buculo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buculo
magac loo baxsho gabadh kolkii ay dhalatay miisaankeedu yaraa ama fududaa; magaca gabadh jimidh yar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bucul
m.dh.u Qodaxda geedka sarmaanta marka ay qallasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bucul
magac loo baxsho wiil ku dhashay miisaan iyo jimidjyari.
bucul: (timaame) qof yari iyo fudayd isku darsaday. Ilmo yar oo bucul ah ayaa soo galay.
bucul-sha: (magac, dheddig, keli) qodaxda geedka sarmaanta marka ay qallasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buulo
(Buula-da)
Magaalo aad u yar oo badanaa ka kooban buulal; tuulo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buulo
m.dh Degaan buulal badan ka dhisanyihiin; tuulo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buulo
f. n. village
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
buulo
-buulada: (n) small village; hamlet (haam lit) ~ duddo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buulo
-da: (magac, dhedig, keli) magaalo yar badanaa ka kooban buulal. Buulo bannaankeeda lama dego. Dh: dabaayid, kaam, tuulo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
buulo
a: tuulo
de: village
lx: buulo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: buulo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buco
f.mg3 (-cday, -catay) Badar la dubay xamur noqosho.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
buco
s.m. - god, dalool.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buul
(Buul-ka)
1. Aqal yar oo aan hab wanaagsan u dhisnayn.
2. Aqalka shinbirta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buul
m.l (-lal, m.dh) 1. Aqal yar oo aan hab wanaagsan u dhisnayn. 2. Aqal shimbir. 3. Dhullax, kasoobax.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
buul
m.l (-lal, m.dh) 1. Aqal yar oo aan hab wanaagsan u dhisnayn. 2. Aqal shimbir. 3. Dhullax, kasoobax.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buul
m. n. hut; nest
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
buul
-ka: (n) [Plural buulal- buulasha] hut (hat); makeshift dwelling ~ waab
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buul
-ka: (magac, lab, keli) aqalka yar ee noocyada kala duwan leh ee ay shimbirtu dhisato.
buul -ka: (magac, lab, keli) aqalsoomaali aan si wanaagsan u dhisnayn, raro fiican ka samaysnayn.
buul -ka: (magac, lab, keli) timo badan ama dhogor badan. Dh: gas.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
buul
de: hut; nest
lx: buul
pd: (-ka Pl: buulal)
ps: n4-m
key: buul
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
buul
عُش الطَّائِرِ، وَكْرِ، كُوحَ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Budul
(Budul-ka)
1. Meel socodka cagaha lagu jilciyey.
2. Tub wax badan la maray; dhabbe.
3. Wax la tumay oo budo laga dhigay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
budul
m.l (-llo, m.dh) 1. Meel xoolaha marintoodu ay jilcisay oo habaas ka dhigtay. 2. Dariiq la maro, daw, tub, dhabbe. 3. Wax la tumay oo budo laga dhigay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
budul
m. n. powder; dust; beaten path, trail
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Budul
nickname-m powder; dust. Lit: dust colored
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
budul
(fal) eeg budli.
budul -ka: (magac, lab, keli) waddada lo'du marto ee boodhowda. Raad xoolaad. bohol-yowga hawd bay durduro budulka raacdaaye. Dh: qoode.
budul-ka: (magac, lab, keli) wax la tumay oo aad loo jilciyay sida badarka mooyaha lagu tumo. Dadka ilko beelaa jaadka budulkay ku cunaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
budul
de: powder; dust; beaten path, trail
lx: budul
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: budul
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bullo
(Bulla-da)
1. Cayaaraha waaweyn oo Soomaalidu tumato mid ka mid ah.
2. Midab (fardo).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bullo
m.dh 1. Ciyaar hiddaha iyo dhaqanka ka mid ah, ragga iyo haweenku wada ciyaaraan, leh jiib, jaan, buun, durbaan iyo biro la isku garaaco. 2. B. ah: midab fardood dambarka u eg.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bullo
m.dh 1. Ciyaar hiddaha iyo dhaqanka ka mid ah, ragga iyo haweenku wada ciyaaraan, leh jiib, jaan, buun, durbaan iyo biro la isku garaaco. 2. B. ah: midab fardood dambarka u eg.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bullo
f. n. Somali spin dance for men and women, accompanied by clapping
bullo [feminine] n./abs: olive brown, isabella color (of a horse)
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Bullo
name-f olive brown, Isabella color; light skinned. Cf: Bullaale, Bullow
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bullo
-bullada: (n) Somali traditonal folk dance
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bullo
-da: (magac, dhedig, keli) ciyaar aad u fac weyn oo caan ku ah gobolka Hiiraan iyo jiidaheeda waxaa na wada ciyaara ragga iyo dumarku oo leh gabayo la isku ammaano ama la isku caayo la isku na guubaabiyo xilliyada dagaalka iyo tabcashada beerahaba.
