buulcaws
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buulcaws
m.l/dh (-syo, m.dh) Hooy yar oo ka samaysan caws iyo qoryo la isa saaray.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buulcaws
-ta: (magac, dhedig, keli) aqalsoomaali yar, aan si fiican u habaysnayn, aan harrarro ka samaysnayn ee caws ka dhisan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suulcawro
-da: (magac, dhedig, keli) sheeko xariir carruurta looga sheekayn jiray. Suulcawro ha uga sheekaynin carruurta ee seexi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bulays
-ka: (magac, lab, keli) bulaynta ul qoyan. Bulayska cidaaddu dhiilshaa lagu cugaa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bulcad
m. n., [abstract] bright white color
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bulcad
(tilmaame) noole jidhkiisa qariyeen dhogor midab cad leh. Sac bulcad ah oo baadiyaa lo'da la soo galay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bulcad
de: bright white color
lx: bulcad
pd: (-ka)
ps: n-m-abs
syn: xaycad
key: bulcad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buulis
-ka: (magac, lab, keli) eeg buullays.
buulis -ka: (magac, lab, keli) eeg booliis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baalcas
m.l Cayayaan yar, diqsiga u eg, kase weyn oo xoolaha qaniina geeluna ku dhukaamo. la-mid: baal¹ (4), baalcad² (2).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baalcas
m.l Cayayaan yar, diqsiga u eg, kase weyn oo xoolaha qaniina geeluna ku dhukaamo. la-mid: baal¹: (4) , baalcad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buukays
-ka: (magac, lab, keli) timo buukayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buullay
(fal) cid nabar gaadhay ama xanuun badani soo maray buullo sii, hilib iyo cunto nafaqo badan isugu dar, muddo si gaar ah u xanaanee. Ninka adaa jabiyeye iska buullay. Dh: nafaqee, buullee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buullow
-ga: (magac, lab, keli) dhul biyoqabad leh oo carrocad ah oo beerista aad ugu wanaagsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buurays
-ka: (magac, lab, keli) kuuliga dhabbada xadiidka ee tareenku maro. Laba buurays ah baan arkayaa.
buurays -ka: (magac, lab, keli) kuuliga dhagaxa jebiya ama gura. Bartayda haddaan u dhaqo ama buurays u galo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duubcas
-ta: (magacwadareed) waax ka mid ahayd ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abuurcas
(Abuurcas-ka, Abuurcas-ta)
Meseggada jaad ka mid ah oo midabkeedu cas yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abuurcas
m.l/dh Nooc meseggada ka mid ah, oo midab guduud iyo caddaan u dhexeeya leh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
abuurcas
m.l/dh Nooc meseggada ka mid ah, oo midab guduud iyo caddaan u dhexeeya leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
abuurcas
m. n., [compound] sorghum species, red in color
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abuurcas
-ka: (magac, lab, keli) masagada jaad ka mid ah oo midabkeedu casaan yahay. Abuurcas baa si weyn noogu baxday. Dh: masago.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
abuurcas
de: sorghum sp., red in color
lx: abuurcas
pd: (-ka ~ -ta)
ps: n0-m/f-cmp
key: abuurcas
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bilacaws
-ka: (magac, lab, keli) labo ruux oo caroos ah, qoys udubkoodu cusub yahay diiqe u baahan. Bilacaws weeye reerkuye laguma raago lagamana raago.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bilicaws
-ta: (magac, dhedig, keli) qof dumara oo la guursadey oo yabyabato ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buullalo
-da: (magac, dhedig, keli) godka ay qudhaantu degto. Buullalada qudhaanjada innaga fogeeya. Dh: buulqudhaanjo.
buullalo -da: (magac, dhedig, keli) cudur maqaarka ku dhaca oo nabarro ka soo baxaan. Buullalo nimay haysaa miyuu gogol seexdaa waa sidaan ahaye?
buullalo -da: (magac, dhedig, keli) cudur dadka ku dhaca oo finan yaryari ay oogada ay ka soo dareeraan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buullayn
-ta: (magac,dhedig, keli) nafaqo wanaagsan siin, sida neef loo qalo qof dhaawac soo gaadhay ama xanuun ritay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buuglacag
f. n., [compound] cashbook, ledger
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
buuglacag
de: cashbook, ledger
lx: buuglacag
pd: (-ta)
ps: n1-f-cmp
key: buuglacag
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buulaysan
(tilmaame) buullo la siiyey oo la nafaqeeyey. Wuu illeen waa nin buullaysan. Dh: an.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
suuljaawi
-yey / say: (v) snap one's fingers ~ suul-dhabaali
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xusullays
-ka: (magac, lab, keli) jiqilaysiga gacanta la tiirsado. Nin culus xusullays haka sugin. Dh: jiqilaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bululuclayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dareere xoog u daatay shanqadha uu bixiyo samayn. Bululuclaynta caanaha waan maqallaaye wax naga siiya. Dh: bululuqlayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhulcawseed
m.l Dhul caws badani ka baxo, oo geed-gaab leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhulcawseed
-ka: (magac, lab, keli) dhul bannaan oo inta badan dooxyo ah oo caws xooluhu daaqaan leh.