buntuq
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buntuq
m.l (banaadiiq/banatiiq/-qyo, m.dh) Hub fudud, leh dhuun xabbaduhu maraan oo ilaa ilqabato wax ka dila. la-mid: bunduq, dumbuq.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
buntuq
m.l (banaadiiq/banatiiq/-qyo, m.dh) Hub fudud, leh dhuun xabbaduhu maraan oo ilaa ilqabato wax ka dila. m.dh.w, banaadiiq. m.dh.u, banaatiiq. la-mid: bunduq.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buntuq
-a: (magac, lab, keli) eeg bundukh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bunduq
m.l la-mid: buntuq.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bunduq
m. n. rifle
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bunduq
-a: (n) [Pl. buntuqyo-da] gun (gaan); rifle (raayfal); a firearm designed to be fired from the shoulder ~ buntukh, qori
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bunduq
a: buntukh
cf: harti, jigre, maadhiin
de: rifle
lx: bunduq
pd: (-a Pl: banaadiiq (da))
ps: n8-m, n2a-m
xv: Arabic
key: bunduq
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afdabayl
m.l (-lo, m.l) Buntuq aan booba ahayn, dheer, oo kow iyo toban xabbadood qaada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
banaadiiq
m.dh.w eeg buntuq. la-mid: banaatiiq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
banaatiiq
m.dh.u eeg buntuq. la-mid: banaadiiq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daballaab
m.l/dh (-byo, m.dh) Buntuq boobe ah, fudud oo daabkiisu bir xalleefsan ka samaysanyahay.

dhoombir
dhoombir¹: m.l (-rro, m.dh) Nooc ka mid ah buntuqyo.
dhoombir²: m.dh Geed gaab leh caleemo dhuudhuuban oo faalala iyo bari la cuno.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuunbuur
m.l (-rar, m.l) Buntuq, lix xabbabood qaada oo xabbad-keliyaale u dhaca; dhoombir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dumbuq
m.l la-mid: buntuq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jigre
m.l (-rayaal, m.l/dh) Buntuq waayadii hore la isticmaali jirey oo xabbad kaliyaale ah.

kaddibiye
m.l (-yayaal, m.l/dh) Buntuq aan xabbadaha qarxin cillad awgeed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liifad
m.dh (-do, m.l) 1. Tidac dun ah, la geliyo feynuusyada gaaska oo marka la shido bixiya iftiin. 2. Bir yar, buntuqa afkiisa hore ku samaysan oo wax lagu shiisho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lixle
m.l 1. Xaashi turub oo lix dhibcood leh. 2. Buntuq qafiskiisu qaado lix xabbadood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lixledheere
m.l (-rayaal, m.dh) Buntuq lixle ah oo dheer.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lixlegaab
m.l (-byo, m.dh) Buntuq lixle ah oo gaaban.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qafas
m.l 1. (-syo, m.dh) la-mid: qafis. Sanduuq shabaq ka samaysan oo shimbiraha, ugaadha iyo wixi lamida lagu hayo. 2. Qasac yar oo maar ah, qaada tiro xabbado ah oo buntuqa, bistooladda iyo wixi lamida la geliyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
riishad
m.dh (-do, m.l) Bir yar, qoolaaban oo buntuqa xaggiisa hoose ku samaysan oo dib farta loogu riixo marka buntuqa xabbad laga ridayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saanad
m.dh.u (-do, m.dh) Xabbadaha buntuqa laga rido oo lagu dagaalamo; rasaas.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
soor
soor¹: m.l 1. Cayayaan duula, afar baal leh, duqsiga u eg wax yarna ka weyn, xoolaha dhiigga ka nuugga oo cudur ku reeba. 2. Buntuq afkiisa mindi ka taagan.
soor²: m.dh 1. Galley ama meseggo shiidan oo la kariyo. 2. Gasiin; cunto.
soor³: f.g1 (-ray, -rtay) 1. Cid cunto iyo cabbid ku martiqaadid. 2. Wax si isla eg u qaybin. la-mid: sooryee.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daballaab
m.l/dh (-byo, m.dh) Buntuq boobe ah, fudud oo daabkiisu bir xalleefsan ka samaysanyahay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jigre
m.l (-rayaal, m.l/dh) Buntuq waayadii hore la isticmaali jirey oo xabbad kaliyaale ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buntukh
(Buntukh-a)
Hubka dabka mid ka mid ah oo gacanta lagu qaato. Wuxuu lee yahay dhuun dheer oo afkeeda xabbaddu ka baxdo oo gudaha ku leh xarriiqo qodan oo maroorsan oo xabbadda la ridayo siiya xoog sida kiriiriga u wareegaya iyo dheerayn iyo weliba sugnaan iyo meel fog gaarid; qori; (ama bunduq).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buntukh
m. n. rifle
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
buntukh
-a: (n) [buntukhyo-da] gun (gaan)-, rifle (raayfal) ~ qori
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buntukh
-a: (magac, lab, keli) hub gacanta lagu qaato, leh dhuun dheer, gudaha ku leh dalool xabbadda la ridaa marto. Buntukh baaruudda ridiyo billaawe dhexda lagu qaato. Dh: qori, bunduq.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
buntukh
bw: Arabic
de: rifle
lx: buntukh
pd: (-a Pl: banatiikh (da))
ps: n2a-m, n8-m
see: bunduq
key: buntukh
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buuq
(Buuq-a)
Hadal badan oo lagu dheeraysana hayo oo isku kol doc walba ka yeera haya; bulaan; sooyaan; hugun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buuq
buuq¹: m.l 1. Hadal ama cod dheer oo nafley badan isku mar sameyso. 2. Dad ama xoola badan oo meel isugu yimid.
