burunjiyeyn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Burunjiyeyn
(Burunjiyeyn-ta)
Dubaaxin; jarcayn; qarqarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
burunjiyeyn
m.f.dh eeg burunjiyee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
burunjiyeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) hilib jarjarid oo murmurayn. Burujiyeyn ayaa jiidhka loo engejaa. buruq -da: (magac, dhedig, keli) hilibka candhada naasleydu ka koobantahay, midhaha iyo carjawda naasaha dhexdooda ku jirta. Naasa gudhan buruq yaraa, badina ballaadhanaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
burunjiyay
(fal) hilib buruji ka dhig. Hilibku yaanu qudhmine burunjiyay. Dh: qallaji, burunjiyee. burunjiyee: (fal) hilib jarjar oo muqmadee. Ninkii burinji inuu iga cunuun ii bariidinayay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
burunjiyee
f.mg2 (-yeeyay, -yeysay) Cabsi, gabow, qandho iyo wixi lamida la gariirid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
burunjiyee
f.mg2 (-yeeyay, -yeysay) Cabsi, gabow, qandho iyo wixi lamida la gariirid. m.f.dh, burunjiyayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
burunjiyee
v. shiver
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
burunjiyee
-yay/burunjiyeysay: (n) shake involuntarily; shiver (shiver); tremble
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
burunjiyee
de: shiver
lx: burunjiyee
pd: (burunjiyeeyey)
ps: v2b=
key: burunjiyee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dubaaxin
(Dubaaxin-ta)
Boodboodid yaryar oo kolkol hilibku yeesho, siiba muruqyada; burunjiyeyn; jarcayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jarayn
(Jarayn-ta)
1. Fardo jarabbarid; jebin.
2. Shaxda, jare helid.
3. Gariirid; jarcayn; burunjiyeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jarcayn
(Jarcayn-ta)
1. Qarqaryo darteed ama xanuun la gariirid, jarayn, burunjiyeyn.
2. (ari) cadho ka dhayid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qarqarid
(Qarqarid-da)
1. Qarqaryo iska garasho, dareemid; dhaxan la gariirid; jarayn; jarcayn; burunjiyeyn.
2. Gariirid; ruxasho; gilgilmid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
spasm
/spaasam/ (n) 1. dubaaxin (boodboodid uu kol-kol jirku sameeyo, siiba muruqyada ~ burunjiyeyn. 2. xanaaq ama xanuun kadis ah (oo badanaa muddo yar socda).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qadhqadhid
-da: (magac, dhedig, keli) qabaw ama xummad darteed la gariirid. Dh: jarayn, jarcayn, burunjiyeyn, qarqarid.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BUURIYEYS
(Burieis) N Pterodiscus heterophyllus Stapf. Pedaliaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Murtiyeyn
(Murtiyeyn-ta)
Murti u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
murtiyeyn
m.f.dh eeg murtiyee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
murtiyeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) gaabin oo murti u yeelid. Hadal ku murtiyeynta ayuu ku macaan yahay. Dh: murtiyeys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ranjiyayn
m.dh la-mid: rinjiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ranjiyayn
-ta: (magac, dhedig, keli) ranji marin; renjiyeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
renjiyayn
-ta: (magac, dhedig, keli) ranji marin; ranjiyeyn.
renjiyayn-ta: (magac, dhedig, keli) caleen shaah ku darid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rinjiyayn
m.dh la-mid: rinjiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rinjiyayn
-ta: (magac, dhedig, keli) ranji marin; ranjiyeyn. Dh: renjiyayn, ranjiyayn.
rinjiyayn-ta: (magac, dhedig, keli) caleen shaah ku darid. Dh: ranjiyayn, renjiyayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
turunturyayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax ama qof xoog isku xejinaya hore u riixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buquujin
m.f.dh eeg buquuji.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buquujin
-ta: (magac, dhedig, keli) nakhaska ku dhejin. Buquujinta waa lagu dhintaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
burareyn
m.dh la-mid: bureyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duunkiye
-ha: (magac, lab, keli) mid muraad leh ama ujeeddo leh. Dh: danle.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuunyayn
-ta: (magac, dhedig, keli) xidhidda dibiga sanka wax lagaga xidho marka beerta lagu qodayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
murtiyey
(fal) hadal inta murtida ah uun dheh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
murugeyn
m.f.dh eeg murugee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qumiyeyn
m.dh (fiisikis) Habka qulqul quman looga dhalin karo qulqul talantaaliya oo ka imanaya dhaliye danab.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Qumiyeyn
Rectification
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ranjiyee
f.g2 (-yeeyay, -yeysay) la-mid: rinji².
