bunaaxid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bunaaxid
-da: (magac, dhedig, keli) lo', ci' dheer ciyid. Bunaaxid dibiga markay dheregto weeyaane. Dh: bunaaxis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bunaaxi
bunaaxi¹: m.l la-mid: banaaxiyid.
bunaaxi²: f.mg1/2 (-iyay, -iday/-isay; -iyi) la-mid: banaaxi².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bunaaxi
(fal) neef lo' ah, ci dheer samee oo aad u ci. Dibiga bunaaxinaya Khayro badan baa leh.
bunaaxi -ga: (magac, lab, keli) lo'da cideeda barwaaqada. Baqar lo' ah banaaxiga gu'gii baydi iyo raaxo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bunaaxin
m.dh la-mid: banaaxiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bunaaxin
-ta: (magac, dhedig, keli) cida lo'da xilliga ay doog iyo biyo wanaagsan isku helaan. War maxaad sida dibida bunaaxinta la waddaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bunaaxis
m.l la-mid: banaaxiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bunaaxis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg bunaaxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bunaaxiyid
m.dh la-mid: banaaxiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Naaxid
(Naaxid-da)
Wax buuran oo shilis noqosho; cayilid; xawsid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naaxid
-da: (magac, dhedig, keli) cayilid oo aad u buurnaansho. Dh: shishlid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Banaaxi
(Banaaxi-ga)
Cida lo'da siiba kolkay dararto oo ay barwaaqaysan tahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
banaaxi
banaaxi¹: m.l la-mid: banaaxiyid.
banaaxi²: f.mg1/2 (-iyay, -iday/-isay; -iyi) Lo' barwaaqo joogto ciyid. la-mid: bunaaxi², bunnaahi².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
banaaxi
vl. n. mooing (of cows)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
banaaxi
(fal) lo', ci'da dheregga iyo barwaaqada astaanta u ah, samee.
banaaxi -ga: (magac, lab, keli) cida lo'da siiba markay barwaaqaysan tahay. Haddaan Bayaxow ka buundhabo, bunnaaxisay baarta Hiiraan. Waxaan meel dhaw ka maqlayaa banaaxigii lo'da. Dh: bunaaxi, dunaaxi, bunnaaxin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
banaaxi
de: mooing (of cows)
lx: banaaxi
pd: (-ga)
ps: vn-m
key: banaaxi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bunaaxo
m.dh la-mid: banaaxo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
banaaxin
m.dh la-mid: banaaxiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
banaaxin
-ta: (magac, dhedig, keli) samaynta cida lo'du samayso xilliga barwaaqada.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
banbaxid
-da: (magac, dhedig, keli) bannaan u soo bixid; bannaanbax.
banbaxid -da: (magac, dhedig, keli) (u ~) hawl gaar ah u go'id.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bugaagid
-da: (magac, dhedig, keli) wax la jiritaankiisa la tirtirid, cayntiisa goyn. Dh: cidhibtirid, baabbi'in, xasuuqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bukaamid
-da: (magac, dhedig, keli) xanuun qabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bulaalid
(Bulaalid-da)
Aad u tarmid; badasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bulaalid
m.f.dh eeg bulaal². la-mid: bulaal¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bulaalid
-da: (magac, dhedig, keli) aad u tarmid oo isa sii dhaldhalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bulaamid
(Bulaamid-da)
Hadal bulaan ah ku hadlid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bulaamid
m.f.dh eeg bulaan². la-mid: bulaan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bulaamid
-da: (magac, dhedig, keli) hugmid oo hadal badan oo aan kala qeexnayn ku hadaaqid Nin buka bulaamid ma seego.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buraaqid
-da: (magac, dhedig, keli) yeedhidda dhawaaq aad u weyn. Markay buraaqidda suurtu yeedhoo, ballankii Rabbi gaadho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Butaacid
(Butaacid-da)
(biyo, kd.) si xoog badan u soo bixid ama u soo kicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
butaacid
m.f.dh eeg butaac.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
butaacid
-da: (magac, dhedig, keli) dareere soo fakada, xoog u soo booda. Buutaaciddii biyaha ku baraarugay. Dh: butaacis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ganaaxid
(Ganaaxid-da)
Ganaax saarid; eedsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ganaaxid
m.f.dh eeg ganaax².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ganaaxid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, abaal xun marin. Dh: ciqaabid, tacsiir, taqsiir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gumaaxid
m.f.dh eeg gumaax². la-mid: gumaax¹ (2).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
banaaxiyid
m.f.dh eeg banaaxi². la-mid: banaaxi¹, banaaxin, bunaaxi¹, bunaaxin, bunaaxis.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Badmaaxid
