buuryoqab
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buuryoqab
-ka: (magac, lab, keli) caruur aan wali la gudin oon laga goynin baaradii. Dh: beejaqab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buuryaqab
(Buuryaqab-ka)
Buuryo ku taal; aan la gudin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buuryaqab
buuryaqab¹: m.l (buuryaqab/-byo, m.dh) Qof aan gudnayn. la-mid: beejaqab.
buuryaqab²: m.dh (-bo, m.l) Gabar aan gudnayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
buuryaqab
m.l (buuryaqab/-byo, m.dh) Qof aan gudnayn. la-mid: beejaqab.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buuryaqab
m. n., [compound] uncircumcised male
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
buuryaqab
-ka: (n) not circumcised male
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buuryaqab
-ka: (magac, lab, keli) baarada weli laga goyn, weli la gudin. Waan ogahayinaad buuryoqab tahoo, weli biri ku taabane. Dh: beejaqab, baaraqab.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
buuryaqab
de: uncircumcised male
lx: buuryaqab
pd: (-ka)
ps: n2a-m-cmp
key: buuryaqab
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buuryaqabid
-da: (magac, dhedig, keli) baaro qabid; gudis la'aan. Islaamku ragga buuryagabid uma oggola. Dh: buuryaqabis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buuryo
(Buurya-da)
Wiilasha la gudayo cadka laga gooyo; beejo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buuryo
m.dh (-ooyin, m.l) Cadka ka lusha guska intiisa hore oo la gooyo marka la gudaayo wiilasha; yuub, qolof; balag. la-mid: beejo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
buuryo
m.dh (-ooyin, m.l) Cadka ka lusha guska intiisa hore oo la gooyo marka la gudaayo wiilasha; yuub, qolof; balag. la-mid: beejo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buuryo
f. n. foreskin, prepuce
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
buuryo
-buuryada: (n) foreskin (foor iskiin); prepuce (pirii piyuus) ~ balag, beejo, caabbi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buuryo
-da: (magac, dhedig, keli) cadka balagga ku yaal ee kurayga laga jaro marka la gudayo. Buuryada ka goo wiilka. Dh: baaro, hanjaf.
buuryo -da: (magac, dhedig, keli) qoodhaha carruurtu inta ay yaryar yihiin gaar ahaan inta la jaro. Kolkuu kor u boodo buuryadu nig bay tidhaa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
buuryo
de: foreskin, prepuce
lx: buuryo
pd: (/da)
ps: n6-f
syn: beejo
key: buuryo
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
buuryo
خُلْفَةٍ، قُلْفَة، غُرْلَة
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buudhqab
m.l Hal awr abaahiyay oo loo malaynayo inay rintay, abaahiqab.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buuricab
-ka: (magac, lab, keli) ninka buuriga fuuda ama sigaarka nuuga. Buuricab caafimaad ma qabo. Dh: buuricabbe, sigaaryacab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buuriyahan
m.l (-nno, m.dh) 1. Qof sigaarka aad u cabba. 2. Qof tubaakada cuniddeeda badsada.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
buuriyahan
m.l (-nno, m.dh) 1. Qof sigaarka aad u cabba. 2. Qof tubaakada cuniddeeda badsada.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buuriyahan
m. n. tobacco-user, smoker, person who chews tobacco
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
buuriyahan
de: tobacco-user, smoker, person who chews tobacco
lx: buuriyahan
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: buuriyahan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
burqad
m.l la-mid: burqasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
burqad
-ka: (magac, lab, keli) butaacid xoog ah oo meel ka soo baxda. Burqadka biyaha jooji. Dh: burqasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buurad
-ka: (magac, keli, keli) xabaal ma guuraan ah ama taallo. Sidii adhi bulaad galay raggii buuradka u jiifay.
buurad -ka: (magac, lab, keli) meel ciriiryoon oo xoog looga soo baxayo, marka dadku is waxyeelleeyo, oo is cawiro.
buurad-ka: (magac, lab, keli) wax buuran noqosho; wax waynaaday oo ballaadhy noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buuran
1. Aan caato iyo weyd ahayn; shilis; cayillan; naaxay; xowsan.
2. Aan yarayn, aan dhuubnayn; aad u weyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buuran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax cayilay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
buuran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax cayilay ahaansho. m.f.dh, buurnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buuran
der. [adjective] fat, plump, corpulent, obese, 'heavy'
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
buuran
-buurnaa/buurnayd: (adj) fat (faat), corpulent (koor pi·lant) cayilan, naaxsan. -Syn: fleshy, portly, obese, stout, pudgy, rotund, plump, chubby
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buuran
(tilmaame) wax buuran oo aan caato ahayn: mid aan weyd ahayn. Dh: shilis, naaxsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
buuran
de: fat, plump, corpulent, obese, 'heavy' Opp: dhuuban
lx: buuran
pd: (buurnaa Pl: buurbuuran)
ps: adj-der
syn: shilis
key: buuran
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suuryo
-da: (magac, dhedig, keli) jid cidhidhi ah Kama seexanaayoo suuryo oodan baan galay. Dh: surunsuur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tuuryo
(Tuurya-da)
Wax gacan laga tuuray; riddo; gantaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tuuryo
m.dh la-mid: tuuryayn.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
tuuryo
throw
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tuuryo
f. n. missile, projectile, anything thrown
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tuuryo
-tuuryada: (n) the act of throwing (tha-roow-ing) ~ tuuris
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tuuryo
bw: seeraari
de: missile, projectile, anything thrown
initial: t
lx: tuuryo
pd: (/da)
ps: n6-f
syn: furfurdo
key: tuuryo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baarqab
(Baarqab-ka)
Awrka geela loogu daro inuu rimiyo oo aan la rarine baarkiisii qaba.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baarqab
m.l (-byo, m.dh) Awrka geela loogu daro in uu rimiyo oo aan la rarine baarkiisa qaba.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baarqab
m.l (-byo, m.dh) Awrka geela loogu daro in uu rimiyo oo aan la rarine baarkiisa qaba.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baarqab
m. n. stud camel
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Baarqab
nickname-m spoiler; stud; lit: very arrogant, logger-headed and troublesome
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baarqab
-ka: (n) an adult male camel that has not been castrated
Magacyada Nafleyda Soomaaliyeed (Laatiin-Talyaani-Ingiriis-Soomaali) - Funayooli, Simoneeta [1985]
Baarqab
(I) Cammello maschio riproduttore;
(E) Sire Camel
(S) Baarqab (S. g.: Bargàb); Gurpi (A. G.: Gurpi)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baarqab
magac ama naanays loo baxsho wiil la filayo inuu sida awr baarqab ah yeesho raganimo iyo santaag.
