bunji
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bunji
(Bunji-ga)
Xargaha laga sameeyo xaskusha, boocda iyo geedaha la jaad ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bunji
m.l Xarig badan oo dhumuc weyn leh oo laga sameeyay xaskusha, boocda iyo wixi lamida.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bunji
m. n. rope made from bark
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BUNJI
(Bugi) May Datura stramonium L. Solanaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bunji
-ga: (magac, lab, keli) xadhkaha laga sameeyo xaskusha ee iyo geedaha la nooca ah. Bunji hoggaan laga soohayoo sululuq loo diiday.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bunji
de: rope made from bark
lx: bunji
pd: (-ga)
ps: n2-m, n7-m
key: bunji
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buji
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax sida haan iyo wixi lamida haruub ka qaadid. 2. Wax meel ka duleelin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
buji
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax sida haan iyo wixi lamida haruub ka qaadid. 2. Wax meel ka duleelin. m.f.dh, bujin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buji
v. take the lid off; pierce, puncture; explode
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
buji
-yey / say: (v) remove the lid by using force ~ fur
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buji
(fal) daboolka ka qaad. Dakhsi ururyoo, aagaan bujin waa!
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
buji
de: take the lid off; pierce, puncture; explode rw: buq
lx: buji
pd: (bujiyey)
ps: v2a=tr
key: buji
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
banji
m.l Geedgaab iniinahiisa lagu sakhraamo oo leh caleemo balballaaran iyo miro kulkulucsan, waaweyn oo dusha qodxo jiljilicsan ku leh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
banji
m.l Geedgaab iniinahiisa lagu sakhraamo oo leh caleemo balballaaran iyo miro kulkulucsan, waaweyn oo dusha qodxo jiljilicsan ku leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
banji
-ga: (magac, lab, keli) eeg balambaal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bulji
-ga: (magac, lab, keli) dhar qurux badan. Bulji nimaan xiran xarragu muusan marine.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Burji
(Burji-ga)
Xiddig wanaagsan ku dhashay; buruud lahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
burji
m.l Heybad cidi leedahay oo dadka qaarkiis kaga baqaan ama ku xurmeeyaan. la-mid: buruud.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
burji
m.l Heybad cidi leedahay oo dadka qaarkiis kaga baqaan ama ku xurmeeyaan. la-mid: buruud.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
burji
m. n. luck, good fortune; person born under a lucky star
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
burji
-ga: (n) charisma (karizma); natural power necessary for achieving success ~ burhaan, buruud, haybad
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
burji
cf: buruud
de: luck, good fortune; person born under a lucky star
lx: burji
pd: (-ga)
ps: n2-m
key: burji
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dunji
(Dunji-ga)
Aan wax ka maqnayn; dhammi; giddi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dunji
m.l Halka wax ka soo farcamaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dunji
m. n., [collective] whole, complete, entire
dunji m. n., [abstract] sympathy, pity
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dunji
-yey I say: (v) swallow (iswaaloow) ~ liq, laq
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dunji
-ga: (magac, lab, keli) halka wax ka soo farcamaan. Dh: asal, isir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cammaar
(Cammaar-ka)
Xarig bunji ah oo adag.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
LIIN-BUNJI
(Lin-bunji) N, S Citrus aurentifolia Swing. Rutaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Burunji
(Burunji-da)
Hilibka intiisa guduudan oo jiirka ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
burunji
m.dh Hilibka intiisa jiirka ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
burunji
m.dh Hilibka intiisa jiirka ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
burunji
f. n., [collective] tough lean meat
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
burunji
-da: (magac, dhedig, keli) noolaha aan hilibkiisu is dhimin. Waakaa waraabuhu ka bogan, burunjidoodiiye.
burunji-da: (magac, dhedig, keli) hilibka guduudan ee jiidhka ah, hilib muruqyo leh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
burunji
cf: jiir
de: tough lean meat
lx: burunji
pd: (-da)
ps: n2-f-col
key: burunji
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baanji
(Baanji-ga)
Baaris aan turaal ku jirin; ku dhex galgalad; daganduug; faanbi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baanji
baanji¹: m.l Baaris aan xasillooni iyo nidaam lahayn. la-mid: baanjiyid.
baanji²: f.g1 (-iyay, -iday; -iyi) Si aan xasilooni iyo nidaam lahayn wax u baarid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baanji
baanji¹: m.l Baaris aan xasillooni iyo nidaam lahayn.
