miyirbeelid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
buuxitaan_1
de: overflowing, state of being too full
hm: 1
lx: buuxitaan
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: buuxitaan_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
buuxitaan_2
de: overflow (of a river)
hm: 2
lx: buuxitaan
pd: (buuxitaamay)
ps: v1=
key: buuxitaan_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abuuritaan
m.l la-mid: abuurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abuuritaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg abuurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baadila
-da: (magac, dhedig, keli) xilliyada qaarkood, xaalad ay baddu noqoto oo caariga iyo buuxitaanku dheeraadaan oo ay dhawr maalmood socdaan. Baddu maalmahan waa baadila. Dh: caari, habso.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
plénitude
plénitude, n.f. - buuxitaan; dhammaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baxitaan
-ka: (magac, lab, keli) ka tegitaan; ka baxniin.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Bixitaan
Emittance
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bixitaan
vl. n. departure, leaving
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bixitaan
-ka: (n) departure (dibaar-jar) 2. issuance (i-shuu-wansi)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bixitaan
de: departure, leaving
lx: bixitaan
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: bixitaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bujitaan
-ka: (magac, lab, keli) furidda weel ama wax kale oo daboolan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bulitaan
-ka: (magac, lab, keli) bul u yeelitaan. Bulitaanka cidaadda badi. Dh: bulniin.
bulitaan-ka: (magac, lab, keli) wakhtika abaaraha geedaha dhaadheer ee xoolaha loo tumo si caleentu u soo daadato.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buritaan
-ka: (magac, lab, keli) fal ama cibaado la gudanayay, sharci ahaan jabid ama qaldamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ruxitaan
(Ruxitaan-ka)
Wax ruxidda lafteeda; ruxniin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ruxitaan
vl. n. shaking, beating
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ruxitaan
-ka: (n) the act of swinging or shaking ~ lulasho, ruxasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ruxitaan
-ka: (magac, lab, keli) lulitaan oo kolba dhan u dhaqaajitaan. Dh: lulitaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ruxitaan
de: shaking, beating
lx: ruxitaan
nt: ruxniin (ka) [vn-m]
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: ruxitaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balxitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg balxis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barxitaan
-ka: (magac, lab, keli) biyo iyo caano isku daritaan. Dh: barxitaan.
barxitaan-ka: (magac, lab, keli) barxista baraarka. Barxitaan baraar lihiyo dhaylo badhiyeede. Dh: badhxitaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
duulitaan
vl. n. flight; act of flying
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
duulitaan
-ka: (n) flying (falaaying)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duulitaan
-ka: (magac, lab, keli) dhulka ka kicid oo hawada dhex jibaaxid.
duulitaan-ka: (magac, lab, keli) cid kale oo colaadi idinka dhaxayso, weerar ku qaadid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
duulitaan
de: flight; act of flying
lx: duulitaan
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: duulitaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuuditaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg fuudid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuulitaan
-ka: (magac, lab, keli) korista meel sare; dusha uga bixitaan. Dh: koritaan. Li: daadegitaan, dhaadhicitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuuritaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg fuurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huuritaan
-ka: (magac, lab, keli) huuridda lafteeda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
luuditaan
-ka: (magac, lab, keli) socod qunyar ah, luudid ku socosho. Dh: luudniin,
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
murxitaan
-ka: (magac, lab, keli) hoolnaan oo dub iyo dirba la'aan. Barastu waa murxitaan jidhka haraggu ka saarmo. Dh: galdhicitaan.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Nuugitaan
Absorptivity
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
nuugitaan
-ka: (n) the act of absorbing or sucking; absorption (ab soorp-shin) ~ nuugid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nuugitaan
-ka: (magac, lab, keli) jiiditaan wax dareere ah lagu soo nuugo dhuun ama cabbitaan. Nuugitaanka foostada qanjidhaxanuun ayaa laga qaadaa. Dh: nuugniin.
nuugitaan-ka: (magac, lab, keli) jiqitaanka naaska. Ilmaha labo sano u daa nuugitaanka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suulitaan
-ka: (magac, lab, keli) isqarin; suulid; qarsoomid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suuritaan
-ka: (magac, lab, keli) hurdo dheer, suulitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tuulitaan
-ka: (magac, lab, keli) wax isdulsaaran ka dhigitaan; wax tuulan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yuubitaan
-ka: (magac, lab, keli) soo taagitaan; wax yuucan ka dhigid. Aad u yuubitaanka ka daa mudaca. Dh: yuucitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yuusitaan
-ka: (magac, lab, keli) gunuunucitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baduugitaan
-ka: (magac, lab, keli) burburitaanka walax iyo waxii la mid ah. Dh: jejebitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baguugitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg baguugid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bulxamitaan
-ka: (magac, lab, keli) bulxamis samayn. Bulxamitaan farxadi way ku dhantahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
burburitaan
-ka: (magac, lab, keli) kala jajabitaan ku dhacay, kala daadasho sida dhisme ama maamul. Burburitaan shirka ka dhawra.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ruxruxitaan
-ka: (magac, lab, keli) si is dabajoog ah u dhaqdhaqaajitaan oo kolba dhan u lulitaan. Ruxruxitaan badan buu dhulgariirku ku sameeyey guryaha. Dh: lullulitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afuufitaan
-ka: (magac, dhedig, keli) eeg afuufid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aruubitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg aruubid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhxitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg badhxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buuriyahan
m.l (-nno, m.dh) 1. Qof sigaarka aad u cabba. 2. Qof tubaakada cuniddeeda badsada.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
buuriyahan
m.l (-nno, m.dh) 1. Qof sigaarka aad u cabba. 2. Qof tubaakada cuniddeeda badsada.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buuriyahan
m. n. tobacco-user, smoker, person who chews tobacco
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
buuriyahan
de: tobacco-user, smoker, person who chews tobacco
lx: buuriyahan
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: buuriyahan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buuxsanaan
m.f.dh eeg buuxsan². la-mid: buuxsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buuxsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax buuxa ahaan. Buuxsanaan buu igu siiyey bidhaha.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cuyubitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg cuyubid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mudhxitaan
-ka: (magac, lab, keli) hoolnaan oo dub iyo diirba la'aan. Dh: galdhicitaan, diirmitaan, murxitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quudhitaan
-ka: (magac, lab, keli) ku deeqitaan. Dh: hurid, quuritaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shuuqitaan
-ka: (magac, lab, keli) dab ku dhicid oo siniinitaan; shuuqniin.
