bref
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
bref
bref, adj. - Hadal; qoraal; iwm oo yar ama wakhti yar ku eg; gaaban.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
brief
/biriif/briefing; (n) 1 kooban; gaaban hadal ama qoraal kooban oo waqti yar qaata (v) 2. akhbaar kooban siin (badanaa muhiim u ah wax la bilaabi doono) e.g. Let me brief you about this meeting.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
brief
/biriif/ (adj) gaabyng, koobyng amy yer. A brief piece of news.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
beef
/biif/ hilibka lo'da
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
beef
/biif/ so lo (hilib lo). Beef sausage.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
beef
n., hilib lo’aad, hilibki lo'da.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
brew
/bruu/ (v) 1. kamry miirow amy suubiyow. 2. shaahy amy gahwy suubiyow. 3. Athuuthow.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
brew
v.tr., (to prepare, as a liquor, from several ingredients) qoosh, isku qoosh, isku dar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baraf
(Baraf-ka)
Biyo, qabow darti la guntama, oo sida dhalada u iftiima oo u dhalaala.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baraf
m.l (-fyo, m.dh) 1. Biyo, qabow awgiis adke isku beddeley. 2. B. ah: wax aad u qabow.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baraf
m.l (-fyo, m.dh) 1. Biyo, qabow awgiis adke isku beddeley. 2. B. ah: wax aad u qabow.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Baraf
Ice
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Baraf
Snow, Ice
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baraf
m. n., (mass n.): ice, snow, sleet, hail
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baraf
-ka: (n) 1. ice (aays) Ex: warshadda barafka; ice factory. 2. snow (isnoow)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baraf
-ka: (magac, lab, keli) biyo qabaw dartii la fadhiistay oo dhagaxoobay. Waan surmiyey biyaha baraf iigu rid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baraf
de: ice, snow, sleet, hail
lx: baraf
pd: (-ka)
ps: n0-m-mass
key: baraf
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
baraf
جَمَدَ، جَلِيدٍ، ثَلْجِ
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
beefy
/biifi/ (adj) murgo weyn (xoog weyn)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
belef
-ta: (magac, lab, keli) war aan xaqiiq loo ogayn; war kugu soo duulay, aan hubaal ahayn. Dh: bawsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biree
f.g2 (-reeyay, -raysay) 1. Nafley dhuunta iyo halbowlayaasha mindi ugu goyn. 2. Neef la qalanayo si sharciga waafaqsan dhuunta iyo halbowlahayaasha mindi ugu goyn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
biree
f.g2 (-reeyay, -raysay) 1. Nafley dhuunta iyo halbowlayaasha mindi ugu goyn. 2. Neef la qalanayo si sharciga waafaqsan dhuunta iyo halbowlahayaasha mindi ugu goyn. m.f.dh, birayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
biree
v. make into iron
biree v. slaughter
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
biree
yey/biraysay: (v) the killing of animals for food; slaughter (isloo ter) by cuting throat, butcher (bujar) ~ gawrac
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biree
(fal) neef xoolo ah gawrac. Biree laxdu intayna bakhtiyin. Dh: xalaalee.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
boeuf
boeuf, n.m. (viande) - Hilibka lo'da; Jiir lo'aad.
animal - lo'
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
bread
/bareedh/ (n) 1. rooti (roodhi). e.g. Can you give me bread and eggs? (n) 2. caysh (wixii lugu noolaan lahaa). e.g. We don't have our daily bread.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
bread
/breed/ (n) rooty, muungfy.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
bread
n., kibis or kimis; hot-bread, kibis kulul; new bread, kibis diiran; stale bread, kibis qabow.
