buscaan
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
BusCaan
Market gardening
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bustaan
(Bustaan-ka)
Beer yar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bustaan
m.l (-nno, m.dh) Beer yar oo geed mirood ka baxa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bustaan
m. n. garden, park
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bustaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg beer.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bustaan
bw: Arabic
de: garden, park
lx: bustaan
pd: (-ka Pl: basaatiin (ta))
ps: n2-m, n8-m
key: bustaan
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Market gardening
BusCaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Burshaan
(Burshaan-ka)
Buur yar; burco; kood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
burshaan
m.l Buur yar; kood.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
burshaan
m. n. hill, dune
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
burshaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg burco.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
burshaan
de: hill, dune
lx: burshaan
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: burshaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buusnaan
(Buusnaan-ta)
Isku ceshanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buusnaan
m.f.dh eeg buusan². la-mid: buusnaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buusnaan
f. n., [abstract] state of being dented, squashed
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
buusnaan
de: state of being dented, squashed
lx: buusnaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: buusnaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bucayn
m.dh la-mid: bugayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bukaan
(Bukaan-ka)
Qof fayoobidiisu yar tahay; aan bugto deyn; jirroole.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bukaan
m.l (-nno, m.dh) Qof bugta badan, jirroole. la-mid: bugtaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bukaan
m.l (-nno, m.dh) Qof bugta badan, jirroole. la-mid: bugtaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bukaan
m. n. sick person, patient
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bukaan
-ka: (n) person with poor health; patient (peeyshant); sick person (sik peer-son)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bukaan
-ka: (magac, lab, keli) qof xanuun u jiifa. Bukaan bogol u tali
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bukaan
cf: ladan 'healthy', bogsiin 'healing'
de: sick person, patient
lx: bukaan
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: bukaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bulaan
(Bulaan-ka)
Hadal badan oo isku darmay oo aan kala qeexnayn; hugun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bulaan
bulaan¹: m.l 1. Cod weyn aan ereyadiisu sugnayn oo dad badan oo isku mar hadlaya sameeyaan. 2. la-mid: bulaamid.
bulaan²: f.mg1 (-aamay, -aantay; -aami) Dad badan oo isku mar hadlaya codweyn oo aan ereyadiisu sugnayn sameyn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bulaan
bulaan¹: m.l 1. Cod weyn aan ereyadiisu sugnayn oo dad badan oo isku mar hadlaya sameeyaan. 2. la-mid: bulaamid.
bulaan²: f.mg1 (-aamay, -aantay; -aami) Dad badan oo isku mar hadlaya codweyn oo aan ereyadiisu sugnayn sameyn. m.f.dh, bulaamid .
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bulaan
v. babble, speak jibberish, talk nonsense
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bulaan
-ka: (n) noisy sounds of a chattering crowd
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bulaan
-ka: (magac, lab, keli) hadal hugun ah oon kala caddayn. Meesha bulaan ayaan maglayee wax jooga ma arag. Dh: hadaaq, hugun.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bulaan
de: babble, speak jibberish, talk nonsense
lx: bulaan
pd: (bulaamey)
ps: v1=
key: bulaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bilcaan
m.dh la-mid: bilcan¹.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bilcaan
-ta: (n) a married woman
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bilcaan
-ta: (magac, dhedig, keli) gabadh gabadhnimo lagu guursado oon horay nin u soo arag.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bishaan
(expression) this month ~ bishan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bislaan
m.f.dh eeg bisil. la-mid: bisayl (4), bislaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bislaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax bisil oo la cuni karo ahaan. Bislaanta badan garowga ka ilaali.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bugtaan
m.l la-mid: bukaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bugtaan
-ka: (magac, lab, keli) qof liciifa oo in badan xanuunsada.
bugtaan-ta: (magac, dhedig, keli) xanuun lala jiifo muddo badan. Bugtaan badan iyo baryo badan dadkaa kugu naca.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bulxaan
magaca wiil hadal badan ama sheekeeye ah oo xilli walba farxaan ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Burhaan
(Burhaan-ta)
Karti iyo awood, Eebbe qof ku galadaysto; karaamo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
burhaan
m.dh (dii.) Awood qarsoon, dhib iyo dheefba leh oo la rumaysan yahay in dad gaar ah Eebbe siiyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
burhaan
m.dh (dii.) Awood qarsoon, dhib iyo dheefba leh oo la rumaysan yahay in dad gaar ah Eebbe siiyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Burhaan
name: Burhan
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
burhaan
f. n. power from God, divine favor leading to success
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Burhaan
name-m power from God, divine favor leading to success. Syn: Burhaano
Carabi: name-m proof
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
burhaan
-ta: (n) charisma (karizma); natural power necessary for achieving success ~ burji, buruud
burhaan: -leh: (adj) charismatic
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
burhaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax kuu qarsoon oo wax kuu bildhaamiya ama kuu. Sheekh waliba burhaan buu wataa iyo baab uu fura e. Dh: caddayn, muujin.