shuuqitaan-ka: (magac, lab, keli) si aan qeexnayn u ci'yid; shuuqniin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tukubitaan
-ka: (magac, lab, keli) qunyar u socodka, la tiirsado usha, ee gabowga, xanuunka iyo itaaldarridu keento.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xukumitaan
-ka: (magac, lab, keli) u talitaan.
xukumitaan -ka: (magac, lab, keli) xukun ku riditaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bitaan
bitaan¹: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Ciid khafiif ah hawo ku baahid.
bitaan²: f.mg4 (-naa,-nayd) Ciid khafiif ah hawo ku baahid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bitaan
bitaan¹: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Ciid khafiif ah hawo ku baahid. m.f.dh, bitaamid.
bitaan²: f.mg4 (-naa,-nayd) Ciid khafiif ah hawo ku baahid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buuxin
(Buuxin-ta)
Wax buuxa ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buuxin
m.f.dh eeg buuxi. la-mid: buuxis (2).
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
buuxin
bumping
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Buuxin
Filling
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buuxin
vl. n. filling, act of filling
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buuxin
-ta: (magac, dhedig, keli) fulinta ballan aad gashay. Ballan buuxin nu samaynay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
buuxin
de: filling, act of filling
lx: buuxin
pd: (-ta)
ps: vn0-f
key: buuxin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bugtaan
m.l la-mid: bukaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bugtaan
-ka: (magac, lab, keli) qof liciifa oo in badan xanuunsada.
bugtaan-ta: (magac, dhedig, keli) xanuun lala jiifo muddo badan. Bugtaan badan iyo baryo badan dadkaa kugu naca.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bulxaan
magaca wiil hadal badan ama sheekeeye ah oo xilli walba farxaan ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
burxaan
-ta: (magac, dhedig, keli) caws ka baxa beerta dhexdeeda oo durba dib u soo baxa markii la gooyo. Burxaan beerta ka guray: Dh: xule, dhikil.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bustaan
(Bustaan-ka)
Beer yar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bustaan
m.l (-nno, m.dh) Beer yar oo geed mirood ka baxa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bustaan
m. n. garden, park
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bustaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg beer.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bustaan
bw: Arabic
de: garden, park
lx: bustaan
pd: (-ka Pl: basaatiin (ta))
ps: n2-m, n8-m
key: bustaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buudaan
m.dh la-mid: boodaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buuraan
f. n., [abstract] stoutness, obesity, fatness
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
buuraan
de: stoutness, obesity, fatness Alt sp: buurraan
lx: buuraan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
syn: cayillaan, shishlaan
key: buuraan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buuxsan
buuxsan¹: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Wax la buuxiyey noqosho.
buuxsan²: f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la buuxiyay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
buuxsan
buuxsan¹: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Wax la buuxiyey noqosho. m.f.dh, buuxsamid.
buuxsan²: f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la buuxiyay ahaansho. m.f.dh, buuxsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buuxsan
der. [adjective] full, filled up
buuxsan [inchoative] v. become full
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buuxsan
(tilmaame) aad uu buuxa oon waxba ka inqanayn. Gorof caano buuxsan ayuu ii keenay. Li: madhan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huutaan
m.l.kh H. ah: nafley aad caato u ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ruuxaan
m.dh la-mid: rooxaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ruuxaan
f. n., pl. good ~ beneficial spirits
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ruuxaan
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg rooxaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ruuxaan
de: good ~ beneficial spirits (that are in the service of saints or very pious persons)
lx: ruuxaan
pd: (-ta)
ps: n8-f-pl
key: ruuxaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ugitaan
-ka: (magac, lab, keli) cugista iyo hogaynta weelka caanaha lagu liso, lagu lulo ama lagu kaydiyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ulitaan
-ka: (magac, lab, keli) darbidda iyo isku dubbariditaanka. Dh: abaabulitaan.
ulitaan-ka: (magac, lab, keli) qüiq ku shiditaan iyo bukhuurin. Dh: ulniin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uritaan
-ka: (magac, lab, keli) uridda lafteed.