ereyga

budhbudh

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

budhbudh

DHAN

budhbudh!: (ereycodeed) lagu tusmeeyo meel ka soo bixbixitaanka sida qiiqa, abur, boodh iyo waxii la mid ah. Qiiqa budhbudha haya buulkuu ka soo baxayaa.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

buudhbuudh

DHAFAN

-ka: (magac, lab, keli) eeg buud.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

bidhbidh

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) iftiin yar oo si dhakhso badan marna daarmaya marna demaya. Garabildhaanka bidhbidha hayaa ilaa waaga berigiisa. Dh: biligbilig, birbir, bigbig.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

bidhbidhi

DHAFANDHAAF

(fal) wax qarsoonaa bildhaantiisa soo saar oo soo muuji. Borkii na abuurayoow baadidii noo bidhbidhi.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

qudhqudhi

DHAFANDHAAF

(fal) si degdeg ah oo neefsasho lahayn u cab. Caanaha dhan oo qudhqudhi. Dh: qurquri. Li: fiiti.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

qudhqudho

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) cabitaan degdeg ah oo aan la neefsan ama la nasan. Dh: qurquro.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

buudh

DHAFANDHAAF
1

-ka: (magac, lab, keli) inta aanay hasha abaahootay giijin ama aanay gaasa bixin. Waataan baaturteedii lahaa, buudhka yey tebine.

2

buudh-ka: (magac, lab, keli) kabo dhinac kasta ka xidhan, inta badan raggu xidho. Kaba buudh ah goortuu xidhuu, kadar is moodaaye. Dh: buud, buudhbuudh

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

budhcad

DHAFANDHAAF
1

m. n., (mass n.): butter

2

budhcad m. n. bandit, thief

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

budhcad

DHAFANDHAAF
1

-da: (n) gangster (gangister); bandit (baan dit) ~ burcad, qawleysato

2

budhcad: -ka: (n) butter (bater); ghee (gii) ~ burcad

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

budhcad

DHAFANDHAAF

-da: (magacwadareed) koox dad ah oo hubaysan, xoolo ayna lahayn xoog ku dhaca, dadkana afduuba ama dila. Budhcad baan na baadhatay oo kabihiina naga furatay. Dh: burcad.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

kumbudh

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) ciyaar ay wada ciyaaraan dhiddigga iyo labku xilliyada gu'samaadka amase xilliyada uu haleel jiro; waxa lagu ciyaaraa shan dhagax ciyaartana waxa lagu daah furtaa ereyadan: kumbudh caaro waa koow koowduna waa labo, labaduna waa saddex, dhii-dhii, dhabana cas, afku qadham, taadhoo, tiinbaar taar jaban. Waxaana laga guulaystaa ciddii uu dhaguxu dhulka uga dhaco.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

kunbudh

DHAFANDHAAF
1

-ka: (magac, lab, keli) koob daweeyaha ka sii yar oo dareeraha lagu cabbo.

2

kunbudh -ka: (magac, lab, keli) ciyaarcarruureed shan dhagax lagu ciyaaro. Carruurtu kunbudh ayey ciyaaraysaa. Dh: gunbudh.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

yumbudh

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) fadhi gaar ah oo sida kanbadhuudhka ah.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

yunbudh

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) fadhi kuudad ah.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

babhbadh

DHAFANDHAAF
1

(fal) weelal badan oo ay wax ku jiraan, mid walba badh ka shub.

2

badhbadh: (ereyscodeed) lagu tusmeeyo sanqadha sindhada jilicdasan iyo neefta wahelisa oo soo noqnoqota. Dh: badhadhaq, baqbaq.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

badhaadh

DHAFANDHAAF

v. be happy, prosper

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

badhaadh

DHAFANDHAAF

-ay / tay: (v) prosper (paroos per); flourish (faloorish); do well; be fortunate or successful

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

badhaadh

DHAFANDHAAF

(fal) wax nafta farxad iyo raynrayn geliya hel; raaxo iyo barwaaqo guud iyo tu hoose ba ku jir. Dh: baraar, liibaan, barwaaqow.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

badhaadh

DHAFANDHAAF
1

de: be happy, prosper

2

lx: badhaadh

3

pd: (badhaadhay)

4

ps: v1=

5

key: badhaadh

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

badheedh

DHAFANDHAAF

m. n., [abstract] (adj.): intention; frankness; purposely, on purpose

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

badheedh

DHAFANDHAAF
1

(fal) «u ~» ku talogal iyo ulakac wax u fal; si cad oo aan qarsoonayn wax u samee. Dh: bareer, ulakac, kas.

