burjiwaasi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
burjiwaasi
m.l (-iyiin, m.dh) Qof maalqabeen ah oo shaqaalaha u shaqeeya aan siin wax u dhigma waxsoosaarkooda.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
burjiwaasi
-ga: (magac, lab, keli) nin ka tirsan dabaqada dhexe ee maamulka iyo hantida maaraysa. Nin burjiwaasi ah ayaa madaxnimada loo dhiibay. Dh: burjuwaasi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
burjuwaasi
m. n. bourgeois
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
burjuwaasi
-ga: (n) [Plural burjuwaasiyo-da] bourgeois (buur-shuwaa)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
burjuwaasi
-ga: (magac, lab, keli) eeg burjiwaas.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
burjuwaasi
a: bujurwaasi {Eng}
de: bourgeois
lx: burjuwaasi
pd: (-ga)
ps: n2-m
key: burjuwaasi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
burjuwaas
-ka: (magac, lab, keli) qof ka tirsan. dabaqadda dhexe ee hantida gacanta ku haysa ama maamusha. Dh: burjiwaasi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bujurwaasi
m. n. bourgeois, bourgeoisie
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bujurwaasi
a: burjuwaasi {Eng}
de: bourgeois, bourgeoisie
lx: bujurwaasi
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: bujurwaasi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
burjuwaasiyad
m.dh (-do, m.l) (siyaasad) Dabaqad ka mid ah bulshada, haystana dhaqaalaha ugu badan marka loo eego aragtida Maarkiska.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
burjuwaasiyad
m.dh (-do, m.l) (siyaa.) Dabaqad ka mid ah bulshada, haystana dhaqaalaha ugu badan marka loo eego aragtida Maarkiska.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
burjuwaasiyad
f. n., [collective] bourgeoisie
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
burjuwaasiyad
-da: (n) bourgeoisie (buurshuwaaz)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
burjuwaasiyad
-da: (magac, dhedig, keli) dabaqad dhexe oo maamulka iyo hantida maaraysa. Burjuwaasiyaddu waxay caan ka ahayd Yurub qarniyadii dhexe.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
burjuwaasiyad
a: bujurwaasiyad
de: bourgeoisie
lx: burjuwaasiyad
pd: (-da)
ps: n1-f-col
key: burjuwaasiyad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buraash
* (Buraash-ka)
Qalab wax lagu nadiifiyo ama lagu aslo ama lagu firto oo ka samaysan timo, sayn, gucummo, iyo qori laysku adkeeyey; bul; (ama burush).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buraash
buraash¹: m.l 1. (-shiyo, m.dh) la-mid: burush. Qalab qori ah oo sayn, riir iyo wixi lamida dhan ku leh oo wax lagu nadiifyo ama lagu riinjiyeeyo. 2. la-mid: buraashid.
buraash²: f.g1 (-shay, -shtay) Wax buraash ku nadiifin ama ku riinjiyeyn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
buraash
m.l 1. (-shiyo, m.dh) la-mid: burush. Qalab qori ah oo sayn, riir iyo wixi lamida dhan ku leh oo wax lagu nadiifyo ama lagu riinjiyeeyo. 2. la-mid: buraashid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buraash
m. n. brush
buraash v. brush; clean with a brush
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
buraash
-ka: (n) [Plural buraashyo-da] brush (buraash) used in scrubbing, polishing, or painting ~ burush
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buraash
(fal) burush mari oo nadiifi. Buraash kabaha saygaaga. Dh: nadiifi, masax, balaashee, tirtir.
buraash -ka: (magac, lab, keli) agab wax lagu nadiifiyo, lagu rinjiyeeyo, lagu feedho oo samaysan timo, sayn, gucummo iyo qori xambaarsan. Buraash kabaha waaga berigiisa. Dh: bul, burush.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
burjaan
m.l (-nno, m.dh) Buur xeebta ku taal oo biyaha baddu ku simaan, kana gaddoomaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durjisi
m.l la-mid: durugsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huriwaa
m.l.kh H. ah: wax lagu qasbanyahay oo meel kale oo laga maro aysan jirin. la-mid: huriweyto.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
huriwaa
m.l.kh H. ah: wax lagu qasbanyahay oo meel kale oo laga maro aysan jirin; huriweyto.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
huriwaa
- ah: (adj) unavoidable; inescapable; inevitable ~ lama huraan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huriwaa
-ga: (magac, lab, keli) wax aan laga maarmin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kuraasi
f. n., pl. chairs
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kuraasi
bw: Arabic
de: chairs
lx: kuraasi
pd: (-da Sg: kursi)
ps: n8-f-pl
key: kuraasi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bujitaan
-ka: (magac, lab, keli) furidda weel ama wax kale oo daboolan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buritaan
-ka: (magac, lab, keli) fal ama cibaado la gudanayay, sharci ahaan jabid ama qaldamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barimarsi
m.l Dhulka ku xiga deked badeedda, kaasoo wixi dibadda loo dhoofinayo oo dekeddaas maraya ay ka yimaadaan, wixii dibadda looga soo dhoofiyana ay dekeddaas u soo maraan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
barimarsi
m.l Dhulka ku xiga deked badeedda, kaasoo wixi dibadda loo dhoofinayo oo dekeddaas maraya ay ka yimaadaan, wixii dibadda looga soo dhoofiyana ay dekeddaas u soo maraan.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Barimarsi
Hinterland
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
biribaati
-ga: (n) [Pl. biribaatiyaal- sha] private school (paraayvit iskuul)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
farakwaansi
-ga: (n) frequency (firikwansi)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gardawaaxsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg gardawaaxi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
quuriwaayid
m.f.dh eeg quuriwaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quuriwaayid
-da: (magac, dhedig, keli) cid ama wax kale, huriwaayid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Turjubaanid
(Turjubaanid-da)
Afcelin; afhayn; (ama turjumaanid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
turjubaanid
m.f.dh eeg turjubaan². la-mid: turjumaanid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
turjubaanid
-da: (magac, dhedig, keli) tarjumaanid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
turjumaanid
m.dh la-mid: turjubaanid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
turjumaanid
-da: (magac, dhedig, keli) afcelin; afhayn; turjubaanid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
birikinnaasid
m.dh la-mid: biriwixid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
birikinnaasid
-da: (magac, dhedig, keli) yabaaqid ilmo birikinnaasid laga waayay ma saalloona. birimageydo -da: (magac, dhedig, keli) geedaha aanay bannaanayn in la gooyo sida kuwa la hadhsado, kuwa midhaha la cuno bixiya iyo geed kaste oo leh manaafacaad la wadaago. Dh: birmagaydey. lamataabtaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bujurwaasiyad
f. n., [collective] bourgeoisie
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bujurwaasiyad
de: bourgeoisie
lx: bujurwaasiyad
pd: (-da)
ps: n1-f-col
key: bujurwaasiyad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bukaanwaraysi
-ga: (magac, lab, keli) waraysiga bukaanka oo uu dhakhtarku ka qoro, kana kooban qaybo ay ka mid yihiin: warbukaan qoyseed, warbukaan qofeed, warbukaan cudur hore, warbukaan cudur danbe.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durjisnaansho
m.l/dh la-mid: durugsanaan.