bubid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bubid
-da: (magac, dhedig, keli) bub ciyaarid. Cali bubid laguma gaadho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buubid
(Buubid-da)
1. Hawada dhexdeeda ku duulid.
2. (geel) cararidda iyo dididda awrta aan weli rarka baran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buubid
m.f.dh eeg buub². la-mid: buub¹ (2)..
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buubid
-da: (magac, dhedig, keli) cabsi la cararid awrka raran, rarka tuurid. Buubidda layliga laha hayin kuma ogayne. Dh: buubis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bebid
(Bebid-da)
(cayaar), intii layska badiyey (tiro, foorad, duq,.,.) in le'eg dhalin, iska soo celin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bebid
m.f.dh eeg beb.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bebid
-da: (magac, dhedig, keli) ciyaar intii lagaa dhaliyey in le'eg dhalin. Bebid mar hore kuu ekayd imika keentay. Dh: bedid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bukid
(Bukid-da)
Bugto qabid; fayoobi la'aan; jirranaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bukid
m.f.dh eeg bug².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bukid
vl. n. ailing, becoming ill, getting sick
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bukid
-da: (n) ill health; sickness (sik nes) ~ bukto
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bukid
-da: (magac, dhedig, keli) xanuun qabid; fayoqabid la'aan. Bukid badan waa la isku nacaa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bukid
de: ailing, becoming ill, getting sick
lx: bukid
pd: (-da)
ps: vn-f
see: bug
key: bukid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bulid
m.f.dh eeg bul².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bulid
-da: (magac, dhedig, keli) bul ka dhigid maydha, xaskul iyo waxii la mid ah, feedhfeedhid ama tumid. Dh: bulis.
bulid-da: (magac, dhedig, keli) cunid wax laguu yareeyey. Bulid horey ku joogtaye, baahi may qabine.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buqid
(Buqid-da)
Biyo, neef, gaas iyo wixii la mid ah oo inta xoog ku soo baxa, daboolkii celina hayey tuura ama jeexa; dillaacid; burqasho; qarxasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buqid
m.f.dh eeg buq³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buqid
-da: (magac, dhedig, keli) wax buqanaya ahaan. Dhiisha buqidda ka ilaali.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
burid
burid: m.f.dh eeg bur². la-mid: buris.
bųrid: m.f.dh eeg bųr². la-mid: bųris².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
burid
-da: (magac, dhedig, keli) noole caymadin. Burinta baraarka ka jooji. Dh: eryid, caydhin.
burid -da: (magac, dhedig, keli) cibaado Ilaahay oo la gudanayay, jabid.
burid -da: (magac, dhedig, keli) ballan la xidhay oo dad ka dhexeeyay, khilaafid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cubid
(Cubid-da)
Meel daloosha cub ku gufeyn; gufeyn; awdid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cubid
m.f.dh eeg cub².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cubid
-da: (magac, dhedig, keli) meel daloosha, gufayn; awdid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dubid
(Dubid-da)
(cunno) dab ama raran ku bislayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dubid
dųbid: m.f.dh eeg dųb².
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dubid
-da: (n) the act of baking, roasting, broiling or grilling ~ solid, dubis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dubid
-da: (magac, dhedig, keli) dab dushii wax ku solid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gubid
(Gubid-da)
Dab saarid oo wax ku yeelid; wax gubtey ka dhigid; dab ku dhejin, qabadsiin; dab ku shidid; (cunno) bisayl dhaafin; kulayl badan dareensiin, gaarsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gubid
m.f.dh eeg gub². la-mid: gubis, gubniin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gubid
vl. n. arson, burning
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gubid
-da: (n) the act of burning ~ gubis-ta, gubniin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gubid
-da: (magac, dhedig, keli) kulayl badan meel gaadhsiin. Cudurrada badhkood gubiddaa u daawo ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gubid
de: arson, burning
lx: gubid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: gubid
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
gubid
حرق
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hubid
(Hubid-da)
Runteeda dhab loo og yahay; aad wax uga warqabid; ka warhayn aan shaki ku jirin; sugan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hubid
m.f.dh eeg hub².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hubid
-da: (magac, dhedig, keli) warhayn aan shaki ku jirin; wax runteeda dhab loo og yahay. Dh: hubis, sugnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qubid
(Qubid-da)
Daadin; firdhin; sayrin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qubid
m.f.dh eeg qub².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qubid
-da: (magac, dhedig, keli) wax meel ku jira daadin. Dh: firdhin, saydhin, qubis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tubid
(Tubid-da) Wax badan (xoolo, dad, ...) meel isugu keenid, meel tuurid; wax xoonsan ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tubid
m.f.dh eeg tub³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tubid
-da: (magac, dhedig, keli) dad xoolo iyo wixii la mid ah, wax badan meel iskugu soo ururin ama keened. Maxaad adhiga halkan usoo tubtay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yibid
-da: (magac, dhedig, keli) bub ama yib ciyaarid. Nin yibidda ku xariif ah ayaa tartankeeda ka qayb gala. Dh: bubid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ababid
(Ababid-da)
Yaraanta iyo korriimada hore, wax ku barasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ababid
m.f.dh eeg abab². la-mid: abaab¹, abaabid, abaabis, abab¹, ababis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ababid
vl. n. teaching (of the very young)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ababid
-da: (magac, dhedig, keli) daaqbarashada xoolaha yaryar. Dh: daaqbarad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ababid
de: teaching (of the very young)
lx: ababid
