busaaradeysan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
busaaradeysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax busaarad hayso ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
busaaradeysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax busaarad hayso ahaansho. m.f.dh, busaaradeysanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
busaaradeysan
der. [adjective] miserable, in misery, uncomfortable; broke (financially)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
busaaradeysan
(tilmaame) iska baahan oo bisaarad iyo baahi qaba. Nin iska busaaradeysan ayaan xoogaa lacag ah siiyay. Dh: bisaaradaysan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
busaaradeysan
de: miserable, in misery, uncomfortable; broke (financially)
lx: busaaradeysan
pd: (busaaradeysnaa)
ps: adj-der
key: busaaradeysan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
busaaradeysnaan
m.f.dh eeg busaradeysan. la-mid: busaaradeysnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
busaaradeysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) cawlnaan oo wax bisaarad iyo baahi qaba ahaan. Shaqa la'aanta ayaa dhallinyarada busaaradeysnaanta ugu wacan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aaradeysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax aarad loo yeelay ahaansho (maro, daah iyo wixi lamida).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aaradeysan
(tilmaame) maro liid midabaysan cidhifkeeda lagu qurxiyay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
busaaradayn
-ta: (magac, dhedig, keli) bisaarad ku ridid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ąaladeysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) 1. Wax la qalabeeyay ahaansho. 2. Wax la qurxiyay ahaansho. 3. Wax la hubeeyay ahaansho (ciidan).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aaladeysan
(tilmaame) mid qalab millateri iyo awood leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
busaaraday
(fal) bisaarad ku rid. Reerka busaaraday ha is odhane lacag meelahaa uga doondoon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baraaraysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax baraare ku jira ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baraaraysan
der. [adjective] prosperous; content, happy
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baraaraysan
(tilmaame) nimcaysan oo nabad iyo caano ku jira. Annagoo baraaraysan ayay dagaalladii sokeeye dhaceen. Dh: badhaadhaysan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baraaraysan
de: prosperous; content, happy
lx: baraaraysan
pd: (baraaraysnaa)
ps: adj-der
key: baraaraysan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Safradaysan
Safradi hayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
safradaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax safradi hayso ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
safradaysan
der. [adjective] fasting, famished, not having eaten
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
safradaysan
(tilmaame) qof aan subaxii wax ba soo cunin ahaan. Ardaydu way safradaysan yahiin. Dh: qatan. Li: cokan.
safradaysan: (tilmaame) safradi hayso; aan aroortii waxba cunin, aan hamuuntiran.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
safradaysan
de: fast-ing, famished, not having eaten
initial: s
lx: safradaysan
pd: (safradaysnaa)
ps: adj-der
key: safradaysan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
amaaradaysan
(tilmaame) calaamad lagu garto leh. Dh: calaamadaysan, summadaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaabadeysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax dhaabad loo yeelay ahaansho (arrin).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qasacadeysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Cunto, cabitaan iyo wixi lamida wax qasacad lagu shubay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qasacadeysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Cunto, cabitaan iyo wixi lamida wax qasacad lagu shubay ahaansho. m.f.dh, qasacadeysnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qasacadeysan
der. [adjective] canned, placed in a can
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qasacadeysan
(adj) preserved and sealed in a can; canned (kaandh) ~ see also [eeg] qasacadaysan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qasacadeysan
(tilmaame) eeg qasacadaysan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qasacadeysan
de: canned, placed in a can
lx: qasacadeysan
pd: (qasacadeysnaa)
ps: adj-der
key: qasacadeysan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sakhradeysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) la-mid: sakhraansan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaaraysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax abaari haleeshay ahaansho (dhul).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
abaaraysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax abaari haleeshay ahaansho. Tusaale: Meeshaasi waa dhul abaaraysan. m.f.dh, abaaraysnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaaraysan
(tilmaame) deegaan roob waayay oo oomane noqday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Barakaysan
Barako leh; karaamaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barakaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax barako leh ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
barakaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax barako leh ahaansho. m.f.dh, barakaysnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
barakaysan
der. [adjective] blessed, sacred
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barakaysan
(tilmaame) mid barako iyo khayr leh. Cumar waa wiil barkaysan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
barakaysan
de: blessed, sacred
lx: barakaysan
pd: (barakaysanaa)
ps: adj-der
key: barakaysan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maaraaysan
(tilmaame) eeg maamulan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uskagaysan
(tilmaame) wax wisikh leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xarakeysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Far wax xarako loo yeelay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xarakeysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Far wax xarako loo yeelay ahaansho. m.f.dh, xarakaysnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baadiyeysan
(ilmanme) eeg baaliyaysan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
basiiraysan
(tilmaame) nafaqadarraysan oo tabaalaysan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawladeysan
(tilmaame) waddan dawlad leh oo nidaamkii iyo maamulkii wada gaaray.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dubaaladeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) faynuus ama shawlad, dubaalad gelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haybadeysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Qof laga habadayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lacnadeysan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: nacaladeysan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lacnadeysan
