bunaakha
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bunaakha
-da: (magac, dhedig, keli) cida dheer ee lo'du samayso kolka barwaaqada. Bunnaakhada lo'da ayaan maqlaa gabbalkoon dhicine. Dh: bunnaax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bunnaasho
m.dh la-mid: banaaxo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buraashad
* (Buraashad-da)
Ubbo biyaha lagu shubto oo badanaa macdan ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buraashad
m.dh (-do, m.l) Weel yar, macdan ah, ubbada u eg oo biyaha lagu qaato.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buraashad
f. n. canteen, flask
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
buraashad
-da: (n) a flask for carrying drinking water
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buraashad
-da: (magac, dhedig, keli) weel yar oo ubbada u eg, biyaha lagu shubto. Buraashadda biyo iigu shuba waan bixiye.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
buraashad
de: canteen, flask
lx: buraashad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: buraashad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buraashan
La buraashay; buraash la marshey; tirtiran; nadiifsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buraashan
f.mg4 (-shnaa, -shnayd) Wax buraash lagu nadiifiyey ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buraashan
der. [adjective] brushed, wiped with a brush, clean
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buraashan
(tilmaame) ah wax la buraashay ama burush la marshey. Kaba buraashan xidho. Dh: masaxan, baalashaysan, nadiifsan, tirtiran.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
buraashan
de: brushed, wiped with a brush, clean
lx: buraashan
pd: (buraashnaa)
ps: adj-der
key: buraashan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaha
-da: (magac, dhedig, keli) wax la'aan; hayn la'aan. Dh: baahi.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cunaha
(n) the throat (tharowt) ~ booca, dhuunta
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bunaaxi
bunaaxi¹: m.l la-mid: banaaxiyid.
bunaaxi²: f.mg1/2 (-iyay, -iday/-isay; -iyi) la-mid: banaaxi².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bunaaxi
(fal) neef lo' ah, ci dheer samee oo aad u ci. Dibiga bunaaxinaya Khayro badan baa leh.
bunaaxi -ga: (magac, lab, keli) lo'da cideeda barwaaqada. Baqar lo' ah banaaxiga gu'gii baydi iyo raaxo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bunaaxo
m.dh la-mid: banaaxo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bunnaah
-da: (magac, dhedig, keli) ci'da dibida gaar ahaan kolka ah dheregto. Dibi dhegey bunnaah ka sug. Dh: bunnaax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buntukh
(Buntukh-a)
Hubka dabka mid ka mid ah oo gacanta lagu qaato. Wuxuu lee yahay dhuun dheer oo afkeeda xabbaddu ka baxdo oo gudaha ku leh xarriiqo qodan oo maroorsan oo xabbadda la ridayo siiya xoog sida kiriiriga u wareegaya iyo dheerayn iyo weliba sugnaan iyo meel fog gaarid; qori; (ama bunduq).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buntukh
m. n. rifle
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
buntukh
-a: (n) [buntukhyo-da] gun (gaan)-, rifle (raayfal) ~ qori
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buntukh
-a: (magac, lab, keli) hub gacanta lagu qaato, leh dhuun dheer, gudaha ku leh dalool xabbadda la ridaa marto. Buntukh baaruudda ridiyo billaawe dhexda lagu qaato. Dh: qori, bunduq.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
buntukh
bw: Arabic
de: rifle
lx: buntukh
pd: (-a Pl: banatiikh (da))
ps: n2a-m, n8-m
see: bunduq
key: buntukh
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buraash
* (Buraash-ka)
Qalab wax lagu nadiifiyo ama lagu aslo ama lagu firto oo ka samaysan timo, sayn, gucummo, iyo qori laysku adkeeyey; bul; (ama burush).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buraash
buraash¹: m.l 1. (-shiyo, m.dh) la-mid: burush. Qalab qori ah oo sayn, riir iyo wixi lamida dhan ku leh oo wax lagu nadiifyo ama lagu riinjiyeeyo. 2. la-mid: buraashid.
buraash²: f.g1 (-shay, -shtay) Wax buraash ku nadiifin ama ku riinjiyeyn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
buraash
m.l 1. (-shiyo, m.dh) la-mid: burush. Qalab qori ah oo sayn, riir iyo wixi lamida dhan ku leh oo wax lagu nadiifyo ama lagu riinjiyeeyo. 2. la-mid: buraashid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buraash
m. n. brush
buraash v. brush; clean with a brush
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
buraash
-ka: (n) [Plural buraashyo-da] brush (buraash) used in scrubbing, polishing, or painting ~ burush
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buraash
(fal) burush mari oo nadiifi. Buraash kabaha saygaaga. Dh: nadiifi, masax, balaashee, tirtir.
