bukaanjiif
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bukaanjiif
m.l (-fyo, m.dh) Qof bukaan ah oo isbitaal la seexshay si loo daaweeyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bukaanjiif
m. n., [compound] in-patient, bedridden person
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bukaanjiif
-ka: (n) inpatient (inpeeyshant)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bukaanjiif
-ka: (magac, lab, keli) eeg bugtaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bukaanjiif
de: in-patient, bedridden person
lx: bukaanjiif
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: bukaanjiif
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
In-patients
Bukaanjiif
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cisbitaal
-ka: (magac, lab, keli) goob dadka bukaanjiifka ah la dhigo oo lagu daweeyo. Dh: dhakhtar.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
hôpital
hôpital, n.m. - isbitaal: bukaanjiif.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bukaani
m.l la-mid: bukǫoni.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bukaannimo
m.dh Bukaan ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bukaannimo
-da: (magac, dhedig, keli) in badan xanuunsanaan oo bukaanjiif noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baansii
(fal) labo ama in ka badan oo ay dacwo dhex taal, u garqaad oo baanahooga ka dhegeyso Dh: garransii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baansiin
m.l Saliidda shidaalka ee cayriin marka la sifeeyo qeybaha ka soo baxa middood oo aan midab lahayn dabkana qabsan og oo loo isticmaalo shidaal ahaan; batrool. la-mid: baansiino, baasiin, baasiino, bansiin, bensiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baansiin
m.l Saliidda shidaalka ee cayriin marka la sifeeyo qeybaha ka soo baxa middood oo aan midab lahayn dabkana qabsan og oo loo isticmaalo shidaal ahaan; batrool. la-mid: baasiin, bansiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baansiin
m. n., (mass n.): gas, petrol
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baansiin
-ka: (n) gasoline (gaaseliin); petrol (petrool) bansiin, baasiin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baansiin
-ta: (magac, dhedig, keli) dad khilaaf dhex yaal wada haladsiin. Dh: garransiin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baansiin
de: gas, petrol
lx: baansiin
pd: (-ka)
ps: n2-m-mass
see: bansiin
key: baansiin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bukaamid
-da: (magac, dhedig, keli) xanuun qabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bukaysii
f.g2 (-iiyay, -iisay) 1. Nafley bukaan ka dhigid (Ilaah). 2. Wax bukaan ah iska dhigid. la-mid: bukee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bukaysii
v.caus: cause someone to be sick, make someone sick; pretend to be sick
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bukaysii
(fal) cid kale, bugtaan ku rid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bukaysii
a: bukee
de: cause s.o. to be sick, make s.o. sick; pretend to be sick
lx: bukaysii
pd: (bukaysiiyey)
ps: v2a=caus
key: bukaysii
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tukaansi
-ga: (magac, lab, keli) wax soo iibsi; tukaanka marka laga soo adeeganayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waabjiif
(Waabjiif-ka)
Qof buka oo waab jiifa laguna daweeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waabjiif
m.l.kh Qof buka oo waab jiifa laguna daaweeyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waabjiif
m. n., [compound] sick person housed in an isolation hut; patient
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waabjiif
-ka: (magac, lab, keli) qof da' ama xanuun hayo oo itaal uu ku socsocdo aan lahayn. Odaygu waayadanba waabjiif buu ahaa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waabjiif
de: sick person housed in an isolation hut; [ext.] patient
initial: w
lx: waabjiif
pd: (-ka)
ps: n2a-m-cmp
key: waabjiif
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baanjiyid
m.f.dh eeg baanji². la-mid: baanji¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baanjiyid
-da: (magac, dhedig, keli) faandigid oo aad wax u doondoonid. Dh: doondoonid, raadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bukaysiin
m.f.dh eeg bukaysii. la-mid: bukayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bukaysiin
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg bukayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
burkaanti
m.dh la-mid: burgaanti.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
burkaanti
f. n. purgative
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
burkaanti
-da: (n) laxative (laak-sativ); a laxative drug ~ burgaanti
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
burkaanti
-da: (magac, dhedig, keli) shurbad ama dawo caloolsha lagu dhaqaajiyo, lagu socodsiiyo. Burkaanti caboo caloosha dhaqaaji.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
burkaanti
de: purgative
lx: burkaanti
pd: (-da)
ps: n-f
see: burgaanti {It}
key: burkaanti
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guwaaniin
m.l (baayoloji) Mid ka mid ah kuwa ugu muhiimsan beysaska nukliyootaydhada iyo asiidh bu'eedyada DNA iyo RNA. Waxa laga soo dhiraan dhirriyey buurin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
guwaaniin
m.l (baay.) Mid ka mid ah kuwa ugu muhiimsan beysaska nukliyootaydhada iyo asiidh bu'eedyada DNA iyo RNA. Waxa laga soo dhiraan dhirriyey buurin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bukaangaad
-ka: (magac, lab, keli) awr. gaadhi ama wax kale oo hayin ah oo bukaanka iyo dadka liita lagu qaado. Awr bukaangaad ah dhayal looma bixiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bukaanqaad
m.dh (-dyo, m.dh) Sariirta yar ee lagu qaado qofka aad u jirran.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bukaanqaad
m.dh (-dyo, m.dh) Sariirta yar ee lagu qaado qofka aad u jirran.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bukaanqaad
m. n., [compound] ambulance; hospital orderly
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bukaanqaad
de: ambulance; hospital orderly
lx: bukaanqaad
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: bukaanqaad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gidaarjiif
-ka: (magac, lab, keli) qof danyar ah oo aanan lahayn guri oo gidaarrada seexda. Dh: derbijiif.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Burhaanudiin
name-m proof (evidence) of the faith
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baratansiin
m.dh la-mid: bedertamin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baratansiis
m.l la-mid: bedertamin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bukaansocod
m.l (-dyo, m.dh) 1. Qof jirran oo socon kara oo lugtiisa ku taga meeshii uu iska daaweyn lahaa. 2. Bukaansocod-eegto.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bukaansocod
m.l (-dyo, m.dh) 1. Qof jirran oo socon kara oo lugtiisa ku taga meeshii uu iska daaweyn lahaa. 2. Bukaansocod-eegto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bukaansocod
m. n., [compound] out-patient
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bukaansocod
-ta: (n) outpatient (awtpeeyshant); patient (peeyshant) ~ jirran -bukaan socod eegto: (n) clinic (kilinik)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bukaansocod
-ka: (magac, lab, keli) qof xanuun qaba oo aan weli u jiifsan, xanuunkaasi wuxu noqon karaa ku la ogyahay iyo ku aan la ogaynba. Dh: bukaanjiif.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bukaansocod
de: out-patient
lx: bukaansocod
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: bukaansocod
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buraanburid
(Buraanburid-da)
Heesta buraanburka tirin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
busaanbusid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg busaanbus.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Calaanjiyid
(Calaanjiyid-da)
Si calaanji ah wax u qabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calaanjiyid
m.f.dh eeg calaanji². la-mid: calaanji¹, calaanjin, calaanjis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
falaanjiyid
m.dh la-mid: falaanjin.