pd: (-da)
ps: vn2-f, vn1-f
key: ababid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baabid
-da: (magac, dhedig, keli) fal qofka ruuxiisa dhiba ku akhriyid; girigiri u samayn; sixir iyo wax xun u qabad. Baabiddu waa xaaraan. Dh: sixrid, baabis, qataarid, falid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Babcid
(Babcid-da)
Babac u dhigid ama ka dhigid: gudub u dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
babcid
m.f.dh eeg babac². la-mid: babac¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
babcid
-da: (magac, dhedig, keli) walax gudub u dhigid ama janjeedhin. Babcidda ayaa looxa u wanaagsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Boobid
(Boobid-da)
Si boob ah wax u qaadasho; hooshid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boobid
m.f.dh eeg boob². la-mid: boob¹ (4).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
boobid
vl. n. robbery, marauding; hurry, haste
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boobid
-da: (magac, dhedig, keli) si dhakhso ah wax xoog ugu qaadasho. Boobid sed laguma biirsado. boobis -ta: (magac, dhedig, keli) si degdeg ah wax qaadasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
boobid
a: boobis (ta)
de: robbery, marauding; hurry, haste
lx: boobid
pd: (-da)
ps: vn1-f, vn2-f
key: boobid
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Bulbil
Badhi yar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bulmid
(Bulmid-da)
Wax bulmay noqosho; sii gurmid; sii rifmid; shiiqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bulmid
m.f.dh eeg bulaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bulmid
vl. n. decay, decomposition, deterioration
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bulmid
-da: (magac, dhedig, keli) bul iyo shaash noqosho. Xiggu bulmidda wuu ku fiican yahay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bulmid
de: decay, decomposition, deterioration rw: bulan
lx: bulmid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: bulmid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buubin
(Buubin-ta)
1. Eryid, cagaajin.
2. Lalin, haadin, bitin, duulin.
3. (biyo) dhibco ama roob ahaan meel ama qof ku kor doojin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buubin
m.f.dh eeg buubi. la-mid: buubis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buubin
-ta: (magac, dhedig, keli) bajin oo wax maagay ka dhigid. Awrka buubinta ka daa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buubis
m.l la-mid: buubin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buubis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg buubid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buuqid
(Buuqid-da)
Si buuq ah u hadlid; bulaamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buuqid
m.f.dh eeg buuq³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buuqid
-da: (magac, dhedig, keli) si guux iyo buuq ah u hadlid. Buugid looma baahna waxqabad la kaalaya. Dh: bulaamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buurid
(Buurid-da)
Taallo qaab buureed leh samayn: weyneyn; kuusid; yuucid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buurid
m.f.dh eeg buur³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buurid
-da: (magac, dhedig, keli) intii hore ka weyneysiin; naaxin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buusid
m.f.dh eeg buus.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buusid
-da: (magac, dhedig, keli) buusbuus u yeelid, dhuucdhuucid u samayn. Buusidda buraashada adaa dhagax ku sii daayey.
buusid -da: (magac, dhedig, keli) hoos u diisid. Mooteerku buusid ma leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buuxid
(Buuxid-da)
Wax buuxa ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buuxid
m.f.dh eeg buux². la-mid: buux¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buuxid
-da: (magac, dhedig, keli) buuxsanaansho ahaan; wax budh ah ahaan. Weel afka jooga buuxid kale uma hadhin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cubmid
m.f.dh eeg cuban¹. la-mid: cugmid.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Cuboid
Sedjibeke
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Cudbid
Conduct ion
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dubmid
dųbmid: m.f.dh eeg dųban¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Duubid
(Duubid-da)
1. Boqor, kd., ka dhigid inta madaxa duub ama wax kale loo saaro; boqrid; caleemasaarid; ubaxsaarid.
2. Galoolid; (ku duubid) ku marid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duubid
duubid¹: m.f.dh 1. eeg duub². 2. eeg duub³. la-mid: duubis.
duubid²: m.dh Marka meseggada ama galleyda sabuul ka yeelan rabto.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Duubid
Rounding off
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
duubid
twist
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gudbid
(Gudbid-da)
1. Meeshii la rabey in la gaaro oo dabadeed la joogsado, sii dhaafid, ka sii shishammarid.
2. Ku joogsad la'aan; meel ka shishaysa tegid; dhaafid.
3. Ka hormarid; ka dheerayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gudbid
m.f.dh eeg gudub². la-mid: gudub¹ (3).
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Gudbid
Transitivity
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gudbid
-da: (magac, dhedig, keli) walax, dhinac u dhigid.
gudbid-da: (magac, dhedig, keli) meeshii aad joogtay, hore ama dhanka kale u dhaafid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
judbid
m.f.dh eeg judub².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qubmid
-da: (magac, dhedig, keli) daadasho aan joogsi lahayn. Dh: daadasho, qubasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qulbid
m.f.dh eeg qulub².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qulbid
-da: (magac, dhedig, keli) feker dartii isla hadlid. Dh: fekerid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qurbid
(Qurbid-da)
Jarjar yaryar jarjarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurbid
m.f.dh eeg qurub².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurbid
-da: (magac, dhedig, keli) qurubqurub u jarid, googoyn oo gabalgabal ka dhigid. Dh: jarjarid yaryarayn, qurbis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ruubid
(Ruubid-da)
(wax) ciid jilicsan ama wax kale oo la mid ah, dhex gelin, ku librin.