bunaaxo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bunaaxo
m.dh la-mid: banaaxo.

banaaxo
m.dh Cida ay lo'du sameyso kolkay barwaaqo joogto. la-mid: bunaaxo, bunnaaho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
banaaxo
-da: (magac, dhedig, keli) ci'da lo'da kolka ay dheregto. Dibi barwaaqo joogaa banaaxo ma daayo. Dh: bunnaaxo, banaaxi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bunaaxi
bunaaxi¹: m.l la-mid: banaaxiyid.
bunaaxi²: f.mg1/2 (-iyay, -iday/-isay; -iyi) la-mid: banaaxi².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bunaaxi
(fal) neef lo' ah, ci dheer samee oo aad u ci. Dibiga bunaaxinaya Khayro badan baa leh.
bunaaxi -ga: (magac, lab, keli) lo'da cideeda barwaaqada. Baqar lo' ah banaaxiga gu'gii baydi iyo raaxo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bunaaxid
-da: (magac, dhedig, keli) lo', ci' dheer ciyid. Bunaaxid dibiga markay dheregto weeyaane. Dh: bunaaxis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bunaaxin
m.dh la-mid: banaaxiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bunaaxin
-ta: (magac, dhedig, keli) cida lo'da xilliga ay doog iyo biyo wanaagsan isku helaan. War maxaad sida dibida bunaaxinta la waddaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bunaaxis
m.l la-mid: banaaxiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bunaaxis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg bunaaxid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bunnaaho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg bannaaxo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Banaaxi
(Banaaxi-ga)
Cida lo'da siiba kolkay dararto oo ay barwaaqaysan tahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
banaaxi
banaaxi¹: m.l la-mid: banaaxiyid.
banaaxi²: f.mg1/2 (-iyay, -iday/-isay; -iyi) Lo' barwaaqo joogto ciyid. la-mid: bunaaxi², bunnaahi².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
banaaxi
vl. n. mooing (of cows)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
banaaxi
(fal) lo', ci'da dheregga iyo barwaaqada astaanta u ah, samee.
banaaxi -ga: (magac, lab, keli) cida lo'da siiba markay barwaaqaysan tahay. Haddaan Bayaxow ka buundhabo, bunnaaxisay baarta Hiiraan. Waxaan meel dhaw ka maqlayaa banaaxigii lo'da. Dh: bunaaxi, dunaaxi, bunnaaxin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
banaaxi
de: mooing (of cows)
lx: banaaxi
pd: (-ga)
ps: vn-m
key: banaaxi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bunayso
f.mg3 (-stay, -satay) 1. Bun la shiilay cunid. 2. Saliid ama subag bun lagu shiilay marsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bunayso
f.mg3 (-stay, -satay) 1. Bun la shiilay cunid. 2. Saliid ama subag bun lagu shiilay marsasho. m.f.dh, bunaysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bunayso
v.auto: eat fried coffee beans
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bunayso
(fal) bun samayso, markaad jus Quraan ah dhammaysaba bun karso. Bunaysannay oo bunkii cunnay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bunayso
de: eat fried coffee beans
lx: bunayso
pd: (bunaystay)
ps: v3b=auto
key: bunayso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bunnaax
-da: (magac, dhedig, keli) ci'da lo'da kolka ay barwaaqo joogto. Dh: bunnaah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
busaaro
m.dh la-mid: busaarad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
busaaro
f. n. poverty, lack of sufficient food ~ necessities; misery, seriously uncomfortable situation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
busaaro
-da: (magac, dhedig, keli) tiif iyo cawlnaan an bugtaan ahayn oo laga dareemo qof ay baahiyi hayso. Busaaro ayaa wejigiisa ku taal wiilka. Dh: bisaarad, baahi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
busaaro
a: busaarad
de: poverty, lack of sufficient food ~ necessities; misery, seriously uncomfortable situation
lx: busaaro
pd: (/da)
ps: n-f
key: busaaro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Butaaco
(Butaaca-da)
Biyo iyo wax la mid ah oo badi iyo si xoog leh u soo baxa ama u soo kaca.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
butaaco
m.dh B. ah: hoore meel uu ku jirey si xoog leh uga soo burqaday.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
butaaco
m.dh B. ah: hoore meel uu ku jirey si xoog leh uga soo burqaday.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
butaaco
f. n. gush, out-pouring
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Butaaco
name-f gushes, out-pouring; lit: she who was born too quickly after the first episode of labor
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
butaaco
-butaacada: (n) a sudden outflow; gush (gaash); spout (ispaawt) ~ burqasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Butaaco
magac loo baxsho gabadh dhalatay iyada oo aanay hooyadeed dhib fooleed dareemin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
butaaco
de: gush, out-pouring
lx: butaaco
pd: (/da)
ps: n6-f
key: butaaco
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dubaaxo
f.mg3 (-xay, -xatay) la-mid: dibaaxo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qunjaxo
-da: (magac, dhedig, keli) xubin soo baxsan oo wareegsan oo shafka geela ku taal oo kolka uu fadhiisto dhulka uu ku qabto. Dh: gojoxo,
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sumaaxo
(Sumaaxa-da)
Shinbir weyn oo shinbiraha badda oo rabshiga dhiga ka mid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sumaaxo
m.dh Shimbir weyn oo shimbiraha rabshiga dhiga ka mid ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sumaaxo
f. n. large sea-bird species
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sumaaxo
-da: (magac, dhedig, keli) shinbir weyn oo shinbiraha badda ee rabshiga dhiga ka mid ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sumaaxo
de: large sea-bird sp.