baanji²: f.g1 (-iyay, -iday; -iyi) Si aan xasilooni iyo nidaam lahayn wax u baarid. m.f.dh, baanjiyid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baanji
v. investigate something thoroughly, exam in detail
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baanji
(fal) baadhitaan iyo fatashaad ku samee; wax ka dhex raadi. Qorqode intuu aqalka baanjiyuu bilista daaliyaa. Dh: baadh, baar, baandhee.
baanji -da: (magac, dhedig, keli) eeg baaji.
baanji -ga: (magac, lab, keli) faandigid si xeeldheeri ah wax loo baadho oo meel walba faraha la geliyo. Dh: faandig.
baanji -ga: -(magac, lab, keli) cid kale, wax dux leh ku baanasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baanji
de: investigate s.t. thoroughly, exam in detail
lx: baanji
pd: (baanjiyey)
ps: v2a=
key: baanji
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boonji
-da: (magac, dhedig, keli) fudad yaryar oo carro ah, xooluhu ilkahooda ku goostaan. Boonji carra ah, baadi doonyoo, biciidku ba waa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bungis
m.l la-mid: bunkis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bunkis
m.l Baqshad. la-mid: bungis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhunji
f.g2 (-iyay, -isay) Cunaha marin iyadoo caloosha loo riixayo (cunno, cabitaan iyo wixi lamida).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhunji
f.g2 (-iyay, -isay) Cunaha marin iyadoo caloosha loo riixayo (cunno, cabitaan iyo wixi lamida). m.f.dh, dhunjin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhunji
v. swallow
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhunji
-yey / say: (v) swallow (iswaaloow) ~ liq, laq
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhunji
(fal) hunguriga mari oo caloosha u dhaafi. Dh: liq.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhunji
de: swallow
lx: dhunji
pd: (dhunjiyey)
ps: v2a=
key: dhunji
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gunjis
m.l (muus.) Durbaan yar oo u eg midka la yiraahdo mokhoddon, waxaana loo adeegsadaa ciyaarta aw-daare.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gunjis
-ka: (magac, lab, keli) durbaan yar oo u eg midka la yidhaahdo 'Mokhoddon, loo adeegsado ciyaarta 'Aw-Daare'.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nunuji
(fal) kolba dhan u dhaqaaji si uu u debco.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tuunji
-ga: (n) potty (poo-ti); chamber pot
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ugunji
m.l Liin, bambeelmo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ugunji
m.l Nooc ka mid ah liinta.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ugunji
-da: (magac, dhedig, keli) jaad ka mid ah liinta oo muud macaan, kana dhasha iskutallaalka liinta macaan iyo ta dhanaan. Dh: mandariin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bun
(Bun-ka)
1. Cabitaan la cabbo oo udgoon oo laga sameeyo miro yaryar oo kulkulucsan oo beer leh oo uu dhalo geed dheer oo dhulka kulul ka baxa: inta iniinaha la dubo oo la budeeyo baa sida shaaha loo karshaa; qaxwe.
2. Sharuur.
3. Miraha geedka.
4. Geedka laftiisa (caleemihiisa waxaa la yiraahdaa quddi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bun
m.l 1. Geed dhulka kulul ka baxa, dhala miro kuuskuusan oo beer iyo qolof adag leh. 2. Miraha geed bunka oo laga sameeyo qaxwaha, kafee. 3. Miraha bunka oo saliid ma subag lagu shiilay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bun
m.l 1. Geed dhulka kulul ka baxa, dhala miro kuuskuusan oo beer iyo qolof adag leh. 2. Miraha geed bunka oo laga sameeyo qaxwaha, kafee. 3. Miraha bunka oo saliid ma subag lagu shiilay.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Bun
Coffee
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bun
m. n., [collective] coffee (generic for plant, raw beans ~ grounds)
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BUN
(Bun) All.Som. Coffea arabica L. Rubiaceae.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
bun
/baan/ (n) 1. rooti ama keeg wareegsan 2. timaha duuban ee dumarku gadaal u xiro
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bun
-ka: (n) coffee (kofee) ~ qaxwe
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
bun
/ban/ (n) 1. rooty yer on wereegsyng. 2. Baraar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bun
-ka: (magac, lab, keli) geedka aad aan u sii weynaan oo baxsha caleemo, midho iyo qolof ku dahaadhan oo intaba la karsado oo cabbitaankooga aad loo jecelyahay.