2

badheedh: magac loo baxsho wiil la filayo in uu noqdo mid dhiirran oo calool adag.

3

badheedh -ka: (magac, lab, keli) wixii si gabbasho la'aan ah loo sameeyo; wixii si aan qarsoonayn loo sameeyo. Dh: bareer, kas, ulakac. Li: gef, kama'.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

badheedh

DHAFANDHAAF
1

a: bareer {N}

2

de: intention; frankness; [atr.] purposely, on purpose

3

lx: badheedh

4

pd: (-ka)

5

ps: n0-m-abs

6

key: badheedh

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

badhiidh

DHAFANDHAAF

magac loo baxsho wiilka dhashay isaga oo ay timihiisa ama yixdiisu yartahay. Dh: bidhiidh.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

bidhiidh

DHAFANDHAAF
1

-ka: (magac, lab, keli) qof timo bidhiidh ah leh. Cali waa bidhiidh.

2

bidhiidh -ka: (magac, lab, keli) salaanta wejiga: wejiga badhtankiisa. Ninka tukada bidhiidhka ayaa madoobaada. Dh: biriir.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

hadhuudh

DHAFANDHAAF

m. n., [collective] maize, jowari, millet, sorghum (grain cereal crops)

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

hadhuudh

DHAFANDHAAF

-ka: (n) sorghum (soorgem); grain (gareeyn)

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

hadhuudh

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) jaad ka mid aht badar beeraha ka baxa oo la cuno oo Soomaalidu beerato. Dh: garaw, masaggo, messeggo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

hadhuudh

DHAFANDHAAF
1

a: haruur {N}

2

de: maize, jowari, millet, sorghum (grain cereal crops)

3

lx: hadhuudh

4

pd: (-ka)

5

ps: n0-m-col

6

key: hadhuudh

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

hundhudh

DHAFANDHAAF

(fal) murug iyo ciil muuji.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

kadhuudh

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) caano geel oo dhanaanaaday oo fud iyo faarna aan weli noqon. Dh: karuur. Li: dhay, lis.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

madhuudh

DHAFANDHAAF

(tilmame) dareen dhadhan xun ah oo dhanaan la jiriricoodo oo jirku diido.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

badhbadhle

DHAFANDHAAF

-ha: (magac, lab, keli) cidda samaysa sanqadha 'badhbadh' ee soo celcelisa.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

baydhbaydh

DHAFANDHAAF
1

(fal) leexleexo oo kolba dhan u baydh. Markaad cararayso baydhbaydh.

2

baydhbaydh -ka: (magac, lab, keli) ninka fulaha iyo geesiga u dhexeeya. Fule wuu baxaa laakiin baydhbaydh ma baxo.

3

baydhbaydh-ka: (magac, lab, keli) kolba dhinac u leexadka iyo weecweecasho.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

bidhbidhid

DHAFANDHAAF
1

-da: (magac, dhedig, keli) wax la qaadi karo, kolba kor u tuuris.

2

bidhbidhid-da: (magac, dhedig, keli) si dhakhsa badan u iftiimid oo haddana markiiba u demid. Bidhbidhid tiriiggu waa marka uu gubanayo. Dh: dhaldhalaalid, birbirid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

mudhuudhuq

DHAFANDHAAF

(tilmaame) jilicsan ah; sida qoosh oo kale ah. Dh: muudhmuudh.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

muudhmuudh

DHAFANDHAAF
1

(fal) aad u bislaw oo wax jilicsan noqo. Hilib yahaw muudhmuudh had macaanaatide. Dh: bislaaddhaaf.

