ereyga

budhbudhlayn

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

budhbudhlayn

DHAN

-ta: (magac, dhedig, keli) qiiq, boodh ama abur meel ka soo baxbaxaya.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

badhbadhlayn

DHAFAN

-ta: (magac, dhedig, keli) eeg badhadhaqlayn.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

bidhbidhlayn

DHAFAN

-ta: (magac, dhedig, keli) bidhbidh soo noqnoqonaysa ahaan. Hillaacaa soo bidhbidhlayn hayaa waa bilowgii guga e'.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

bahbahlayn

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) hadal badan oo aan faa'iido lahayn la imasho.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

buqbuqlayn

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) soo buqashada dareere ka soo burqanaya meel.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

badhaadhayn

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) liibaan siin; barwaaqo ka dhigid. Badhaadhaynta Eebbaa hayoo kana baryaynnaaye. Dh: baraarayn, badhaadhays, baraarays, barwaaqayn.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

dhudhuhlayn

DHAFANDHAAF

m.dh la-mid: dhuxdhuxlayn.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

bashbashlayn

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) bashbashta kurbashada iyo kadaalinta ka dhalata. Bashbashlayn iyo baqdin badanaa fule.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

badhadhaqlayn

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) wax jilicsan oo meel si ciriiri ah uga soo baxaya shanqadha uu sameeyo oo is dabajoog ah. Badhadhaqlayn badanaa ma danbar geel buu dhamay! Dh: badhbadhlayn, baqbaqlayn.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

buluqlayn

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) eeg buluqbuluqlayn.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Buqbuqayn

DHAFANDHAAF
1

(Buqbuqayn-ta)

2

Buqbuqo ka dhigid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

buqbuqayn

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg buqbuqee.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

buqbuqayn

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) buqbuqo ka yeelid. Buqbuqaynta caanaha ka ilaali.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

buqbuqlay

DHAFANDHAAF

(fal) biyo, meel cidhiidhi ah ka soo bood oo coday. Dh: buqdho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

dhuxulayn

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg dhuxulee.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

dhuxulayn

DHAFANDHAAF
1

-ta: (magac, dhedig, keli) dab shidmaya, dhuxul ku gurid.

2

dhuxulayn-ta: (magac, dhedig, keli) dhuxul gurid oo ka ganacsad.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

qudbadayn

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) khudbad jeedin. Dh: khudbadayn.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

badhaadhay

DHAFANDHAAF

(fal) barwaaqo ka dhig oo liibaan u horseed. Allahayoow dalka noo badhaadhay. Dh: badhaadhee, baraaree, barwaagee.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

badhbadhle

DHAFANDHAAF

-ha: (magac, lab, keli) cidda samaysa sanqadha 'badhbadh' ee soo celcelisa.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

bugbugleyn

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) shangadh wax qarqarxaya ka soo baxaysa.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

qudhqudhin

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) cabitaan degdeg ah oo aan neefsasho iyo nasasho midna lahayn. Dh: qurqurin; qurquris.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

afdhuublayn

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) orod uu geelu caan ku yahay oo uu qoorta raariciyo.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

badhaadhays

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) eeg badhaadhayn.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

buhabbuhayn

DHAFANDHAAF

m.dh eeg buhabbuhee. la-mid: bucabbucayn, bukabbukayn.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

bululuclayn

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) dareere xoog u daatay shanqadha uu bixiyo samayn. Bululuclaynta caanaha waan maqallaaye wax naga siiya. Dh: bululuqlayn.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

bululuqlayn

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) eeg bululuclayn.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

dhuhdhuhlayn

DHAFANDHAAF

m.dh la-mid: dhuxdhuxlayn.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

dhuhdhuhlayn

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) hadal xan ah hoos u odhasho. Dh: dhuxdhuxleyn.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

buguxbuguxlayn

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) si qaab daran kolba u ordid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

bulucbuluclayn

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) shanqadha uu sameeyo wax biyo hoosta kaga jiraan. Bulucbuluclaynta nirgaha caanaha jaqaa, hurdada noo diiday. Dh: dhulucdhuluclayn.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

buluqbuluqlayn

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) daadashada dareere balbalqanaya oo soo noqnoqota. Buluqbuluqlyanta biyaha bannaankaan ka soo maqlay. Dh: balaqbalaqlayn.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

butuqbutuqlayn

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) socod dhicdhicitaan ku jiro socoshadii.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]

Qudhqudhinayya

DHAFANDHAAF

avaler.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

afdhuubaalayn

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) si geelu u ordo kolka uu dhergo oo aan durduro ahayne, inta uu luqunta raariciyo uu aad u ordo. Nirguhu baarqabka ayay afdhuubaalaynta kaga daydaan. Dh: afdhuubaalays.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

badhaadhaysan

DHAFANDHAAF

(tilmaame) liibaan qaba oo aad u ladan; mid farxad iyo raynrayn ku jooga. Dh: barwaaqaysan.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

badhaadhitaan

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) barwaaqo iyo raaxo helitaan. Dh: badhaadhid, badhaadhis.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

buulqudhaanyo

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) god qudhaani gasho. Buulqudhaanyo u hoyday oo hurdo ma seexan xalay. Dh: godqudhaanjo, buulqudhaanjo. Dh: buullalo.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

baydhbaydhitaan

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) leexleexasho iyo luuqluuqmar. Baydhbaydhitaan badan malaha laakiin wuu barjeeyaa.

waa la naqliyay ✓