buluyey
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buluyey
-ga: (magac, lab, keli) shimbir yar oo shiqlayda la bahwadaag ah, oo madaxa taaj yar o dhoor ah ku leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bulshey
(Bulshey-ga)
1. Xubin bulshada ka mid ah.
2. (qof) Dhaqanwanaagga bulshada leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bulshey
m.l Qof dhaqan iyo anshax wanaagsan kula dhaqma bulshada uu la noolyahay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bulshey
m. n. sociable, outgoing person
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bulshey
(magac, lab, keli) nin dad raac ah oo dabeecad wanaagsan. Cali waa nin bulshey ah. Dh: bulshaawi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bulshey
de: sociable, outgoing person
lx: bulshey
pd: (-ga)
ps: n-m
key: bulshey
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bulsheyn
(Bulsheyn-ta)
Wadajirrada bulshooyinka ku darmid; sida bulsho u dhaqmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bulsheyn
m.f.dh eeg bulshee.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bulsheyn
-ta: (n) socialization (soo shalasaay-shin)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bulsheyn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax caan ah oo bulshadu wada leedahay ka dhigid. Shagadu bulshaynta ayay ku fiican tahay.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
blue
/buluu/ (n) buluug (midabka cirka oo kale)
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
blue
/bluu/ (n) 1. buluug. (adj) 2. murugsyng. He felt blue during his first days at the new school.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
blue
(colour), n., madow cadaan, -ki.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bule
m.l (-layaal, m.dh) Qof habeeya ama isku duwa hawsha riwaayadda ama filinka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bule
m.l (-layaal, m.dh) Qof habeeya ama isku duwa hawsha riwaayadda ama filinka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bulu
m.l/dh (-llo, m.dh) Dhasha biciidka. la-mid: bulul.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bulay
m.l Mayrax feeran oo haamaha bul lagu catireeyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bulay
(fal) bul iyo shaash u yeel. Googoradda inanta yar bulay. Dh: bulee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bulee
f.g2 (-leyay, -laysay) Maro, ul iyo wixi lamida bul u yeelid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bulee
v. put tassel(s) on; make into a tassel
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bulee
(fal) ul qoyan bul u yeel. Cidaadda bulee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bulee
de: put tassel(s) on; make into a tassel
lx: bulee
pd: (buleeyey)
ps: v2b=
key: bulee
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
bulge
/balj/ (n) wal fuursyng amy baryrsyng.
/balj/ (v) bararow.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
bulky
/bulki/ (adj) eed ing wiing, sholog-sholog eh.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
bully
/bulli/ (n) qofka xooggiisa dadka kale ugu xoog sheegta (ku dhiba).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
bully
/buli/ (n) qof lang tabar yer ing hoog sheeghithaw.
/buli/ (v) obsiyow, dhibow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bulul
m.l (-llo, m.dh) la-mid: bulu.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buluq
buluq!: (ereycodeed) lagu tusmeeyo balqasho dareere halmar ah. Buluqda biyaha baraarka oommane yaanu ku soo qamaamin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buluu
-ga: (magac, lab, keli) midab lafta cirka oo kale ah. Shaadh buluu ah buu xidhanyahay. Dh: lafcir, buluug, ciraad.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BUULE
(Bule) S,C Dasysphaera robecchii Lopr., Amaranthaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buure
m.l (-rayaal, m.l/dh) Xuub biyo ku jiraan oo ka yimaada sabiisha xoolaha ugaarta iyo wixi lamida marka ay foolanayaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
buure
m.l (-rayaal, m.l/dh) Xuub biyo ku jiraan oo ka yimaada sabiisha xoolaha ugaarta iyo wixi lamida marka ay foolanayaan.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
buyer
/bayar/ (n) qofka wax gata (iibsade).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fuley
(Fuley-ga)
Qofka wax kastoo yar ka baqa; aan geesinnimo lahayn; (ama fule).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fuley
m.l (-yo, m.dh) Qof cabsi badan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fuley
m.l (-yo, m.dh) Qof cabsi badan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fuley
see [eeg] fulay
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuley
(tilmaame) mid aad u baqdin badan.
fuley-ga: (magac, lab, keli) qofka ay wax waliba bagdin geliyaan; qof aan geesinnimo lahayn; hadhkiisa ka carara. Dh: fule, fulay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lugey
(Lugey-ga)
Qof lug la'.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lugey
m.l Qof lug la'.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
lugey
m.l Qof lug la'.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lugey
m. n. one-legged person, cripple
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
lugey
-ga: (n) limp (limp)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lugey
(tilmaame) qof lug la'; laangadhe, jiis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lugey
de: one-legged person, cripple
lx: lugey
pd: (-ga)
ps: n7-m
key: lugey
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
suuye
so he said
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
suuye
de: so he said = saa + uu + yiri
initial: s
lx: suuye
ps: expr
key: suuye
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uuley
m.dh Yeey, uubato.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
uuley
m.dh Yeey, uubato.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balwey
(fal) 'dibi' sac oofanaya ku dhawaaq ama bunnaaxi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bulayn
(Bulayn-ta)
Bul u yeelid; dumayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bulayn
m.f.dh eeg bulee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bulayn
-ta: (magac, dhedig, keli) bul iyo shaash badan u samayn; dumo jilicsan ama xig iyo may dhax la midabeeyey meel ku sharrixid oo shaash laadlaada ka dhigid. Bulayntu waxay ku qurux badan tahay kebdah. Dh: bulays.
