buluqbuluqleyn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buluqbuluqleyn
m.f.dh eeg buluqbuluqlee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buluqbuluqleyn
-ta: (magac, dhedig, keli) dareere bac ama wax kale oo jilicsan ku jira, kolba dhinac u shubmid oo dhaqdhaqaaqid. Nin buuran buluqbuluqleyn baa lagu gartaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buluqbuluqlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) daadashada dareere balbalqanaya oo soo noqnoqota. Buluqbuluqlyanta biyaha bannaankaan ka soo maqlay. Dh: balaqbalaqlayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buluqbuluqlay
(fal) dareere, kolba dhinac u shuban oo balbalgan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buluqbuluqlee
f.mg2 (-qeeyay, -qeysay) Hilibka saaran nafley aad u cayishay ruxasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buluqbuluqlee
v. move around in a container (liquid); flap around; walk staggering and swaying (fat person)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buluqbuluqlee
(fal) dareere bac ama wax kale oo jilicsan ku jira, kolba dhinac u shuban oo dhaqdhaqaaq. Waad buurnaataye sii buluqbuluqlee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
buluqbuluqlee
de: move around in a container (liquid); flap around; walk staggering and swaying (fat person)
lx: buluqbuluqlee
pd: (buluqbuluqleeyey)
ps: v2b=intr
key: buluqbuluqlee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buluqbuluq
m.l/dh 1. Buluqbuluqleynta. 2. B. ah: qof buuran oo hilib jilicsan leh. 2. (sh.r) B. dheh: cod lagu muujiyo shanqar mayridda ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
buluqbuluq
m.l/dh 1. Buluqbuluqleynta. 2. B. ah: qof buuran oo hilib jilicsan leh. 2. (sh.r) B. dheh: cod lagu muujiyo shanqar mayridda ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bulucbuluclayn
-ta: (magac, dhedig, keli) shanqadha uu sameeyo wax biyo hoosta kaga jiraan. Bulucbuluclaynta nirgaha caanaha jaqaa, hurdada noo diiday. Dh: dhulucdhuluclayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
butuqbutuqlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) socod dhicdhicitaan ku jiro socoshadii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muluqmuluqlayn
m.f.dh eeg muluqmuluqlee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muluqmuluqlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) socsocosho ay dhuundhuumasho iyo isqarqarini ku jirto oo is dhexyaac ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bululuqlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg bululuclayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
buluqbuluq_1
de: walking with a sway ~ staggering because of obesity
hm: 1
lx: buluqbuluq
pd: (-da)
ps: vn-f
key: buluqbuluq_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
buluqbuluq_2
de: swishing about (sound of liquid in a container when it is shaken)
hm: 2
lx: buluqbuluq
pd: (dheh)
ps: np-f-expr
key: buluqbuluq_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muluqmuluqlee
f.mg2 (-leeyay, -leysay) Muluqmuluq samayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muluqmuluqlee
(fal) si nidaam darro ah oo muluqmuluq ah u socsoco. Dh: muluqmuluqlayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cumuqcumuqleyn
m.f.dh eeg cumuqcumuqlee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bululuclayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dareere xoog u daatay shanqadha uu bixiyo samayn. Bululuclaynta caanaha waan maqallaaye wax naga siiya. Dh: bululuqlayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balaqbalaqlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) shanqadha dareeruhu sameeyo marka uu si googo'a uga daadanayo weelkii uu ku jirey.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buguxbuguxlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) si qaab daran kolba u ordid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dururuqleyn
-ta: (magac, dhedig, keli) marka qof hadal aan macno lahayn kala joojin waayo. Dh: tororoglayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dulundulceyn
(Dulundulceyn-ta)
Sida biyaha ama halaqa u socosho; mulacyeyn; qulqulid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulundulceyn
m.f.dh eeg dulundulcee. la-mid: dulundulceys.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulundulceyn
-ta: (magac, dhedig, keli) sida biyaha u socosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gulungulceyn
m.f.dh eeg gulungulcee. la-mid: dulundulceyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cumuqcumuqlee
f.mg2 (-leeyay, -leysay) Hadal diidmo aan caddayni ku jirto dhihid. la-mid: cumuqcumuqleh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cumuqcumuqleh
f.mg4 (-lahaa, -lahayd) la-mid: cumuqcumuqlee.