bullo: (tilmaame) midabka danbarka oo kale leh. Dh: bullaale.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bulul
m.l (-llo, m.dh) la-mid: bulu.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buqul
buqul¹: m.l (-llo, m.dh) Haruub yar oo dhallaanka caanaha lagu siiyo; dhoqol.
buqul²: m.dh Dhiil yar oo caanaha loogu shubo dhallaanka; dhoqol.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buqul
f. n. small vessel, receptacle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buqul
-ka: (magac, lab, keli) dhiil yar oo caanaha lagu shubto ama lagu liso. Buqul caano laguugu shub. Dh: aagaan.
buqul -ka: (magac, lab, keli) dhiisha furka lagu aabbudho. Burge iyo waxaa ii arrimin buqulkii gaabnaaye.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
buqul
a: bukur
de: small vessel, receptacle
lx: buqul
pd: (/sha)
ps: n1-f
key: buqul
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buuko
-da: (magac, dhedig, keli) wax isku cufan. Buukada tamayuluq baa leh.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BUULE
(Bule) S,C Dasysphaera robecchii Lopr., Amaranthaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buuli
(fal) eeg buullay.
buuli -ga: (magac, lab, keli) nin aqoon badan oo cilmi Ilaahay ku shubay. Ba'dana aan ka dhigo waanigii buuliga ahaaye. Dh: afgudhiye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buuro
buuro: f.g3 (-rtay, -ratay) Nafley mid kale si aan ogaan ahayn ugu dhicid; legdid.
bųuro: f.mg3 (-rtay, -ratay) Nafley cayilid; weynaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
buuro
bųuro: f.mg3 (-rtay, -ratay) Nafley cayilid; weynaansho. m.f.dh, bųurasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buuro
v. grow fatter; get stronger; swell up, increase in volume
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
buuro
-buurtay / buuratay: (v) become fatter or swollen buuryaqab ah: (adj) not circumcised; uncircumcised (an ser kam- saayzidh)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
buuro
de: grow fatter; get stronger; swell up, increase in volume
lx: buuro
pd: (buurtay)
ps: v3b=intr
syn: naax, cayil
key: buuro
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Buuxo
name-f fullness, the state of being full. Syn: Buux
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buuxo
magac loo baxsho gabadha reerka oo badhaadha ah dhalata, ama kolkii ay dhalatay aad u buurnayd.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuulo
f.mg3 (-uushay, -uulatay) Indhakuul marsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kuulo
f.mg3 (-uushay, -uulatay) Indhakuul marsasho. m.f.dh, kuulasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kuulo
v. apply make-up on one's eyelashes, put on eyeliner
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kuulo
de: apply make-up on one's eyelashes, put on eyeliner
lx: kuulo
nt: kuulad (ka) [vn-m], kuulasho (/da) [vn-f]
pd: (kuushay)
ps: v3b=intr
key: kuulo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tuulo
(Tuula-da)
Magaalo aad u yar; buulo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tuulo
m.dh (-ooyin, ml.) Magaalo yar oo meel miyi ah ku taal.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tuulo
m.dh (-ooyin, ml.) Magaalo yar oo meel miyi ah ku taal.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tuulo
f. n. village
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tuulo
-tuulada: (n) village (vil-laj) Ex: reer tuulaad; village people
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Tuulo
Villaggio
Village
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tuulo
-da: (magac, dhedig, keli) daabiyad yar oo dadku wax ka iibsado ama magaalo yar. Dh: daabiyad. Li: caasimad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tuulo
a: buulo
de: village
initial: t
lx: tuulo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: tuulo
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
tuulo
قَرْيَةً
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BUBUKO
(Bubbuco) S Crotalaria massaiensis Taub. Papilionaceae.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
bucato
s.m. - dhiqid dharka guriga, iyadoo la isticmaalayo oomo iyo biyo kulul.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
buckle
/bakal/buckling, buckled; (n) 1. birta suunka laga xiro (sida birta suunka gaariga iyo suunka dhexda) (v) 2. suun xirasho (suunka oo dhexda lugu xirto)
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
buckle
