buddhism
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
buddhism
/budisim/ (n) diin Aasiya laga haysto (siiba indha-yarta)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buddhig
(Buddhig-ga)
Dhigidda qof dhintay budda la dhiga hayo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buddhig
v., [compound] put a dead person in a grave; bury, inter
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
buddhig
de: put a dead person in a grave; bury, inter
lx: buddhig
pd: (buddhigay)
ps: v1=cmp
key: buddhig
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buudhis
m.l la-mid: buudhin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buudhis
-ka: (magac, lab, keli) eeg buudhin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buddhige
(Buddhiga-ha)
Qofka qofka dhintay dad ugu xiga oo buddhiggiisa leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buddhige
m. n. grave-man, one who places a dead person in a grave
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
buddhige
de: grave-man, one who places a dead person in a grave
lx: buddhige
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: buddhige
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
buddismo
s.m. - diintuu soo saaray budda, oo haatan ku baahsan Hindiya iyo bariga fog.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bud'dhige
-ha: (magac, lab, keli) eeg bud-dhigeen.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bud-dhige
m.l (-gayaal, m.l/dh) Qofka qofka dhintay dad ugu xiga oo buddhiggiisa leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buddi
m.l (-iyiin, m.dh) (dii.) Qof raacsan diinta loo yaqaan buddiyadda.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
buddi
m.l (-iyiin, m.dh) (dii.) Qof raacsan diinta loo yaqaan buddiyadda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buddi
(fal) budo ka dhig oo daqiiji. Hadhuudhka aad u buddi. Dh: budli.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg badhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bidhis
-ka: (magac, lab, keli) bidhidda dabka iyo wixii la mid ah.
bidhis-ta: (magac, dhedig, keli) bidhid wax u qaad; si fudud wax u dallacis. Haantan bidhisteedu midhidh iguma qaadan jirin markaa ninka ahaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
budlis
m.l la-mid: budlin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
budlis
-ka: (magac, lab, keli) budul ka dhigis, si aad ah u jilcin. Dufka budliska badan ka yaree.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buudhi
buudhi¹: m.l Qaalin geel ah isbeddel abaahidoon ah oo xubinteeda taranka ka muuqata.
buudhi²: f.mg2 (-iyay, -isay) Qaalin geel sabiisheeda barar abaahidoon ka muuqasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buudhi
(fal) qaalin geel ah u baaho abaahin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cuddis
(Cuddis-ka)
(samayo, waran) gilgilid; kilkilid; ka gariirsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuddis
m.l la-mid: cuddin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cuddis
-ta: (magac, dhedig, keli) samay, waran iyo wixii la mid ah, gilgilid ama ka gariirsiin. Dh: gilgilid, kilkilid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cudhis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg cudhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hudhis
-ta: (magac, dhedig, keli) hilib iyo wixii la mid ah, hal mar ah ilkaha ku goosasho. Dh: hudhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mudhis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg mudhid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
nudism
/nuudism/ (n) qaawanaan (nidaamka qaawanaanta).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rudhis
m.dh la-mid: rudid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rudhis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg rudhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tudhis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg tudhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yudhis
(ereydhawaaq) la yidhaa kolka dugaag la dareemo ama inuu soo dhaco laga bagayo. Ninka golaha jiifoow yudhis dheh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baadhis
-ta: (magac, dhedig, keli) baadigoobidda wax maqan oo la tebayo.
baadhis -ta: (magac, dhedig, keli) mid ka mid ah xiddigaha Soomaalidu ka awaalasheegaan. Waxay isgarab yihiin ururka iyo agaallicaanoodka. Xiddigtii baadhis caaway soo baxday.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baydhis
-ta: (magac, dhedig, keli) dhinicii loo socdey maahee dhinac kale u kicis.
