buuxdhaafin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buuxdhaafin
(Buuxdhaafin-ta)
(weel, kd.) heerka muggiisa wax ka badan, ku shubid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buuxdhaafin
m.f.dh eeg buuxdhaafi. la-mid: buuxdhaafis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buuxdhaafin
-ta: (magac, dhedig, keli) weel, gaari iyo waxii la mid ah, qaadkiisii in ka badan ku shubid, ku ridid, ku rarid. Dh: tandhaafin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buuxdhaafi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax muggiisa in ka badan ku shubid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
buuxdhaafi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax muggiisa in ka badan ku shubid. m.f.dh, buuxdhaafin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buuxdhaafi
v., [compound] overfill, make something overflow
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
buuxdhaafi
-yey say: (v) overfill / (oovar fiil) Ex: ha buuxdhaadin; don't overfill
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buuxdhaafi
(fal) weel, gaadhi iyo waxii la mid ah, qaadkiisa in badan ku shub, in badan ku rid, in ka badan saar. In ka kabbo bidhaha caanaha waan buuxdhaafiyey: Dh: tandhaafi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
buuxdhaafi
de: overfill, make s.t. overflow
lx: buuxdhaafi
pd: (buuxdhaafiyey)
ps: v2a=cmp
key: buuxdhaafi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buuxdhaafid
(Buuxdhaafid-da)
(weel, kd.) inta muggiisu qaadi karey kor u dhaafay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buuxdhaafid
m.f.dh eeg buuxdhaafi². la-mid: buuxdhaafi¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buuxdhaafid
-da: (magac, dhedig, keli) tankii qaadkiisu ahaa ka siyaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buuxdhaafis
m.l la-mid: buuxdhaafin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buuxdhaafis
-ka: (magac, lab, keli) eeg buuxdhaafin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buuxdhaaf
(Buuxdhaaf-ka)
(weel, kd.) wax muggi ka badan lagu shubay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buuxdhaaf
buuxdhaaf¹: m.l 1. Wax muggooda, inta dheeraadka ku ah. 2. la-mid: buuxdhaafid.
buuxdhaaf²: f.mg1 (-fay, -ftay) Wax muggooda in ka badan lagu shubay noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
buuxdhaaf
buuxdhaaf¹: m.l 1. Wax muggooda, inta dheeraadka ku ah. 2. la-mid: buuxdhaafid.
buuxdhaaf²: f.mg1 (-fay, -ftay) Wax muggooda in ka badan lagu shubay noqosho. m.f.dh, buuxdhaafid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buuxdhaaf
v., [compound] overflow, be overfull
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
buuxdhaaf
-ay / tay: (v) fill to the brim; overflow (oovar falaw)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buuxdhaaf
-ka: (magac, lab, keli) fatahaadda wee lama walax kale ku timaadda marka intii uu qaadi karayey in ka badan lagu shubo. Raxaynta caanuhu waa buuxdhaaf. Li: inqanaan, dhinnaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
buuxdhaaf
de: overflow, be overfull
lx: buuxdhaaf
pd: (buuxdhaafay)
ps: v1=cmp
key: buuxdhaaf
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hirqin
-ka: (magac, lab, keli) weel aad u buuxin; buuxdhaafin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buuxitaan
vl. n. overflowing, state of being too full
buuxitaan v. overflow (of a river)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
buuxitaan
-ka: (n) the act of filling
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buuxitaan
-ka: (magac, lab, keli) weel buuxa ahaan. Buuxitaan ku soo qaaday baaldiga.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isdhaafin
m.f.dh eeg isdhaafi. la-mid: isdhaafis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mugdhaafi
(fal) buuxdhaafi oo muggii uu qaadi kari lahaa ka biir. Caanaha koobka ii mugdhaafi. Dh: buuxdhaafi, tandhaafi, fatihi. Li: dhin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muqdaafin
m.f.dh eeg muqdaafi. la-mid: miqdaafin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muqdaafin
-ta: (magac, dhedig, keli) gaadiid badeed muqdaaf ku kaxayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dardhaafin
m.f.dh eeg dardhaafi. la-mid: dardhaafis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tandhaafin
-ta: (magac, dhedig, keli) weel iyo wixii la mid ah muggii uu qaadi karayey ka siyaadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biyadhaamin
-ta: (magac, dhedig, keli) raridda iyo dhaaminta biyaha. Dh: warraad, biyadhaamis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foondhaafin
m.f.dh eeg foondhaafi. la-mid: foondhaafis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buunshabixin
-ta: (magac, dhedig, keli) hadhuudh ama wax kale, buushaha ka bixin. Buunshabbixin ugaa maxay tumi taqaan masagada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaafdhaafin
m.f.dh eeg dhaafdhaafi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cashuurdhaafid
-da: (magac, dhedig, keli) cashuurtii la qaadi lahaa, dhaafid ama dayn. Dh: cashuurdhaafis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cashuurdhaafis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg cashuurdhaafid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bahaa'in
m.l la-mid: bahaahin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bahaa'in
-ka: (magac, lab, keli) xayawaanka waaweyn een dhibaatada lahayn dadkana aan cunin sida xoolaha, ugaadha iyo wixii la mid ah. Bahaa'inka harraadan biyo siiya. Dh: bahaayin, nimcooley, mayeedhaan.