Navigation, Sea
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badmaaxid
-da: (magac, dhedig, keli) bad marid iyo kalluumaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bunnaahin
m.dh la-mid: banaaxiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bunnaahin
-ta: (magac, dhedig, keli) bunnaax samayn oo xoog sida dibida ugu ciyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bunnaahis
m.l la-mid: banaaxiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bunnaahis
-ka: (magac, lab, keli) eeg bunnaahin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buraashid
(Buraashid-da)
Buraash ku nadiifin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buraashid
m.f.dh eeg buraash². la-mid: buraash¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buraashid
-da: (magac, dhedig, keli) burush marmari. Buraashid kabaha waa loogu badiyaa sayga gurigaaga. Dh: nadiifin, masaxid, tirtirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buubaalid
m.f.dh eeg buubaal².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gumaaxmid
m.f.dh eeg gumaaxan¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gungaarid
m.f.dh eeg gungaar². la-mid: gungaar¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hunqaacid
(Hunqaacid-da)
Mantagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hunqaacid
m.f.dh eeg hunqaac.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hunqaacid
-da: (magac, dhedig, keli) cunto cillad darteed soo celin oo afka ka soo daadin. Dh: matagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mushaaxid
(Mushaaxid-da)
Socod la mushaaxa hayo, socosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mushaaxid
m.f.dh eeg mushaax². la-mid: mushaax¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mushaaxid
-da: (magac, dhedig, keli) socod la mushaaxayo socosho. Dh: tamashlayn, daashadaashood. Li: tacabid, rafaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nuunaasid
(Nuunaasid-da)
Hadal nuunaas ah ku hadlid; guryamid; gunuunucid; guraabbaasid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nuunaasid
m.f.dh eeg nuunaas². la-mid: nuunaas¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nuunaasid
-da: (magac, dhedig, keli) calaacal iyo diidmo ku gurxamid. Dh: duryamid, gunuunucid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bunnaahiyid
m.dh la-mid: banaaxiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bunnaahiyid
-da: (magac, dhedig, keli) bunaah samayn. Bunnaahiyid dibi dhergaa lagu yagaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dibkanaaxid
-da: (magac, dhedig, keli) xagga dambe ka cayilid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baxid
-da: (magac, dhedig, keli) meel, gudo iyo waxii la mid ah ka bixis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naaxi
f.g2 (-iyay, -isay) Nafley cayilin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
naaxi
f.g2 (-iyay, -isay) Nafley cayilin. m.f.dh, naaxin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
naaxi
v. fatten
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
naaxi
-yey / say: (v) fatten (faaten); breed stock
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naaxi
(fal) cayili oo buurnee. Dibigaaga naaxi ha bgalee. Dh: shishlee, buurree.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
naaxi
de: fatten
lx: naaxi
pd: (naaxiyey)
ps: v2a=tr
key: naaxi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baabid
-da: (magac, dhedig, keli) fal qofka ruuxiisa dhiba ku akhriyid; girigiri u samayn; sixir iyo wax xun u qabad. Baabiddu waa xaaraan. Dh: sixrid, baabis, qataarid, falid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baacid
-da: (magac, dhedig, keli) wax inta sare loo qaado halka ugu sarraysa ee ay gaadhi karaan la gaadhsiiyo. Baacid dheeraa ninkani.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baadid
(Baadid-da)
Wax badan maqnaan; raagid; daahid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baadid
m.f.dh eeg baad².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bąadid
m.f.dh eeg bąad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baadid
-da: (mayac, dhedig, keli) cela magnaan dheeraata. Scadid ku kala raugnays helmaan, baro wada galeyna. Dh: baaris, raagid, dachid, dibloed
baadid -da: (magac, dhedig, keli) Laydhitaanka iyo leexashada dhiuc la maro. Kobta adhiga becaubu degay kor uga baadaye
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baahid
(Baahid-da)
Dhulka wada gaarid; faafid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baahid
m.f.dh eeg baah². la-mid: baah¹.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Baahid
Propagation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baahid
-da: (magac, dhedig, keli) kala ballaadhasho gaadhista meelo aan hore loo gaadhin. Ururiya cawska oo baahidda ka ilaaliya. Dh: faafid, firdhid. Li: ururid.
