bubbucood
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bubbucood
m.l (-dyo, m.dh) Dhul buurar ciid ah iyo geedo leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buqbuqood
m.l la-mid: buqbuqo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buqbuqood
-ka: (magac, lab, keli) dhay iyo ciir la isku daray.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BURBUROOD
(Burburod) N Triaspis sp. aff. T. niedenzuiana Engl. Malpighiaceae.
S Hildebrandtia africana Vatke. Convolvulaceae.
N Cyclocheilon somaliense Oliv. Cyclocheilaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
burabburood
-ka: (magac, lab, keli) midab lo'du leedahay oo dhawr nooc isugu jira. Burabburood ma moodaynin sacaad raadinaysay kan mar horaan arkay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buraburood
-ka: (magacwadareed, lab) buurbuur qooshku yeesho marka la garaacayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dubburyood
(Dubburyood-ka)
Haftood; xuurtood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dubburyood
m.l la-mid: dibbiryood.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dubburyood
v.pat: be short of breath
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dubburyood
-ka: (magac, lab, keli) neefqabataw nakhaska la soo bixin kari waayo. Muquurtu waxay keeni kartaa dubburyood. Dh: neefqabatow.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dubburyood
de: be short of breath
lx: dubburyood
pd: (dubburyooday)
ps: v1=pat
see: dibbiryood
key: dubburyood
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buuhood
(Buuhood-ka)
Dhulka meelihiisa jilicsan oo ruubta ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buuhood
m.l 1. Ciid jilicsan oo boor badan. 2. Dhir wax lagu daweeyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
buuhood
m.l 1. Ciid jilicsan oo boor badan. 2. Dhir wax lagu daweeyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buuhood
m. n. soft spots in the ground; marsh, swamp
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buuhood
-ka: (magac, lab, keli) dhul ciid jilicsan leh oo bus ah. Buuhoodkaas geela u foofiya.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
buuhood
de: soft spots in the ground; marsh, swamp
lx: buuhood
pd: (-ka)
ps: n0-m
key: buuhood
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
murkucood
-ka: (magac, lab, keli) murkuco ku gaadhid; kala goyka ka dhaawacmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
busaanbusood
-ka: (magac, lab, keli) eeg busaanbus.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bacood
m.dh Meel taag ah oo aan geedo lahayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bacood
m.dh Meel taag ah oo aan geedo lahayn. bacramid m.f.dh eeg bacran¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bacood
-da: (magic, dhedig, keli) dhul bannaan oo xooladaaqeen ah. Iduhu waxay ku naaxaan dhulka bacoodda ah. Dh: bocood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bocood
-da: (magac, dhedig, keli) bannaan xoolo-daaqeen ah. Bocoodkaa ku dareeriya baraarka. bocood-da: (magac, dhedig, keli) ciid jilicsan, aan buuraley iyo kaymaley midna ahayn. Haddii aad bannaankiyo, bacoodaha aad ka guurtaan.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BUBUKO
(Bubbuco) S Crotalaria massaiensis Taub. Papilionaceae.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bucbuc
m. n. chubby child
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bucbuc
-a: (adj) chubby (jaabi); fat ~ butuc
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bucbuc
de: chubby child
lx: bucbuc
pd: (-a)
ps: n2-m
key: bucbuc
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bukood
m.l la-mid: bukasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bukood
m.l eeg buko.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bukood
v.pat: get sick, become ill
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bukood
-ka: (magac, lab, keli) bugtaan qabid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bukood
de: get sick, become ill
lx: bukood
pd: (bukooday)
ps: v1=pat
key: bukood
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buqbuqo
(Buqbuqa-da)
Caano ciir ah iyo kuwo dhay ah oo laysku daray; buqbuqood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buqbuqo
m.dh Caano ciir ah iyo kuwo dhay ah oo la isku daray. la-mid: buqbuqood.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buqbuqo
f. n., (mass n.): sour milk
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buqbuqo
-da: (magac, dhedig, keli) dhay iyo ciir la isku daray. Buqbuqo haduu subag burcada dhali baxnaaneeya. Dh: buqbuqood.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
buqbuqo
de: sour milk
lx: buqbuqo
pd: (/da)
ps: n6-f-mass
key: buqbuqo
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
buskood
-ay / buskootay: (v) recover (ri-ka-ver); convalesce (kon-va-les); recuperate (ri-kuu-pareeyt); regain normal health; get better ~ rayso, xafaaroob
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
BUUXOOW
Neuracanthus polyacanthus 01
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dibbood
(Dibbood-ka)
(xoolo) aan habeenkii soo xeroon ee dibadda ku dhaxa; dibjir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dibbood
dibbood¹: m.l Baadi cidla bariday.
dibbood²: f.mg1 (-day, -dday) Xoolo, xeradoodii ka dhixid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dibbood
m. n., [collective] livestock not brought into the fold at night
dibbood v. be left out at night (of animals)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dibbood
-ay / dibbootay: (v) lost animal, especially missing home at night
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dibbood
(fal) miro oo ha soo hoyan.
