ereyga

bowdaqaawi

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

bowdaqaawi

DHAN

f.mg2 (-iyay, -isay) U b.: qof cid uusan doonayn in uu la dagaallamo ereyo iyo falal cabsi geliya u jeedin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

bowdaqaawi

DHAN

f.mg2 (-iyay, -isay) U b.: qof cid uusan doonayn in uu la dagaallamo ereyo iyo falal cabsi geliya u jeedin. m.f.dh, bowdaqaawin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

bowdaqaawin

DHAFAN

m.f.dh eeg bowdaqaawi. la-mid: bowdaqaawis.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

bowdaqaawin

DHAFAN

-ta: (magac, dhedig, keli) xaydxaydasho been iyo baqacarar loo xaydxayto.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

bowdaqaawis

DHAFAN

m.l la-mid: bowdaqaawin.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

bowdaqaawis

DHAFAN

-ka: (magac, lab, keli) eeg bowdaqaawin.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

bawdaqaawis

DHAFAN

-ka: (magac, lab, keli) u xaydxaydasho dagaal been ah oo qof lagu cabsiinayo. Bawdaqaawiska beenta ah barbar ula joogso ma fulaad i moodday. Dh: fulabajin, fulagguul.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Bowdoqaawis

DHAFAN
1

(Bowdoqaawis-ka)

2

Dagaal u darbasho iyo xaydxaydasho been ah oo qof kale lagu bajina hayo; fulabbajin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

bowdoqaawis

DHAFAN

vl. n. girding one's loins; tucking up ones garments in preparation for a fight; bluff

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

bowdoqaawis

DHAFAN
1

de: girding one's loins; tucking up ones garments in preparation for a fight; bluff

2

lx: bowdoqaawis

3

pd: (-ka)

4

ps: vn2-m

5

syn: carcoorri

6

key: bowdoqaawis

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Dhoollatusad

DHAABAN
1

(Dhoollatusad-ka)

2

1. Isu miciyallisadka awrta qooqan.

3

2. (*) Xoogga qolo leedahay oo la soo bandhigo si cadowgu u arko oo u tixgeliyo.

4

3. Fulabbajis; bowdaqaawis.

5

4. Dagaal been ah; garmaame.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

carcoorri

DHAABAN
1

carcoorri¹: m.dh Bawdaqaawis been ah; garmaame.

2

carcoorri²: f.mg1/2 (-iyay, -iday/-isay; -iyi) Bowdaqaawis samayn; garmaamayn.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

dhoollatus

DHAABAN
1

dhoollatus¹: m.l 1. Isu miciyalisashada awrta qooqan. 2. Xoogga cidi leedahay oo la soo bandhigo si cadowga loogu niyad jebiyo. 3. Fulabbajis; bowdaqaawis. 4. la-mid: dhoollatusid.

2

dhoollatus²: f.mg1 (-say, -stay) 1. Awrta qooqan isu miciyallisasho. 2. Xoogga qolo leedahay muujin, si cadowgu u arko oo u tixgeliyo. 3. Fulabbajin. la-mid: dhoollatuso.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

dhoollatus

DHAABAN
1

dhoollatus¹: m.l 1. Isu miciyalisashada awrta qooqan. 2. Xoogga cidi leedahay oo la soo bandhigo si cadowga loogu niyad jebiyo. 3. Fulabbajis; bowdaqaawis.

2

dhoollatus²: f.mg1 (-say, -stay)1. Awrta qooqan isu miciyallisasho. 2. Xoogga qolo leedahay muujin, si cadowgu u arko oo u tixgeliyo. 3. Fulabbajin. m.f.dh, dhoollatusid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

sandaqaawi

DHAFANDHAAF

-ga: (magac, lab, keli) qof kibir miidhan ah; qof sanka ka hadla; kibir iyo aftaag dartood. Dh: cawaandi.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

bawdaqaawisad

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) u xaydxaydasho dagaal been ah oo qof lagu cabsiinayo.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

waqaafi

DHAFANDHAAF

(fal) u soco si daal ku jiro ama cagajid ah.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

boodaami

DHAFANDHAAF

f.g2 (-iyay, -isay) Boodaan ka dhawaajin (geel).

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

bowdajab

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) wax ku fashilanto ee ceebi ku raacdo. Bowdajab baa boqorkii beesha ka raacday goobta. Dh: bowdojab.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

dowyaqaan

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) qof jidadka la maro iyo dariiqyada aad u yaqaan. Ninka dalxiisiyaha ahi waa dowyagaan. Dh: dawyaqaan.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

barbaraawi

DHAFANDHAAF

-ga: (magac, lab, keli) idaha Soomaalida ee madaxa madow, magac looga yaqaan seyladaha dunida.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

bowdajabid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) jab kaa soo gaara bowdada ama fashilaad iyo dhabarjab hawl kaa soo gaadha. Bowdajabid ku rida cadowga oo baallaha ka mara. Dh: bawdajabid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

bowdabariile

DHAFANDHAAF

-ha: (magac, lab, keli) halka bawdada iyo badhidu iska galaan ee lugta xageeda sare. Dh: misig.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

bardaqsanaw

DHAFANDHAAF

(fal) noqo qof aad u buuran. Bardaqsanaw weligaa oo ha dhuuban.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Baryaqaadid

DHAFANDHAAF
1

(Baryaqaadid-da)

2

Raabsasho, calalin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

baryaqaadid

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg baryaqaad². la-mid: baryaqaad¹.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

baryaqaadid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) gawska wax ku raamsad. Dh: baryaqaad.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

baryaqaadis

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) eeg baryaqaadid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

boodaalaysi

DHAFANDHAAF
1

-ga: (magac, lab, keli) boodaalaysasho samayn. Boodaalaysi barataye buulka mocooyaday ka bood.

2

boodaalaysi -ga: (magac, lab, keli) boodaalaysi suubbin. Boodaalaysi bay kuraygii ciyaarayaan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

bowdlameeri

DHAFANDHAAF

f.g2 (-iyay, -isay) Bowd, bowdlameer u samayn.

waa la naqliyay ✓