initial: s
lx: sumaaxo
pd: (/da)
ps: n-f
key: sumaaxo
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Tufaaxo
name-f apple
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BUN-QAXWO
(Bun-gahwo) All.Som. Coffea arabica L. Rubiaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bunnaasho
m.dh la-mid: banaaxo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
banaaxin
m.dh la-mid: banaaxiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
banaaxin
-ta: (magac, dhedig, keli) samaynta cida lo'du samayso xilliga barwaaqada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
banbaano
m.dh (-ooyin, m.l) la-mid: bambaano.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baxnaano
m.dh Ka dhursugidda wax sida ay ku dambeeyaan. la-mid: baxnaanin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baxnaano
m.dh Ka dhursugidda wax sida ay ku dambeeyaan. la-mid: baxnaanin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baxnaano
f. n. trial, test, experiment; control of situation; watch, surveillance
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baxnaano
-da: (magac, dhedig, keli) wax laga war sugayo oo la dhawrayo sida uu noqdo. Baxnaano iyo bartay isugu biyashubato bal arrinta u kaadiya.
baxnaano -da: (magac, dhedig, keli) xannaano ama ilaalin gaar ah. Baxnaano ma helo ninkii basari baro ugu hoydaaye.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baxnaano
de: trial, test, experiment; control of situation; watch, surveillance
lx: baxnaano
pd: (/da)
ps: n6-f
key: baxnaano
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biyabaxo
-da: (magac, dhedig, keli) dhul biyaha webiyada iyo balliyadu fariistaan, markay soo jabsadaan jiinkii celinayay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bunaakha
-da: (magac, dhedig, keli) cida dheer ee lo'du samayso kolka barwaaqada. Bunnaakhada lo'da ayaan maqlaa gabbalkoon dhicine. Dh: bunnaax.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
bungalow
/baanglow/ (n) guri fillo ah (guri aan dabakh lahayn)
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
bungalow
/baangalow/ (n) ming yer oo dabaq ing lahaayny.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
bungalow
bungalow, n.m - Guri fillo ah ama Bangalo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bunnaahi
bunnaahi¹: m.l la-mid: banaaxiyid.
