buunshabbixin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buunshabbixin
(Buunshabbixin-ta)
Buunshaha ka bixin; caddayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buunshabbixin
m.f.dh eeg buunshabbixi. la-mid: buunshabbixis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buunshabbixi
f.g2 (-iyay, -isay) Badar si buunshaha looga saaro tumid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
buunshabbixi
f.g2 (-iyay, -isay) Badar si buunshaha looga saaro tumid. m.f.dh, buunshabbixin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buunshabbixi
v., [compound] husk, shell
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
buunshabbixi
de: husk, shell Alt sp: buunshabixi
lx: buunshabbixi
pd: (buunshabbixiyey)
ps: v2a=cmp
key: buunshabbixi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buunshabixin
-ta: (magac, dhedig, keli) hadhuudh ama wax kale, buushaha ka bixin. Buunshabbixin ugaa maxay tumi taqaan masagada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buunshabbixis
m.l la-mid: buunshabbixin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
buunshabixi
-yey / say: (v) remove the husk from grain, especially corn, maize or sorghum
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buunshabixi
(fal) goolaab oo buushiga iyo isha ka huf. Gorowga buunshibixi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xashir
(Xashir-ka)
(badar) tumid yar; ilbixin; buunshabbixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buunshabbaxsan
Inta la tumay buunshihii laga baxshey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buunshabbaxsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax buunshe laga saaray ahaansho (badar).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buunshabbaxsan
der. [adjective] husked
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
buunshabbaxsan
de: husked Alt sp: buunshabaxsan
lx: buunshabbaxsan
ps: adj-der
key: buunshabbaxsan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buushabixis
-ka: (magac, lab, keli) buunshaha ka saaris. Buunshabbixis markuu gaadho hadhuudhku tibta ka jooji.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buushibixin
-ta: (magac, dhedig, keli) buushiga ka hufid oo ka nadiifin. Mooyaha ayaa buushibixinta hadhuudhka Igau sameeya.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
buunshebixis
-ka: (n) the act of chaffing or husking grain
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buunshabax
(tilmaame) lagu tilmaamo in hadhuudh lagu tumay tib iyo mooye ka baxday qoloftii sare iyo laftii hadhhudhku. Hadhuudhku waa buunshabbaxe haadi. Dh: buushibbax.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buunshabaxsan
(tilmaame) la kala goolabay oo si fiican u hufan. Hadhuudh buunshabaxsan ayaa gorow la liga dhigay. Dh: buushibaxsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Anbabbixin
(Anbabbixin-ta)
1. Wax lagu socdaalo bixin.
2. Sagootiyid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
anbabbixin
vl. n., [compound] preparations for departure
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
anbabbixin
de: preparations for departure
lx: anbabbixin
pd: (-ta)
ps: vn2-f-cmp
key: anbabbixin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
casharbixin
-ta: (magac, dhedig, keli) dersi jeedin; cashar dhigid. Dh: cashardhigid, casharbixis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cashibbixin
m.f.dh eeg cashibbixi. la-mid: cashibbixis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuddabbixin
m.f.dh eeg cuddabixi. la-mid: cuddabbixis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaasabbixin
(Gaasabbixin-ta)
Si gaar ah u korin, u dhaqaalayn; u kaadin; dedejin la'aan; horutibyeyn la'aan; baxnaanin; u sugid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaasabbixin
m.f.dh eeg gasabbixi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buunshabaxsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) hadhuudh iyo wixii la mid ah oo buushigii laga saaray. Dh: buunshabaxsanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ambabbixin
m.f.dh eeg ambabbixi. la-mid: ambabbixis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ambabbixin
f. n., [compound] preparations for departure
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ambabbixin
a: anbabbixin
cf: anbabixid
de: preparations for departure
lx: ambabbixin
pd: (-ta)
ps: n2-f-cmp
key: ambabbixin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Anbabbixid
(Anbabbixid-da)
Socdaal bilaabid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
anbabbixid
vl. n., [compound] departure
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
anbabbixid
a: ambabbax
de: departure
lx: anbabbixid
pd: (-da)
ps: vn-f-cmp
key: anbabbixid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ansaarixin
m.dh la-mid: banaaxiyid, insaarixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barabbixid
m.f.dh eeg barabbax². la-mid: barabbax¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baynibixin
m.f.dh eeg baynibixi. la-mid: baynibixis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Biyabbixid
(Biyabbixid-da)
Shahwo ka imaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biyabbixid
m.f.dh eeg biyabbax². la-mid: biyabbax¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
biyabbixid
vl. n. ejaculation, having an orgasm
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
biyabbixid
a: biyabbax (ka)
bw: sp: biyabixid
de: ejaculation, having an orgasm
lx: biyabbixid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: biyabbixid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buunbuunin
(Buunbuunin-ta)
(hadal, war, wax kale) sida uu yahay si ka weyn oo aan run ahayn ku sheegid; wax ku darid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buunbuunin