der. [adjective] cursed, damned, made unclean
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lacnadeysan
(tilmaame) mid lacanad ku dhacday. Dh: nacladan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lacnadeysan
de: cursed, damned, made unclean
lx: lacnadeysan
pd: (lacnadeysnaa)
ps: adj-der
key: lacnadeysan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
musaraarsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax aad u fararxsan ahaansho. la-mid: musareersan, musuraarsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
musaraarsan
(tilmaame) fajacsan oo argagaxi sas la bayrbayraya ah. Dh: argagaxsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
musareersan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: musaraarsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nuuradaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Guri iyo wixi lamida wax nuurad marsantahay ahaansho. la-mid: nuuriyadaysan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
nuuradaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Guri iyo wixi lamida wax nuurad marsantahay ahaansho. m.f.dh, nuuradaysnaan. la-mid: nuuriyadaysan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nuuradaysan
(tilmaame) meel nuurad leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rasaasaysan
(tilmaame) qori rasaasi ka buuxdo ama qof rasaasi ku taallo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sargadaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax ul yar lala dhacay ahaansho. la-mid: sergedeysan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xarrageysan
der. [adjective] elegant, smart
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xarrageysan
de: elegant, smart
initial: x
lx: xarrageysan
pd: (xarrageysnaa)
ps: adj-der
key: xarrageysan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aaradeysnaan
m.f.dh eeg aaradeysan. la-mid: aaradeysnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aaradeysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) macawis ama gunti, geftin iyo cidhif lahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jallaadeysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax jallaadyo loo qeybshey ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lacanadeysan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: nacaladeysan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lacanadeysan
(tilmaame) mid lacanad ku dhacday: nacladan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mustareexsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax raaxo ku jira ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mustareexsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax raaxo ku jira ahaansho. m.f.dh, mustareexsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mustareexsan
(tilmaame) farxad iyo raaxaysi halkii ugu dambaysay ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nacaladeysan
der. [adjective] rendered unclean, cursed; damned
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nacaladeysan
a: lacnadeysan, nacalladeysan
de: rendered unclean, cursed; damned
lx: nacaladeysan
pd: (nacaladeysnaa)
ps: adj-der
key: nacaladeysan
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qasacadaysan
-qasacadaysnaa: (adj) preserved and sealed in a can; canned (kaanidh). Ex: cuntada qasacadaysan; the canned food
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qasacadaysan
(tilmaame) qasacad lagu cabeeyey ah. Tamaad qasacadaysan ayaa tukaanka buuxa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calaamadaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la calaamadeeyey ahaansho. la-mid: calaamadsan, calaamaysan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
calaamadaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la calaamadeeyey ahaansho. m.f.dh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
calaamadaysan
der. [adjective] marked; signed
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
calaamadaysan
-calaamadaysnaa / nayd: (adj) having a distinguishing mark; marked (maarkidh)'; noticeable (now-tii-se-bal) ~ calaamaysan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calaamadaysan
(tilmaame) wax astaysan, wax sumadaysan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
calaamadaysan
a: calaamaysan
de: marked; signed
lx: calaamadaysan
pd: (calaamadaysnaa)
ps: adj-der
key: calaamadaysan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cimaamadaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Nin cimaamad madaxa ku duubtay ahaansho. la-mid: cimaamadan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cimaamadaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Nin cimaamad madaxa ku duubtay ahaansho. m.f.dh, cimaamadaysnaan. la-mid: cimaamadan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cimaamadaysan
(tilmaame) cimaamad xiran; cimaamadan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madbacadeysan
(tilmaame) eeg madbacadaysan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masaafageysad
-ka: (magac, lab, keli) eeg masaafaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nacalladeysan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: nacaladeysan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xamaasadaysan
(tilmaame) xamaasadi hayso oo aad u kacsan ah. Dh: xamaasaysan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bastooladaysan
(tilmaame) qof ay bastoolad ku dhacday. Waraabe bastooladaysan baa bowdka noo galay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaabadeysnaan
m.f.dh eeg dhaabadeysan. la-mid: dhaabadeysnaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mushaar duuban
n. phr. gross pay
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mushaar_duuban
de: gross pay
lx: mushaar duuban
ps: np
key: mushaar_duuban
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qasacadeysnaan
m.f.dh eeg qasacadeysan. la-mid: qasacadeysnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sakhradeysnaan
m.dh la-mid: sakhraansanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aariyaysan
(tilmaame) walax neef ka buuxdo. Kubbad aariyaysan ayuu soo iibsaday. Dh: neefsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaaraysad
m.l la-mid: abaaraysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaaraysad
-ka: (magac, lab, keli) roob waayid oo dhulkii oomane noqod.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaareysad
m.l la-mid: abaaraysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badbaadsan
(tilmaame) mid samatabaxay; mid nabadgalay. Dh: samatabaxsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bishaarayn
(Bishaarayn-ta)
Bishaaro sheegid.