bowdajabid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bowdajabid
-da: (magac, dhedig, keli) jab kaa soo gaara bowdada ama fashilaad iyo dhabarjab hawl kaa soo gaadha. Bowdajabid ku rida cadowga oo baallaha ka mara. Dh: bawdajabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bowdajab
-ka: (magac, lab, keli) wax ku fashilanto ee ceebi ku raacdo. Bowdajab baa boqorkii beesha ka raacday goobta. Dh: bowdojab.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bowdajebis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg bowdajabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boqnajarid
m.dh la-mid: boqnagoyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boqnajarid
-da: (magac, dhedig, keli) boqnaha ka goyn oo curyaamin. Boqnajarid gawrac baa u dhaama.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bowdaqaawin
m.f.dh eeg bowdaqaawi. la-mid: bowdaqaawis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bowdaqaawin
-ta: (magac, dhedig, keli) xaydxaydasho been iyo baqacarar loo xaydxayto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bowdaqaawis
m.l la-mid: bowdaqaawin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bowdaqaawis
-ka: (magac, lab, keli) eeg bowdaqaawin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaddarjabid
m.dh la-mid: maskarjabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaddarjabid
-da: (magac, dhedig, keli) dhallin- yaranimo ku dhimasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cajabid
m.f.dh eeg cajab².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cajabid
-da: (magac, dhedig, keli) (la ~) la yaabid: la cajebid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jajabid
(Jajabid-da)
Dhawr inood ama cad noqosho; burburid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wajahid
m.dh la-mid: wejihid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wajahid
-da: (magac, dhedig, keli) ka hortegid: foolkafool u qaabilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wajaqid
m.f.dh eeg wajaq².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wajaqid
-da: (magac, dhedig, keli) wax waalan oo waqsan noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badqabid
-da: (magac, dhedig, keli) nabad iyo amaan ku jirid. Badqabiddaada ayaan ku faraxnay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bedqabid
m.f.dh eeg bedqab. la-mid: bedqabis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bedqabid
-da: (magac, dhedig, keli) nabadqabid aan wax iin ama waxyeella ah lahayn. Bedqabid laguma waaree intaad bedqabto wax qabso. Dh: nabadqabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bilaabid
(Bilaabid-da)
Bilaw u yeelid; ku dhaqaaqid; abuurid; curin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bilaabid
m.f.dh eeg bilow². la-mid: billaabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bilaabid
-da: (magac, dhedig, keli) meel wax unkamo u yeelid. Bilaabid fiican baad ku bilowday. Dh: dhaqaajin, curin, ambaqaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boodaami
f.g2 (-iyay, -isay) Boodaan ka dhawaajin (geel).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cadaabid
(Cadaabid-da)
Cadaab ku ridid; kadeedid; saxariirin; naarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadaabid
m.f.dh eeg cadaab².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadaabid
-da: (magac, dhedig, keli) kadeedid oo saxariirin; dhib gaadhsiin.
cadaabid -da: (magac, dhedig, keli) 'awood Ilaahay' cadaab ku ridid; naarta geyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dowdarid
-da: (magac, dhedig, keli) dawdarnimo samayn oo hadal badnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jawaabid
(Jawaabid-da)
1. Xoolo la shuba hayo, ku heesid.
2. Wax lays weyddiiyey, hadal ka celin; waxkadhihid; kadhihid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jawaabid
m.f.dh eeg jawaab³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jawaabid
-da: (magac, dhedig, keli) hadal hore, jawaab ka celin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sawaabid
m.f.dh eeg sawaab³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sawaabid
-da: (magac, dhedig, keli) sawaab siin; ajar siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waajibid
m.f.dh eeg waajib².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xorjabid
(Xorjabid-da)
(dhar) xorta ka jajabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xorjabid
m.f.dh eeg xorjab². la-mid: xorjab¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xorjabid
-da: (magac, dhedig, keli) jactadid oo wax aan caddifnayn noqosho. Dh: jactadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bardaamid
-da: (magac, dhedig, keli) miisaan saaritaan. Waa la soo miisay subagga bardaamid uma baahna.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
billaabid
m.dh la-mid: bilaabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
billaabid
-da: (magac, dhedig, keli) gudagalidda hawl hor leh. Billaabidda hawsha adaa lagaa sugayaa billaabmid-da: (magac, dhedig, keli) wax aan hore loo samayn, curasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boodaamin
m.f.dh eeg boodaami.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Booyaamid
(Booyaamid-da)
Hadal daroori ah tixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
booyaamid
m.f.dh eeg booyaan². la-mid: booyaan¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
booyaamid
-da: (magac, dhedig, keli) hadal aan kala joogsi lahayn dhurmid. Booyaamid hadal lagama dhergiyo muran baahi loo qabaye. Dh: daldalmid.