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
break
(v) (m) to crack or split into two or more pieces with sudden or violent force, esp. a bone.
jabis
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
break
/bareyk/breaking, broke; (v) 1. kala-jebin (jabin). e.g. He broke the window. (v) 2. khilaafid (sharci jebin). e.g. You are breaking the law. (n) 3. biririf, nasasho, bareeg. e.g. We need to take a break for lunch.(v) 4. gooyn; joojin (go'id). e.g. It is difficult for me to break the habit of smoking.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Break
Joojiye
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
break
/breyk/ (v) 1. jhibiyow, jhabow. He has broken the door. 2. gooyow. He broke the promise. (n) 3. neebsyshy (hoolly luku neebsythy). I am having a coffee break.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
break
v.tr., burburi, bururi, jebi, break the stick, break the glass, jejebi usha, galaaska jebi; break the bottles, qaaruuradaha jejebi; break your neck, qoorta is jebi; break silence, waa hadli kartaan; break the wall down, derbiga burburi; break the eggs, ugaxaan bururi; break the eyes, isha ka bururi; break the picture, sawirka bururi; break open the door, albaabka burburiya or burbursha or jiida or iska jiida or ku dhufta; break the prison, xabsiga jebi; break (quell) that horse, faraska ii tababar or jarra bar; break his back, dabada kala dhac; break the head, dakhar, ka dhangalashi; (violate) kufso.
break: v.i., (burst) burbur, burur, jejeb, jab, ka jab; the ice breaks, barafku waa burburaa or jajabaa; the ice broke, barafki jejeb; the glass broke, galaaski jejeb or burbur; when the wave breaks, kolka mawjaddu burburto; I broke my leg, lug baan ka jabay (literally: I was broken of my leg); break your leg, lug ka jab; my eye burst, il baa i bururtay.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
breed
/biriidh/breeding; (v) 1. taran, tarmid, dhalidda badan.(v) 2. xannaanayn (barbaarin).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
breed
/briidh/ (v) tarymow (hoola maddi bathythaang).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
breed
v.tr., (produce) yeelo, dhal; that child is cutting teeth, inanka ilkihiisii baa usoo baxaya; (bring up) kori.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
brève
agg. - kooban, gaaban.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buree
f.g2 (-reeyay, -reysay) Nafley bur la dhicid. la-mid: buraree.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buree
v. clobber, beat someone with a club
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buree
(fal) inta dadka in ka badan sii: dadka uga badi. Agoonka u buree ilmahaagu ha qadee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
buree
a: buraree
de: clobber, beat s.o. with a club
lx: buree
pd: (bureeyey)
ps: v2b=tr
key: buree
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
ebrèo
s.m. - Yuhuud.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
grief
/griif/ (n) tiiraanyo, calool-xumo.
good grief: /guud-griif/ (n) oraah la yiraahdo kolkii wax lala yaabo ama la dhibsado.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
grief
grief, n.m. - is dagaalid; isu cadhoon.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
grief
n., werwer, -ki, xumaan, -ti, qulub, -ki, silic, -i.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
seref
m. n. wooden food tray, communal food server
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seref
-ka: (magac, lab, keli) weel wax lagu haadiyo, badarka lagu ka la shaandheeyo. Seref iyo masaf wax ku haadi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
seref
cf: naar {C}
de: wooden food tray, communal food server
initial: s
lx: seref
pd: (-ka Pl serfo (/ha))
ps: n3-m
key: seref
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Weref
(Weref-ka)
Harjad; madaxdhulladhac; galgalad; haar°; (ama waraf).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weref
weref¹: m.l la-mid: wąraf¹.
weref²: f.mg1 (-ray, -rtay) la-mid: wąraf².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
weref
m. n. sling (for a slingshot); catapult
weref m. n., [abstract] restlessness due to pain, rage, zeal ~ enthusiasm
weref [inchoative] v. become restless due to emotion ~ pain, show disquiet
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
weref
-ka: (n) slingshot (isling-shat); sling (isling); catapult (kata-poolt) ~ wadhaf, waraf
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weref
-ka: (magac, lab, keli) harjad; haar, galgalad; madaxdhulladhac; waraf.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Birxeef
Nooc kamid ah soofaha birta oo leh jirjir middi oo kale u samaysan ee loogu isticmaalo ilkabixinta furaha la qorayo, birta la calaamadinayo iwm.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
debrief
/dhibiriif/ (v) waraysi-gaaban la yeelasho.