dibbood -ka: (magac, lab, keli) maqnaansho ay xooluhu habeenkii xeradooda ka dhaxaan oo aanay soo hoyan. Dh: mirasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabbood
m.l la-mid: gabbasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabbood
-ka: (magac, lab, keli) meel dhaxanta, roobka ama qorraxda lagaga dhuunto. Dh: dugsi, gabbaad, dhufays, daho. Li: daleed, bannaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gubnood
(Gubnood-ka)
Cunnada bisayldhaafta inteeda gubata, madoobaata.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gubnood
m.l Cunta la karinayo inta weelka salkiisa ku dhegta;gugub, qolof.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gubnood
m.l Cunta la karinayo inta weelka salkiisa ku dhegta;gugub, qolof.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gubnood
m. n. burnt food
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gubnood
-ka: (n) burned or burnt food
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gubnood
-ka: (magac, lab, keli) dheriga marka raashinka lagu kariyo inta dheriga guntiisa ku dhegta ama dabka u xigta.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gubnood
de: burnt food
lx: gubnood
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: gubnood
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gurbood
(Gurbood-ka)
Carruur; dhallaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gurbood
m.l.u Dhallaan; carruur.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gurbood
m.l.u Dhallaan; carruur.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gurbood
m. n., [collective] children
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gurbood
-ka: (n) young children ~ carruur, ciyaal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gurbood
-ka: (magac, lab, keli) carruurta da'da yaryar. Gurbood gaajo ma xammilo. Dh: ubad, dhallaan, maati, gorbi. Li: waayeel.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gurbood
de: children
lx: gurbood
pd: (-ka)
ps: n0-m-col
syn: carruur, dhallaan, manqo
key: gurbood
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jibbood
m.l la-mid: jidbood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jibbood
-ka: (magac, lab, keli) marka la sheegayo in qof kalgacal uu wax u qabo darteed u miyir beelo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabbood
kabbood¹: m.f.l eeg kabboo.
kabbood²: m.l (-dyo, m.l) Lebbis qaab shaati leh qariya qoorta ilaa lawga, qaro uu dhaxanta ku celiyana leh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kabbood
m.l (-dyo, m.l) Lebbis qaab shaati leh qariya qoorta ilaa lawga, qaro uu dhaxanta ku celiyana leh.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kabbood
-ka: (n) overcoat (overkowt) ~ kabboot
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kabbood
-ka: (magac, lab, kali) jaad ka mid ah dharka lagu xarragoodo oo dhaxantana celiya. Dh: koodh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kurbood
(Kurbood-ka)
Kurbo qabid; kurbaysnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kurbood
m.f.l eeg kurboo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kurbood
m.f.l eeg kurboo.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kurbood
-ay I kurbootay: (v) feel worry, uneasiness or anxiety
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kurbood
-ka: (magac, lab, keli) kurbo qabid; kurbo dareemid; kurbaysnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
luufood
m.l (botani) Geed ka mid ah geedaha beeyada dhala.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
luufood
m.l (botani) Geed ka mid ah geedaha beeyada dhala.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
luufood
-ka: (magac, lab, keli) qolofta geedka la sarco marka xabagta laga dhammaysto sida qolofta fooxa. Luufood ayaan soo guray.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
murcood
m.l la-mid: murcud.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
murcood
m.l la-mid: murcud.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MURCOOD
(Murot) C,S Ximenia americana L. Olicaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
murcood
-ka: (magac, lab, keli) qof hadal taagtaagan oo aan u meel dayin hadalkiisa.
murcood -ka: (magac, lab, keli) midho ka baxa geed gaabka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Muusood
(Muusood-ka)
Dhoolbirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muusood
m.l la-mid: muusaabid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
muusood
m.l eeg muusaw.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
muusood
v.pat: smile
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muusood
(fal) qosol dhoolla caddayn ah oon weyneyn qosol. Kolkaad qoslaysid afka ha waaxine muusood. Dh: muusoo, dhoolla caddee.
muusood -ka: (magac, lab, keli) qosol dhoolla caddayn ah oo la qoslo. Muusoodku waa calaamad raali ahaansho. Dh: dhoollacaddayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
muusood
bw: muusaab
de: smile
lx: muusood
nt: muusood (ka) [vn-m]
pd: (muusooday)
ps: v1=pat
key: muusood
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suurood
m.f.l eeg suroo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
urugood
m.f.l eeg urugoo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
urugood
m.f.l eeg urugoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
urugood
-ka: (magac, lab, keli) dhacdo ka uurxumaad; wax dhacay ka murugood. Urugood baa nafta kaa jaray ee is ka samir walaal. Dh: tiiraanyood.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
babbuino
s.m. - daayeer.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
babyhood
/beybihuudh/ (n) waqtiga caruurnimada
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Burburid
(Burburid-da)
Burbur noqosho; jajabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
burburid
m.f.dh eeg burbur². la-mid: bururid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
burburid
-da: (magac, dhedig, keli) kala jajabid, kala daadad sida dhisme ama maamul. Burburidda shirka boqorkaa sababay.
burburid-da: (magac, dhedig, keli) ciyaar la dheelayo ama wacdi iyo wax sheeg diini ah ama qasiido nebi ammaan ah ku qiirood. Burburid buu ku dhowaaday sheekhu. Dh: jibbood, muxubbood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
burburow
-ga: (magac, lab, keli) eeg burburid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
burburso
f.g3 (-saday, -satay) Wax is haystay ilkaha ku jajabsasho. la-mid: bururso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
burburso
v. break something in small pieces in order to eat it
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
burburso
(fal) wax adke ah oo afka kuugu jira ilkaha ku ridiq. Burburso nacnaca oo kaalay seexo. Dh: jajabso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
burburso
a: bururso
de: break s.t. in small pieces in order to eat it
lx: burburso
pd: (burbursaday)
ps: v3a=tr
key: burburso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dubburyo
(Dubburya-da)
Hafto; xuurto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dubburyo
m.dh la-mid: dibbiro.