ereyga

buguxbugux

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

buguxbugux

DHAN

-da: (magac, dhedig, keli) orod si kala daadsan oo qaab daran loo ordo. Buguxbugux bahal adhi kama reebto.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

shuguxshugux

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) daasad yar oo quruurax lagu guray oo shangadha ay samayso lagu didiyo adhiga. Dh: shugux.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

buubuus

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) diisdiis isku dundunsan. Buubuuska iska hagaaji oo is giiji. Dh: buusbuus.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

bugbugay

DHAFANDHAAF

(fal) caano dhay ah iyo kuwo dhanaan isku darso oo buqbugo ka yeel.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

buufbuuf

DHAFANDHAAF

m.l (-fyo, m.dh) Dugaagad dahab ama qalin ka samaysan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

buufbuuf

DHAFANDHAAF

m.l (-fyo, m.dh) Dugaagad dahab ama qalin ka samaysan.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

buumbuun

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) weynayn iyo biirbiirin; dhacdo la weyneeyo oo la biirbiiryo. Buumbuunku inta badan waa been.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

buurbuur

DHAFANDHAAF

m.l 1. Barar; higaag. 2. (u) Wax farabadan; tubaalo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

buurbuur

DHAFANDHAAF

m.l 1. Barar; higaag. 2. (u) Wax farabadan; tubaalo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

buurbuur

DHAFANDHAAF

m. n. swelling, lump; heaps ~ piles (of), lots

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

buurbuur

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) streitotrichosis.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

buurbuur

DHAFANDHAAF
1

de: swelling, lump; [col] heaps ~ piles (of), lots

2

lx: buurbuur

3

pd: (-ka)

4

ps: n-m

5

key: buurbuur

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Buusbuus

DHAFANDHAAF
1

(Buusbuus-ka)

2

(weel, kd.) meelo badan isaga gudaceshan; qonbob; diisdiis.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

buusbuus

DHAFANDHAAF

m.dh.u Meelo badan isaga gudaceshan; diisdiis.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

buusbuus

DHAFANDHAAF

m.dh.u Meelo badan isaga gudaceshan; diisdiis.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

buusbuus

DHAFANDHAAF
1

m. n., [collective] dents, indentations

2

buusbuus v. dent, crush

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

buusbuus

DHAFANDHAAF

-ay / tay: (v) [plural of buus] make a dent in; dents (dentis)

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

buusbuus

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) eeg buubuus.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

burumbuur

DHAFANDHAAF

m.l Buur aan dhagaxyo lahayn oo dhir ka baxda dusheeda.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

burumbuur

DHAFANDHAAF

m.l Buur aan dhagaxyo lahayn oo dhir ka baxda dusheeda.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

burumbuur

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) buurbuur yaryar oo shay ku dhex jira ama korkiisa laga arko. Shuurada burunbuurka ka baabi'i.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Burunbuur

DHAFANDHAAF
1

(Burunbuur-ka)

2

Dhul aan sinnayn oo burcooyin yaryar leh.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

burunbuur

DHAFANDHAAF

m. n. uneven ground

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

burunbuur

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) dhul aan sinnayn, taagag ama haaro yaryar leh. Burunbuurta fuuloo bildhaami geelu halkuu kala jiro. Dh: kudunbuur.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

burunbuur

DHAFANDHAAF
1

de: uneven ground

2

lx: burunbuur

3

pd: (-ka)

4

ps: n2-m

5

key: burunbuur

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

bulucbuluc

DHAFANDHAAF

bulucbuluc!: (ereycodeed) lagu tusmeeya wax biyo hoosta kaga jiraan oo dhaqdhaqaaqaya. Bulucbulucda caanaha caloosha nirigta ku jira maqlayaa. Dh: dhulucdhuluc!

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

buluqbuluq

DHAFANDHAAF

m.l/dh 1. Buluqbuluqleynta. 2. B. ah: qof buuran oo hilib jilicsan leh. 2. (sh.r) B. dheh: cod lagu muujiyo shanqar mayridda ah.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

buluqbuluq

DHAFANDHAAF

m.l/dh 1. Buluqbuluqleynta. 2. B. ah: qof buuran oo hilib jilicsan leh. 2. (sh.r) B. dheh: cod lagu muujiyo shanqar mayridda ah.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

buluqbuluq

DHAFANDHAAF
1

vl. n. walking with a sway ~ staggering because of obesity

2

buluqbuluq [feminine] n. swishing about

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

buluqbuluq

DHAFANDHAAF

buluqbuluq!: (ereycodeed) lagu tusmeeyo balqashada dareere oo isdabajoog ah. Buluqbuluqda biyaha baraarka commane yaanu ku soo qamaamin.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

butuqbutuq

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) socod dhicdhicitaan ku jiro. Butuqbutuqda wuxuu la hayaa waa badhidiyo baruurta awgeed, subaax waliba baraar baa loo qalaa, barannay boqorkaase.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

xugufxuguf

DHAFANDHAAF

(ereycodeed) codka uu sameeyo wax wareegaya sida marawaxadda ama dhagax la tuurtuurayo.

waa la naqliyay ✓