ereyga

buro-bahalaad

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Buro-bahalaad

DHAN
1

(Buro-bahalaad-da)

2

Burada nafleyda jirkeeda ka soo baxda, jaadkeeda xun.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

buro-bahalaad

DHAN

f. n. malignant growth, cancer

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

burobahalaad

DHAFAN

m.dh (-dyo, m.l) (daawo) Buro dhex galeysa oo baabi'inaysa soohyada ama xubinta ay ka farcanto islamarkaasna ku faafi karta meelo kale oo jirka ka mid ah, ayadoo cadcad ka mid ah raacayaan dhiigga ama liinfada. Haddii aan la daweyn wakhti ku habboon waxay keentaa caafimaadka oo maalinba maalinta ka dambeysa sii xummaada iyo dhimasho. la-mid: burabbahalaad.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

burobahalaad

DHAFAN

m.dh (-dyo, m.l) (daaw.) Buro dhex galeysa oo baabi'inaysa soohyada ama xubinta ay ka farcanto islamarkaasna ku faafi karta meelo kale oo jirka ka mid ah, ayadoo cadcad ka mid ah raacayaan dhiigga ama liinfada. Haddii aan la daweyn wakhti ku habboon waxay keentaa caafimaadka oo maalinba maalinta ka dambeysa sii xummaada iyo dhimasho. la-mid: burabbahalaad.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

burobahalaad

DHAFAN

-da: (n) an abnormal mass of tissue; wart (woort)

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

burabbahalaad

DHAFAN

m.dh (-dyo, m.l) (daawo) Buro halis ah oo jirka ku faafto, dishana nafleyda ay ku dhacdo. la-mid: burobahalaad.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

burabbahalaad

DHAFAN

m.dh (-dyo, m.l) (daaw.) Buro halis ah oo jirka ku faafto, dishana nafleyda ay ku dhacdo. la-mid: burobahalaad.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

burabbahalaad

DHAFAN

-da: (magac, dhedig, keli) burada noolaha ka soo baxda, nooceeda xun.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Carsaanyow

DHAABAN
1

(Carsaanyow-ga)

2

Cudur xun oo inta oogada meel kaga dhasha, xididdo ku bixiya oo ku faalala oo badanaa loo dhinto; buro-bahalaad; feex (fiix) xun; tulux.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

carsaanyow

DHAABAN

m.l (daawo) Cudur halis ah oo jirka meeshuu gala cuna si dhaqsana ugu fida oo ilaa meeshii uu ku dhacay la gooyo aan laga bogsoon; feex; fayiix; buro; bahalaad.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

carsaanyow

DHAABAN

m.l (daaw.) Cudur halis ah oo jirka meeshuu gala cuna si dhaqsana ugu fida oo ilaa meeshii uu ku dhacay la gooyo aan laga bogsoon; feex; fayiix; buro; bahalaad.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

kaankaro

DHAABAN
1

de: cancer

2

lx: kaankaro

3

pd: (/da)

4

ps: n6-f

5

syn: buro-bahalaadda {It}

6

key: kaankaro

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]

BIYO-BAHAL

DHAFANDHAAF

(Biobahl) C, S Garcinia livingstonei ? Guttiferae.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

roobdhaxaad

DHAFANDHAAF

m.l R. ah: hal riman oo sidkeedii kala bar marayo.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

roobdhaxaad

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) hal riman oo sidkeedii kala bar marayo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Buro-caanood

DHAFANDHAAF
1

(Buro-caanood-da)

2

Burada nafleyda jirkeeda ka soo baxda, jaadkeeda fiican.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

buro-caanood

DHAFANDHAAF

f. n. benign growth, cyst

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

mudaharaad

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) dibadbax ay dad badani isku soo baxaan si ay wax u taageeraan ama uga soo horjeestaan. Dh: mudaaharaad.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

qurbaansad

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) cunto iyo hilib lagu Alla baryo samaysasho. Dh: ducaysi, daraaraysi, qurbaansi.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

burocaanood

DHAFANDHAAF

m.dh (daawo) Burada aan ku fideyn oo aan baabi'ineyn sooha ama xubinta ay ka baxday isla markaana aan meel kale oo jirka ka mid ah aan tageyn intay dhiigga raacdo; waana burada aan kansarka ahayn.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

burocaanood

DHAFANDHAAF

m.dh (daaw.) Burada aan ku fideyn oo aan baabi'ineyn sooha ama xubinta ay ka baxday isla markaana aan meel kale oo jirka ka mid ah aan tageyn intay dhiigga raacdo; waana burada aan kansarka ahayn.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Mudaaharaad

DHAFANDHAAF
1

(Mudaaharaad-ka)

2

Banbax; bannaanbax; dibadbax.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

mudaaharaad

DHAFANDHAAF
1

mudaaharaad¹: m.l la-mid: muddaaharaad¹.