bun-ka: (magac, lab, keli) cabbitaan la cabbo oo udgoon lagana sameeyo midhaha bunka inta la saloolo, ka dib kolkii la tumo ama la daqiijo. Bun ninkii cabbaa hurdadu, sawka bi'i mayso. Dh: qaxwe.
bun-ka: (magac, lab, keli) cuntada la kariyo ee la sameeyo marka arday uu dhammeeyo jus Quraan ah farxad aawadeed. Waa buneey booboow dharjac Dh: bunays.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bun
cf: qaxwe ~ qahwo
de: coffee (generic for plant, raw beans or grounds)
lx: bun
pd: (-ka Pl: bunan (ka))
ps: n4-m-col
key: bun
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
bun
قَهْوَة، بُنٌ
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
uni
- pref. - horkabe tilmaama mid, hal.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
uni
uni, adj. - siman; mid ah; isku midab ah; aan badbadalnayn; caadi ah; dhulka siman ee ballaaran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baji
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Cid cabsi gelin. 2. Wax sida ukun iyo wixi lamida jebin. 3. Bujin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bąji
f.mg2 (-iyay, -isay) la-mid: boji.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baji
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Cid cabsi gelin. 2. Wax sida ukun iyo wixi lamida jebin. 3. Bujin. m.f.dh, bajin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baji
v. scare, frighten
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baji
yey say: (v) frighten (fareeyten); scare (iskeer); fill with fear cabsii. Syn: alarm, terrify, terrorize, startle, panic.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baji
(fal) handadaad cabsi gelin ku jirto, cid kale ku samee. Baji cadawga beerka u dhigoo baraq na ha u yeelan. Dh: cabsii, didi. Li: dhiirri.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baji
de: scare, frighten rw: baq
lx: baji
pd: (bajiyey)
ps: v2a=
key: baji
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beji
f.mg2 (-iyay, -isay) la-mid: boji.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beji
v. rest, relax
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beji
(fal) ka cabsii ha baqdee. Dibiga dibiga u beji. Dh: baji.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
beji
a: boji
de: rest, relax
lx: beji
pd: (bejiyey)
ps: v2a=
key: beji
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Beni
(Beni-ga)
Cariish dhagax iyo dhis qoryo ah oo isku dhafan ka samaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beni
m.l (-iyo, m.dh) 1. Deyd dhagax ka samaysan oo beeraha timirta lagu kala qoqobo. 2. Cariish ka samaysan dhagax iyo qoryo. 3. (ld bini) Lacag bir ah ka mid ah lacagta sarrifka ee Ingiriisiga o laba iyo tobankii beni u dhiganta hal shilin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
beni
m.l (-iyo, m.dh) 1. Deyd dhagax ka samaysan oo beeraha timirta lagu kala qoqobo. 2. Cariish ka samaysan dhagax iyo qoryo. 3. (ld bini) Lacag bir ah ka mid ah lacagta sarrifka ee Ingiriisiga o laba iyo tobankii beni u dhiganta hal shilin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beni
m. n. hut
beni m. n. penny
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Beni
Xoolo (mood ama nool), maal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beni
-ga: (magac, lab, keli) cariish ka samaysan sarab, qoryo, dhagax iyo dhoobo. Beni buu ku caroosgalay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bini
m.l la-mid: beni.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bini
-da: (magac, dhedig, keli) in aad u yar oo aan qiimo badan lahayn oo lacag ah. Dh: beesad. binii'aadannimo-da: (magac, dhedig, keli) eeg banii'aadannimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boji
f.mg2 (-iyay, -isay) Xaalad shaqo iyo dhib la'aan ku sugnaan (nafley); nasasho. la-mid: bąji, beji.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
boji
v. rest, relax
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boji
(fal) hawl ama daal ka fadhiisi. Waataan bidhaan quruxsaneey, soo bojooy ku idhiye. Dh: nasi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
boji
de: rest, relax
lx: boji
pd: (bojiyey)
ps: v2a=
see: beji
key: boji
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bugi
(tilmaame) qof calool buuran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buli
(Buli-da)
Shinbirmalab; Maris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buli
m.dh Shimbir-malab.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buli
f. n. honey-guide bird
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buli
-da: (magac, dhedig, keli) shinbir dadka geedka shinnidu ku jirto tusta. Wallee buli managade aragtay baan shinnidu halkay joogto kuu sheegin. Dh: shinbirmalab, maris.