bulayn-ta: (magac, dhedig, keli) ul bul u samayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bulays
-ka: (magac, lab, keli) bulaynta ul qoyan. Bulayska cidaaddu dhiilshaa lagu cugaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bullay
(fal) cun wax laguu yareeyey. In kalay bulaysaye, adse beer ma dubanine.
bullay-ga: (magac, lab, keli) midab lo'du leedahay oo caddaan casaan xiga ah. Sac bullay ah ayaa halkaa daaqaya. Dh: beesh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bullee
v. dance a Somali dance
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bullee
de: dance a Somali dance
lx: bullee
pd: (bulleeyey)
ps: v2b=
key: bullee
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
bullet
(n) a spherical or pointed projectile that is fired from a pistol, rifle, or gun.
xabbad
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
bullet
/bullit/ (n) rasaas. (xabbada qoriga laga rido).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
bullet
/bullet/ (n) habbad, rasaas.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
bullet
n., jaliilad, -di.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bulush
m.l Miiqyo badan oo dun, mayrax iyo wixi lamida ah oo salka isaga xiran waxna lagu qurxiyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bulush
m.l Miiqyo badan oo dun, mayrax iyo wixi lamida ah oo salka isaga xiran waxna lagu qurxiyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bulush
m. n. tassel, decorative object
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bulush
-ka: (n) [Pl. bulushyo-da] tassel (taasel)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bulush
-ka: (magac, lab, keli) badhidhorwka dacalladiisa laadlaada. Senge buuran badhidhowr casoo, bulushku laalaado. Dh: faraq.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bulush
de: tassel, decorative object
lx: bulush
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: bulush
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buluto
*(xiddigo) meereyaasha qorraxda (sayaariinta) kan ugu danbeeya oo ugu fog, haddii xagga qorraxda laga eego; wuxuu qorraxda u jiraa 6000 (lix kun) oo malyuun oo km., meelahaas.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buluto
m.dh Meereyaasha qorraxda kan ugu dambeeya ee ugu fog.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
buluto
m.dh Meereyaasha qorraxda kan ugu dambeeya ee ugu fog.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Buluto
pr. n., loc. Pluto (the ninth planet)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Buluto
(n) Pluto (puluuto)', the ninth and usually farthest planet from the sun
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buluto
-da: (magac, dhedig, keli) meerayaasha cirka sare midkood. Dhulka iyo buluto waa meerayaal cadceedda la bah ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Buluto
de: Pluto (the ninth planet) {Eng}
lx: Buluto
pd: (/da)
ps: n0-loc-f
key: Buluto
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buluug
*(Buluug-ga)
Wax midabka cirka leh; lafcir; beymadow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buluug
m.l 1. Midab kan cirka ama badda oo kale ah. 2. Qurus yar, budo buluug ah ka samaysan oo dharka cad la geliyo si midabkiia loo khafiifiyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
buluug
m.l 1. Midab kan cirka ama badda oo kale ah. 2. Qurus yar, budo buluug ah ka samaysan oo dharka cad la geliyo si midabkiia loo khafiifiyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buluug
m. n., [abstract] blue cubes for washing clothes; blue (color)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
buluug
-ga: (n) blue (buluu)-, navy blue
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buluug
-ga: (magac, lab, keli) sibaaq budo ah ama iskujir milmi og oo loo adeegsado midabaynta dharka cadcad marka la rabo in buluu laga dhigo midabkiisa. Qamiiska aabbo waxaan geliyey buluu. Dh: sibaaq, buluug.
buluug -ga: (magac, lab, keli) midab ka mid ah kuwa waaweyn ka mid ah, oo u eg cirka badina ka sii modow.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
buluug
de: blue cubes for washing clothes; [ext.] blue (color) {Eng}
lx: buluug
pd: (-ga)
ps: n2-m-abs
key: buluug
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Bunney
nickname; name-f coffee. Lit: black
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bunney
waa magac gabadh madow xigta.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buukay
(fal) timo weyn intaad bixiso si cufan u feedh, buuko ka dhig. timahaaga buukay. Dh: cuf, buukee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fuliye
m.l (-yayaal m.l/dh) Qof hawl ama arrin hirgeliya.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fuliye
m. n. one who escorts animals home
fuliye m. n. executor, administrator
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Fuliye
Esecutore
Executor
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuliye
-ha: (magac, lab, keli) qofka, xil la saaray hirgeliya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guudey
m.dh Sagaarada weyn ee dheddig.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Halyey
(Halyey-ga)
1. Uubatada (yeyda) keeda lab.
2. Geesi; wabar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halyey
m.l (-yo, m.dh) 1. Uubatada keeda lab. 2. Geesi, wabar.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
halyey
m.l (-yo, m.dh) 1. Uubatada keeda lab. 2. Geesi, wabar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
halyey
m. n. male wolf; hero
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halyey
-ga: (magac, lab, keli) qof geesi ah. Dh: hanad, haldoor, geesi. Li: fulay. Wa: halyeeyo.
halyey -ga: (magac, keli) uubatada 'yeyda' keeda lab.
halyey-ga: (magac, lab, keli) yeyda midka ugu adag ee had iyo jeer ugu horreeya waxna u laaya. Yeyda halyeygaa laga dilaa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
halyey
cf: uubato; geesi
de: male wolf; [fig.] hero
lx: halyey
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: halyey
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
MURYEY
[MURIYEY] Grewia tembensis 01
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
pulley
/puli/ (n) khafiyad (garangar yar oo inta xarig laga dhex-dusiyo waxyaabaha culus lagu qaado).
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Pulley
Loolime
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suryey
(fal) suryo ku qabo, geli.