2

mudaaharaad²: f.mg1 (-day, -dday) la-mid: muddaaharaad².

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

mudaaharaad

DHAFANDHAAF

m. n. demonstration, manifestation; public meeting

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

mudaaharaad

DHAFANDHAAF
1

-ka: (n) demonstration (demenistareeyshin); rally (raali); riot (raayat); a public display of group opinion, as by a rally or march ~ bannaanbax.

2

mudaaharaad -ay / day: (v) demonstrate (dhe-men-stareeyt); rally (raali); take part in a demonstration; rally against

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

mudaaharaad

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) dibadbax ay dad badani isku soo baxaan si ay wax u taageeraan ama uga soo horjeestaan. Dh: bannaanbax.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

mudaaharaad

DHAFANDHAAF
1

bw: Arabic

2

de: demonstration, manifestation; public meeting Alt sp: muddaaharaad

3

lx: mudaaharaad

4

pd: (-ka)

5

ps: n2a-m

6

key: mudaaharaad

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]

mudaaharaad

DHAFANDHAAF

مظاهرة

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

suubasalaax

DHAFANDHAAF

f.g1 (-xay, -xday) la-mid: suubaan-salaax.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

suubasalaax

DHAFANDHAAF

-a: (magac, lab, keli) sasabo iyo koolkoollin cid wax ugu sheegid. Waar wiilka yar suubasalaaxa ka daa oo shawdh u qaao. Dh: xannaanayn.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

barafdhalaal

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) qaabka dhaqdhaqaaqa barafweynaha, kolka uu ku dhaco uumibax ee uu dhalaalo. Dh: barafburbur.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

muddaaharaad

DHAFANDHAAF
1

muddaaharaad¹: m.l (-dyo, m.dh) Bannaanbax ay dadweyne tiro badan meel fagaaro ah ku sameeyaan, iyagoo wax taageeraya ama diidaya. la-mid: mudaaharaad¹.

2

muddaaharaad²: f.mg1 (-day, -dday) Dadweyne tiro badan oo wax taageeraya amaba diidaya fagaaro isugu soo bixid. la-mid: mudaaharaad².

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

muddaaharaad

DHAFANDHAAF
1

muddaaharaad¹: m.l (-dyo, m.dh) Bannaanbax ay dadweyne tiro badan meel fagaaro ah ku sameeyaan, iyagoo wax taageeraya ama diidaya. la-mid: mudaaharaad.

2

muddaaharaad²: f.mg1 (-day, -dday) dadweyne tiro badan oo wax taageeraya amaba diidaya fagaaro isugu soo bixid. m.f.dh, muddaaharaadid. la-mid: mudaaharaad.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

muddaaharaad

DHAFANDHAAF

v. show, manifest, give a public demonstration

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

muddaaharaad

DHAFANDHAAF
1

de: show, manifest, give a public demonstration Alt sp: mudaaharaad

2

lx: muddaaharaad

3

pd: (muddaaharaaday)

4

ps: v1=intr

5

key: muddaaharaad

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Baraf dhalaal

DHAFANDHAAF

Ablation

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

baraf-dhalaal

DHAFANDHAAF

m.l (jooloji) Dariiqadda qaadidda ama dhaqaajinta barafweynaha dhalaala amase uu ku dhaco uumibax amase barafburbur.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

baraf-dhalaal

DHAFANDHAAF

m.l (jool.) Dariiqadda qaadidda ama dhaqaajinta barafweynaha dhalaala amase uu ku dhaco uumibax amase barafburbur.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]

BARQO-WAALEED

DHAFANDHAAF

(Barkwalet) N Felicia abyssinica A.Rich. Compositae.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

boroobagaando

DHAFANDHAAF

-boroobagaandada: (n) 1. propaganda (paro-pi-gaan-dha) 2. negative characterization of someone

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

boroolataaliyad

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dheddig, keli) dabaqadda shaqaale ee waddan oo qaata mushahar la xiriira xoogsigooda.

waa la naqliyay ✓