2

muudhmuudh: (fal) aad u gubo oo googo'. Dabku dhac oo muudhmuudh had kulaylka cadaabta garatide. Dh: dumudh, googo'.

3

muudhmuudh -ka: (magac, lab, keli) bislaasho aad ah oo wax la kaariyayi uu si xoog ah u jilco faraha u raaco. Dh: bisayldhaaf. Li: yacyacood.

4

muudhmuudh-ka: (magac, lab, keli) gubasho xog ah oo dubka dadka gaadha oo dhimasho ah ama qarka loo gaadho. Dh: dummudh.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

qudhqudhin

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) cabitaan degdeg ah oo aan neefsasho iyo nasasho midna lahayn. Dh: qurqurin; qurquris.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

qudhqudhis

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qurqurin.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

badhaadhe

DHAFANDHAAF
1

-ha: (magac, lab, keli) barwaaqo iyo liibaan. Badhaadhe iyo baahila'aan ku noolaw. Dh: baraare, guul, barwaaqo, farxad, ladnaan, raynrayn, sareedo, liibaan. Li: basanbaas, luufluuf, saxariir, saranseer.

2

badhaadhe -ha: (magac, lab, keli) jaad ka mid ah khudaarta dheriga lagu daro oo ah budhuq dhulka hoostiisa ku samaysanta oo buurbuurn.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

badhaadhi

DHAFANDHAAF

(fal) barwaaqo iyo liibaan gaadhsii. Badhaadhi Allahayow maatida baradu ka xumataay. Dh: baraari, barwaaqee.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

badhaadho

DHAFANDHAAF

-ha: (magac, lab, keli) eeg badhaadhe.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

badheedhe

DHAFANDHAAF

-badheedhaha: (n) purpose (peer pes) ~ baraare. Ex: badheedhahaaga cadayso; make clear your purpose. -Syn: intention, intent, goal, end, aim, object

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

badheedhe

DHAFANDHAAF

-ha: (magac, lab, keli) hadal ama qoraal si cad loo dhiibto; hadal ama qoraal si gabbasho la'aan ah loo dhiibto. Dh: ra'yi, dood. Li: habrasho.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

baldhiidh

DHAFANDHAAF
1

(tilmaame) deegaan barwaaqo ah. Buurta Dhay waa baldhiidh. Dh: cosob. Li: abaar.

2

baldhiidh: (tilmaame) wax aad u badan oo si fudud lagu heli karo. Caanihii way jabeen oo waa baldhiidh. Dh: ceeryoon, ceegaag. Li: naadir.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

budhcad_1

DHAFANDHAAF
1

a: burcad {N}

2

de: butter

3

hm: 1

4

lx: budhcad

5

pd: (-ka)

6

ps: n2-m-mass

7

key: budhcad_1

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

budhcad_2

DHAFANDHAAF
1

a: burcad {N}

2

de: bandit, thief

3

hm: 2

4

lx: budhcad

5

pd: (-ka)

6

ps: n5-m

7

key: budhcad_2

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

budhcadee

DHAFANDHAAF

(fal) budhcad noqo oo jidgooyo samee. Orod haddaad waalan tahay budhcadee.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

huudhaydh

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) dhar horay loo soo adeegsaday oo dib inta loo maydho la iibiyo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]

BADHI-BADHI

DHAFANDHAAF

(Badi-badi) S, May Rottboellia cochinchinensis (Lour) Clayton. Gramineae.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

bidhbidhiso

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) wax tilmaan ama calaamad u noqda wax kaa lumay oo aad raadinayso. Dh: birbiriso.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

bidhinbidhi

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) ciyaar inta dhabarka loo jiifsado oo cunug labada lugood la dul saaro, hoos iyo sare loogu qaado iyadoo lagu heesayo 'tukoow futada ka dhuuqeey' ama 'bidhibidhi bankii ololay, faayoy fundhaallo cadcad'. Dh: goroyoquuqo.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

kambadhuudh

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) fadhi si ciriiryoon loo fadhiisto; kambaruur.

waa la naqliyay ✓