burhaan -ta: (magac, dhedig, keli) awood Eebbe uu qof ku mannaystay, ku galladaystay. Burhaan lahaa burisa waabayda, karaamo iyo hub baan lahaa dumista cadawgayga. Dh: karaamo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
burjaan
m.l (-nno, m.dh) Buur xeebta ku taal oo biyaha baddu ku simaan, kana gaddoomaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
burxaan
-ta: (magac, dhedig, keli) caws ka baxa beerta dhexdeeda oo durba dib u soo baxa markii la gooyo. Burxaan beerta ka guray: Dh: xule, dhikil.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buudaan
m.dh la-mid: boodaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buuraan
f. n., [abstract] stoutness, obesity, fatness
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
buuraan
de: stoutness, obesity, fatness Alt sp: buurraan
lx: buuraan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
syn: cayillaan, shishlaan
key: buuraan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cusbaan
m.f.dh eeg cusub. la-mid: cusayb (3), cusbaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cusbaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax markaas la sameeyey oo cusub ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuslaan
m.f.dh eeg culus. la-mid: culays, cuslaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cuslaan
f. n., [abstract] heaviness
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cuslaan
-ta: (n) the act of being heavy; heaviness (heevines)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cuslaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax culus ahaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cuslaan
de: heaviness
lx: cuslaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: cuslaan
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Cusmaan
name: Osman, Ottoman
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Cusmaan
a: Cismaan
de: Osman, Ottoman
lx: Cusmaan
ps: name-m
key: Cusmaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nusqaan
nusqaan¹: m.dh la-mid: nuqsaan¹.
nusqaan²: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) la-mid: nuqsaan².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xusnaan
m.f.dh eeg xusan. la-mid: xusnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xusnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) sheegnaan oo wax la xuso ahaan. Geesigu intuu nool yahay xusnaanta kama helo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buusanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) ahaanta wax diisan. Buusnaanta gaariga bi'i. Dh: daacsanaan, diisanaan, dhuucsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buusitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg buusid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Basaasan
Basaasi ku taal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
basaasan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax basaasay ahaansho (timo).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
basaasan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax basaasay ahaansho (timo). m.f.dh, basaasnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
basaasan
der. [adjective] spied on
basaasan [derived] [adjective] flaky, dried out
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
basaasan
(tilmaame) mid basaasi hayso. Nin basaasan baladkan ma joogo.
basaasan: (tilmaame) warkiisa oo dhan si qarsoodi ah lagu hayo. Nin basaasan baad tahay sirtaadii fashilantay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
basitaan
-ka: (magac, lab, keli) basid aan wax ba ka soo hadhin gubo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bilcaani
(tilmaame) si ulakac ah, loogu talagalay. Bilcaani bay isu dhega marinaysaa way ku maqashaaye. Dh: kas, badheedh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bujitaan
-ka: (magac, lab, keli) furidda weel ama wax kale oo daboolan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bulitaan
-ka: (magac, lab, keli) bul u yeelitaan. Bulitaanka cidaadda badi. Dh: bulniin.
bulitaan-ka: (magac, lab, keli) wakhtika abaaraha geedaha dhaadheer ee xoolaha loo tumo si caleentu u soo daadato.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Burhaano
name-f power from God, divine favor leading to success. Syn: Burhaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buritaan
-ka: (magac, lab, keli) fal ama cibaado la gudanayay, sharci ahaan jabid ama qaldamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
burlaqan
m.l (-nyo, m.dh) Bur la qasaayo inta kuuskuusanta oo aan qasmin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Busaarad
(Busaarad-da)
Gaajo iyo arrad iyo nolol xun ku noolaad; dacas; dacdarro; rafaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
busaarad
m.dh Nolol gaajo, arrad iyo wixi lamida leh. la-mid: busaaro.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
busaarad
m.dh Nolol gaajo, arrad iyo wixi lamida leh. la-mid: busaaro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
busaarad
f. n., [abstract] misery, poverty
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
busaarad
-da: (n) distress (distarees); mental or emotional unhappiness; misery (mizari) ~ busaaro
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
busaarad
-da: (magac, dhedig, keli) baahi dhan waliba taabanayso. Busaarad ku habsatay danyartii maanta. Dh: dacas, silic, dacdarro, rafaad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
busaarad
de: misery, poverty
lx: busaarad
pd: (-da)
ps: n1-f-abs
see: busaaro
key: busaarad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bushaaro
m.dh la-mid: bishaaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
butucsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax butuc ah ahaansho (qof). la-mid: batacsan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
butucsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax butuc ah ahaansho (qof). m.f.dh, butucsanaan. la-mid: batacsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buurnaan
(Buurnaan-ta)
Buuran ahaan; cayillaan; shishlaan; weynaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buurnaan
m.f.dh eeg buuran. la-mid: buurnaansho, buurni.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buurnaan
f. n., [abstract] stoutness, obesity, fatness
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
buurnaan
-ta: (n) obesity (oo-bii-siti); fatness (faatnes) ~ buurni, buurnaasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buurnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax buuran oon weyd ahayn ahaan; hilib badan lahaan. Buurnaanta isboori ayaa lagula dagaallamaa. Dh: buurri.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
buurnaan
de: stoutness, obesity, fatness
lx: buurnaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: buurnaan
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
furshaan
f. n., pl. mattresses
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
furshaan
bw: Arabic
de: mattresses
lx: furshaan
pd: (-ta)
ps: n8-f-pl
see: firaash
key: furshaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuusnaan
m.f.dh eeg kuusan². la-mid: kuusnaansho, kuusni.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuusnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax la kuusay ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mudhcaan
-ta: (magac, dhedig, keli) midho macaan oo la cuno oo geed gaabka la qadhaabto ah. Madheedh duud ku yaal iyo; gobka laagta daafkiyo, daayeer mudhcaan, waa loogu dawgalay. Dh: murcud.
mudhcaan -ta: (magac, dhedig, keli) nooc ka mid ah qudhaanta oo daayeerku cuno.