bud-dhigid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bud-dhigid
m.f.dh eeg bud-dhig². la-mid: buddhig¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bud-dhig
bud-dhig¹: m.l (dii.) Dhigitaanka qof dhintay iilka la dhigo. la-mid: bud-dhigid.
bud-dhig²: f.g1 (-gay, -gtay) (dii.) Qof dhintay iil gelin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bud-dhig
bud-dhig¹: m.l (dii.) Dhigitaanka qof dhintay iilka la dhigo.
bud-dhig²: f.g1 (-gay, -gtay) (dii.) Qof dhintay iil gelin. m.f.dh, bud-dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bud-dhige
m.l (-gayaal, m.l/dh) Qofka qofka dhintay dad ugu xiga oo buddhiggiisa leh.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Legittimo
Lahaansho, bud dhigid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buddhig
(Buddhig-ga)
Dhigidda qof dhintay budda la dhiga hayo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buddhig
v., [compound] put a dead person in a grave; bury, inter
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
buddhig
de: put a dead person in a grave; bury, inter
lx: buddhig
pd: (buddhigay)
ps: v1=cmp
key: buddhig
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bud'dhig
-ga: (magac, lab, keli) iil dhigista qofka dhinta luxudka la dhigo. Ninba ninka u xiga ayaa buddhigga sameeya. Dh: luxuddhig.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buddhige
(Buddhiga-ha)
Qofka qofka dhintay dad ugu xiga oo buddhiggiisa leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buddhige
m. n. grave-man, one who places a dead person in a grave
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
buddhige
de: grave-man, one who places a dead person in a grave
lx: buddhige
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: buddhige
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bandhigid
m.f.dh eeg bandhig². la-mid: bandhig¹ (2).
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Bandhigid
Exposure
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
bandhigid
performance
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bandhigid
-da: (magac, dhedig, keli) bannaanka keenid oo wax la wada arkayo ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
birdhigid
m.f.dh eeg birdhig². la-mid: birdhig¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
birdhigid
-da: (magac, dhedig, keli) (u ~) wax kugu soo aaday u birdhigis. Birdhigidda cadowga iyo baajinta colaadeed.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bud'dhige
-ha: (magac, lab, keli) eeg bud-dhigeen.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duldhigid
m.f.dh eeg duldhig.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duldhigid
-da: (magac, dhedig, keli) wax kor saarid oo dushiisa dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gundhigid
(Gundhigid-da)
Gundhig u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gundhigid
m.f.dh eeg gundhig².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uuddhigis
-ta: (magac, dhedig, keli) beertu kolka ay bislaato, karoor dhigis. Beerihii way go'een oo uuddhigistii baa la billaabay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biyadhigid
m.f.dh eeg biyadhig².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biyadhigid
-da: (magac, dhedig, keli) roob biyo badan di'id. Shuuc biyadhigid maleh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ardaadhigid
m.dh la-mid: ardaaggelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
babacdhigid
m.f.dh eeg babacdhig². la-mid: babacdhig¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
babacdhigid
-da: (magac, dhedig, keli) u jilibdhigid oo col iska difaacid. Ciidanku hadduu hub haysto u babaedhigidda cadawga wuu karayaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bud'dhigeen
-ka: (magac, lab, keli) qofka ugu xiga nasab ahaan qof waxyeelo cidkale soo gaadhsiisay oo dhintay ama dhawaacmay. Dh: buddhige.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dadabdhigid
m.dh la-mid: dadabgelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hubkadhigid
hubkadhigid¹: m.dh Qaadidda cid hub laga qaado.
hubkadhigid²: m.dh (siyaasad) Dhimid, ama joojinta isticmaalidda hubka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hubkadhigid
hubkadhigid¹: m.dh Qaadidda cid hub laga qaado.
hubkadhigid²: m.dh (siyaa.) Dhimid, ama joojinta isticmaalidda hubka.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hubkadhigid
vl. n. disarming someone, disarmament
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hubkadhigid
de: disarming s.o., disarmament
lx: hubkadhigid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: hubkadhigid
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BIR-DIID
(Birdid) N Pelargonium glechomoides A.Rich. Geraniaceae.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
buddhism
/budisim/ (n) diin Aasiya laga haysto (siiba indha-yarta)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buldiyid
(Buldiyid-da)
Buldi ku cabbirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buldiyid
m.f.dh eeg buldi².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buldiyid
-da: (magac, dhedig, keli) buldi ku cabbirid. Buldiyidda waxa loo adeegsadaa meelha dhaadheer iin si fudud loo gaadhayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiddigid
-da: (magac, dhedig, keli) qudhbixid iyo dhimasho uu qofku la engego oo afuufmo. Dh: tirrigid, fiddigitaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Muddicid
(Muddicid-da)
Dacwiyid; garramid; doodid; jitamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muddicid
m.f.dh eeg muddac².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muddicid
-da: (magac, dhedig, keli) dacwo cid ku oogid. Muddiciddu markhaati ha wadato.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
UL-DHIIG
(Ul-dig) May Caucanthus albidus (Nied.) Nied. Malpighiaceae.