bunnaahi²: f.mg1/2 (-iyay, -iday/-isay) la-mid: banaaxi².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bunnaahi
(fal) sida dibida u ci' oo bunnaaxo samee. Dibiyahaw bunnaahi doog daaqdaye. Dh: bunnaaxi.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Burhaano
name-f power from God, divine favor leading to success. Syn: Burhaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bushaaro
m.dh la-mid: bishaaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cunaqabo
f.mg3 (-btay, -batay) 1. Nafley cunaha ka qabasho; ceejin. 2. la-mid: cunaqabatee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cunaqabo
v. choke, stifle; sanction
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cunaqabo
(fal) wax nool cunaha ku dheg oo ceeji.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cunaqabo
de: choke, stifle; sanction
lx: cunaqabo
pd: (cunaqabtay)
ps: v3b=
key: cunaqabo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dunqaaro
(Dunqaara-da)
Dadka mahee, nafleyda inteeda kale; 'dad iyo dunqaaro'; duunyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dunqaaro
m.dh 1. la-mid: dunqaare. Caws dhaadheer oo dooxooyinka ka baxa. 2. Waxa Eebbe abuuray ee aan dadka ahayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dunqaaro
f. n., [collective] animals, all living beings (except humans)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dunqaaro
-ha: (magac, lab, keli) abuuraha aan dad ahayn. Dh: duunyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dunqaaro
de: animals, all living beings (except humans)
lx: dunqaaro
pd: (/da)
ps: n-f-col
xe: all living creatures (i.e., humans and animals)
xv: dad iyo dunqaaro
key: dunqaaro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
funtaano
m.dh la-mid: foontaano.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
funtaano
f. n. fountain
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
funtaano
-da: (magac, dhedig, keli) qalabka biyaha kor u tuura.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
funtaano
de: fountain {It}
lx: funtaano
pd: (/da)
ps: n6-f
key: funtaano
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hunqaaco
(Hunqaaca-da)
Mantag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hunqaaco
m.dh Matag.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hunqaaco
m.dh Matag.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hunqaaco
f. n., [collective] vomit, vomiting
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hunqaaco
hunqaacada: (n) vomit (voomit) ~ mantag -a
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hunqaaco
-da: (magac, dhedig, keli) calaf caloosha galay oo soo noqda oo afka laga soo daadiyo. Hunqaaco meel aad jeceshahay kuma gaadhsiiso Dh: matag.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hunqaaco
de: vomit, vomiting
lx: hunqaaco
pd: (/da)
ps: n6-f-col
syn: mantag
key: hunqaaco
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Mullaaxo
name-f bark fiber used for making string or rope. lit: smooth and beautiful
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Mullaaxo
magac loo bixiyo gabadh hooyadeed aad ugu faraxday dhalashadeeda oo ay quruxdeeda ku metaashay mullaaxda la diirto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
munaaddo
m.dh la-mid: muraaddeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
munaaddo
-da: (magac, dhedig, keli) yeedhid cid loo yeedho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
quwaaxso
f.g3 (-saday, -satay) 1. Quwaax raadsasho. 2. Dhacaan quwaax mashiiqsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bunaaxiyid
m.dh la-mid: banaaxiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bunaysasho
m.f.dh eeg bunayso. la-mid: bunaysad, bunaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bunaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) bunaysadka markaad jus dhammayso. Bunaysasho ardada ninkii ku dhowoow soo badi bunka.
bunaysasho -da: (magac, dhedig, keli) bun subag ama saliid lagu dubay ku xafladayn: bun ku ducaysasho oo ku subkasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naax
naax¹: m.l la-mid: naaxid.
naax²: f.mg1 (-xay, -xday) Nafley cayilid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
naax
f.mg1 (-xay, -xday) Nafley cayilid. m.f.dh, naaxid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
naax
v. grow ~ become fat
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
naax
-ayday: (v) gain weight; become fat or plump; fatten (faaten) ~ cayil
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naax
(fal) cayil oo wax buuran noqo. Naax si aad u qurux badnaato. Dh: shishlaw, buurnaw.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
naax
de: grow ~ become fat
lx: naax
pd: (naaxay)
ps: v1=
key: naax
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baaho
(Baaha-da)
Xoolaggooyo; qaaraan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baaho
baaho¹: m.dh Iskaashi iyo wax wadaqabsi dad gaar ah ka dhaxeeya.
baaho²: f.mg3 (-hday, -hatay) 1. Baahi dareemid (nafley). 2. U b.: wax la'aantiis u mucurteysnaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baaho
f.mg3 (-hday, -hatay) 1. Baahi dareemid (nafley). 2. U b.: wax la'aantiis u mucurteysnaan. m.f.dh, baahnaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baaho
v. be hungry, be in need; need, want
baaho [feminine] n. mutual help arrangement, reciprocal aid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaho
(fal) yeelo rabitaanka wax ama qof; baahi u qab wax, sida cunto, caafimaad cilmi ama qof.
baaho -da: (magac, dhedig, keli) xoolaha gargaar ahaan reeraha ama dadka looga soo ururiyo; xoolo lagu bixiyo magta ama qof baahan loo guro. Baaho ayaan u soo ururinnay dadkii socotada ahaa. Dh: xoolaggooyo, qaadhaan.
baaho -da: (magac, dhedig, keli) eeg aqal.
baaho -da: (magac, dhedig, keli) guddi qaybaha ay xaajadu khusayso oo dhan ka kooban oo ay xeer-beegti meel u dirto.