ereyga

buuricunid

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

buuricunid

DHAN

-da: (magac, dhedig, keli) buuriga oo canka la dhigto. Buuricuniddu caafimaadkay u darantahay.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

buuricun

DHAFAN

-ka: (magac, lab, keli) qofka buuriga canka dhiga, waxa kale oo lagu magacaaba ninka sigaarka aad u cabba. Dh: buuricune.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

buuricune

DHAFAN

-ha: (magac, lab, keli) qofka buuriga fuuda ama canka dhiga. Buuricune maradiisaa daldaloosha.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

baqticunid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) xoolo xaaraan ah ama booli cunid. Dh: bakhticunid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

boolicunid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) booli cunid. xaaraan cunid. Boolicunid waa lagu cadaab galaa.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

bakhticunid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) cunid aan waxba ka xaaraan ahayn, waxba ka caagganayn. Bakhticunid gobi ma geydo. Dh: boolicunid. bakhticunis -ta: (magac, dhedig, keli) xaaraan iyo booli cunitaan. Dh: bakhticunid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Burciid

DHAFANDHAAF
1

(Burciid-ka)

2

Bur ciid ah.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

burciid

DHAFANDHAAF
1

burciid¹: m.l (-dyo, m.dh) In yar oo carro ah oo is haysta.

2

burciid²: m.dh Meel bannaan oo ciid jilicsan leh.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

burciid

DHAFANDHAAF

m. n. lump of dirt, clod, sand

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

burciid

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) meel carro taagan ah oo dhulka intiisa kale ka sarraysa. Dh: burco.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

burciid

DHAFANDHAAF
1

de: lump of dirt, clod, sand

2

lx: burciid

3

pd: (-ka)

4

ps: n2-m

5

key: burciid

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

burcuud

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) ciidda khafiifka ah ee dabayshu xeebta ka soo qaaddo. Durcuudda abeeso iyo waxa gala halaq kaloo badane. Dh: bus, bataax, burciid, suu.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Bururid

DHAFANDHAAF
1

(Bururid-da)

2

1. Burur qabasho; jidbood.

3

2. Burburid; jajabid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

bururid

DHAFANDHAAF

m.dh eeg burur². la-mid: burur¹; burburid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

bururid

DHAFANDHAAF
1

-da: (magac, dhedig, keli) adke jilicsan kala hohobid oo huubo iyo budo noqosho. Dhaqax nuuradeedaka bururidda ayaa lagu gartaa.

2

bururid -da: (magac, dhedig, keli) kala bashaaqid oo muuq iyo dheecayn sii dayn. Isha bururidda ka ilaali.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

uurciid

DHAFANDHAAF
1

-da: (magacwadareed) carruurta yaryar ee aan untada ka dhergin.

2

uurciid -ka: (magac, lab, keli) ilmaha yar ee aan cuntada ka dhergin.

3

uurciid: (tilmaame) carruur aanay waxba deeqin ah.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Burburid

DHAFANDHAAF
1

(Burburid-da)

2

Burbur noqosho; jajabid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

burburid

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg burbur². la-mid: bururid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

burburid

DHAFANDHAAF
1

-da: (magac, dhedig, keli) kala jajabid, kala daadad sida dhisme ama maamul. Burburidda shirka boqorkaa sababay.

2

burburid-da: (magac, dhedig, keli) ciyaar la dheelayo ama wacdi iyo wax sheeg diini ah ama qasiido nebi ammaan ah ku qiirood. Burburid buu ku dhowaaday sheekhu. Dh: jibbood, muxubbood.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

buuricab

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) ninka buuriga fuuda ama sigaarka nuuga. Buuricab caafimaad ma qabo. Dh: buuricabbe, sigaaryacab.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Cuncunid

DHAFANDHAAF
1

(Cuncunid-da)

2

Meel oogada kamid ah oo cuncunta.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

cuncunid

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg cuncun³.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

cuncunid

DHAFANDHAAF

vl. n. itching

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

cuncunid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) meel oogada ka mid ah, xajiin darteed xoqniin doonid. Dh: cuncunis.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

cuncunid

DHAFANDHAAF
1

de: itching

2

lx: cuncunid

3

pd: (-da)

4

ps: vn-f

5

key: cuncunid

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

gurricid

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg gurrac².

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

suusicid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) susuc noqosho. Suusicidda caanuhu kuma wanaagsana. Li: dhay.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

uurkusid

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) xumaan iyo utun, uurka ku hayn.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Yuururid

DHAFANDHAAF
1

(Yuururid-da)

2

Fadhiyid; yoxoobid; kuududid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

yuururid

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg yuurur². la-mid: yuurur¹ (2).