bahaa'in: (tilmaame) qof aan garaad badan lahayn; qof caqligaab ah. Odayga Buux waa bahaa'in aan caano iyo biyo kala garanaynin. Dh: doqon, nacas, caran, xoolo, macaac, neef.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bahaahin
m.l 1. (u) Xoolo la dhaqdo. 2. Qof aan caqli badan lahayn. la-mid: bahaa'in, bahaayin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bahaahin
m. n. domestic animals; idiot, fool
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bahaahin
-ta / ha: (n) 1. an animal organism other than a human being ~ xayawaan. 2. a bestial person; lacking in intelligence or reason; subhuman ~ doqon
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bahaahin
a: bahaa'in ~ bahaayin
de: domestic animals; [fig.] idiot, fool
lx: bahaahin
pd: (-ka)
ps: n2-m-m
key: bahaahin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bahaayin
m.l la-mid: bahaahin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bahaayin
-ka: (magac, lab, keli) xayawaanka aan dhibaatada lahayn dadkana aan cunin sida xoolaha, ugaadha iyo wixii la mid ah. Li: dugaag.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bildhaan
(fal) sheedda ka muuqo. Dh: bidhaan.
bildhaan -ta: (magac, dhedig, keli) wax sheedda ka muuqda. Dh: bidhaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bulaacin
-ta: (magac, dhedig, keli) ladnaan, raaxo iyo caafimaad qab. Bullaale keligi buu halkan bulaacin ku noolyahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bulaalin
m.f.dh eeg bulaali.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bunaaxin
m.dh la-mid: banaaxiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bunaaxin
-ta: (magac, dhedig, keli) cida lo'da xilliga ay doog iyo biyo wanaagsan isku helaan. War maxaad sida dibida bunaaxinta la waddaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Burshaan
(Burshaan-ka)
Buur yar; burco; kood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
burshaan
m.l Buur yar; kood.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
burshaan
m. n. hill, dune
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
burshaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg burco.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
burshaan
de: hill, dune
lx: burshaan
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: burshaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Butaacin
(Butaacin-ta)
Biyo iyo wax la mid ah, meel xoog ugu sii deyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
butaacin
m.f.dh eeg butaaci.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
butaacin
-ta: (magac, dhedig, keli) dareere fatahin, xoog u soo dayn, meel ku sii deyn. Butaacinta biyaha darkaa ku jaba. Dh: burqin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buudhqab
m.l Hal awr abaahiyay oo loo malaynayo inay rintay, abaahiqab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buurnaan
(Buurnaan-ta)
Buuran ahaan; cayillaan; shishlaan; weynaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buurnaan
m.f.dh eeg buuran. la-mid: buurnaansho, buurni.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buurnaan
f. n., [abstract] stoutness, obesity, fatness
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
buurnaan
-ta: (n) obesity (oo-bii-siti); fatness (faatnes) ~ buurni, buurnaasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buurnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax buuran oon weyd ahayn ahaan; hilib badan lahaan. Buurnaanta isboori ayaa lagula dagaallamaa. Dh: buurri.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
buurnaan
de: stoutness, obesity, fatness
lx: buurnaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: buurnaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buurqaaf
m.dh Wax dhib badan oo aan la dhaafi karin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buurqaaf
f. n. (adj.): name of a legendary mountain; impossible, unobtainable
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
buurqaaf
de: name of a legendary mountain; [fig. atr.] impossible, unobtainable
lx: buurqaaf
pd: (-ta)
ps: n-f
key: buurqaaf
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buusnaan
(Buusnaan-ta)