buuq²: m.l (fiisikis) Jabaq kasta oo dad dhiba; waxa lagu qiyaasaa iskeelka desibal oo u dhexeeya heerka maqalka ugu hooseeya (0dB) iyo heerka dhawaaqa maqalku xanuuniyo (130dB). Dhawaqyo maqalka qasa oo dhexgala liid rakaad ee marin sigaarsiin.
buuq³: f.mg1 (-qay, -qday) 1. Nafley badan, hadal ama cod badan isku mar sameyn. 2. Dad ama xoolo badan meel isugu imaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
buuq
buuq¹: m.l 1. Hadal ama cod dheer oo nafley badan isku mar sameyso. 2. Dad ama xoola badan oo meel isugu yimid.
buuq²: m.l (fiisikis) Jabaq kasta oo dad dhiba; waxa lagu qiyaasaa iskeelka desibal oo u dhexeeya heerka maqalka ugu hooseeya (0dB) iyo heerka dhawaaqa maqalku xanuuniyo (130dB). Dhawaqyo maqalka qasa oo dhexgala liid rakaad ee marin sigaarsiin.
buuq³: f.mg1 (-qay, -qday) 1. Nafley badan, hadal ama cod badan isku mar sameyn. 2. Dad ama xoolo badan meel isugu imaansho. m.f.dh, buuqid.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Buuq
Noise
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buuq
m. n. clamor, noise, din
buuq v. make a noise, clamor, talk noisily
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
buuq
-a: (n) noise (nooyz); fracas (fareey kas) qaylo, sawaxan, or -Syn: din, racket, uproar, hullabaloo, hubbub, clamor
buuq leh: (adj) noisy (nooysi) qaylo iyo buuq badan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buuq
(fal) qaylo badan samee. Dad badan baa nagu soo buugay baraarka markaan dacawada ka reebnay: Dh: bulaan, sooyaan.
buuq -a: (magac, lab, keli) hawda awgeed hadal badan oo waxba laga maqlaynin, kala saari akrin. Buuq balaayo kaagama baydho. Dh: qaylo, bulaan, sooyaan, hugun, qaylo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buluq
buluq!: (ereycodeed) lagu tusmeeyo balqasho dareere halmar ah. Buluqda biyaha baraarka oommane yaanu ku soo qamaamin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buruq
(Buruq-da)
Bari adag oo kankoonsan oo badanaa la cuno oo dhirta yaryar qaarkeed leedahay; geedka docdiisa hoose oo aasan bay ka baxdaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buruq
m.dh (-qo, m.l) 1. Bari dhirta qaarkeed dhanka hoose ka bixiso, adag, kuuskuusan oo la cuno. 2. Miro, sida qaraha, babbayga iyo wixi lamida inta jilicsan oo la cuno.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
buruq
m.dh (-qo, m.l) 1.Bari dhirta qaarkeed dhanka hoose ka bixiso, adag, kuuskuusan oo la cuno. 2. Miro, sida qaraha, babbayga iyo wixi lamida inta jilicsan oo la cuno.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buruq
f. n. tuber species, rootcrop; any round fleshy object; eyeball
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
buruq
-da: (n) taproot (taapruut); the fleshy root of plant
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buruq
-da: (magac, dhedig, keli) cad xumaada oo laga dhexsaaro boogaha. Buruq maleh boogti basar loo dhaye e'. Dh: cardhid, cajir, maal.
buruq -da: (magac, dhedig, keli) cidhibta dugaagga inta danbe ee buuran. Buruqda eyga iyo dawacada lama kala garto. Dh: cidhib.
