bud'dhige
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bud'dhige
-ha: (magac, lab, keli) eeg bud-dhigeen.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bud'dhig
-ga: (magac, lab, keli) iil dhigista qofka dhinta luxudka la dhigo. Ninba ninka u xiga ayaa buddhigga sameeya. Dh: luxuddhig.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buddhige
(Buddhiga-ha)
Qofka qofka dhintay dad ugu xiga oo buddhiggiisa leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buddhige
m. n. grave-man, one who places a dead person in a grave
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
buddhige
de: grave-man, one who places a dead person in a grave
lx: buddhige
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: buddhige
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bud-dhige
m.l (-gayaal, m.l/dh) Qofka qofka dhintay dad ugu xiga oo buddhiggiisa leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bud'dhigeen
-ka: (magac, lab, keli) qofka ugu xiga nasab ahaan qof waxyeelo cidkale soo gaadhsiisay oo dhintay ama dhawaacmay. Dh: buddhige.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buddhig
(Buddhig-ga)
Dhigidda qof dhintay budda la dhiga hayo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buddhig
v., [compound] put a dead person in a grave; bury, inter
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
buddhig
de: put a dead person in a grave; bury, inter
lx: buddhig
pd: (buddhigay)
ps: v1=cmp
key: buddhig
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bud-dhig
bud-dhig¹: m.l (dii.) Dhigitaanka qof dhintay iilka la dhigo. la-mid: bud-dhigid.
bud-dhig²: f.g1 (-gay, -gtay) (dii.) Qof dhintay iil gelin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bud-dhig
bud-dhig¹: m.l (dii.) Dhigitaanka qof dhintay iilka la dhigo.
bud-dhig²: f.g1 (-gay, -gtay) (dii.) Qof dhintay iil gelin. m.f.dh, bud-dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bud-dhigid
m.f.dh eeg bud-dhig². la-mid: buddhig¹.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
buddhism
/budisim/ (n) diin Aasiya laga haysto (siiba indha-yarta)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
budhee
(fal) eeg budee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buudhi
buudhi¹: m.l Qaalin geel ah isbeddel abaahidoon ah oo xubinteeda taranka ka muuqata.
buudhi²: f.mg2 (-iyay, -isay) Qaalin geel sabiisheeda barar abaahidoon ka muuqasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buudhi
(fal) qaalin geel ah u baaho abaahin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
u dhig
v. teach something to someone; put something aside for someone
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
u_dhig
de: teach s.t. to s.o.; put s.t. aside for s.o.
initial: u
lx: u dhig
pd: (dhigay)
ps: v1=expr
key: u_dhig
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bandhig
(Bandhig-ga) 1. Alaab ganacsi ama masawirro ama wax kale oo si habaysan, meel fagaare ah, la isugu keeno si dadweynuhu u daawado, waxna uga iibsado.
2. Carwo yar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bandhig
bandhig¹: m.l 1. Keenidda meel fagaare ah wax-soo-saar warshadeed, beereed, faneed iyo wixi lamida si loo daawado. 2. la-mid: bandhigid.
bandhig²: f.g1 (-gay, -gtay) Alaab ganacsi ama faneed iyo wixi lamida meel fagaar ah dadweynaha ugu dhigid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bandhig
bandhig¹: m.l Keenidda meel fagaare ah wax-soo-saar warshadeed, beereed, faneed iyo wixi lamida si loo daawado.
bandhig²: f.g1 (-gay, -gtay) Alaab ganacsi ama faneed iyo wixi lamida meel fagaar ah dadweynaha ugu dhigid. m.f.dh, bandhigid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bandhig
v., [compound] display; exhibit, present
bandhig: vl. n., [compound] display, exhibit, exhibition
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bandhig
-ga: (n) show (shoow); display, exhibition (ek-sipi-shin) ~ carwo
bandhig: -ay tay: (v) to put something on public display; exhibit (ig-zibit)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Bandhig
Esposizione
Exhibition
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bandhig
-ga: (magac, lab, keli) marka wax dibadda loo soo saaro si loo wada arko. Dh: carwo.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
bandhig
عَرْضِ
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bidhiye
magac loo baxsho wiil la rajaynayo in uu midkii reerka ku soo kordhiyay iftiin iyo faraxad; wiilkii u dhashay reer hore gabdho uun u lahaa. Dh: biriye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
birdhig
birdhig¹: m.l la-mid: birdhigid.
