bukaanwaraysi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bukaanwaraysi
-ga: (magac, lab, keli) waraysiga bukaanka oo uu dhakhtarku ka qoro, kana kooban qaybo ay ka mid yihiin: warbukaan qoyseed, warbukaan qofeed, warbukaan cudur hore, warbukaan cudur danbe.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bukaan-wareysi
m.l (daawo) Wareysiga bukaanka oo uu takhtarku ka qoro, kana kooban: a) war bukaan qoyseed; b) war bukaan qofeed; c) war bukaan cudur hore; d) war bukaan cudurdambe.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bukaangaad
-ka: (magac, lab, keli) awr. gaadhi ama wax kale oo hayin ah oo bukaanka iyo dadka liita lagu qaado. Awr bukaangaad ah dhayal looma bixiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bukaanqaad
m.dh (-dyo, m.dh) Sariirta yar ee lagu qaado qofka aad u jirran.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bukaanqaad
m. n., [compound] ambulance; hospital orderly
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bukaanqaad
de: ambulance; hospital orderly
lx: bukaanqaad
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: bukaanqaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaankaansi
(Kaankaansi-ga)
Kaankaansasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaankaansi
m.l la-mid: kaankaansasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaankaansi
-ga: (magac, lab, keli) kicid isu diyaarin oo ruqaansi.
kaankaansi -ga: (magac, lab, keli) kicid isku diyaarin oo hinqasho. Dh: kuurkuursi, ruqruqaansi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sakaaraysi
-ga: (magac, lab, keli) sagaaro ugaarsi; sagaaraysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kufarayaraysi
-ga: (magac, lab, keli) wax la sameeyey oo si heer sare ah loo qabtay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rummaangarays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg rummaangarayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aakhiraysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg aakhiraysad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ammaanaysi
-ga: (magac, lab, keli) ammaano u dhiibasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baabbacays
m.l la-mid: baabbacayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baabbacays
-ka: (mgac, lab, keli) eeg baabbacayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baankariis
m.l (cilmiga naflayda) Qanjidh laga helo lafdhabarleyda oo ku yaalla laba-iyotobanlaha iyo beeryarada dhexdhooda. Wuxuu soo daaya insaymyo dheefshiid oo u badan tiribsinoojin, amaylase libays kuna shuba laba-iyo-tobanlaha iyaga oo sii maraya marinka baankariyeed.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baankariis
m.l (cilmiga naflayda) Qanjidh laga helo lafdhabarleyda oo ku yaalla laba-iyo-tobanlaha iyo beeryarada dhexdhooda. Wuxuu soo daaya insaymyo dheefshiid oo u badan tiribsinoojin, amaylase libays kuna shuba laba-iyo-tobanlaha iyaga oo sii maraya marinka baankariyeed.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baankariya
-da: (magac, dhedig, keli) qanjidh ku ladhan marrinka dheefshiidka ee ku meelaysan caloosha agteeda. Wuxuu soo saaraa hormoonka insuliinta. Dh: beeryar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
banfariisi
banfariisi¹: m.l la-mid: danfariisi¹.
banfariisi²: f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: danfariisi².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
basanbaasi
f.g2 (-iyay, -isay) Cid, basanbaas dhaxalsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
basanbaasi
(fal) dhibaato iyo silic u horseed. Cilaalka aad halasaha lugaysiisay ma basanbaasi baad lahayd?
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baxnaanays
-ka: (magac, lab, keli) baxnaanaynta qof buka, ka dhursugitaan. Baxnaanays iyo buullo bukaanka ha la isugu daro.
baxnaanays -ka: (magac, lab, keli) baxnaanaynta noole si gaar ah loo dhaqaaleeyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bishaarays
-ka: (magac, lab, keli) farxad iyo wanaag ugu bishaarayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bujurwaasi
m. n. bourgeois, bourgeoisie
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bujurwaasi
a: burjuwaasi {Eng}
de: bourgeois, bourgeoisie
lx: bujurwaasi
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: bujurwaasi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
burjiwaasi
m.l (-iyiin, m.dh) Qof maalqabeen ah oo shaqaalaha u shaqeeya aan siin wax u dhigma waxsoosaarkooda.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
burjiwaasi
m.l (-iyiin, m.dh) Qof maalqabeen ah oo shaqaalaha u shaqeeya aan siin wax u dhigma waxsoosaarkooda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
burjiwaasi
-ga: (magac, lab, keli) nin ka tirsan dabaqada dhexe ee maamulka iyo hantida maaraysa. Nin burjiwaasi ah ayaa madaxnimada loo dhiibay. Dh: burjuwaasi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
burjuwaasi
m. n. bourgeois
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
burjuwaasi
-ga: (n) [Plural burjuwaasiyo-da] bourgeois (buur-shuwaa)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
burjuwaasi
-ga: (magac, lab, keli) eeg burjiwaas.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
burjuwaasi
a: bujurwaasi {Eng}
de: bourgeois
lx: burjuwaasi
pd: (-ga)
ps: n2-m
key: burjuwaasi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
busaaraday
(fal) bisaarad ku rid. Reerka busaaraday ha is odhane lacag meelahaa uga doondoon.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
canjarafsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg canjarafaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daandaansi
(Daandaansi-ga)
Daandaansasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daandaansi
m.l la-mid: daandaansasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daandaansi
m.l eeg daandaanso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daandaansi
vl. n. provocation, intimidation
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
daandaansi
-ga: (n) provocation (prova-keey-shin); instigation (inis-tigeey-shin)', stirring up
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daandaansi
-ga: (magac, lab, keli) gardarro iyo maag ulakac ah oo loola tago qof xumaan laga doonayo. Saw daandaansi dariiqa umaad fadhiisan? Dh: maag.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daandaansi
de: provocation, intimidation
lx: daandaansi
pd: (-ga)
ps: vn2-m