Isku ceshanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buusnaan
m.f.dh eeg buusan². la-mid: buusnaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buusnaan
f. n., [abstract] state of being dented, squashed
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
buusnaan
de: state of being dented, squashed
lx: buusnaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: buusnaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuudhsan
(tilmaame) walax fuudh ku cabbiran; la fuudhshey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guhaadin
m.f.dh eeg guhaadi. la-mid: guhaadis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guhaadin
-ta: (magac, dhedig, keli) hadal cadho iyo diriri ku jirto oo cid lagu yidhaa. Dh: hanjabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hadaafin
m.f.dh eeg hadaafi. la-mid: hadaafis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isdhaafi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Laba wax oo jihooyin kala duwan u socda isweydaarin. 2. Wax khaldid. 3. Cid waalid. 4. Jirro qof haysay mid kale ku wareejin iyada oo sixir la adeegsanaayo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
isdhaafi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Laba wax oo jihooyin kala duwan u socda isweydaarin. 2. Wax khaldid. 3. Cid waalid. 4. Jirro qof haysay mid kale ku wareejin iyada oo sixir la adeegsanaayo. m.f.dh, isdhaafin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
isdhaafi
-yey -say: (v) pass on, pass down isweydaari, gudbi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isdhaafi
(fal) wax aad hayso, mee ama cid kale u sii tebi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mugdhaaf
-ka: (magac, lab, keli) dhaafidda intii uu qiyaas ahaan wax mug lihi qaadi kari lahaa. Dh: tandhaaf, buuxdhaaf fatahid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muqdaafi
f.g2 (-iyay, -isay) Huuri muqdaaf ku seebin. la-mid: miqdaafi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
muqdaafi
v. row (a boat), paddle (a canoe)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muqdaafi
(fal) gaadiid badeed muqdaaf ku kexee. Huudhiga muqdaafi oo na tallaabi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
muqdaafi
de: row (a boat), paddle (a canoe)
lx: muqdaafi
pd: (muqdaafiyey)
ps: v2a=tr
key: muqdaafi
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
muxaafid
m. n. (adj.): preserving the old order; conservative
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
muxaafid
-ka: (n) 1. one who has memorized the Koran ~ xaafid. 2. conservative (konseervativ). Ex: Xisbiga Muxaafidka ah; the Conservative Party
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muxaafid
-ka: (magac, lab, keli) qof ama urur taageera cid xukun haysa ama nidaam horay u sii jiray.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
muxaafid
bw: Arabic
de: preserving the old order; keeping with the old ways; [atr.] conservative
lx: muxaafid
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: muxaafid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uugaabin
-ta: (magac, dhedig, keli) guubaabin iyo tirtirsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uugaamin
m.f.dh eeg uugaami. la-mid: uugaamis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uugaamin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale wax ku guubaabin. Dh: uugaabin, tirtirsiin, uugaabis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xagaafin
m.f.dh eeg xagaafi. la-mid: xagaafis.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Xagaafin
Xanaf bi'in, xaad dhawrid, sulubin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xuudhayn
m.f.dh eeg xuudhee. la-mid: xuudheys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afdhaafid
m.f.dh eeg afdhaaf.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afdhaafid
-da: (magac, dhedig, keli) (is ~) dad wax ay ka tashanayeen ama ka hadlayeen isku khilaafid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Badbaadin
(Badbaadin-ta)
Badbaado siin; nabadgelin; samatabbixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
badbaadin
m.f.dh eeg badbaadi. la-mid: badbaadayn, badbaadis.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
badbaadin
to save