/bakal/ (n) 1. birty suungky. His belt has a red buckle. (v) 2. suung hirithow.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
buckle
n., (a ring with a tongue) xadabo, -adi.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
bùfalo
s.m. lo' gesi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buluto
*(xiddigo) meereyaasha qorraxda (sayaariinta) kan ugu danbeeya oo ugu fog, haddii xagga qorraxda laga eego; wuxuu qorraxda u jiraa 6000 (lix kun) oo malyuun oo km., meelahaas.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buluto
m.dh Meereyaasha qorraxda kan ugu dambeeya ee ugu fog.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
buluto
m.dh Meereyaasha qorraxda kan ugu dambeeya ee ugu fog.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Buluto
pr. n., loc. Pluto (the ninth planet)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Buluto
(n) Pluto (puluuto)', the ninth and usually farthest planet from the sun
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buluto
-da: (magac, dhedig, keli) meerayaasha cirka sare midkood. Dhulka iyo buluto waa meerayaal cadceedda la bah ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Buluto
de: Pluto (the ninth planet) {Eng}
lx: Buluto
pd: (/da)
ps: n0-loc-f
key: Buluto
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Dugulo
name-f dark, black
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Dugulo
magac loo baxsho gabadh madow u dhalatay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qufulo
f.g3 (-ushay, -ulatay) la-mid: qafilo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qufulo
(fal) qafil ku xidho. Sanduuqaaga qutulo yaan lagaa xadine. Dh: xidho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sukulo
f.g3 (-ushay, -ulatay) 1. Wax sukuliye ku tumasho. 2. Badar si isha looga bixiyo aayar u tumasho. 3. Digir duban qob ka qaadasho. la-mid: shukulo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sukulo
f.g3 (-ushay, -ulatay) 1. Wax sukuliye ku tumasho. 2. Badar si isha looga bixiyo aayar u tumasho. 3. Digir duban qob ka qaadasho. m.f.dh, sukulasho. la-mid: shukulo.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
bacillo
s.m. noole hal unugley ah oo aan la arki karin.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
backlog
/baakloog/ (n) shaqo ama wax is-gaargaaray ama isku-batay (isku-ururay waqti dheer). e.g. There is a huge backlog of refugees.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
bascule
bascule, n.f. - Leexo; Loox dheer oo laba qof midba dacal kaga fariisto oo laysku ruxo
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Batuulo
pr. n., [feminine] Batula
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Batuulo
name-f chaste, virgin
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Batuulo
bw: Arabic
de: Batula
lx: Batuulo
ps: name-f
key: Batuulo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bucasho
m.f.dh eeg buco.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
budèllo
s.m. mindhicir.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
buffalo
/baffalo/ (n) lo' gisi (lo' waaweyn oo duur joog ah).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
buffalo
/bafalo/ (n) loo gessy.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
bugalow
n., (large boat) baqlad, -di, dooni, -di, qanyad, -di.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bukurow
(tilmaame) qof sidii bukurta u kuusan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bululuc
bululuc!: (ereycodeed) lagu tusmeeyo daadashada biyaha. Biyihii bululuc buu gogosha ku siiyey. Dh: bululuq, bululux!
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bululuq
bululuq!: (ereycodeed) lagu tusmeeyo daadashada biyaha.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Buluuto
Pluto
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buluuto
-da: (magac, dhedig, keli) mid ka mid ah meerayaasha qorraxda oo ah ka ugu fog. Dh: baluuto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buqbuqo
(Buqbuqa-da)
Caano ciir ah iyo kuwo dhay ah oo laysku daray; buqbuqood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buqbuqo
m.dh Caano ciir ah iyo kuwo dhay ah oo la isku daray. la-mid: buqbuqood.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buqbuqo
f. n., (mass n.): sour milk
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buqbuqo
-da: (magac, dhedig, keli) dhay iyo ciir la isku daray. Buqbuqo haduu subag burcada dhali baxnaaneeya. Dh: buqbuqood.