burareyn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
burareyn
m.dh la-mid: bureyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
burareys
m.l la-mid: bureyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaarayn
(Qaarayn-ta)
Qaar la dhicid; burareyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bungareyn
m.dh la-mid: bamgareyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buraddeyn
(Buraddeyn-ta)
(u buraddeyn) Dheeri siin; u badin; u burin; buraddeys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buraddeyn
m.f.dh eeg buraddee. la-mid: buraddeys.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buraddeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) u burin oo u badin; wax siyaado ah hoos u siin. Buraddeynta dadka ha barin.
buraddeyn -ta: (magac, dhedig, keli) (u ~) dheeri siin, u biirin, u badin. Caddaalad ku shagee oo burraddeyn qofna ha siin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uurarweyn
-ta: (magac, dhedig, keli) midho udgoon oo loo isticmaalo hagaajinta cuntada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bureyn
m.f.dh eeg buree. la-mid: burareyn, burareys, bureys.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bureyn
-ta: (magac, dhedig, keli) oogada noolaha oo gariirta xanuun ama qabow awgii. Bureyn ma leh neef hadduu bakhtiyo oo naftu ka uugaanto. Dh: dubaaxin, jarcayn, qadhqadhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buraree
f.g2 (-eeyay, -eeysay) la-mid: buree.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buraree
v. beat with a club
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
buraree
de: beat with a club
lx: buraree
pd: (burareeyey)
ps: v2b=tr
see: buree
key: buraree
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gurreyn
m.f.dh eeg gurree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
surreyn
-ta: (magac, dhedig, keli) suryo gelin: suryeys.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Barafeyn
Glaciation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uuraweyn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg uurarweyn. Dh: geedadari.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
buursameyn
m.dh (jool.) Buur dhisid: isbeddel ku dhaca heerka sinnaanta qolofta dhullka, isbeddelkaas oo dhadhaabo kor loogu soo tuuro si ay u sameeyaan silsillado buuro laalaab ama dhul go'.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
asraareyn
-ta: (magac, dhedig, keli) isyeelyeel iyo mukur samayn. Dh: asaraarayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bamgareyn
m.f.dh eeg bamgaree. la-mid: bangareyn, bongareyn, bungareyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bangareyn
m.dh la-mid: bamgareyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barqageyn
(magac, dhedig, keli) daajinta xoolaha ee barqadii. Barqageynta adhiga ha barina.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bartireyn
m.f.dh eeg bartiree.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bongareyn
m.dh la-mid: bamgareyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buraddeys
m.l la-mid: buraddeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buraddeys
-ka: (magac, lab, keli) eeg buraddeyn.
buraddeys-ka: (magac, lab, keli) «u ~» dheeri siis. u biiris, u badis. Burraddeys iyo eex ka fogow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
curadweyn
m.l Riyaha intooda curada ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
currafeyn
m.dh la-mid: curraafeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
currafeyn
-ta: (magac, lab, keli) faal dhigid oo wax ka sheegid; faalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buur-sameyn
m.dh (jooloji) Buur dhisid: isbeddel ku dhaca heerka sinnaanta qolofta dhullka, isbeddelkaas oo dhadhaabo kor loogu soo tuuro si ay u sameeyaan silsillado buuro laalaab ama dhul go'.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buray
buray¹: m.dh la-mid: buro¹.
buray²: m.dh la-mid: buro².
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
barare
v.intr. - dhagrid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
barren
/barran/ (adj) 1. dhirta aan midhaha bixin, ama dhulka aan dhirtu ka bixin e.g. a barren land (adj) 2. naagta madhashada ah. (ma-dhasho).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
barren
/baaran/ (adj) my dhally (wal ing dhalaany). No trees could grow in a barren land.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
barren
a., ma dhalays, -ki (m.), -ti (f); for all females, galof, -ti.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Barrey
nickname-f, name-f specked, speckled, spotted, marked, stained. Lit: she who was born with a birth mark. Syn: Barre, Barrow,
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Barrey
magac loo baxsho gabadh jidhkeega meel muuqata bar kaga taal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Birayn
(Birayn-ta)
1. Neef xoola ah gowricid.
2. Bir ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
birayn
m.f.dh eeg biree.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
birayn
-ta: (n) the act slaughtering; slaughter (islootar) ~ gawricis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
birayn
-ta: (magac, dhedig, keli) neef xoolo ah gawricid. Birayn ba wuu u diiday haka dhamo bakhtiye wanku. Dh: xalaalayn.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
brazen
/bareeysan/ (adj) xishood darro ah (ceeb ah).
