burshintuur
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
burshintuur
burshintuur¹: m.l 1. Xarig yar oo lagu dhuujiyo faruurta kore ee geela si uu socodka u dheereeyo. 2. la-mid: burshintuurid.
burshintuur²: f.g1 (-ray, -rtay) Jeexa faruurta kore ee geela xarig yar ku dhuujin si uu socodka u dheereeyo. la-mid: bushintuur².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
burshintuur
-ka: (magac, lab, keli) faruurxidh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bushintuur
(Bushintuur-ka)
Geela la hoggaaminayo oo bushintana laga xiro si uu u dheereeyo (sida sandulleynta dibida); faruurxir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bushintuur
bushintuur¹: m.l la-mid: burshintuurid.
bushintuur²: f.g1 (-ray, -rtay) la-mid: burshintuur².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bushintuur
m. n., [compound] lead ~ leash of a camel
bushintuur v. tie a rope (to a camel)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bushintuur
-ka: (magac, lab, keli) ratiga laylyan oo laga xidho faruurta si uu u dheereeyo tallaabada. Bushintuur baa lagu wadaa awrki xarraan ahe. Dh: faruurxir, faruurxidh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
burshintuurid
m.f.dh eeg burshintuur². la-mid: burshintuur¹, bushintuur¹, bushintuurid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bushintuur_1
de: lead or leash of a camel
hm: 1
lx: bushintuur
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: bushintuur_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bushintuur_2
de: tie a rope (to a camel)
hm: 2
lx: bushintuur
pd: (bushintuuray)
ps: v1=
key: bushintuur_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bushintuurid
(Bushintuurid-da)
(geel) bushin ka xirid; faruurxirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bushintuurid
m.dh la-mid: burshintuurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bushintuurid
-da: (magac, dhedig, keli) bushin ka xidhid awr laylyan si tallaabada u dheeriyo. Bishintuur ku gabo ha dheereeyo tallaabda ratiguye. Dh: faruurxirid, faruurxidhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bushimotuur
(fal) cadho darteed afka buur, wax laga cadhoonayo, la diiddanyahay. baabkii shareecada haddii, loo bushimotuurey. Dh: diidmo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Burunbuur
(Burunbuur-ka)
Dhul aan sinnayn oo burcooyin yaryar leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
burunbuur
m. n. uneven ground
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
burunbuur
-ta: (magac, dhedig, keli) dhul aan sinnayn, taagag ama haaro yaryar leh. Burunbuurta fuuloo bildhaami geelu halkuu kala jiro. Dh: kudunbuur.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
burunbuur
de: uneven ground
lx: burunbuur
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: burunbuur
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bursiino
m.dh Sed dheeraad ah oo laga qaato wax la qaybsanayo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bursiino
m.dh Sed dheeraad ah oo laga qaato wax la qaybsanayo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bursiino
f. n., [collective] quantity in addition, excess, extra
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bursiino
de: quantity in addition, excess, extra
lx: bursiino
pd: (/da)
ps: n6-f-col
key: bursiino
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
bursitis
(n) inflammation of a sac-like bodily cavity, esp. one located between the joints or at points of friction between to moving structures.
xanuun ah gudaha jiran siiba kuwa u dhexeeya xubnaha meeshay iskaga yimaadan ama ka dhaqaaqan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
burunbur
m.l Geedgaab aan qodax lahayn oo leh laamo dhuudhuuban gudguduudan iyo caleemo yaryar oo geelu aad u jecelyahay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
burunbur
m.l Geedgaab aan qodax lahayn oo leh laamo dhuudhuuban gudguduudan iyo caleemo yaryar oo geelu aad u jecelyahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qorituur
qorituur¹: m.l 1. Ciyaar carruureed inta indhaha la is qabto qori la tuuro kaddibna la raadsho. 2. Baqtiyaanasiib lagu kala helo wax dad ka dhexeeyo.
qorituur²: f.g1 (-ray, -rtay) U q.: laba qof baqtiyaanasiib u samayn si uu mid u helo wax ka dhexeeyo labadoodaba.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qorituur
qorituur¹: m.l 1. Ciyaar carruureed inta indhaha la is qabto qori la tuuro kaddibna la raadsho. 2. Baqtiyaanasiib lagu kala helo wax dad ka dhexeeyo.
qorituur²: f.g1 (-ray, -rtay) U q.: laba qof baqtiyaanasiib u samayn si uu mid u helo wax ka dhexeeyo labadoodaba. m.f.dh, qorituurid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qorituur
-ka: (n) taking a chance; trying one's luck by drawing a lot
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qorituur
(fal) (u ~) bakhtiyaanasiib u samee.
qorituur-ka: (magac, lab, keli) labo iyo in ka badan oo bakhtiyaanasiib wax loogu qaybiyo. Alaabtu way yar tahaye ragga qorituur u sameeya. Dh: bakhtiyaanasiib.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shanbuur
-ka: (magac, lab, keli) orgida saarata rida ee u kala horraysa oo aan mid keligii u dayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buraanbur
(Buraanbur-ka)
Cayaar hees iyo reeme lagu tumo oo haweenka.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buraanbur
m. n. poem (Somali poetry sung only by women)
buraanbur v. recite poetry, sing a poem
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
buraanbur
-ka: (n) [Pl. buraanburo-da] poetry (powetari); composed and sing by women
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buraanbur
-ka: (magac, lab, keli) ciyaar aad u da weyn oo u gaar ah haweenka oo leh gabayo iyo geeraarro la iskuna caayo, ammaano, faansho ama la isku guubaabiyo. Qalabka loo qaato ama lagu tumo, waxaa ka mid ah durbaan labada dhinac la iska taago la kala yidhaahdo Jabuu iyo Dallad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
burumbuur
m.l Buur aan dhagaxyo lahayn oo dhir ka baxda dusheeda.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
burumbuur
m.l Buur aan dhagaxyo lahayn oo dhir ka baxda dusheeda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
burumbuur
-ka: (magac, lab, keli) buurbuur yaryar oo shay ku dhex jira ama korkiisa laga arko. Shuurada burunbuurka ka baabi'i.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kurunkuur
(magac, lab, keli) cudur adhiga ku dhaca oo aanu la socon karin.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
KURUSTUUR
Pentanisia microphylla 10
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
KURUS-TUUR
(Gurus-tur) C Barleria argentea Balf.F. Acanthaceae.
C Megalochlamys linifolia (Lindau) Lindau. Acanthaceae.
C Ecbolium viride (Forsk) Alston. Acanthaceae.
C Pantanisia microphylla (Franch)Chiov. Rubiaceae
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
substituer
substituer, V. - ku baddalasho