birdhig²: f.mg1 (-gay, -gtay) U b.: wax sida cadow iyo wixi lamida oo soo food leh si geesinnimo leh uga hortegid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
birdhig
f.mg1 (-gay, -gtay) U b.: wax sida cadow iyo wixi lamida oo soo food leh si geesinnimo leh uga hortegid. m.f.dh, birdhigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
birdhig
(fal) «u ~» marka lagu farayo inaad iska caabbin la timaadod. U birdhiga cadawgiinna oo baallaha ka gala oo baqashada dhaafa. Dh: jilibdhig.
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Budding
Ruqurayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buudhin
m.f.dh eeg buudhi. la-mid: buudhis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buudhin
-ta: (magac, dhedig, keli) qaalin geel ah oo u baahata awr abaahiya. Buudhinta qaalintu barwaagadii baasha ka orgootay. Dh: buudhis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buudhis
m.l la-mid: buudhin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buudhis
-ka: (magac, lab, keli) eeg buudhin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duldhig
f.lg1 Wax wax kale ka dhigid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
duldhig
f.lg1 Wax wax kale ka dhigid. m.f.dh, duldhigid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
duldhig
ditransitive v. put something on top of something
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
duldhig
-ay / tay: (v) 1. put one thing on top of another ~ dulsaar. 2. ku duldhig: -ay / tay: (v) write on the top of something; overwrite (over-raayt)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duldhig
(fal) shey, wax kale korkiisa dhig. Buugga miiska duldhig.
duldhig: (fal) deyn lagaa qaatay macaash dheeri ah saaro.
duldhig-ga: (magac, lab, keli) macaash dheeri ah oo deymaha la saaro. Shareecadda Islaamku duldhigga baananka ribo ayay ku tirisaa. Dh: dulsaar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
duldhig
de: put s.t. on top of s.t.
lx: duldhig
pd: (duldhigay)
ps: v1=ditr
key: duldhig
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gundhig
(Gundhig-ga)
Waxa la biirina hayo ama la tarmina hayo, inta ugu horraysa oo laga bilaabo; saldhig; raasammaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gundhig
gundhig¹: m.l Wax la biirinayo ama la tarminayo inta ugu horreysa oo laga bilaabo; saldhig; raasamaal.
gundhig²: f.g1 (-gay, -gtay) Wax la biirinayo ama la tarminayo intooda ugu horreysa asaasid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gundhig
m.l Wax la biirinayo ama la tarminayo inta ugu horreysa oo laga bilaabo; saldhig; raasamaal.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gundhig
m. n., [compound] beginning; foundation; starting capital
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gundhig
-a: (n) 1. basic (baay-sik). Ex: gundhiga xisaabta; the basics of math. 2. base (beeys)-, foundation, (fown-dheeyshen)
u gundhig -ay: (v) find a basis for; establish (istaabalish)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Gundhig
Iniziale
Initial
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gundhig
-ga: (magac, lab, keli) meesha wax ka unkamaan: wax kaste saldhiggiisa.
gundhig-ga: (magac, lab, keli) haynta ama aduunka la rogrogayo ama lagu shaqaynayo bilowgeeda. Dh: raasamaal.
gundhig-ga: (magac, lab, keli) qooshka loxooxda ee la ganaanayo ama caanaha la dhitaynayo. dhannaaniso lagaga horaysiiyo weelka.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gundhig
cf: salsal
de: beginning; foundation; starting capital
lx: gundhig
pd: (-ga)
ps: n2a-m-cmp
key: gundhig
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku dhig
v. write on; do something to
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ku_dhig
de: write on; do s.t. to
lx: ku dhig
pd: (dhigay)
ps: v1=expr
key: ku_dhig
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beerdhig
(fal) wax ku soo foodsaara geesinimo iyo dhiirranaan kala hortag. Belo kaste oo soo food- saarta wuu u birdhigay. Dh: jilibdhig.
