brebis
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
brebis
brebis, n.f. - sabeen.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Lax-da
brebis.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Babis
Marwaxadda buufinka ee inta gacanqabsiga laga wareejiyo qabaalka dabayl ku buufisa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bebid
(Bebid-da)
(cayaar), intii layska badiyey (tiro, foorad, duq,.,.) in le'eg dhalin, iska soo celin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bebid
m.f.dh eeg beb.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bebid
-da: (magac, dhedig, keli) ciyaar intii lagaa dhaliyey in le'eg dhalin. Bebid mar hore kuu ekayd imika keentay. Dh: bedid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bedis
-ta: (magac, dhedig, keli) bedidda wax magtiisa lagugu lahaa. Gaadhigii aad jiidhay bedistiisa ayaa lagaa sugayaa. Dh: magis.
bedis-ta: (magac, dhedig, keli) ciyaar intii jeer ee lagaa dhaliyey dib u dhalinteed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bejis
m.l la-mid: bojin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
debis
m.l Nooc libaax badeedka ka mid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jebis
1. (Jebis-ka) a) In is-haysata oo kol meel ka jabta ama ka go'da. b) Ood weyn oo is-haysata oo kol la gooyo; tis. c) Rarada, kd., kobta ama afka laga jebiyo, laga bilaabo (sida taxtaxa kebdaha). d) Waddo aan la falin. e) Jebin.
2. (Jebis-ta) Jebiso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jebis
jebis¹: m.l 1. In is haysata oo kol meel ka jabta ama ka go'da. 2. (-syo, m.dh) Ood weyn oo is haysata oo kol la gooyo; tis. 3. Rarada iyo wixi lamida meesha afka ah ee laga laabo. 4. J. ah: waddo weyn oo aan la falin ee maritaan keliya ku samaysantay. 5. Laba dawlis oo laysku soohay. 6. J. ah: ceel markaas la qoday. 7. la-mid: jebin.
jebis²: m.dh la-mid: jebiso.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jebis
m.l 1. In is haysata oo kol meel ka jabta ama ka go'da. 2. (-syo, m.dh) Ood weyn oo is haysata oo kol la gooyo; tis. 3. Rarada iyo wixi lamida meesha afka ah ee laga laabo. 4. J. ah: waddo weyn oo aan la falin ee maritaan keliya ku samaysantay. 5. Laba dawlis oo laysku soohay. 6. J. ah: ceel markaas la qoday.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jebis
vl. n. act of breaking
jebis [feminine] n. python
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jebis
-ka: (n) the act of breaking or defeating ~ jabin-ta, jebin-ta
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jebis
-ka: (magac, lab, keli) ka fullaacidda ama qayb ka dillaacinta wax meel ku yaallay. Dh: in, dalool, meel, qayb, qaar.
jebis-ka: (magac, lab, keli) nooc qaadka ka mid ah oo dhaadheer.
jebis-ka: (magac, lab, keli) ood in is haysata oo qof qaadi karo.
jebis-ka: (magac, lab, keli) waddo aan laga shaqayn oo rafaad ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rabis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg rabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tebis
tebis¹: m.l.kh Aan rimin waqtigii ay rimi lahayd (xoolo).
tebis²: f.mg1 (-say, -stay) Rimi waayid (xoolo).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tebis
-ka: (magac, lab, keli) eeg tebin.
tebis-ka: (magac, lab, keli) neef dhedig oo xilligii uu rimi lahaa dhaafay, rimi waayey. Dh: cashatab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
webis
m.l Nooc cawska ka mid ah oo lo'du daaqdo aadna ugu cayisho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
webis
m.l Nooc cawska ka mid ah oo lo'du daaqdo aadna ugu cayisho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yebis
-ka: (magac, lab, keli) waxyeelo ka dhalata nafaqo yari. Dh: qoonofur, telef
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baabis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg baabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Babbis
(Babbis-ka)
Qalab inta badan, caw midabyo badan laga tidco oo daab leh, oo dabka lagu belbeliyo ama kolkii la kululaado laysku babbiyo; wixii dabaysha kiciya oo xiisad u yeela oo dhan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
babbis
m.l (-yo, m.dh) 1. Qalab sida badan caw laga sameeyo oo wax lagu babbiyo. 2. la-mid: babbin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
babbis
m.l (-yo, m.dh) 1. Qalab sida badan caw laga sameeyo oo wax lagu babbiyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
babbis
m. n. fan
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
babbis
-ka: (n) fan (faan)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
babbis
-ka: (magac, lab, keli) qalabka wax lagu hufkiyo sida dabka ama la isku balfiyo.
babbis -ta: (magac, dhedig, keli) eeg babbin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
babbis
de: fan
lx: babbis
pd: (-ka)
ps: n2-m
syn: marawaxad
key: babbis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beecis
m.l la-mid: biicin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beecis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg beecin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beegis
-ta: (magac, dhedig, keli) beegid samayn ama cabbiraad. Beegista raxee oo hagaaji.
beegis -ta: (magac, dhedig, keli) ku beegid. Dh: abbaaris.