buraash -ka: (magac, lab, keli) agab wax lagu nadiifiyo, lagu rinjiyeeyo, lagu feedho oo samaysan timo, sayn, gucummo iyo qori xambaarsan. Buraash kabaha waaga berigiisa. Dh: bul, burush.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bunaaxid
-da: (magac, dhedig, keli) lo', ci' dheer ciyid. Bunaaxid dibiga markay dheregto weeyaane. Dh: bunaaxis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bunaaxin
m.dh la-mid: banaaxiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bunaaxin
-ta: (magac, dhedig, keli) cida lo'da xilliga ay doog iyo biyo wanaagsan isku helaan. War maxaad sida dibida bunaaxinta la waddaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bunaaxis
m.l la-mid: banaaxiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bunaaxis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg bunaaxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bunnaahi
bunnaahi¹: m.l la-mid: banaaxiyid.
bunnaahi²: f.mg1/2 (-iyay, -iday/-isay) la-mid: banaaxi².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bunnaahi
(fal) sida dibida u ci' oo bunnaaxo samee. Dibiyahaw bunnaahi doog daaqdaye. Dh: bunnaaxi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bunnaaho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg bannaaxo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bunaysasho
m.f.dh eeg bunayso. la-mid: bunaysad, bunaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bunaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) bunaysadka markaad jus dhammayso. Bunaysasho ardada ninkii ku dhowoow soo badi bunka.
bunaysasho -da: (magac, dhedig, keli) bun subag ama saliid lagu dubay ku xafladayn: bun ku ducaysasho oo ku subkasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badnaasho
-ha: (magac, lab, keli) ahaanshaha wax tiro badan. Dh: badanaang.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balaadhan
(tilmaame) wax kala fidsan oo aan soo xoodnayn. Dh: fidsan, ballaadhan, fidsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barsakhan
m.l/dh Barwaaqo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bunnaahin
m.dh la-mid: banaaxiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bunnaahin
-ta: (magac, dhedig, keli) bunnaax samayn oo xoog sida dibida ugu ciyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bunnaahis
m.l la-mid: banaaxiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bunnaahis
-ka: (magac, lab, keli) eeg bunnaahin.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
buonaséra
inter. - habeen wanaagsan ama galab wanaagsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
buraash_1
a: burush {Eng}
de: brush
hm: 1
lx: buraash
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: buraash_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
buraash_2
de: brush; clean with a brush {Eng}
hm: 2
lx: buraash
pd: (buraashay)
ps: v1=
key: buraash_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buraashid
(Buraashid-da)
Buraash ku nadiifin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buraashid
m.f.dh eeg buraash². la-mid: buraash¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buraashid
-da: (magac, dhedig, keli) burush marmari. Buraashid kabaha waa loogu badiyaa sayga gurigaaga. Dh: nadiifin, masaxid, tirtirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabaakhad
m.dh 1. la-mid: dabaakh¹. 2. Calaamad lagu dhigo neef iib u jooga. la-mid: dabaaqad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabaakhad
-da: (magac, dhedig, keli) summad ama astaan lagu dhigo neef iib u jooga. Dh: dabaaqad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gunaadsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Dhaawac wax hoos ka buka ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
malaakhad
m.l (-dyo, m.dh) Ul yar, dheer oo madax ballaaran leh oo soorto marka la karinaayo lagu walaaqo; irbe.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Siyaakhad
(Siyaakhad-da)
Alaabta laga sameeyo dahabka iyo lacagta iyo macaadinta kale oo qaaliga ah: suuqad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siyaakhad
m.dh (-do, m.l) Qalab ka samaysan macdan qaali ah oo ay ka mid yihiin dahabka, qalinka iyo wixi lamida oo haweenku isku qurxiyaan; suuqad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
siyaakhad
m.dh (-do, m.l) Qalab ka samaysan macdan qaali ah oo ay ka mid yihiin dahabka, qalinka iyo wixi lamida oo haweenku isku qurxiyaan; suuqad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
siyaakhad
f. n. jewelry (valuable item worn); the art of making jewelry
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siyaakhad
-da: (magac, dhedig, keli) alaab laga sameeyo dahabka, lacagta ama macdan kale oo qaali ah; suuqad.
siyaakhad-da: (magac, dhedig, keli) qalab dahab ah oo dumarku xidho. Gabadhaydii siyaakhad baan u soo iibiyay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
siyaakhad
bw: Arabic
de: jewelry (valuable item worn); the art of making jewelry
initial: s
lx: siyaakhad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: siyaakhad
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Sugnaanta
Reliability
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buraashnaan
m.f.dh eeg buraashan. la-mid: buraashnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buurnaansho
(Buurnaansha-ha)
Wax cayillan ahaansho; weynaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buurnaansho
m.l/dh la-mid: buurnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buurnaansho
vl. n., stative v. fatness, state of being obese ~ fat
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buurnaansho
-ha: (magac, lab, keli) mid cayilan ahaan. Dh: buurnaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
buurnaansho
de: fatness, state of being obese ~ fat
lx: buurnaansho
pd: (/ha ~ /da)
ps: vn6-m/f-st
key: buurnaansho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buusnaansho
m.l/dh la-mid: buusnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buusnaansho
-ha: (magac, lab, keli) wax buusan oo hoos u diisan ahaan. Buusnaansho baaburka kama muugdo. Dh: diisnaansho.