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Budding
Ruqurayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buudhin
m.f.dh eeg buudhi. la-mid: buudhis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buudhin
-ta: (magac, dhedig, keli) qaalin geel ah oo u baahata awr abaahiya. Buudhinta qaalintu barwaagadii baasha ka orgootay. Dh: buudhis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuudhis
-ka: (magac, lab, keli) eeg fuudhin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gundhis
m.l Bir daab qori ah leh, afkana fantax ku leh oo wax lagu tolo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gundhis
-ka: (magac, lab, keli) aalad bir ka samaysan sida mudaca oo xagga danbe daab qori la qabsado ku leh oo lagu tolo kabaha. Kabtan gundhiska i mari wey iga kala fuqdaye.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
judaism
/juudhiyisam/ (n) diinta yuhuudda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quudhis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg quudhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bud'dhig
-ga: (magac, lab, keli) iil dhigista qofka dhinta luxudka la dhigo. Ninba ninka u xiga ayaa buddhigga sameeya. Dh: luxuddhig.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bud-dhig
bud-dhig¹: m.l (dii.) Dhigitaanka qof dhintay iilka la dhigo. la-mid: bud-dhigid.
bud-dhig²: f.g1 (-gay, -gtay) (dii.) Qof dhintay iil gelin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bud-dhig
bud-dhig¹: m.l (dii.) Dhigitaanka qof dhintay iilka la dhigo.
bud-dhig²: f.g1 (-gay, -gtay) (dii.) Qof dhintay iil gelin. m.f.dh, bud-dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muldhiso
f.g3 (-stay, -satay) 1. Laan, jir iyo wixi lamida dubka ka diirasho. 2. Qof hu' uu gashanaan ka wada furasho. 3. Madax qurdasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
muldhiso
v. take off all grains ~ berries for oneself; strip, peel something; lay bare for oneself
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
muldhiso
de: take off all grains ~ berries for oneself; strip, peel s.t.; lay bare for oneself
lx: muldhiso
pd: (muldhistay)
ps: v3b=tr
key: muldhiso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bud-dhigid
m.f.dh eeg bud-dhig². la-mid: buddhig¹.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
feudalism
/fiyuudalisim/ (n) dhul-goosi (nidaamkii dhul-goosiga)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mindhismo
(Mindhisma-da)
1. Guri, in lagu aroosbaxo u dhisid; guriggal.
2. Inta arooska cusub lagu jiro.
3. Guriga arooska oo laga dhiso, cidda gabadha bixisay, agteeda; inanlayaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mindhismo
m.dh 1. U hawlgalka guur cusub samayntiis. 2. Muddada arooska lagu jiro. 3. Nin la deggan reerka uu wax ka qabo. 4. Qalabka ama hantida lagu taakuleeyo laba qof oo aroos gelaya.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mindhismo
m.dh 1. U hawlgalka guur cusub samayntiis. 2. Muddada arooska lagu jiro. 3. Nin la deggan reerka uu wax ka qabo. 4. Qalabka ama hantida lagu taakuleeyo laba qof oo aroos gelaya.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mindhismo
f. n. setting up of a new house for bride and groom; first days of marriage
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mindhismo
-ha: (magac, lab, keli) guri in lagu aroosbaxo u dhisid. Dh: aqalgal
mindhismo -ha: (magac, lab, keli) guri aroos looga. dhiso cidda gabadha bixisay agteeda.
mindhismo-da: (magac, dhedig, keli) inta arooska cusub lagu jiro. Weli mindhismo ayay caruuska iyo caruusaddu ku jiraan. Dh: aroos.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mindhismo
de: setting up of a new house for bride and groom; first days of marriage
lx: mindhismo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: mindhismo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muldhisan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la muldhiyey ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
muldhisan
der. [adjective] stripped, peeled; deprived of grains ~ berries; laid bare
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
muldhisan
de: stripped, peeled; deprived of grains ~ berries; laid bare
lx: muldhisan
pd: (muldhisnaa)
ps: adj-der
key: muldhisan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uuddhigis
-ta: (magac, dhedig, keli) beertu kolka ay bislaato, karoor dhigis. Beerihii way go'een oo uuddhigistii baa la billaabay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bidhbidhiso
-da: (magac, dhedig, keli) wax tilmaan ama calaamad u noqda wax kaa lumay oo aad raadinayso. Dh: birbiriso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bud'dhigeen
-ka: (magac, lab, keli) qofka ugu xiga nasab ahaan qof waxyeelo cidkale soo gaadhsiisay oo dhintay ama dhawaacmay. Dh: buddhige.