booyaamid -da: (magac, dhedig, keli) ku dhawaaqid cod ujeeddo leh. Booyaamid horey uma aqoon waase lay baraye. Dh: booyaamis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carajabid
-da: (magac, dhedig, keli) cadhaburburid; cadhajabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
catajabid
m.dh la-mid: cashatebid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dowddarid
m.f.dh eeg dowddar². la-mid: dawdarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goobaabid
m.f.dh eeg goobaab². la-mid: koobaabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goobaabid
-da: (magac, dhedig, keli) meel wareejin; goob maageerid. Goobaabidda ayaa ceelqodista ka horreysa. Dh: meegaarid, xeerid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Koobaabid
(Koobaabid-da)
Xarriiq ama seere ama wax la mid ah kor kaga soo wada wareejin, ku soo meerin; goobaabin ku soo wareejin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
koobaabid
m.dh la-mid: goobaabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
koobaabid
-da: (magac, dhedig, keli) xarriiq ama seere ama wax la mid ah kor kaga soo wareejin. Dh: googaabid ku wareejin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
niyajabid
-da: (magac, dhedig, keli) wax la rajaynayay ku hongoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qoolaabid
(Qoolaabid-da)
Wax qoolaaban ka dhigid; soo godid; nadoocin; qooxid; xoodid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoolaabid
m.f.dh 1. eeg qoolaab². 2. eeg qoolaaw².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoolaabid
-da: (magac, dhedig, keli) walax dheer afkeeda hore soo laabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Socdaalid
(Socdaalid-da)
Socdaal u bixid; safrid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
socdaalid
m.f.dh eeg socdaal². la-mid: sadcaalid, sodcaalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
socdaalid
-da: (magac, dhedig, keli) socdaal u bixid; safrid; sacdaal dheer galid. Socdaalidda badan waad xanuusanaysaaye iska ilaali.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boodhaagid
-da: (magac, dhedig, keli) wax laagid. Boodhaagid shuuro looma cuno. Dh: labid, qasid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bowdaqaawi
f.mg2 (-iyay, -isay) U b.: qof cid uusan doonayn in uu la dagaallamo ereyo iyo falal cabsi geliya u jeedin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bowdaqaawi
f.mg2 (-iyay, -isay) U b.: qof cid uusan doonayn in uu la dagaallamo ereyo iyo falal cabsi geliya u jeedin. m.f.dh, bowdaqaawin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gondaqabad
m.l la-mid: gondaqabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
himmajabid
m.f.dh eeg himmajab². la-mid: himmadjabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quwadjabid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg quwadjab.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bowdabariile
-ha: (magac, lab, keli) halka bawdada iyo badhidu iska galaan ee lugta xageeda sare. Dh: misig.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bawdaqaawis
-ka: (magac, lab, keli) u xaydxaydasho dagaal been ah oo qof lagu cabsiinayo. Bawdaqaawiska beenta ah barbar ula joogso ma fulaad i moodday. Dh: fulabajin, fulagguul.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bowdoqaawis
(Bowdoqaawis-ka)
Dagaal u darbasho iyo xaydxaydasho been ah oo qof kale lagu bajina hayo; fulabbajin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bowdoqaawis
vl. n. girding one's loins; tucking up ones garments in preparation for a fight; bluff
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bowdoqaawis
de: girding one's loins; tucking up ones garments in preparation for a fight; bluff
lx: bowdoqaawis
pd: (-ka)
ps: vn2-m
syn: carcoorri
key: bowdoqaawis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buuryaqabid
-da: (magac, dhedig, keli) baaro qabid; gudis la'aan. Islaamku ragga buuryagabid uma oggola. Dh: buuryaqabis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhabarjabid
(Dhabarjabid-da)
Hawl aan loo adkaysan karin qabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabarjabid
m.f.dh eeg dhabarjab². la-mid: dhabarjab¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabarjabid
-da: (magac, dhedig, keli) dhibaato weyn oon laga soo waaqsan karin la kulmid. Khilaafku dhabarjabid ayuu maamullada dhaxal siiyaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gondaqabsad
m.l la-mid: gondaqabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
handaraabid
m.f.dh eeg handaraab².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
himmadjabid
m.dh la-mid: himmajabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maskabjabid
m.dh l maskarjabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maskarjabid
m.f.dh eeg maskarjab². la-mid: maskabjab¹, maskabjabid, markarjab¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maskarjabid
-da: (magac, dhedig, keli) qarqoomid oo berriga u baxsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nafsadjabid
-da: (magac, dhedig, keli) niyadjabid: ka quusasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaddarjabin
m.dh la-mid: maskarjabin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaddarjebid
m.dh la-mid: maskarjabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sharafjabid
-da: (magac, dhedig, keli) muunajabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bawdaqaawisad
-ka: (magac, lab, keli) u xaydxaydasho dagaal been ah oo qof lagu cabsiinayo.