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ranjiyee
-yey I ranjiyeysay: (v) coat or decorate with paint; paint (peeynt) ~ rinjiyee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ranjiyee
(fal) ranji mari; renjiyee. Albaabka ranjiyee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Renjiyan
La renjiyey; aslan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
renjiyan
der. [adjective] painted, tinted
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
renjiyan
(tilmaame) ranji leh; ranjiyeysan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
renjiyan
de: painted, tinted
lx: renjiyan
ps: adj-der
key: renjiyan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
renjiyee
(fal) ranji mari; renjiyee. Albaabka renjiyee.
renjiyee: (fal) shaah caleen ku dar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rinjiyan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax rinji la mariyey ahaansho. la-mid: rinjiyaysan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rinjiyan
(tilmaame) ranji leh; ranjiyeysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rinjiyee
f.g2 (-yeeyay, -yeysay) la-mid: rinji².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rinjiyee
v. paint, color, tint
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
rinjiyee
-yey I rinjiyeysay: (v) paint (peeynt); coat or decorate with paint ~ ranjiyee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rinjiyee
(fal) ranji mari; renjiyee. Albaabka rinjiyee. Dh: ranjiyee, renjiyee.
rinjiyee: (fal) shaan caleen shaah ku dar. Inta ay biyuhu fixin kildhiga ninjiyee. Dh: renjiyee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
rinjiyee
de: paint, color, tint
lx: rinjiyee
pd: (rinjiyeeyey)
ps: v2b=tr
key: rinjiyee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suruciye
m.dh la-mid: suruciyo.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
uruuriye
-uruuriyaha: (n) collector (ko-le-ktar)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
URUURIYE
Riscuotitore
Collector
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uumiteyn
m.f.dh eeg uumitee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uumiteyn
-da: (magac, dhedig, keli) hilib habka uumitada u huurin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baadiyeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) dariiqa xaqa ah ka leexin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bartireyn
m.f.dh eeg bartiree.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bungareyn
m.dh la-mid: bamgareyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buraddeyn
(Buraddeyn-ta)
(u buraddeyn) Dheeri siin; u badin; u burin; buraddeys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buraddeyn
m.f.dh eeg buraddee. la-mid: buraddeys.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buraddeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) u burin oo u badin; wax siyaado ah hoos u siin. Buraddeynta dadka ha barin.
buraddeyn -ta: (magac, dhedig, keli) (u ~) dheeri siin, u biirin, u badin. Caddaalad ku shagee oo burraddeyn qofna ha siin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
burburiye
m. n. destroyer; bulldozer
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
burburiye
-burburiyaha: (n) one who destroys; destroyer (dis tarooy er); crusher (karaasher); smasher (ismaasher)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
burburiye
de: destroyer; bulldozer
lx: burburiye
pd: (/ha)
ps: n7-m
syn: baldoos, cirfiidad
key: burburiye
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
martiyeyn
m.f.dh eeg martiyee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mugdiyeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) madoobayn oo mugdi aan waxba la kala arkayn ka dhigid. Dh: madoobayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
murtiyeys
-ka: (magac, lab, keli) gaabin oo murti u yeelid. Dh: murtiyeyn.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
QURUNLEEY
(Urunlei) S Asparagus racemosus Willd. Liliaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rasmiyeyn
m.f.dh eeg rasmiyee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tarbiyeyn
m.f.dh eeg tarbiyee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tarbiyeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, tarbiyad ku rabayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
belediyeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) ka dhig beled iyo magaalo joog.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
buursameyn
m.dh (jool.) Buur dhisid: isbeddel ku dhaca heerka sinnaanta qolofta dhullka, isbeddelkaas oo dhadhaabo kor loogu soo tuuro si ay u sameeyaan silsillado buuro laalaab ama dhul go'.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carabiyeyn
m.dh eeg carabiyee. la-mid: carabayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Carabiyeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) Carabi ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Duunkiyeel
(Duunkiyeel-ka)
(qof) aan talada dadka kale maqal oo raacin oo siduu isagu doono ama ay ula ekaato keliya yeela.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duunkiyeel
m.l Qof madax adag oo aan talada dadka raacin ee sidii uu doono yeela.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
duunkiyeel
m.l Qof madax adag oo aan talada dadka raacin ee sidii uu doono yeela.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
duunkiyeel
m. n. opinionated ~ autocratic person
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duunkiyeel
-ka: (magac, lab, keli) wuxuu doonaba yeele. Dh: danayste.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
duunkiyeel
cf: keligitaliye
de: opinionated ~ autocratic person
lx: duunkiyeel
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: duunkiyeel
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurbacyeyn
m.f.dh eeg qurbacyee. la-mid: qurbacyeys.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dururuqleyn
-ta: (magac, dhedig, keli) marka qof hadal aan macno lahayn kala joojin waayo. Dh: tororoglayn
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
furuntijeer
-ka: (n) refrigerator (rifrijareytar); fridge (firiij); cooler; freezer, cold storage
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Horutibyeyn
(Horutibyeyn-ta)
(arrin, kd.) horay u ridid; deddejin; mindirraacin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
horutibyeyn
m.dh la-mid: horatibyeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
horutibyeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) arrin iyo wixi la mid ah, horay u ridid. Dh: deddejin, mindirraacin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
horutubyeyn
m.dh la-mid: horatibyeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hunguriyeyn
(Hunguriyeyn-ta)
Hunguri ka gelid; wax ka damcid; cuquulayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hunguriyeyn
m.f.dh eeg hunguriyee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rinjiyeysan
der. [adjective] painted, tinted
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
rinjiyeysan
-rinjiyeysnaa: (n) painted (peeyntidh)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
rinjiyeysan
de: painted, tinted
lx: rinjiyeysan
pd: (rinjiyeysnaa)
ps: adj-der
key: rinjiyeysan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mucurtiyeysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) la-mid: mucurteysan.