baahid -da: (magac, dhedig, keli) habsocodka ilayska iyo hirarka makanikada ama birlab-danabeedka. Baahidda iftiinku way sii ballaadhataa kolba kolka ay meesha ifaysa ka sii fogaato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baalid
bąalid¹: m.l B. ah: wax muddo dheer jiray oo aad u gaboobay.
bąalid²: f.mg1 (-day, -dday) Wax muddo dheer jiray, aad u gaboobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baalid
-ka: (magac, lab, keli) walax duug ah. Baalid dharku wuxuu noqdaa markaan, boodhka laga maydhin.
baalid -ka: (magac, lab, keli) weel aan bilo waxba lagu shuban ama lagu ridan. Baalid gaawuhu wuu ka bixi markuu, geelo wada irmaanaado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baanid
(Baanid-da)
Hadal ama dood qoran ama aan qornayn, meel madal ah ka jeedin; khudbayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baanid
m.f.dh eeg baan³. la-mid: baanis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baanid
-da: (magac, dhedig, keli) ka doodidda dacwad idin dhextaal adiga iyo cid kale.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baaqid
(Baaqid-da)
Baaq samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baaqid
m.f.dh eeg baaq³. la-mid: baaq¹ (4).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaqid
-da: (magac, dhedig, keli) jeedinta codsi ku baaqul wajahan meel ama cid gaar ah oo ujeeddo leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baarid
(Baarid-da)
1. Wax qarsoon, si runtood loo gaaro, wax ka qabasho: raadin; baanji; baaraan samayn.
2. (ganacsi) aan iibsamin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baarid
baarid¹: m.l.kh B. ah: Wax aad u qabow.
baarid²: m.f.dh eeg baar². la-mid: baaraan, baaris³, baaritaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baarid
vl. n. investigation, analysis, inspection, search
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baarid
-da: (n) investigation (investageyshin); inspection (inispekshin); research ~ baaritaan, baaris
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baarid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg baadhid.
baarid -da: (magac, dhedig, keli) badeeco meel fagaare ah lagu munaadaynayo, qofka qiimaha ugu sarreya sheegay u xukumid.
baarid -ka: (magac, lab, keli) badeeco baartay kolka suuqa la geeyay, cid gadatana la waayey.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baarid
a: baaraan, baaris, baaritaan
de: investigation, analysis, inspection, search
lx: baarid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: baarid
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
baarid
بَحْثِ، دِرَاسَة
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baasid
m.f.dh eeg baas².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baasid
-da: (magac, dhedig, keli) ka gudbidda itixaan iyo waxii la mid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baaxad
(Baaxad-da)
Aan xalleef ahayn ee qiro leh; ballaar leh; toox.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baaxad
m.dh Ballac.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baaxad
m.dh Ballac.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baaxad
f. n., [abstract] width (of something very large), size
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baaxad
-da: (n) the physical dimensions of an object; size (saayz) Ex: baaxad wayn; enormous size
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaxad
-da: (magac, dhedig, keli) balladhka iyo kala baxsanaan. Dh: ballac, balladh.
baaxad -da: (magac, dhedig, keli) awood iyo tamar weyn. Haddaan baaxad leeyahay, badda saw ma jiidheen. Dh: quwad, awood, xoog.