buruq -da: (magac, dhedig, keli) badhida dhirta qaarkeed ee dhulka ku jirta, intii la qoto ama la rujiyo, la dhilo oo la cuno. Badhi Mandoo macaanaa qabayarana qodaxdiisu kululaa. Dh: bari, badhi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
buruq
de: tuber sp., rootcrop; any round fleshy object; eyeball
lx: buruq
pd: (-da)
ps: n1-f
key: buruq
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
butuc
m.l 1. B. ah: qof buuran. la-mid: Batac. 2. Ciid jilicsan oo aan dhagax qaruurax iyo boor lahayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
butuc
m.l 1. B. ah: qof buuran. la-mid: Batac. 2. Ciid jilicsan oo aan dhagax qaruurax iyo boor lahayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
butuc
m. n. fat person
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
butuc
-a: (n) overweight person; fat (faat) person; chubby (jaabi) ~ bubuc
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
butuc
-a: (magac, lab, keli) qofka gaaban oo buuran. Samaale waa nin butuc ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
butuc
de: fat person
lx: butuc
pd: (-a)
ps: n2a-m
key: butuc
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
UNTUR
Cordyla somalensis 01
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
BUNSUR
Commiphora hildebrandtii 30
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BUNSUR
(Bunsur) C Commiphora hildebrandtii (Engl.) Engl. Burseraceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bunuug
m.dh.w eeg banki.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bunuug
f. n., pl. banks
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bunuug
-ta: (n) [plural of bangi] banks (baankis); a financial institution
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bunuug
de: banks
lx: bunuug
pd: (-ta Sg: bangi ~ banki)
ps: n8-f-pl
key: bunuug
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buqbuq
buqbuq!: (ereycodeed) tusmeeya biyo iyo waxii la mid ah oo karaya ama il ka soo baxbaxaya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cuntub
(Cuntub-ka)
(dad, wax) tiro yar oo wadajirta; xoogaa isku duuban; xayn; hormo; koox; xirmo; (ama cutub).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuntub
m.l (-byo, m.dh) 1. Koox askar ah wada jira. 2. Wax isku xiran sida miraha cinabka iyo wixi lamida.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cuntub
m.l (-byo, m.dh) 1. Koox askar ah wada jira. 2. Wax isku xiran sida miraha cinabka ama qoraal iyo wixi lamida.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cuntub
m. n. small group
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cuntub
-ka: (n) chapter (japter) ~ cutub
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Cuntub
Gruppo
Group
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cuntub
-ka: (magac, dhedig, keli) eeg cutub.
cuntub -ka: (magacwadareed) dad ama wax tiro badan oo wada socda. Dh: hormo, koox. cunug -ga: (magac, lab, keli) eeg canug.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cuntub
de: small group
lx: cuntub
pd: (-ka)
ps: n2-m
see: cutub
key: cuntub
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dunbuq
-a: (magac, lab, keli) nooc qoryaha ka mid ah ciidamadu ku dagaallamaan ee fudfudud. Dh: bunduq, qori.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tuqtuq
m.dh Si tabar yar oo loo socdo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tuqtuq
-da: (magac, dhedig, keli) adigoo soconaaya, oo inta lugta wax kaaga taabtaan aad horay u cararto adigoon is qaban karin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buldhuq
buldhuq!: (ereycodeed) lagu tusmeeyo dhul ku dhicitaan qaab daran. Habartii halkan bay buldhuq ku tidhi. Dh: bushkux, baldhaq, harbash.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bululuq
bululuq!: (ereycodeed) lagu tusmeeyo daadashada biyaha.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bunnusi
(fal) orodsii orod tukubo ah. Bunnusi islaanta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buqbuqo
(Buqbuqa-da)
Caano ciir ah iyo kuwo dhay ah oo laysku daray; buqbuqood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buqbuqo
m.dh Caano ciir ah iyo kuwo dhay ah oo la isku daray. la-mid: buqbuqood.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buqbuqo
f. n., (mass n.): sour milk
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buqbuqo
-da: (magac, dhedig, keli) dhay iyo ciir la isku daray. Buqbuqo haduu subag burcada dhali baxnaaneeya. Dh: buqbuqood.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
buqbuqo
de: sour milk
lx: buqbuqo
pd: (/da)
ps: n6-f-mass
key: buqbuqo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
burtuur
burtuur¹: m.l Marka soorta la karinayo burarka yaryar oo ay yeelato.
burtuur²: f.mg1 (-ray, -rtay) Burar yaryar oo is haysta yeelasho (soor).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhuntul
m. n. vase
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhuntul
de: vase
lx: dhuntul
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: dhuntul
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
funjuqi
f.g2 (-iyay, -isay) Miro qolof ka saarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hunbuqo
(Hunbuqa-da)
Ulaha iyo laablaabka tolmada xuni, maryaha u yeesho; canyayuub; qonbor.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hunbuqo
f. n. patch-work, clumsy sewing, bad tailoring
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hunbuqo
-da: (magac, dhedig, keli) laablaabka tolmaha xumi u yeelo maryaha. Dh: canyayuub, qonbor.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hunbuqo
a: humbuqo
de: patch-work, clumsy sewing, bad tailoring
lx: hunbuqo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: hunbuqo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hututuq
-da: (magac, dhedig, keli) socod qof gaboobay oo ul dhaabanaya. Dh: hutuqhutuq, baldhaqbaldhaq.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
puntura
s.f. - durid (da).
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Quantum
Kuwaantam
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
bounteous
a., deeqsi ah, nin deeqsi ah.