key: daandaansi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dukaansaar
(fal) dukaan ku dar dukaan kale oo meesha sii ahaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faataxaysi
m.l la-mid: faataxaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faataxaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg faataxaysad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
janfalaysi
-ga: (magac, lab, keli) shaxaadka iyo baryada dadka kale.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaankaanso
f.mg3 (-saday, -satay) U k.: wax fadhiya dhaqdhaqaaq yar sameyn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kaankaanso
v. prepare ~ get ready to stand up
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaankaanso
(fal) kicid isu diyaari; ruqaanso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kaankaanso
de: prepare ~ get ready to stand up
lx: kaankaanso
nt: kaankaansi (ga) [vn-m]
pd: (kaankaansaday)
ps: v3a=
key: kaankaanso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macaanaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg macaanaysad.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MURAALARAY
(Muralarai) C Panicum atrosanguineum A.Rich. Gramineae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qumanyaysi
m.l la-mid: qumanyaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sagaaraysi
-ga: (magac, lab, keli) sagaaro soo ugaadhsi. Dh: sakaaraysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siyaaraysi
-ga: (magac, lab, keli) siyaaraysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Taraaraysi
(Taraaraysi-ga)
Kuraysi; sagaalaysi; duceysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taraaraysi
m.l la-mid: taraaraysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taraaraysi
-ga: (magac, lab, keli) duco la sameeyo markay haweenayda uurka leh sagaalka bilood gasho. Dh: kuraysi, sagaalaysi, ducaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waaxwaaxsi
-ga: (magac, lab, keli) socod lugaha la kala fogeeyo oo ay isdhawridi ku jirto. Wiilasha baarada laga gooyaay waxa lagu gartaa waaxwaaxsiga. Dh: waadhwaadhsi, waarwaarsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xogwaraysi
m.l la-mid: xogwaraysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xogwaraysi
-ga: (magac, lab, keli) waraysi la waraysto cid xog'ogaal ah oo su'aalo numur taabanayo la waydiito, cid xog'ogaal ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yaryaraysi
-ga: (magac, lab, keli) yasid oo wax qabadkiisa saluugid. Rag yaryaraysi maleh. Dh: yaraysi.
yaryaraysi -ga: (magac, lab, keli) eeg yaryaraysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bagabagaysi
-ga: (magac, lab, keli) dhib qof ku dhacday ku farxid; ku digasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boodaalaysi
-ga: (magac, lab, keli) boodaalaysasho samayn. Boodaalaysi barataye buulka mocooyaday ka bood.
boodaalaysi -ga: (magac, lab, keli) boodaalaysi suubbin. Boodaalaysi bay kuraygii ciyaarayaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
busaaradayn
-ta: (magac, dhedig, keli) bisaarad ku ridid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calanwalays
-ka: (magac, lab, keli) eeg calanwalayn.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dukaan haye
-hayaha: (n) storekeeper (istoor kiipar)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farayaraysi
m.l la-mid: farayaraysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farayaraysi
-ga: (magac, lab, keli) farsamo aad u heer sarraysa wax u samayn ama u qurxin; si farshaxanimo ku jirto ugu nuux nuuxsado.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabraaraysi
-ga: (magac, lab, keli) soo ugaadhsi oo dabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawlyaraysi
m.l la-mid: hawlyaraysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawlyaraysi
-ga: (magac, lab, keli) cagajiid iyo fudaydsi hawlaha, iyada oo aan culays badan la saarin. Dh: fududaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hayaanadays
-ka: (magac, lab, keli) eeg hayaanadayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
munaafaqays
-ka: (magac, lab, keli) eeg munaafaqayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saynwaraari
saynwaraari¹: m.l Dabaruxidda xoolo ugaar iyo wixi lamida sameeyaan.
saynwaraari²: f.g1/2 (-iyay, -iday/-isay; -iyi) Ugaar, xoolo iyo wixi lamida dabo ruxid samayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaanbadays
-ka: (magac, lab, keli) shaanbadayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tuugaalaysi
-ga: (magac, lab, keli) tuugaalaysad, tuugaalaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
udaabtahays
m.dh Geed geedaha sabuulka leh ka mid ah; gowracato. la-mid: ugaabdays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
udaabtahays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg udaabdeys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calaamadaysi
m.l la-mid: calaamadsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cimaamadaysi
m.l la-mid: cimaamadaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dukaansaarid
-da: (magac, dhedig, keli) marka dukaan hore mid kale lagu daro kaas oo aanay isku wax iibinaynin laakiin wada socon karaan oo wada iibsamayaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
juudaanbaras
-ka: (magac, lab, keli) xanuun xubnaha faraha jarjara dubka sarena ka qaada jidhka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mudaacalayhi
-ga: (magac, lab, keli) cid eedaysane ah oo wax laga tabanayo. Dh: eedaysane, reebe Li: muduci.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diyaargarayso
f.g3 (-stay, -satay) Wax diyaarsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
diyaargarayso
f.g3 (-stay, -satay) Wax
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diyaargarayso
v. prepare something for oneself, get something ready for oneself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diyaargarayso
(fal) wax habayso oo isku dubbarido. Qalabka aad ku kalluumaysanayso diyaargarayso Dh: diyaarso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
diyaargarayso
a: diyaarso
de: prepare s.t. for oneself, get s.t. ready for oneself
lx: diyaargarayso
pd: (diyaargaraystay)
ps: v3b=tr
key: diyaargarayso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halaammacaysi
m.l la-mid: halaammacaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rummaangarayn
-ta: (magac, dhedig, keli) rummaangarays; rummaan ka dhigid.