beerdhig -ga: (magac, lab, keli) marka aad wax ku soo foodsaara kaga hortagto si calool adayg ah. Siciid waa nin arrimaha ad'adag beerdhig u leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biyadhig
biyadhig¹: m.l Roob da'ay biyaha dhulka korkiisa uu kaga tago; xareed dhulka waran.
biyadhig²: f.mg1 (-gay, -gtay) Roob da'ay biyo dhul ku dhaafid; roob xareed dhul warid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
biyadhig
biyadhig¹: m.l Roob da'ay biyaha dhulka korkiisa uu kaga tago; xareed dhulka waran.
biyadhig²: f.mg1 (-gay, -gtay) Roob da'ay biyo dhul ku dhaafid; roob xareed dhul warid. m.f.dh, biyadhigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biyadhig
(fal) roob da'a, biyo ka tag ama daad dhaqaaji. Roobkii si fiican buu u biyadhigay.
biyadhig -ga: (magac, lab, keli) biyaha roobka da'aa uu dhigo. Biyadhigna malaha doog baad sheegiye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gundhigo
f.g3 (-gtay, -gatay) Wax la biirsanayo ama la taransanayo intii ugu horreysey billaabid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gundhigo
v., [compound] found, start, initiate, lay the foundation (for oneself)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gundhigo
(fal) gundhig ka dhigo ama ka yeelo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gundhigo
de: found, start, initiate, lay the foundation (for oneself)
lx: gundhigo
nt: gundhigad (ka) [vn2a-m], gundhigasho (/da) [vn6-f]
pd: (gundhigtay)
ps: v3b=cmp
key: gundhigo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
udubdhig
-ga: (magac, lab, keli) billawga iyo asaaska aqal la alkumayo. Arbacada waa udubdhig cusub oo waxa la taagayaa aqalkii arooska Xaawa iyo Aadan. Dh: dhagaxdhig.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
badidhace
badidhace¹: m.l (xisaab) Walaxda ama qiimaha leh rakaadka ugu sarreeya ee daato.
badidhace²: m.l (-cayaal, m.l/dh) 1. Waxa uu sheegaa laba dhinac ee geesole oo wadaaga gees. 2. Waxa uu sheegaa laba xaglood oo wadaaga gees iyo dhinac. 3. Laba weji oo ka mid ah wejiyada salxaale oo uu ka dhexeeyo geftin wadaag ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
badidhace
badidhace¹: m.l (xisaab) Walaxda ama qiimaha leh rakaadka ugu sarreeya ee daato.
badidhace²: m.l (-cayaal, m.l/dh) 1. Waxa uu sheegaa laba dhinac ee geesole oo wadaaga gees. 2. Waxa uu sheegaa laba xaglood oo wadaaga gees iyo dhinac. 3. Laba weji oo ka mid ah wejiyada salxaale oo uu ka dhexeeyo geftin wadaag ah.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Badidhace
Mode
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
curadxige
m.l/dh (-gayaal, m.l/dh) Wiil ama gabar dhalasho ku xiga curadka. la-mid: curadxigeen.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
curadxige
-ha: (magac, lab, keli) curadka kan ka yar oo ku dhalasho xiga.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kabadhige
(Kabadhiga-ha)
Qori jilicsan oo kabatolaha loo dhigo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabadhige
m.l (-gayaal, m.l/dh) Qori jilicsan oo kabaha marka la tolayo hoos looga dhigo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kabadhige
m. n., [compound] wooden block used by shoemakers
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kabadhige
-ha: (magac, lab, keli) qof marka uu madaxdiisa ama masuulkiisa arko khalkhala oo isku dhex daata. Dh: kabaside.
kabadhige: -ha: (magac, lab, keli) qoriga kabatoluhu kabaha u dhigo marka uu tolayo. Kaboolihii kabadhigihii baa ka jabay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kabadhige
de: wooden block used by shoemakers
lx: kabadhige
pd: (/ha)
ps: n7-m-cmp
key: kabadhige
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uuddhigis
-ta: (magac, dhedig, keli) beertu kolka ay bislaato, karoor dhigis. Beerihii way go'een oo uuddhigistii baa la billaabay.