ereyga

bowdyokanax

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

bowdyokanax

DHAN

-a: (magac, lab, keli) marka ay cabsi daraaddeed luguhu kula gariiraan, tallabo iyo orod iska weydo. Bowdyokanax baa igu dhacay markaan libaaxa arkay. Dh: bawdyokanax.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

bowdajab

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) wax ku fashilanto ee ceebi ku raacdo. Bowdajab baa boqorkii beesha ka raacday goobta. Dh: bowdojab.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

toddobabax

DHAFANDHAAF
1

toddobabax¹: m.l Xaflad laba qof oo is aroosay toddoba beri kaddib loo sameeyo.

2

toddobabax²: f.mg1 (-xay, -xday; -bixi) Laba qof oo is aroosay toddobaadkii arooska ka bixid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

toddobabax

DHAFANDHAAF

m.l Xaflad laba qof oo is aroosay toddoba beri kaddib loo sameeyo.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

toddobabax

DHAFANDHAAF
1

(fal) aroos, toddoba ayaamood, ha kuu dhammaadeen.

2

toddobabax: -a: (magac, lab, keli) aroosku marka uu dhamaysto toddoba cisho.

waa la naqliyay ✓