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
bucare
v.tr. - duleelin, daloolin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bucayn
m.dh la-mid: bugayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Budayn
(Budayn-ta)
Budo ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
budayn
m.f.dh eeg budee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
budayn
-ta: (magac, dhedig, keli) bud ku garaacis. Dh: ulayn.
budayn-ta: (magac, dhedig, keli) wax adag ridgid oo budo ka dhigid. Budaynta hadhuudhka tabar uma hayee iga nasi.
budayn -ta: (magac, dhedig, keli) wax adag ama dareer, budo ku darid. Budayntii unbaa u hadhsan shuurada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bugayn
m.f.dh eeg bugee. la-mid: bucayn, buhayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buhayn
m.dh la-mid: bugayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bukayn
m.dh la-mid: Bukaysiin; bukabbukayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bukayn
-ta: (magac, dhedig, keli) bugtaan ku ridid. Kaneecada waxay sababtaa bukayta malaayiin qof. Dh: bukaysiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bulayn
(Bulayn-ta)
Bul u yeelid; dumayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bulayn
m.f.dh eeg bulee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bulayn
-ta: (magac, dhedig, keli) bul iyo shaash badan u samayn; dumo jilicsan ama xig iyo may dhax la midabeeyey meel ku sharrixid oo shaash laadlaada ka dhigid. Bulayntu waxay ku qurux badan tahay kebdah. Dh: bulays.
bulayn-ta: (magac, dhedig, keli) ul bul u samayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bunayn
-ta: (magac, dhedig, keli) casuumad iyo duco loo sameeyo arday jus ama qayb Qur'aana dhammeeya oo ardayda la siiyo. Baashaal baa bunayn ka qad.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Burden
Dulsaar
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
burden
/berdhan/ (n) 1. culays 2. culays saarid (xammuul xaga shaqada ah).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
burden
/bardhan/ (n) 1. wal ulus. The donkey carried a burden of sacks. 2. wal hekaar bathyng amy dhib bathyng.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
burden
n., xamil, -ki, rar, -ki, rarmo, -adi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bureys
m.l la-mid: bureyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bureys
-ka: (magac, lab, keli) gariirka oogada noolaha xanuun ama qabow awgii. Dh: dubaaxis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
burrin
m.dh la-mid: bųrin.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
curare
v.tr. - daweyn; baxnaanin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dareyn
f. n. rapidity
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
durare
v.intr. - raagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
furayn
m.f.dh eeg furee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
furayn
-ta: (magac, dhedig, keli) awdidda iyo gufaynta meel soo bannaanayd. Dh: furays. furays -ka: (magac, lab, keli) eeg furayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gurayn
(Gurayn-ta)
Gaadiid raran guro la fuulo u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gurayn
m.f.dh eeg guree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gurayn
-ta: (magac, dhedig, keli) gaadiidka raran guro la fuulo u yeelid.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
murare
v.tr. - derbi dhagax ah ku oodid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rajeyn
(Rajeyn-ta)
Rajo qabid; filasho; (ama rejeyn).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rarayn
-ta: (magac, dhedig, keli) neef muur ah raro saarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Uurayn
(Uurayn-ta)
1. Uur u yeelid.
2. Uuro kicin; uuro u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uurayn
m.f.dh eeg uuree.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
uurayn
-ta: (n) impregnation (im-pareg-neey-shiri)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uurayn
-ta: (magac, dhedig, keli) haweeney uur u yeelid. Dh: rimin, uurays.
uurayn -ta: (magac, dhedig, keli) uuro kicin; uuro u yeelid; uurays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uurrey
-da: (magac, dhedig, keli) geela magta lagu bixiyo hasha buuxda ee laba iyo toban sabeenood u dhiganta. Li: daandheer.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yurayn
m.f.dh eeg yuree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yurayn
-ta: (magac, dhedig, keli) 'bahal dugaag yur ku dhihid. Dh: yurays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afareyn
m.f.dh eeg afaree. la-mid: afareys.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ararayn
-ta: (magac, dhedig, keli) hadal la odhan doono, arar ka hormarsasho. Dh: ararad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baabeyn
m.f.dh eeg baabee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baabeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) marka uu qofka turubka ciyaarayaa hayo labo baab oo sooc ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baarayn
-ta: (magac, dhedig, keli) baar ka dhigid; ka dhigidda wax sare oo wacan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baaweyn
m.f.dh eeg baawee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaweyn
-ta: (magac, dhedig, keli) xog, war ama wax kale oo meel ku koobnaa, dad badan gaadhsiintiisa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baraley
m.dh Nooc kabdaha ka mid ah oo lagu naqshadeeyay mayrax ama dun midabbo kala duwan leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bararan
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Meel jirka ka mid ah, wax bararay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bararan
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Meel jirka ka mid ah, wax bararay ahaansho. m.f.dh, bararnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bararan
der. [adjective] swollen, puffed up
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bararan
-bararnaa / bararnay (adj) swollen (iswoolan); distend d. Ex: gacan bararsan; a swoller arm ~ hurgunsan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bararan
(tilmaame) meel barar leh oo xanuun awgii la buuran. Meel bararan lama gubo. Dh: bararsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bararan
de: swollen, puffed up
lx: bararan
pd: (bararnaa)
ps: adj-der
key: bararan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bararin
m.f.dh eeg barari.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bararin
-ta: (magac, dhedig, keli) xanuun ama nabar wax barariya. Bararinta maxaa keenaya?
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
bursary
/baarsari/ (n) deeq lacageed (oo la siiyo ardada jaamacaddaha iyo kulleejyada)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bursayn
m.dh Xabbado badan oo hal mar dad badani ridaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bururin
m.dh eeg bururi. la-mid: Bururis; burburin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bururin
-ta: (magac, dhedig, keli) kala bashaaqin oo muuq iyo dheecayn ka keenid. Muuska bururinta ka daa oo saani u cun.