bowdabbaariile
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bowdabbaariile
m.l (-layaal, m.l/dh) Meesha ay barida iyo bowdadu iska galaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bowdabbaariile
m.l (-layaal, m.l/dh) Meesha ay barida iyo bowdadu iska galaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bowdabariile
-ha: (magac, lab, keli) halka bawdada iyo badhidu iska galaan ee lugta xageeda sare. Dh: misig.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bawdabariile
-ha: (magac, lab, keli) eeg bawdabadhiile.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bowdo-barile
(Bowdo-barila-ha)
Lugta qaarkeeda sare: kobta barida iyo bowdadu iska galaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bowdo-barile
m. n., [compound] groin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bawdabadhiile
-ha: (magac, lab, keli) lugta qaarkeeda sare; halka ay badhida iyo bawdadu iska galaan. Dh: bawdabariile.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bowdaqaawin
m.f.dh eeg bowdaqaawi. la-mid: bowdaqaawis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bowdaqaawin
-ta: (magac, dhedig, keli) xaydxaydasho been iyo baqacarar loo xaydxayto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bowdaqaawis
m.l la-mid: bowdaqaawin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bowdaqaawis
-ka: (magac, lab, keli) eeg bowdaqaawin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cawabbariin
m.f.dh eeg cawabbarii. la-mid: cawabbarisiin.