beegis -ta: (magac, dhedig, keli) ku beegid oo liishaamid. Ku beegista waa lagaa yaqaannaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beelis
-ta: (magac, dhedig, keli) waayis waxaad lahayd ama haysatay. Hanti beelis buu ahaadaa ninkaa dhaqanin hayntiisa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beenis
-ta: (magac, dhedig, keli) beenin wax horey loo sheegay. Wax beenis ah weli la nooma sheegin oo la xiriira dhimashada boqorka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beeris
m.dh la-mid: beerid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beeris
-ta: (magac, dhedig, keli) wax beerid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buubis
m.l la-mid: buubin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buubis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg buubid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
precis
/preysi/ (n) soo gaabsan (qoraal macnaha guud la qoro, oo aan faahfaahin lahayn).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
précis
précis, adj. - sugan; si sax ah loo sheegay; sax ah
précis, n.m. - buug yar mawduuc ka bixinaya fikrado ama fasiraad gaagaban
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Reebis
(Reebis-ta)
Reebid; joojin; qabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
reebis
m.dh la-mid: reebid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
reebis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg reebid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seebis
-ka: (magac, lab, keli) seebin.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Stebis
Steppes
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
berdedis
-ta: (magac, dhedig, keli) cabsi iyo naxdin kugu dhacda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bireeris
m.l (juqraafi) Duuduubka deggan, badanaa: fidsan, guud ahaan aan dhir lahayn, bannanno caws leh - dhul cawsaadka loolka dhexe - ee woqooyiga Maraykanka, ee qariya gobollada koonfureed ee Alberta, Saskatuun iyo Manitoba oo Kanada ah iyo Badhtamaha midowga Mareykanka ilaa bilow-kureed Buur Dhadhaabeedyada oo ay ugu barayeyso ilaa dhigta harada Mishigan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bireeris
m.l (juqraafi) Duuduubka deggan, badanaa: fidsan, guud ahaan aan dhir lahayn, bannanno caws leh - dhul cawsaadka loolka dhexe - ee woqooyiga Maraykanka, ee qariya gobollada koonfureed ee Alberta, Saskatuun iyo Manitoba oo Kanada ah iyo Badhtamaha midowga Mareykanka ilaa bilow-kureed Buur Dhadhaabeedyada oo ay ugu barayeyso ilaa dhigta harada Mishigan.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Bireeris
Prairies
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bireeris
-ka: (magac, lab, keli) deegaan badanaa fidsan oo guud ahaan aan dhir lahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carjebis
m.l la-mid: carjebin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wartebis
m.l la-mid: wartebin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wartebis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg wartebin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xabeebis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg xabeebid.
xabeebis-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale xabeebin oo wax xabeeb leh ka dhigid. Dh: xabeebin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaabis
m.dh la-mid: Abaabid; ababid. la-mid: ababis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaabis
-ta: (magac, dhedig, keli) neef ama ilmo dhowaandhalad ah, sida wax loo cuno baris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
babbiso
-da: (magac, dhedig, keli) cabsi been ah oo cid ku dhacda. Dh: sakati, cabsi, irdho.
babbiso -da: (magac, dhedig, keli) marawaxad ama caw ul la qabsado leh oo keenta hawo marka la dhaqaajiyo. Babbiso ii keen aan isku balfiyee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bararis
m.l Ciir in caano dhay ah lagu daray.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bararis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg bararid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
belelis
m.l la-mid: belbelin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
belelis
-ta: (magac, dhedig, keli) shidmista iyo ololista dabku leeyahay. Belelis iyo olol baxa maleh dabkaan xaabo loo gurine.
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
blemish
(n) a coloring or defect of the skin caused usually by a bruise, pimple, or scar.
bararsan
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
blemish
/baleemish/ (v) cillad u yeelid (calaamad xun oo wax halaynaysa u yeelid); ceeb lahaansho (turxaan leh). e.g. Her beautiful face was blemished by an injury to her nose.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
blemish
n., ceeb, -ti.
blemish, v.tr., (stain) ceebee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bururis
m.l la-mid: burburin; bururin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bururis
-ka: (magac, lab, keli) kala bashaagid oo biyo iyo dheecaan sii dayn. Isha hadduu dhagax ku dhaco bururis ayay halis u tahay.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
freebie
/friibi/ freebee (n) bilaash (lacag-la'aan).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iljebis
m.l la-mid: iljebin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
istebis
m.l (-syo, m.dh) (juqraafi) Dhul-cawsaadka loolka dhexe, oo ka kooban heer, guud ahaan bannaanada aan dhirta lahayn ee yurayshiya, oo fidsan gobollada hoose ee Danuub, iyo jiid weyn oo ah koonfurta yurub ee midowga soofiyati iyo koonfurta galbeed ee Sayberiya.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
istebis
m.l (-syo, m.dh) (juqraafi) Dhul cawsaadka loolka dhexe, oo ka kooban heer, guud ahaan bannaanada aan dhirta lahayn ee yurayshiya, oo fidsan gobollada hoose ee Danuub, iyo jiid weyn oo ah koonfurta yurub ee midowga soofiyati iyo koonfurta galbeed ee Sayberiya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
istebis
-ka: (magac, lab, keli) dhulcawsaadka loolka dhexe oo ka kooban heer, guud ahaan bannaanada aan dhirta lahayn ee yurayshiya, oo fidsan gobollada hoose ee Danuub, iyo jiid weyn oo ah koonfurta Yurub ee Midowga Soofiyati iyo koonfurta galbeed ee Saybeeriya.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
préavis
préavis, n.m. - sii ogeysiin; sii wargalin; u sii sheegid
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
precise
/prisays/ (adj) sax ah (aan khalad, saa'id iyo naaqus midna lahayn).
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
preciso
agg. sax ah, sugan.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
premise
/premis/ (n) hadal ama dood sabab ku salaysan (hadal sabab leh).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beenoobis
-ta: (magac, dhedig, keli) beenoobidda wax la sheegay.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
bourgeois
/buurjawaa/ (n) maalqabeenka dhexe (u dhexeeya kuwa sare iyo fakhriga)
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
bourgeois
bourgeois, adj. - Maalqabeen.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xeerjebis
m.l Qaybaha hadalka mid ka mid ah oo aan xeerka afka u yaal loo adeegsan karin. la-mid: xeerburis.