-ta: (magac, dhedig, keli) hadal ama war sidii uu ahaa si ka ka duwan oo beeni ku jirto u sheegid. Buunbuunin iyo warku been maaha. Dh: kabadbadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cashibbixi
f.g2 (-iyay, -isay) Xoolo cashi ka daweyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cashibixin
-ta: (magac, dhedig, keli) xoolo, cashi ka dawayn. Weyshu cashibixin ayay u baahan tahay. Dh: cashibixis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuddabbixi
f.g2 (-iyay, -isay) Haweeney la furay inta ay cuddada dhammeysanayso masruufid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cuddabbixi
f.g2 (-iyay, -isay) Haweeney la furay inta ay cuddada dhammeysanayso masruufid. m.f.dh, cuddabbixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaasabbixi
f.g2 (-iyay, -isay) Dhibaato iyo rafaad jiilaal keenay cid ka samatabixin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gaasabbixi
v. dawdle, take one's time
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gaasabbixi
de: dawdle, take one's time
lx: gaasabbixi
pd: (gaasabbixiyey)
ps: v2a=
key: gaasabbixi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaasabixin
-ta: (magac, dhedig, keli) xannaanayn ama dhaqaalayn ay tababaridi ku jirto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Insaarixin
(Insaarixin-ta)
Insaarax ku kicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
insaarixin
m.f.dh eeg insaarixi. la-mid: ansaa-rixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalabbixin
m.f.dh eeg kalabbixi. la-mid: ka-labbixis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nabadbixin
m.f.dh eeg nabadbixi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarabbixin
m.f.dh eeg qarabbixi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaacbixin
m.f.dh eeg shaacbixi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buuxdhaafin
(Buuxdhaafin-ta)
(weel, kd.) heerka muggiisa wax ka badan, ku shubid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buuxdhaafin
m.f.dh eeg buuxdhaafi. la-mid: buuxdhaafis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buuxdhaafin
-ta: (magac, dhedig, keli) weel, gaari iyo waxii la mid ah, qaadkiisii in ka badan ku shubid, ku ridid, ku rarid. Dh: tandhaafin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
casharbixis
-ka: (magac, lab, keli) eeg casharbixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cashibbixid
m.f.dh eeg cashibbax². la-mid: cashibbax¹ (2).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cashibbixis
m.l la-mid: cashibbixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuddabbixid
m.dh la-mid: ciddabbixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuddabbixis
m.l Masruufka la siiyo haweeney la furay inta ay cuddada dhammeysaneyso. la-mid: cuddabixin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cuddabbixis
m.l Masruufka la siiyo haweeney la furay inta ay cuddada dhammeysaneyso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fuuqdhabiil
(Fuuqdhabiil-ka)
Dhabiishiisu aad u daran tahay oo aan oggolayn in wax yarina seegaan; qorqode.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fuuqdhabiil
m.l.kh (-llo, m.dh) Qof aad u dhabiil badan oo aan oggolayn in ay waxyar dhaafaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fuuqdhabiil
m. n., [compound] mean ~ interfering person, fussy employer, selfish husband
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuuqdhabiil
-ka: (magac, lab, keli) qof dhabiiltankiisu uu aad u daran tahay oo aan oggolayn in wax yarina seegaan ama dhaafaan. Dh: bakhayl.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fuuqdhabiil
de: mean ~ interfering person, fussy employer, selfish husband
lx: fuuqdhabiil
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: fuuqdhabiil
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaafabbixin
(Gaafabbixin-ta)
Gaafabbax ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaafabbixin
m.f.dh eeg gaafabbixi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaasabbixid
m.f.dh eeg gaasabbax². la-mid: gaasabbax¹ (2).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bannaambixid
m.dh la-mid: bambixid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bannaambixid
-da: (magac, dhedig, keli) muddaaharaadid oo meel iskugu tegid wax lagu diiddan yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bannaanbixid
(Bannaanbixid-da)
Bannaanbax samayn; banbixid; dibadbixid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bannaanbixid
-da: (magac, dhedig, keli) isu soo bixid ballaadhan; cabasho ama taageero isugu soo bixid. Dh: muddaharaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sabatabbixin
m.dh la-mid: samatabbixin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabatabbixin
-ta: (magac, dhedig, keli) halis iyo cabsi cid ka saarid, khatar cid ka bixin. Dadkii baabuurku la gaddoomay sabatabbixin degdeg ah ayay heleen. Dh: samatabbixin, badbaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
samatabbixin
m.f.dh eeg samatabbixi. la-mid: sabatabixin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
samatabbixin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid ka bixin cabsi iyo halis haysatay ama ka badbaadin. Dh: nabadgelin. Li: qusur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
turxaanbixin
m.dh Xumobixin, cilladbixin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
turxaanbixin
m.dh Xumobixin, cilladbixin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
turxaanbixin
-ta: (magac, dhedig, keli) hadal xumaan ah ama gef hore oo la kala tirsanayey iska dawmarin iyo is uurxaadhasho. Dh: xumabixin, cilladbixin.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
MUSHAAR BIXIN
Pagamento dei salari
Salary payment