May Vernonia cinerascens Sch.Bip. Compositae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
urdhicid
m.dh la-mid: urdhac.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
urdhicid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg urdhac.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dibdhigid
-da: (magac, dhedig, keli) wax waqtigii loo ballansanaa inuu ku qabsoomo waqti kale u riixid. Dh: dibudhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faddhicid
(Faddhicid-da)
Faddhac yeelasho: daldalooshamid; googgo'id.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faddhicid
m.f.dh eeg faddhac².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faddhicid
-da: (magac, dhedig, keli) googgo'id ama daldalooshamid; faddhac yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gundhigad
(Gundhigad-ka)
Gundhigasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gundhigad
m.l la-mid: gundhigasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hordhigid
m.f.dh eeg hordhig.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
is-dhimid
m.f.dh eeg isdhin².
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
ku dhicid
charge
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku dhidid
v. sweat over; work hard for something
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ku_dhidid
de: sweat over; [fig.] work hard for s.t.
lx: ku dhidid
pd: (dhididay)
ps: v1=expr
key: ku_dhidid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saldhigid
(Saldhigid-da)
Salka meel dhigid; joogsasho; fariisasho; xasilid; degid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saldhigid
-da: (magac, dhedig, keli) «u hadal iyo wixii la mid ah ka baaraandegid.Dh: xasilid, dagid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beerdhigis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg beerdhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biyadhicid
m.f.dh eeg biyadhac². la-mid: biyadhac¹ (4).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biyadhicid
-da: (magac, dhedig, keli) wax biyuhu ka badan yihiin oo biyabiyo ah noqosho. Shaaha rasiin ka dhig oo biyadhicidda ka daa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biyadhigis
-ta: (magac, dhedig, keli) roob weyn di'id oo dhulka biyo yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
budaddarid
m.f.dh eeg budaddar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhexdhigid
-da: (magac, dhedig, keli) walax, meel mug leh dhexdeeda dhigid.
dhexdhigid -da: (magac, dhedig, keli) arrin iyo talo, ciddii ay khusaysay, wadaajin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dibudhigid
m.dh la-mid: dibudhig.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fooldhigid
-da: (magac, dhedig, keli) weji u maydhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoosdhigid
m.f.dh eeg hoosdhig². la-mid: hoosdhig¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
horudhigid
m.dh Saacad iyo wixi lamida hore gayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
horudhigid
-da: (magac, dhedig, keli) horay u marin; horay u dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kul-dhibib
m.l (daawo) Xaalad cudureed ay xubnaha saxa kulka jirka hawlgabaan taas oo keenta kulka jirka oo kor u kaca,dhidid la'aan iyo miyir beel.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaxdhigid
-da: (magac, dhedig, keli) ciyaar la ciyaaro oo dhulka la dhigo dhagxaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barbardhigid
m.f.dh eeg barbardhig. la-mid: isbarbardhigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barbardhigid
-da: (magac, dhedig, keli) walax ama noole noole kale la barbardhigo oo la isku qiyaaso. Barbardhigid labada baarqab aan ku samayno.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaadaadhigid
(Qaadaadhigid-da)
(arrin) Dhinac walba ka eegid, aad u baarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaadaadhigid
m.f.dh eeg qaadaadhig². la-mid: qaadaadhig¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaadaadhigid
-da: (magac, dhedig, keli) gorfayn iyo ka faallood arrin dhinac walba laga eego. Dh: falanqayn, gorfayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abaaldhicid
(Abaaldhicid-da)
Abaal laysu galay oo la asaraaro, oo la beeniyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaaldhicid
m.f.dh eeg abaaldhac². la-mid: abaaldhac¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Barkadhicid
(Barkadhicid-da)
Waxbarkasho-xumo darteed, muruqyada surku xanuunid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barkadhicid
m.f.dh eeg barkadhac². la-mid: barkindhicid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barkadhicid
-da: (magac, dhedig, keli) surka oo barkinka ka dhaca. Dh: barkindhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bunnaahiyid
m.dh la-mid: banaaxiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bunnaahiyid
-da: (magac, dhedig, keli) bunaah samayn. Bunnaahiyid dibi dhergaa lagu yagaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buuxdhaafid
(Buuxdhaafid-da)
(weel, kd.) inta muggiisu qaadi karey kor u dhaafay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buuxdhaafid
m.f.dh eeg buuxdhaafi². la-mid: buuxdhaafi¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buuxdhaafid
-da: (magac, dhedig, keli) tankii qaadkiisu ahaa ka siyaadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dib'udhigid
-da: (magac, dhedig, keli) gadaal geyn; xagga dambe ka dhigid. Li: horraysiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dubbadhicid
m.f.dh eeg dubbadhac². la-mid: dubbadhac¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dubbadhicid
-da: (magac, dhedig, keli) isku hagaagid oo isla falgalid. Waxan sugayaa isku dubbadhicidda hawsha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulfadhiyid
m.f.dh eeg dulfadhi. la-mid: dulfadhin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulfadhiyid
-da: (magac, dhedig, keli) cid bugta la joogid.
dulfadhiyid -da: (magac, dhedig, keli) meel la weerarayo agbaryid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garabdhigid
m.f.dh eeg garabdhig.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gogoldhigid
-da: (magac, dhedig, keli) gogol diyaarin; u saldhigid. Goggoldhigidda arrinta waxa qabanqaabiyay masuuliyiinta shirkadda. Dh: gogolfidin, gogolfidis, abaabulid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoosudhigid
-da: (magac, dhedig, keli) wax soo yaraada noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jilibdhigid
(Jilibdhigid-da)
Dagaal jilibka u laabid; diririd.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jilibdhigid
m.f.dh eeg jilibdhig². la-mid: jilibdhig¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jilibdhigid
-a: (magac, lab, keli) qof iska difaacayo cadow. Dh: iska cabin.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Kala dhigid
Distribution