baarqab: -ka: (magac, lab, keli) awrka aan la raran ee geela abaahiya. Baqas adhiya boqolaalka geel, baarqab iyo goolal. Dh: qoodh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baarqab
de: stud camel
lx: baarqab
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: baarqab
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bureeqa
-da: (magac, dhedig, keli) geenayadii nebi Muxamed lagu qaaday habeenkii Micraajka ee samada loo qaaday ama lagu dheelmiyey.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buuraan
f. n., [abstract] stoutness, obesity, fatness
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
buuraan
de: stoutness, obesity, fatness Alt sp: buurraan
lx: buuraan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
syn: cayillaan, shishlaan
key: buuraan
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buurnow
inch. v. become fat
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
buurnow
a: buurnoow
de: become fat
lx: buurnow
pd: (buurnaaday)
ps: v3a=inch
key: buurnow
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
suuroob
inch. v. be ~ become possible
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
suuroob
-ay / suurowday: (v) become real, possible or workable ~ suurtow
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
suuroob
de: be ~ become possible Alt sp: suurow
initial: s
lx: suuroob
pd: (suuroobay)
ps: v1=inch
key: suuroob
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tuuryay
(fal) cid kale, wax ku mir. Dh: tuuryey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Uuryaal
(Uuryaal-ka)
1. Aan dibadyaal ama ifyaal ahayn; maskaxda iyo maanka lagu garan karo: aan la taaban karin; dahsoon; (magac uuryaal ah, sida: male, run, boqortooyo).
2. Gurguurato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uuryaal
m.l (-llo, m.dh) 1. Xanuunka ay ummushu dareento marka ilmasidaheedu isku soo uruurayo. 2. (-llo, m.dh) Uurjiif. 3. Wax indhuhu aanay qaban karin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
uuryaal
m.l (-llo, m.dh) 1. Xanuunka ay ummushu dareento marka ilmasidaheedu isku soo uruurayo. 2. (-llo, m.dh) Uurjiif. 3. Wax indhuhu aanay qaban karin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uuryaal
-ka: (magac, lab, keli) wax aan debedyaal ama ifyaal ahayn; wax maskaxda iyo maanka lagu garan karo.
uuryaal -ka: (magac, lab, keli) magacyada intooda indhuhu aanay qaban karin, sida: male, run, iyo wixii la mid ah.
uuryaal -ka: (magac, lab, keli) eeg gurguurato.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
uuryaal
de: post-partem pains, pain felt after delivery
initial: u
lx: uuryaal
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
syn: cillan, gurguurto, qarsoon
key: uuryaal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
burlaqan
m.l (-nyo, m.dh) Bur la qasaayo inta kuuskuusanta oo aan qasmin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buuralay
-da: (magac, dhedig, keli) dhul buuro dhaadheeri leh oon bannaan lahayn ama uu ku yar yahay. Buuralayda golis waa dhul can ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buurnaan
(Buurnaan-ta)
Buuran ahaan; cayillaan; shishlaan; weynaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buurnaan
m.f.dh eeg buuran. la-mid: buurnaansho, buurni.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buurnaan
f. n., [abstract] stoutness, obesity, fatness
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
buurnaan
-ta: (n) obesity (oo-bii-siti); fatness (faatnes) ~ buurni, buurnaasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buurnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax buuran oon weyd ahayn ahaan; hilib badan lahaan. Buurnaanta isboori ayaa lagula dagaallamaa. Dh: buurri.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
buurnaan
de: stoutness, obesity, fatness
lx: buurnaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: buurnaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buurqaaf
m.dh Wax dhib badan oo aan la dhaafi karin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buurqaaf
f. n. (adj.): name of a legendary mountain; impossible, unobtainable
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
buurqaaf
de: name of a legendary mountain; [fig. atr.] impossible, unobtainable
lx: buurqaaf
pd: (-ta)
ps: n-f
key: buurqaaf
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hurdoqar
m.l Hurdo weyn oo aan qofka la kicin karayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hurdoqar
-ka: (magac, lab, keli) hurdo weyn oo aan qofka la kicin karin.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Suuryaan
nickname-m groaner, moaner
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Buurgooni
Inselberg
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buuritaan
-ka: (magac, lab, keli) buuridda wax. Buuritaan u sooh dawliska.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buuryo-goys
m.dh la-mid: beejaggoys.