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

yuururid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) fadhi yuurar ah fadhiyid oo ku raagid. Yuururiddu xal kuu noqon maysee Alle u samir. Dh: gandoodid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

barifurid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) ka baxid ballan ama wacad cid aad wada dhigateen. Barifurid bahdayda hawga baqin. Dh: badhifurid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

burtuurid

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg burtuur². la-mid: burtuuris.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

buumbuuni

DHAFANDHAAF

f.g2 (-iyay, -isay) War dhacdo iyo wixi lamida intooda runta ah been badan ku darid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

buumbuuni

DHAFANDHAAF

f.g2 (-iyay, -isay) War dhacdo iyo wixi lamida intooda runta ah been badan ku darid. m.f.dh, buumbuunin.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

buumbuuni

DHAFANDHAAF

(fal) dhacdo sidii ay ahayd si ka weyn oo biirbiirini ku jirto u sheeg. Buumbuuni warka. Dh: buunbuuni.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

buunbuuni

DHAFANDHAAF

v. exaggerate, blow out of proportion

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

buunbuuni

DHAFANDHAAF

-yey / say: (n) exaggerate (igzaajireeyt); overstate (oovar isteeyt); inflate, magnify ~ ka bad-badi

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

buunbuuni

DHAFANDHAAF

(fal) hadal ama war sidii uu ahaa si ka duwan oo ka badan oo balballaadhin ah u gudbi ama u sheeg, ku dardar. Warka waa buunbuuniyey oo been badan baa ka buuxda.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

buunbuuni

DHAFANDHAAF
1

cf: buun

2

de: exaggerate, blow out of proportion

3

lx: buunbuuni

4

pd: (buunbuuniyey)

5

ps: v2a=pl

6

key: buunbuuni

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]

buunbuuni

DHAFANDHAAF

مبالغة

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Buurgooni

DHAFANDHAAF

Inselberg

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Duurxulid

DHAFANDHAAF
1

(Duurxulid-da)

2

1. Duur isu soo dhexmarid oo isugu soo dhuumasho.

3

2. Hadal isu sarbeebid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

duurxulid

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg duurxul². la-mid: duurxul¹ (2).

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

duurxulid

DHAFANDHAAF
1

-da: (magac, dhedig, keli) hadal sareeb ah oo ujeeddo qarsoon wata cid u sheegid.

2

duurxulid -da: (magac, dhedig, keli) duurka iyo kaymaha dhex galid. Dh: mushaaxid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

baqticunis

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) eeg bakhticunis.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

buumbuunin

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg buumbuuni. la-mid: buumbuunnis.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

buumbuunin

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) dhacdo sidii ay ahayd si ka weyn oo biirbiirini ku jirto u sheegid. Buumbuunintu ma fiicnee sidii wax loo arkaa loo warramaa. Dh: buunbuunin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

buumbuunis

DHAFANDHAAF

m.dh la-mid: buumbuunin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Buunbuunin

DHAFANDHAAF
1

(Buunbuunin-ta)

2

(hadal, war, wax kale) sida uu yahay si ka weyn oo aan run ahayn ku sheegid; wax ku darid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

buunbuunin

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) hadal ama war sidii uu ahaa si ka ka duwan oo beeni ku jirto u sheegid. Buunbuunin iyo warku been maaha. Dh: kabadbadin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

buunbuunis

DHAFANDHAAF

-ka: (n) exaggeration (igzaajirayshin)

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

buunbuunis

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) buunbuunin ka dhigid sida hadal ama war. Warku buunbuunis iyo beenta kuma roona. Dh: kabadbadis.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Buusbuusid

DHAFANDHAAF
1

(Buusbuusid-da)

2

Isku gudacelin; diisid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

buusbuusid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) hoos u dhuudhuucin. Buusbuusid badan ku taalla. Dh: diisdiisid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

buuridanbas

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) caleen buuri, la engejiyey, lagu daray danbas, daanka la geliyo oo gellin lagu haysto. Ma bigays madow sidii buuridanbas, ugu suuxay: Dh: saakarro, tubaako, jamali. buurista: (magac, dhedig, keli) wax buuran ka dhigid. Buurid umaad soohin xirigga.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

buuryaqabid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) baaro qabid; gudis la'aan. Islaamku ragga buuryagabid uma oggola. Dh: buuryaqabis.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

buusbuusmid

DHAFANDHAAF

-da: (n) crumpling, crushing or denting

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

buusbuusmid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) noqoshada wax aan sinnayn. Buusbuusmidda ka ilaali distida. Dh: diisdiismid, dhuucdhuucsamid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

quuriwaayid

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg quuriwaa.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

quuriwaayid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) cid ama wax kale, huriwaayid

waa la naqliyay ✓